site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Walaalow Gacaliye Gu' Baa Noo Di!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): Walaalow Gacaliye Gu' Baa Noo Di!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, August 24, 2000 - 12:51 pm
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Mar baan ahaa baarqab!

Mar baan ahaa dhalad!

Mar baan ahaa Nasab!

Mar baan ahaa Deeqsi!

Mar baan ahaa Gob!

Mar baan ahaa Geesi!

Mar baan ahaa Gole!

Mar baan ahaa Gacal!

Hadana

Dad qal baan noqday dhashiisa cunay!

Dib jir baan noqday dibadaha wareega!

Qaxooti baan noqday qaaraan loo uruursho!

Qisaan noqday qaaradaha looga sheekaysto!

Dibin daabyo iyo dibiro aan anigu isu gaystay!

Dal, duunyo iyo dad wixii i sheegtay!

Dab baan geliye sidii guban!

Hadana

Kariim Waa Ilaahay Karaanka Badnaa

Isagaan Gogol U Dhigan dacwadayda U Sheegan

Dambi Dhaaf iyo Waxaan Waydiisan Deeq aan gurayn

Qalbi San iyo Qaran baan Ka Rajayn!

Gu' qabaw ka baryi barwaaqo adduun.

Ilaahay Noo Naxariis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Friday, August 25, 2000 - 06:51 am
Asalaamu Aleeykum

to:walaalkiin

gu in uu inoo di animiyaa diiday

raxmaan in aan laga quusan ani miyaa diiday
rajadaa in ay sareeysaa ani miyaa diiday
rag baanahaye in aan ruqaansanaa mar ani miyaa diiday
rafiiq aan kala go een baynu nahay ani miyaadiiday
risiq eebe kuu qoray in aad heli animiyaa diiday
rigli in loodagoo rag nookacay ani miyaa diiday
roob weeyni gugaan in uu inoo di ani miyaadiiday
rabaa dunida maa mushee faraj in uufuri animiyaa diiday
reerkeena in curada kheer qabaa u kacaan ani miyaa diiday


waxaan umada soomaaliyeed u rajeeynaa meelwalba oo joogaan midnimo.walaalkiin mahad sanid waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Friday, August 25, 2000 - 07:23 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

gurey1 iyo inta golahan joogta
gabigeed Soomaali goob kastooy joogto
garan mayo cid gacalnimo diiday
Guule Waa Eebaheen Galadda Badnaaye
Garabkeena Ha Galo gaabis baynu nahay e!

gurey1 iyo inta goobtan timiday!
Ma garan gobanimo siday ahayd?
Ma garan waagii gobanimo doonkii?
Ma garan geeridii Lamumbe sidaan uga gilgilanay?
Ma garan gumaysi sidaan gorafka ugu xoornay?

gurey1 iyo gacalka kalow
Goobay e MAANDEEQ geed iigu sheega
Geesi bay lahayd gaashaan sita
Garaad bay lahayd garan wanaagga
Garyaqaan iyo guurta talada goysa
Gabar gablayd boodiyo gaban labo good leh
Hadana Geele mooyee gablan bay gaartay

gurey1 gacaliye Guulle Eebaheen
Inuu Gu' qaboow Nagu Galadaysan
Gaabis baan garan

Gacal iyo garab inaan nahay
Gaabis baan garan

Gobanimo inaan u gaajoon
Gaabis baan garan

Gayigayga inaan gocday
Gaabis baan garan

Gacalkay Soomaaliyeey Gaabis Ha noqon!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Friday, August 25, 2000 - 09:41 am
Ala raagu aftahansanaa, oo gobsanaa!!! mahadsanidiin Walaakiin iyo Gurey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, August 25, 2000 - 09:49 am
,,,,Aawiheee NeefoowKaniinibo ragga ma ku jiroo adiina!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Friday, August 25, 2000 - 11:32 am
Lol@@@@@@@@@@@@@@@NeefowKaniini,
Xaasha!!! liiskaan iyo kan gamiimi-laalaac bo waa ku jirta....raag, raag dhalay dheh! :)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Friday, August 25, 2000 - 12:22 pm
Xaaliyeey curaddii Xaawaay
Xalay ma ladin xumad kulaylkeed e
Xiisiyo waxay xanuujiyay
Xusuustii Xajigii Soomaal e

Xamdi Eebaa Leh Xoortaa ka badan e
Xubigaan u hayaa xisaab dhaaf ah e
Adna Xaaliyeey soo xuural cayn ma tihid

Talo markay xumaatoy soo xero dhaafto
Xaraar iyo xumaan markay tagtoo xakim loo baahdo
Xajigii Soomaal xerada la keenaa
Xakiim waaye dabiiba xilo murugooday
Xeelad buu hayaa biyo xareed ah
Adna Xaaliyeey soo xubigiis ma tihid

Xor baan ahaa sharafta laga xuyuub shay
Xamar baan deganaa Xaafaddaad ogoyde
Xiliyo xoolaan lahaa xerada buuxsha
Xabiibay hortay ku faro xumeeyeene
Xarigii bay jareen xiriirka noo ahaaye
Xaasid bay noqdeen xeerada mariya

Aniguna xumaan baan xabadka garaacaa
Timahaan xiirtoon xaafadaha wareegay
Haddaan Xajigii Soomaal xalay xusuustaye
Xaaliyeey soo Xamdi Ilaah ma aha

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Saturday, August 26, 2000 - 08:32 am
Xamdi Eebaa leh, aftahanka ka dhiigaya!
Mahadsanid mar kale Walaalkiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Monday, August 28, 2000 - 07:44 am
Asalaamu Aleeykum

hilaac baa baxay

wayaaha aduunka iyo waqtigu waa isbadalaayee
walaalkiin wuxuu soomarayba wakan qoq galayee
waa uuguxaa nin raga qaalida habloodee
waa kaa ladhacay dooq xaalidii luqunta dhee reyd ee
waa kaa xubigii jaceel helay walaalkeey ee
waa kaa roobku noo da ay oo geelu noo dhalay ee
waa kaa gobtu is wada raad satoo yarad la dhiibaaye
waa taa xaali mash xarad iyo farax dhaqaaqdaayee
waa taa ili leh oo timaha feedheeysa
waa taa gayaankeed sugi oo aros gingiman dooni

waa kabaxay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.