site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Democracy In Somalia (in somali language)

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): Democracy In Somalia (in somali language)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mooge

Thursday, August 24, 2000 - 06:33 am
http://somalinet.com/news/snet/24Aug2000090838.shtml

Quote:
____________
Sudoo kale waxaa isna maanta tanaasulaad sameeyay Shire Suudi Maxamed oo sheegey in uu hore xilalkii dalka soomaaliya soo gaarey jagooyin sarsare isagoo xiganaayo hadaladii ay soo jeedsheen musharaxiintii ka horeysay waxaa uu yiri "waxaan u maleynayaa sadex kamid ah musharaxiinta mooye inteenan kale waxaan howlo ka soo qabanay maamuladii hore hase ahaa tee waxaan carabka ku dhufaneyney oo kaliya in madaxweyne-yaashii xiligaa ay xumaayeen oo aad idinku iska saarteen, maxaad u oronweydeen waxan badaleynaa nidaamkii hore ee xukumadihii dalka ee hore, maxaad u oran weydeen waxaan wax ku laheyn burburkii dowladihii hore, mid kalena waan idiin sheegayaa oo ah shirkan dib u heshiisiinta ee ummada soomaaliyeed waxaa uu xitaa kasbey in aan maanta barlamaanka aanu iskugula jirno nin amar ku baxshey in aniga laytoogto hadana waan ka heshiiney oo waa saxiibkey, ayuu yiri shire.
_____________________

Reer hebel reer hebel is over, I see this as clear indication of Somalia's real democracy and free speech!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Thursday, August 24, 2000 - 07:50 am
Keep my family out of this.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guule

Thursday, August 24, 2000 - 03:24 pm
Walal Mooge marka hore anigu waan necebahay eriga democracy. Wayo waa xukum reegalbeed oo ay isticmaalan wadanada galada ihi, una isticmalan si diinta Islamka ka so hor jeda sida daradeed ban necebahay.

Shirka carta: anigu horta shirka carta aad iyo aad ban tageersanahay ilahayna uga bar yaya in uu gulaysto. Lakiin waxxan ka cabsanaya in u dagalna ka bilaabmo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, August 24, 2000 - 11:20 pm
Waad mahadsantihiin dhamaantiin !
tan xigta waa run soomaali waxaa u bilaabatay wejis cusub oo ku wajahan sida qofku uu u soo jeedinayo ra'yigiisa saxda ah, ma rabo in naan isticmaalo erayga democracy, laakiin waa mid aad loogu farxo in rag la yaqaano ay tanaasul sameeyaan sida kinkong iyo shire suudi, taasi waxay ku tusaysaa in aysan suurtogal ahayn in aan doorano 29 madaxweyne. Waxaa ILAAH ka rajaynayaa in uu inoogu dhiibo mid khayr qayba oo ka gubanaya dhibka dadka iyo dalkaba anagana naga dhigo kuwa ku adeeca waxii sax ah kana hortaga waxii khaldan.
Waa ku faraxsanahay in soomalida ra'yidooda cabiraan meel kasta ay joogaan.waana ka xumahay waxa u sameenayo M.I.Cigaal maamulaha gobalada waqooyi oo ah in uu u diray boolis gobolka awdal isagoo ka hortagaya in ay taageeraan shirka muujiyaana shucuurtooda haddaba maxuu ka duwanyahyay maamulkii Siyaad Bare oo diidi jiray in la dhageysto idaacaadii kulan ee isticmaali mucaaradka xiligaas, haddaba waxaan leeyahay ha loo daayo dadka in ay muujiyaan shucuurtooda haddii aysan u gafayn sharciga wadanka !!!
Waxaan galaynaa geedi socod u baahan samar iyo xilkasnimo kuman koobna kuwa maamulka inoo qabanaya waa mid qusaysa qof kasta oo soomaali ha ahaado mid raacsan ama mucaarad ahba.

Mahadsadiin !!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali

Friday, August 25, 2000 - 03:19 am
Arinta Awdal lama socdo laakiin waxaa baarlamaanka ku meel gaarka intuu shaqeynayey waxaan aragnay sheekadii inay qabiil ka sii yaraanayso qof walibana uu tiisa ka hadlaayo. Ileen qabiil kuma dooranayo oo Soomaali dhan ayaa ku dooranaysee.

Waxaan rajaynayaa Rabina ka baryaya inaan aragno soomaaliya oo dowlad xaq ahi ka dhalato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUDANE

Friday, August 25, 2000 - 05:13 pm
WALALOYAL BUSHAARO, BUSHAAR,BUSHAARO
SHIRKII CARTI WU GULAYSTAY ALLAH HA INOGU WADA E
CAAWA MARKAY SACADU AHAYD ILA 3:00 DII WAXA LA DOORTAY MADAXWAYNIHII JAMHUURIYADA SOOMAALIYEED MUDANE CABDIQASIM SALAD. MARKA WAXAN IDINLEYAHAY
BUSHAARO WACAN BILICSAN ARORO BAXSAN
WALALOYAL
ASALAMU CALEEKUM .

MUDANE
WACAN

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.