site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Moqifka Mudulood ee ku wajahan Dowladda Cusub

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): Moqifka Mudulood ee ku wajahan Dowladda Cusub
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mudulood

Wednesday, September 06, 2000 - 07:07 am
Laga soo bilaabo tan iyo markii la dhisay Dowladda cusub, dad farabadan ayaa waxay is weydiinayaan mowqifka saxa ah ee Mudolood. Dad badan ayay u cuntami waysay in Mudolood, oo ah quwad xoog-badan, ku daba faylaan Habargidir oo dagaalo ba'ani soo dhexmareen.

Mudulood waxay ogolyihiin muddo badanna raadinaayeen in xal loo hello arinta murugaysan ee Soomaaliya. Marka la fiiryo shirka Carta iyo miraha kasoo baxay waa kuwo aan inbadan u cuntameyn dadka ku abtirsada Mudulood sababahan soo socda dartood:

A) Maqaamka magaalada Muqdisho ay yeelan doonto oo aan si wanaagsan loo falanqeyn. Xeerka KMG wuxuu qorayaa in nidaamka ismaamul-goboleedka la dhaqan gelin doono. Taas macnaheedu waxay tahay in gobol walba dadka dega ay maamul-hoosaad u sameystaan kadibna ay ku xirmaan maamulka dhexe. Waxaa marag ma doonto ah in Magaalada Muqdisho ay degaan ahaan u leeyihii Mudulood ayna xaq u leeyihiin inay u sameystaan maamul-hoosaad. Hasayeeshee, qodob kale oo ka mid ah Xeerka KMG ah ayaa wuxuu qorayaa in Magaalada Muqdisho ay tahay caasimad-da Wadanka qabiilna uu gooni u sheegan karin!!. Qodabkani wuxuu lid ku yahay maslaxada qowmiyada Mudulood. Tusaale ahaan, hadii caasimadda laga dhigi lahaa Boosaaso, Baydhabo ama Hargeyso suurtogal ma ahaan laheyd in la yiraahdo cidna ma sheegan karto??. Xaq ma tahay in nin Cayr ama Sacad ah uu maamulo Muqdisho siduusan u maamuli karin nin Mudulood ah Dhuusamareeb??. Mudisho uma baahna dad shisheeye ee iyada ayaa loo baahanyahay!!!!!.

La soco qeybaha kale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mudulood

Thursday, September 07, 2000 - 12:30 am
Qeybta Labaad

Qodobka kale ee muhiimka ah wuxuu yahay sidii loogu celin lahaa mooryaanta faraha badan ee xamar joogta meelihii ay ka yimaadeen. 10kii sano ee ugu dambeysay waxaa Xamar isugu yimid duurjoogayaal farabadan oo kasoo qaxay lama-degaanadii ay deganaayeen iyagoo is leh nafci ayaad Xamar ka heli doontaan. Taasi waxay sababtay in magaalada ay buux dhaaftay. Dadka soo galay ayaa waxay u badnaayeen dad aan weligood magaalo imaanin oo dhegta ka maqlay kaliya ayna adagtahay sidii dib loogu celin lahaa meelihii ay kakala yimaadeen.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.