site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Bis biiiiiiiiiiiiiiis Ma Maqashay?

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): Bis biiiiiiiiiiiiiiis Ma Maqashay?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Friday, August 25, 2000 - 06:41 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

bis!

bis!

Kaalay faqnee sir weyn baan hayaa!

Ma maqashay?

Waxaa wakaaladaha wararka, idaacadaha iyo TV laga soo wereyay in meel Carta la dhaho oo dalka Jabuuti ku taal abkay Soomaali oo dhan isugu tageen oo teendho weyn oo uu goglay Geele ay muddo shan bilood ah fadhiyeen.

Sal adakaa!

Badar, bariis iyo baasto, rooti iyo canjeelo, hilib iyo caano geel iyo baruur idaad bay lagu sooray. QAADna waa loogu daray haddii kale qaar baa iska soo matajin cuntada.

Laqanyo la'aan!

Sirta aan hayo ma aha in 2000 oo oday iyo haween, askari iyo aqoonyahan, qabqable iyo kaabo qabiil, dan yar iyo wasiiro isugu jira ay Carta caano ka dhergeen.

Maya!

Sirtu ma aha in ay baarlamaan dhisteen oo 245 magacooda laga xaadariyay maxfalka. Mana aha in Deero Guddoonka Golaha Shacbiga gacanta loo geshay.

Maya!

Sirtu ma aha in 50 NIN isu sharaxeen MADAXWEYNE in lagu magacaabo oo Maanta oo Jimco ah la kala reebi doono. Ayna u badan tahay in CabdiQasim Salaad Booy kursigii rag isku dilay garbaha loo saaro.

Maya!

Sirtu waxaa weeye!

Ogowna waa SIR adag oo aan loo baahnayn in la faafiyo!

Waa SIR qofkii ogaadaa halis u yahay lafihiisa!

Haddii aan kuu sheego SIRTAA waxaan ka baqayaa in aad suuqa geliso!

bis!

Biiiiiiiiiiiiiiiiiis!

Wixii ka dhacayaa ha ka dheceen ee dhagayso SIRTA:

DADKA SOOMAALIYEED WAA WALAALO ISKU DIIN, AF, DAL, DHAQAN, DHIIG IYO DAN AH OO DUL QAAD BADAN OO SAMIR IYO IIMAAN LEH.

Intaa waxaa dheer oo shirka Carta ka soo baxay in ay yihiin DAD HAYIN AH OO U HAGGAANSAMI CIDII HOGGAAN QABATA OO DADNIMIYO IYO DADAAL KU MUUJISA CADAALAD IYO TIX GELIN DADKA SOOMAALIYEED.

Amaa ceeb dhacdaa oo aad SIRTAA faafisaa!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waryaa

Friday, August 25, 2000 - 11:38 am
Salama...

Biis-Biiiiiiiiiiiiiiiiiiiiis!!

Noobiis nooh, Widaayoow, Walaalkeen ah.

Ar noo Biiiiiis heeeeeeeee.

Soo Bari!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.