site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

C/qaasim oo booqday qabriga aabihii Jan. Maxamed Siyaad Barre?

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): C/qaasim oo booqday qabriga aabihii Jan. Maxamed Siyaad Barre?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wariyaha Madaxweynaha

Monday, September 04, 2000 - 02:53 am
Warar lagu kalsoonayahay ayaa waxey sheegayaan in ninka loo doortay inuu madax ka noqdo Soomaaliya mudada sedexda sano ah ee fooda nagu soo heysa C\qaasim Salaad Xasan uu booqasho ku tagey qabriga Jan. Siyaad Barre. Sababta booqashada keentay ayaa waxay inuu Madaxweynaha cusub u mahadnoqo aabihii iyo abwaankii tababarka soo siiyay mudadii 20ka sano ah ee uu ka mid ahaa nidaamkiisa. Siyaad Barre oo aad ugu farxay booqashada ardeygiisa ayaa kula taliyay arimo dhowr oo ay ka midyihii:

-Inuu jagooyinka ugu muhiimsan u dhiiban ardaydii lasoo qalin-jebisay C\qaasim oo ay ka mid yihiin : Gaani, Moorgan, Jilicow, Xasan Abshir, Cosoble Siyaad, Cumar Carte Qaalib, Jaamac qaalib.

-Inuu xooga uu saaro sidii dadka la magac baxay Soomali Land loogu soo celin lahaa Soomaliweyn loona saaro guddi uu ka midtahay Moorgan.

-In dib loo dhiso ciidamdii Kacaanka iyadoo loo xil-saarayo dadkii biyaha kacaanka si wanaagsan u soo cabay sida Jan. Jilicow

-In cidda la yiraahdo Majeerteen laga digtoonaado xoogna lagu maquuniyo.

Wararkaa oo ka yimid illo lagu kalsoonyahay sida IRIN ayaa durbaba noo muuqanaya run-nimadooda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Isaga

Monday, September 04, 2000 - 09:37 am
slmu calaykum......
Sxb, waa kaa cabsaday!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
..................................................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Monday, September 04, 2000 - 10:38 am
hortaa aniga aa ka cabsaday saxib,kaali adi khabriga maa ka shaqeesaa,

Noolow Salaad aabihii garashada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, September 04, 2000 - 11:51 pm
Waxaan hubnaa in Gaani iyo Moorgan ay ka mid yihiin dowlada cusub. jilicowna uu ka mid yahay ciidamada inta kaleetana waa sugeenaa hee....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

k

Tuesday, September 05, 2000 - 05:42 am
to wariyaha

xariif qatar aa tahay waa kaa cabsaday ania koley

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Tuesday, September 05, 2000 - 06:03 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato


Wariyaha Madaxweynaha si quman uma waramin sidaa darteed labo alif iyo saddex xiddigood baa laga gooyay mushaarka uu qaatan shan bilood ayaa lagu xukumay in uusan caddays cabin.

Wariyuhu nooma sheegin in Madaxweynuhu biyo ku shubay qabriga ama ciid ka soo qaatay "sur cama" ama qurbaan ku bixiyay oo labo laxaad oo ugub oo sagaal dhalay uu qalay ama uu Qur'aan ku akhriyay iyo sagaal Qul Huwale.

Intaa waxaa dheer oo uusan Wariyuhu sheegin waxa Madaxweynuhu Biyoolay u tagi waayay mar haddii Shaatiguduud la socday.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.