site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DOQON QABIIL BAA LAGU HEEYSAN KARAA DUMARA MEHER

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): DOQON QABIIL BAA LAGU HEEYSAN KARAA DUMARA MEHER
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Sunday, September 03, 2000 - 02:16 am
Asalaamu Aleeykum

Wax garo ama ha garan xaqu waadilaacay

umada soomaaliyeed waxaa hubaal ah in ay yihiin dad walaalo ah oo wadaaga nasab,diin,midab,iyo dhaqan.waxay leeyihiin dhul kabadan iyo xeebta uugu dheer africa.waxaa hadaba see jiyay aayahooda in ay noolaadaan dad aad utiro yar oo ku adeegta magac qabiil markaa waxay ubadaleen qabiilkii qabyaalad.ayagoo raba in ay kunoolaadaan dhiiga umada ayay isticmaalaan qabiilooyinka si ay uhelaan nolal iyo amarkutaagleen.ayagu hadaba waa jaahiliin mayaqaanaan habkale oo ay badarka ku helaan,waxaase kasii jaahilsan kay uugu sheekeeyaan isku qabiil baynu nahay ee hor ugal dagaalka ee halkaa ku caruur waaya kuna calaf waaya.waxaa hubaal ah majiro qabyaalad laakiin qabiil waajiraa dhibna malaha ee qabyaalada ayaa doqonta lagu guumeeystaa.waxaa daliil u ah ufiirso akhristoow waxaad aragtaa in maanta mareexaan iyo habar gidir ay ul iyo diirkeed yihiin kadib markay iska laayeen boqolaal rag iyo dumarba leh!!!sidoo kale majeerteen iyo habar gidir maanta waa nabad waxaase labada dhinacba ku maqan dad aan yareen oo loo laayay waxaan jirin oo ah qabyaalad.shacabku isma necba mana yaqaan qabyaalad laakiin waa lugu xamaashaa.qabqablayaasha waxay ku heshiis ahaayeen in ay ninwaliba gumaado oo adoonsado qooyskiisa iyo wixii uu duufsankaro.dadbaa uheesta in soomaaliya dadku qabiil isu neceb yihiin ama isu dilayaan balse rayigu saas maha waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaNe

Monday, September 04, 2000 - 12:49 pm
Yeah Gurey bro. beryahan sxb ma is tidhi weynu kala baadnay!!!!!!, waxaanse mar walba kaa ilaabaa inaan ku weydiiyo inaad reer London tahay iyo in kale !?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Tuesday, September 05, 2000 - 07:48 am
Asalaamu Aleeykum

mowlid-macaane

waa saad ussheegtee ninkii aqlilihi in uu ayaamahaan hadalkatagin waa fiicantahay markaa isgaabis baalagu jiraa maxaa yeelay dadkeeyga soomaaliyeed waa jeclahay mana rabo in uu iga dhaco hadal mid kamid ah bahdeey bahdu maha reer qansax ee waa bahweenta soomaaliyeed in uu dhawaco marabo.markaa waxaan ilaah uuga rajeeynaa in uu daantooda guud mideeyo.falastiin ragbaa ciil baday oo nolasha udiiday shisheeye ah,laakiin bahdeey ayaadaa is ciishay.sxb reer london ma ihi ee waxaan ahay reer geeska africa.waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Tuesday, September 05, 2000 - 08:01 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

gurey1 walaalow wareegto aan laga bixi karin bay noqotay talada Soomaaliyeed.

Nin baa waa wuxuu yiri arrinkeenu "waa nakhtiin" oo meeshii shalay laga soo tagay ayaa dib loogu noqon.

Midna wuxuu yiri "Kabo Calaf nin la dhihi jiray baa lagu xujeeyay in uu riyo raaco oo soo xero geliyo iyagoo dhergay oo caws dambe goyn karin. Riyaha waxaa lagu yaqaan in ayna fariisan ee intaa ay wax cunaan.

Kabo Calaf wuxuu soo arkooday meel qaxandhi iyo qoday miiran ah. Subaxii buu riyihii ku baxshay bankii oo u diiday in ay fariistaan. Marba dhinac ayuu qodaxdii ugu eryay. Maalintii oo dhan waxba afkaa uma saarin ee orad iyo erin buu ku waday.

Casarkii buu soo xareeyay iyagoon qaadin karin lugahoodii. ri' waliba meel bay ku dhacday"

Sidaas weeye xaalkeen gurey1 waa mar aan nakhtiin nahay iyo mar uu Kabo Calaf kabaha noo qaaday!

In la abtirsado lama diidi karo waxaase mashaqo ka joogtaa markii Ina Cali laguu dilo adoon Caasha arkin.

Cawo Alla.

Cumar Xaji, Caato, Cabdullahi Yusuf, Morgan iwm ha laga warayso cunagyadii meeshii ay geeyeen.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Thursday, September 07, 2000 - 09:46 am
Asalaamu Aleeykum


walaalkiin

waxaan awalan kuugu mahad celinaa arin aad iyo aad aan uugu farxay qalbiguna iigu dagay waxaana xasuustay xili aan dal nabad ah iyo dawlad ahaa.waxaana kamid ah erayada i qanciyay "gacandhi,iyo qoday"waa erayo qaali ah oo ay iigu danbeeysay waagaan waylaha raaci jiray.mahadsanid

hadalada daahsoon ee aad sheegtayna waxaan oran lahaa damiin nakhtiinkaa loo badiyaa si uu wax ufahmo,faahina waxay utahay uun xifdin horleh iyo sii dhuuxid macanaha,hadii arin loo nakhtiimiyo.waxaan u jeeda cagta haloo dhigo dadku haysa soogaaree.qisa yarna waan kuxasuusinaa ninbaa waagii macalinkii kacaanku dalka qabsaday waa marxuum maxamed siyaad baree ayaa qolooyin suufiyaal ah sheekhoodii iyo xertii wada hadleen,oo kasheekeeysteen ninkan cusub,midna ogoow xertu marxuum cabdi rashiid cali sharmarke way ladig rin jireen.sheekhii baa hadloo yiri waryaada xerteeydiiyeey toowrad milatari ah baadhalatay,ee labo keen yeelaa A.in aan habaaro ninkaan oo isagoo habar qabe ah ina xukumo. B.in aan uduceeyno oo isagoo duceeysan ina xukumo.kala doorta labadaas buuyiri waxay dhaheen waxaan rabnaa in aan habaaro hadaba waakii 21 sano dalku cariiri ku jiray habaarikii xerta awadeed.tuducda sheekada ayaa ah mr walaalkiinoow bal cagta haloo dhigoo habarka shalan ku jabnee bal aan ducada ku eegno waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARLORD-KILLER

Thursday, September 07, 2000 - 11:35 am
fikrad fiican Gurey1,ogsoonow in dad badan oo soomaaliyed ay fikraada aaminsan yihiin!

WALLAKIIN, waxaad liska WARLODYADA ka hilmaantey

Ali Mahdi iyo CumerJees!

maanta intaas ha inoo joogto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Friday, September 08, 2000 - 06:58 am
Asalaamu Aleekum

waxaa haboon in aan maalinba in yar fahano


Waxaa akhristoow marag madoonto ah in uusan jirin wax is riixid ama naceeb ama dagaal ah oo ka dhexeeya shacabka soomaaliyeed.waxaa iyana cad in umada soomaaliyeed waxa dalkooda kasocdaa uu yahay dadyar oo hunguri dartii ay ku xanbaartay in ay umada iska horkeenaan,waxayna ku kiciyaan reer hebel wax inooma ogola ee aan dagaalano!!! sikastaba ha ahaatee ma ihi nin iska hadlaya ee waxaan hayaa daliil.waxay hawiyee udagaalameen oo laga dhaadhiciyay daaroood baa cunay xaqiinii waxna iidiinma ogola ee hore ugala dagaalka!!! ninkii waxaa ka dhaadhiciyay waxaa cadaan ah in uu madiino yaalo asagoo eryanaya kuwii uu lahaa tolbaanahay ee aan daaroood iska dhicino ayaa wiilyari xabadku dhuftay uu adeer uyahay.qorshihiisu ma in uu madiino qaraabadiisa ku eryadaa oo laayo a waydaaroood!!!! ciribxumo dheh.

cabdulaahi yuusuf ayaa majeerteeen ku yiri anaa aqaan sida loo karbaasho maryo xun waa hawiyee ee idoorta,waxaa cadaatay in uu hilib iyo caano kusooro nimankii uu lahaa cadawbaad tihiin!!! hadaba ina caydiidna waa sidoo kale oo kuwuu lahaa habargidireey colbaa inoo jooga irida ayuu maanta ku hayaa walaalkeey cabdulaahi halgamaagii weeynaa!!! hadaba ragaani waa heshiis iyo cigaal ee shacabka dagaalsanoow adeeykuu taal!!! waxaa taakadaran ninka hada ladoortay waa habargiddir bal in aanu qabiil jirin la isku tixgaliyaa maxay kudiidi intaan lagaarin qabiilooyinkii kale ayagu maxaay udiidanyihiin sowkuwii dalka duminayay ma aheen xukun dartii mise wax kalaa jira? jawaabtu waxaa weeye xaasidnimo ayaa taal oo ah mid dadyari wadaan.ayaguna waxay rabaan indalku sidaa ahaado waayo ayagu waa haqab beeleen haday ahaan laheed lacag iyo saldano taasoo ah 4 qabiilkiisa ah oo dabataagan oo dooni amarkiisa oo uu ka dhaadhiciyay reer hebel baan waxba inoo ogoleen hadan nahay reer hebel!! sheekada waxaan kawadaa in aan bayaamiyo in dadkeenu soomaaliyeed ay yihiin jaahiliin.markaa akhristoow waad qancaysaa markaad heerka dadkaaga sifiican u ogtahay.dhinaca kale yaan la iloobin in aad u halganto dalkaaga hooyo iyo dadkaaga soomaaliyeed ee rag kuciyaarayo, raba biil ama nolol maalmeedka.waa kabaxay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.