site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Barnaamijka Shaqada Ina Salaad Booy!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): Barnaamijka Shaqada Ina Salaad Booy!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, August 28, 2000 - 07:24 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Mudan Geelle dambigiisa Allaha Dhaafee hawl xoog leh oo malaha u dhiganta kaalintii Soomaalidu ka qaateen gobanimada Jabuuti ayuu si xarag leh ugu guulaystay.

Markaasuu yiri Ina Salaadow iga guddoon geesaheeda.

Hadaba barnaamijka hawl galka Cabdiqasim Salaad waa sidan:

1- Ilaahay bari. Ka bari Ilaahay in uusan xilkan keligaa kugu dayn ee uu garabkaaga noqdo. In Ilaahay Maciin kuugu noqdo sidaad reer adoogeen isugu keeni lahayd gole nabadeed. Meesha ugu fiican oo aad Ilaahay ku baryi karto waa Aqalkiisa ee CIMRA u aad MAKKAH.

2- Kolay koombo dabada ka duleesha ayaan weligeen ku yaboohsan jirnay mid horay u sii qaado oo dhashii Sacuud kistoo timir ah iyo xoogaa saliid ah ka soo cantoobso.

3- Qaahira istaag oo afar jeer ku celceli in Jamaal Cabdinaasir iyo Sayid Qudbi abtiyaal kuu ahaayeen oo hadda wixii ka dambeeya uu Mubaarak adeer kuu yahay waxaan Umu Kalthuum iyo Cabdixalim Xaafid soo marinna aadan fulinayn.

4- Qaadaafi taar u dir. Billaahi Calayka Cumar Mukhtaar baan shaah bigays ah baar ku wada cabnay oo sidii Talyaan loo jabin lahaa meel wada dhignay e sidee Alla kuu galay dheh.

5- Rome. Kalasiyoomka dhexdiisa istaag oo reer awoowgay baad tihiin dheh. U sheeg in aabayaashaa goobtaa kula lagdameen libaaxyo sidaa darteed labo FIAT iyo hal enotaree oo isjiid ah ay dhawr kartoon oo Baasto luujiyo ah kuu saaraan. Waxaad u balan qaadaa MOOS wixii Ceel buur dayrta soo socota ka soo go'a in iyagu bilad sharaf u leeyihiin.

6- New York. Dhex istaag shirka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Koofi Canaan ciir fadhida u keen. boqol iyo lixdan madaxweyne, boqor, amiir, amar ku taagle iyo dhoohane ayaa iman e midba markiisa gacanta geli. Ha iloobin koombada baryada.

7- Baydhabo. In kasta oo ina adeerkaa xumeeyay hadana Dheerow gaabane kaxayso oo ballan u qaad in halka malyan ee D/M ee Habar Gidir dubatay aad qaan iyo mag ka siin doonto markii jeegga uu Sheekha Amiirku kuu soo qoray uu soo cadaado.

8- Kismayo. Baajuunta wax xun oo xil leh ayaa lagu sameeyay ee halkoo aargoosto ah iyo qubo aan weli dhalin ukunteeda la qaybso. Ha iloobin in aad Masale horay u sii kaxaysato.

9- Marka. Sidaas kormeer deg deg ah u dul mar. Baraawe dadkii dagaanaa iyo gibil cad meel ay ku dambeeyeen reerkiina ka warayso. Haddii ay kuu sheegaan in ay dhulku yahay "Alla ku sii" afar dharbaaxo wadaadka ku dhufo labada dhabanna ka dhunko.

10- Xamar. War hooy naftaada halis ha gelin inta Bali Doogle furan yahay oo sidaas waraaqo Shilin la dhaho Kanada iyo Maleesiya looga soo dejiyo. Hase yeeshee caddee in aad tahay nin dhalad ah oo CAYR ah.

11- Puntiland. Haddii aad Galayr garabkiisa saaran tahay xay kaa qaadee HARTILAND. Xasan Abshir wasiirka arrimaha gudaha ka dhig isagaa alam bakho u diri ninkii afka kala qaada.

12- Somaliland. Waa dad gob ah oo loo gafay ee labo mijood oo qaad ah iyo wan shan jir ah horay u sii qaado. Cigaal cimaamad saar oo shan sabeenood ku xir dabadeedna calaamo saar oo ku xugeen ka sii fiican ka dhig.

13- Dhoortayso CAYR baad tahay. Maamul wax la dhaho meesha ma yaal ee reer Qoyaan iyo reer Quwaax haddii aadan dherjin waa laguu yaabaa. Quule iyo dharkayn iyo mircood caano fardaad ugu walaaq oo sidaa cayrinimada uga saar.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Monday, August 28, 2000 - 07:35 am
Very bad, ma xuma!!!
Nasiib wanaag, qaxoti baan ahay!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey2

Monday, August 28, 2000 - 07:47 am
Haddi aan codayn lahaa ina Salaad waxaan ku badali lahaa Walaalkiin,sheeka wanaaga waxaad kudarsatay soomaali aqoonta.
Mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, August 28, 2000 - 04:38 pm
suubaneey suuban...!!!oo dawladaadii meeday,afkii baa juuqda gabay haye,qaxooti baan ahay haye!!markaasey qaxooti ku marmarsootaa soowdigii qayladaada lagaa fariisan waayey...mise inagaad na daalineysey,see waaye adiga ma taayaradii baa kaa banjarey..qorshe fog ma jiro miyaa!!
hoos ha ii dhigin!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Tuesday, August 29, 2000 - 08:51 am
Lol@@@@@@@@@Anonymous,
Maya, waxaan ka jawaabaayeey "Paradoxes" ka uu Walaalkiin ogaa hadaley qoraalkiisa ah
"Very bad, ma xuma" !!!!!!
Qorshe fog, siideebuusan uu jiirin, soo lama oran
"Ciyaari waa gelin dambe" :)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaashiisa

Wednesday, August 30, 2000 - 11:53 am
Walaalkiin:
Waxaan ku weydiiyey markaad hadalkaan aad qoreysey maqayileysey ??/ inta aad waqtigaaga ku dhumin lahayd waxaasoo war ah, waxaa laguu qaatay in aad qubeysatid, waayo dadka marfashka fadhiya ee adoo kale aad bay usoo uraan, ee min fadlan qubeyso oo seexo.
JEEGA DHEERE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, September 11, 2000 - 04:55 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Mudane Cabdiqasim Salaad Booy Madaxweynaha Dawalad KMG ee Soomaaliya oo fulinaya barnaamij hawleedka kor ku xusan ayaa gutay dhammaan qodobada barnaamijka marka laga reebo booqashada Somaliland.

Hadda marka uu Ina Salaad Booy ku soo noqod aqalkiisa cusub ee Carta ayuu qaban qaabin doonaa in uu labo waslood oo dhaylo ah la soo raamsado Ina Cigaal oo ku sugan Tumbuluq agteeda.

Sidaa ayuu Mudane Ina Salaad Booy ku soo gabo gabeeyn doonaa afar toddobaad oo hawl adag ahayd.
Wuxuuna si dhaqso leh u soo jeedin doonaa qaybta labaad ee barnaamijkiisa inkasta oo Galayr iyo Abshir oo u looltamaya jagada wasiirka koowaad ay qaras ku kiciyeen.

Shaatiguduud waxaa la sheegay in Shaati Maraykaan ah oo cad loogu tolay magaalada mataanaha ee ku taal dalka Minisoota ee jaaliyadda xoogga leh ee Soomaaliyeed muufiyo iyo moos ku quraacato.

Warkii shalay waa intaa...

Ilaahayow Noo Naxariiso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.