site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

War baan hayaaye KOOOW dheh!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): War baan hayaaye KOOOW dheh!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, September 07, 2000 - 11:45 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Soomaali waxay noqotay looma taliyaan!

Ma laha sidaas ayuu qof walba is yiri!

War baan idiin sheegi:

Weligeed abadkeed fac ka fac intii la arkay dad la yiraahdo Soomaali waxay ahaayeen hayin si dhib yar loogu talin karo.

Waxaase ibtilo iyo dhibaato ka joogtaa saddex arrimood oo la isla waayay:

Hoggaan san: markii hoggaan fiican iyo dad lagu soo hiran karo la helo waxaa la waayaa..

Dhaqaal: Soomaalidu waxay degtaa dhul lagu sheego in uu khayraad badan yahay weligoodna way ka qatanaayeen...

Haddiise xooluhu dhalaan oo gu'gaa caanaha meel la kala dhigo la waayo oo badar karoor noqdo waxaa la waayaa..

Hoggaan...

Miskiin Soomaali aad baa loo hafray oo wuxuusan ahayn laga dhigay yaase u maqan..

Ilaahay Mooyee Cid Kale Ma Leh!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.