site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ARIN IYO DULMIGA CUSUB EE KA BILOOWDAY SOOMAALIYA

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): ARIN IYO DULMIGA CUSUB EE KA BILOOWDAY SOOMAALIYA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Monday, August 28, 2000 - 08:30 am
Asalaamu Aleeykum

Waxaan filaya ARINI waa tan ah in aan yeelanay nidaam oo aan dhisanay gole bahda laga hogaamiyo.waxaan oran karaa,haduu inoo hirgalo goluhu waa guul usoo hoyatay umada soomaaliyeed meel kasta hajoogee.markaa tan waxaan leenahay oo kaliya kheer ilaahoow nooga dhig.

DULMIGA cusub waxaan layaabaa umad dhan oo meel isugu tagtay oo leh culumi caamo ciroole waxgarad rag iyo dumar gar madoobe iyo gar guduud,oo ku tashatay in ay takooraan oo cunsuriyeeyaan umad la dhalatay oo la diin ah lamidab ah la luuqad ah!!! waxaana arkaa midabtakoor ween.suaal baa waxay tahay maxaa dadka walaalaheen ah oo inala midabka ah loo yiri OTHERS oo ah kalmad shisheeye iyo fikir jaahil oo eeynaan hido uleheen luuqad ahaan iyo fikir ahaanba noocaa.waxaa kale oo meesha kamuuqda takoor noocii udanbeeyay oo ah in umad layiraahdo JAREER WEEYNE,TIMO ADAG!!! oo masoomaalida kalaa timo jilicsan? cunsuriyadan oo ah mid heer golaha laga diiwaan galiyay in ay dadkaa soomaaliyeed yihiin OTHERS IYO JAREER macnahana yahay in aysan lasineen soomaalida kale.waayadii hore sida dawladiihii hore ama siyaad bare ama tii ka horaysayba hanoqotee waxaa baarlamaanka ka mamnuuc aheed in dad loogu yeero erayo sida jareer ama midgaan ayadoo loo eegaayo qawaaniinta golaha umada.markaa dadka soomaaliyeed way sinaayeen.hada masina nidaamka cusub baa kala saaray markaa bal hada aynu eegno xaqiraadaani meesha ay ina gaarsiiso!!! waagii hore waa jireen in dadka maangaabka ah ama aqoonta yari ay ku dhihi jireen walaal kood ama walaashood midgaan,ama jareer laakiin maheeyn mid dawli ah ama dastuurka ku xusan sida maanta ay ugu xuseen.waxaa hadaba arintaan wata oo keenay maskaxda kadanbeeysay labadii dawladood ee hore.akhristoow sideed u aragtaa arintaan mise anaa khalad fahmay wax kadhihid furan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

runtayaqaan

Saturday, September 02, 2000 - 03:06 am
walaal gurey waa wax jira,in la xusi waayo ummad
ama qowmiyad somaliyeed,balse waa waxaan ka hadlayey,waxa la yiraahdo cunsuriyad "RACISM"...in dadkan somalida ahi wada
Qabbaan hiddahan in la quursado qowmiyad la mid ah
waxayse ila tahay,in ay tahay jaahilnimo,iyo dembi
aad iyo aad u weyn ee xag rabaani ka galeyaan,isla markaan ay leeyihiin waxaan abuureynaa dawladnimo,qoddobka ugu horeeya ee aasaaska dawlidnimo,waxay tahay in waa "JUSTICE TO ALL RACES,AND ONE NATION UNDER GOD"taasina waa
mid ka fog xaqiiqda,believe me or not,the civil war was the only cause,ummaddan in wax lagu tuso,
waxaan dhihi karaa,qofkuu ilaahay doonayo innuu
wax wanaagsan tuso,ayaa garan kara...xujadan,waa carro alle ka timid,because of these injustices
happening everyday live...tanni waa tu kale dheg ha u dhigin,it will be the same way...waxba uma hagaagayaan ilaa dadkaa walaalhood ay gartaan dhibta iyo isla sareynta uga jirta,xuquuqdooda
balse waxaa leeyahay,ilaah ha tuso somali oodhan
si ficil ku jiro in ay wax la qaybsadaan,taasi
masuuliyadeeda waxay saaran tahay kuwa hadda ku nool somaliya,iyo kuwa nool halkan dibadda...waadna mahadsan tahay gurey mowduucan
u baahan in ay somali ka wada hadlaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAREED

Saturday, September 23, 2000 - 08:52 pm
hadalku ninki yiri ma xumeeynin, ee ninkii dhabjiyay ayaa xumeeyay,oo aan ula jeedo:
(others),magac ahaan ayaa loo isticmaalay, waana magac, mana tegeeyso in uu noqdo magac ka badan,
hadaba maxaa keenay in somali lagu eedeeyo, mar haddii heshiiski uu noqday in wadanka arimahiisa la qaybsado, laguna qaybsado si raalli laga wada yahay,mase ogtahay others ka in ay tahay marki ugu horeeysay oo ay qayb ka qaataan arimaha somalida,oo aan looba ogolaan jirin waagii hore.
waxaan u arkaa anigu in magac aysan dhaafsaneen arintu, si qofkasto uu u helo xaqiisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DearCritic

Monday, September 25, 2000 - 04:41 pm
Ii kaadiya bal!
To Gurey1, midabka ama magac lagu soo saari karo dadka ma noqdo cunsirinimo. Waxaa jira dad jareer ah oo tima adag si dabiici ah, ceebna ma aha. Waxaa jira dad tima jilicsan iyo kuwa dhaadheer & gaagaab. Hadaba waxaa cunsurinimo ah sida aad wax u go'aamisid iyo sida aad ula dhaqantid hadii ay ka gedisanaato dadka kale.

Ma difaacaayo erayga OTHERS maaddama ay ka dacwoodeen dadkii loogu yeeray lakin waxaad moodaa eray xaqiiqi ah marka laga eego dhinaca tirada qoomiyadaha iyo waaxyeynta. Waa qabaa'l yar yar, hadana tira badan. Taas ayaan keentay in la israaciyo oo hal magac loo fakaro. Waxay arrintaasi siin kartaa awood xagga siyaasada ah.

Qurey1, dawladii Siyaad Barre wey diidi jirtay erayadaas lakin waxaad illowday isla dowladii inay mar kale noo dhalatay. Yaa ka maqan meesha oo aheen aabihii ummada. Infact, waxaa ku soo biirmay xoogaa warlords ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAREED

Tuesday, September 26, 2000 - 09:02 pm
Gurey1,
saaxib haddii la yiri tiro wax halagu qaybsado,
oo la yiri tiro wax haku qaato qaybtiisa la'eg,

adigu maxaad magac uga dhigi lahayd?

bal cilmigaada inagu siyaadi aan ku dhageeysanee.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.