site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dugaag 10 duur ku jiray oo gaajo dubatey oo duunyadii lagu soo daayey ma meel doog leh bay daajin mise way kala diiran?!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): Dugaag 10 duur ku jiray oo gaajo dubatey oo duunyadii lagu soo daayey ma meel doog leh bay daajin mise way kala diiran?!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Monday, August 21, 2000 - 10:08 am
Asalaamu Calaykum
Soomaaliyeey wixii wanaag noo keenaya haba yaraado oo xaalada hada aan ku jirno ka roon xag kasta gaar ahaan diinta iyo Nolasha kale waa in aan yeelno.

Isku dir igama aha laakiin waxaan idin weydiiyey Qabqablayaashii aad taqaaneen oo iyaga oo aan quwadlahayn aan ka baxsan waynay hadii la yiraahdo adinku hogaanka qabta maxaad ka filaysaan?Labo qodob baa maskaxdayda ku soo dhaca
1- mid waa Aayadii Quraanka ahayd ee qaybteedii ka hadlaysay dhulka in Allaah leeyahay kalmad macnaheeda Soomaali ahaan yahay ( dhulka kiisa khabiith-ka ah ma soo saaro waxaan qurun ahayn oo aan fiicnayn).Fikradaas oo aniga xagayga ii raajaxsan sidaan qabqablayaasha uga baranay waxaan is dhahaa raga waxaas hada falaya iyagoon awood lahayn oo Ilaah gaalo jacayl mid cad iyo madowba lagu manaystey maxaa laga fili!

2- In la is yiraahdo sidaa Nabiga laga wariyey hadalkii macnahiisu ahaa ( Waxaan Ilaah ka rajaynaynaa in Ilaahey dhabarkooda ka soo saaro kuwo diinta u hiiliya).Arintan dad badan baa u hanqaltaaga oo leh amaa dadkaan diin Islaam nagu xukumaan!!!!!!!!!!!! Waa tahay.

Anigu waxaan idin xasuusinayaa Xadiiskii Nabiga salalaahu calayhi wasalam ee macnahiisu ahaa markuu nabigu ka hadlayey qofka magaca iyo isla waynida raba uu ku sheegay labo yeey(uubato) oo lagu soo daayey ari sida ayna wax uga tegayn ayuu qofkaas camalkiisu khatar ugu jiraa.

Marka maxaa idiin diidey inaad dad fiican aad la soo shir tagtaan.Marka ama afeef hore lahaada ama adkaysi dambe.
WA BILAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, August 21, 2000 - 10:45 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Gacaliye Samowade Ilaahay Nabad Ha Ku Yeelo oo Akhiriyo Adduun kii liibaana Ha Kaa Yeelo.

Su'aashada "maxaa idiin diidey inaad dad fiican aad la soo shir tagtaan" waa mid mug weyn oo baaxad ballaaran oo murtiyo macno badan xambaarsan oo gar cas iyo culumada ka baaran degi in badanna garka iyo madaxa xoq xoqon.

Waxaanse ku waydiiye "dad fiican" meel ma ku sheegi kartaa?

Dad fiican oo Rabbi ka baqa ragna yaqaan annagana noo roon maxaan ku diidi waaba DAHAB e?

Halkee, mahee, meehsee, goobtee, kobtee iyo jihadeed Samowadow dadkaa fiican aad ku soo aragtay aan u kabo gasheen!

Halkoona Allaha Ka Dhigeen Samowadow noo sheeg dad fiican!

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Saturday, August 26, 2000 - 06:28 am
Asalaamu Calaykum
Aad ayuu umahadsanyahay Walaalkiin sida sharafta badan oo loo wada hadlayo baa garanaysaa in meeshaa ay jirto wax garadnimo.

Waxaa xaqiiqo ah in dad fiican haba yaraadeene la helayo laakiin dadkii baad moodaa inay ka luntey miisaankii lagu kala garan lahaa fiicnaanta qofka iyo xumaantiisa oo hadii ay isku qabiil yihiin isaga ceebtiisu uma muuqato laakiin hadii meesha dowladnimo laga hadlayo qabiil ma imaanayo maxaa yeeley waa dab iyo baasiin.
Marka arinta ayaamahan waan hakinaynaa si ayna u noqon mid dhib keenta marka walaalkiis bal waxaan sugaynaa Madaxwaynaha la doortey iyo sida uu u howlgalo haduu fiicnaado waa sidaan rabnay hadii kale waqtigeedaan ka hadli doonaa.

Min fadhlikum wowduucaan hada waa xiranyahay oo xaalad kalaan ku jirnaa marka bal waqti ha la sugo
Mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Saturday, September 02, 2000 - 05:25 am
Asalaamu Aleeykum

TO:SAMAWADE IYO AKHRISTAYAASHA

waxaad u egtahay walaal marin habaabay,macnaha waxa aad ka hadashay waa sax laakiin waa goorma goorta ay dhici karto sidaad u hadashay? shacab ahaan ma nihin dad heerkaa u bislaaday ee hana tikhaantikhin horaa loo yiri qooleey qoor qabad biyo kuma cabtee.waxaan hada rabnaa oo kaliya nidaam maha maxun yahay mise waa fiican yahay? maha yaa wada nidaamaka? maha macadaaladbaa? arinka wiil yarbaatahay ee waa nidaam maleenahay wakaa fikirku.halkaa kaduul.dibadeed u bisloow qurxin iyo cadaalad maamul.inta bariga iyo bada iyo hawada dalka hooyo dayacantahay hadal ma kuu eka,ee cagta inoo dhig bro.ilaa soomaaliya dhawr iyo toban madax weeyne soomaraan maamul wanaag meesha hasoo dhigan ee arinku waa calan makuu taagan yahay.tolbeeli waayee wiilyohow yari xageed igala hadashay!!!!! soow ma ogid in wadamada galbeedku ay diideen in aynu wax sameeysanay!! laakiin shalay burburkii waa layna hareereeyay idacadahana inagaa usareeynay.hadana cidna matiraahdo xataa warnimankii ragbaa ukocoo tashade.waakabaxay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.