site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAA MAXAY GOBONIMO IYO SHARAFI???

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): WAA MAXAY GOBONIMO IYO SHARAFI???
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Sunday, September 10, 2000 - 05:12 am
Asaamu Aleeykum

walaalayaal iyo walaaleey

waxaan kahadleeynaa in dadbadani u heeystaan gobonimada iyo sharafta arimo aan uqalmin.waxaa la rabaa in qofku dareemo in uu yahay shaqsi kaas oo ilaah abuuray siiyayna haybada aadaminimo iyo aqli ka sooca xoolaha.markaas baa lagu siiyay cilmi laguugusoo dhiibay rusul iyo nabiyo ilaah soodiray,si ilaah isu kaabaro oo uu kuutusiyo waxa laguu abuuray.waxaa nabiyada udanbeeyay nabi muxamed nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.waxaa hadaba gob ah oo sharafleh ruuxii raaca jidkii rasuulka ale inoogu soo dhiibay oo aamina in uu yahay adoon ilaaheey.waxaa hoogay ruux cuskada qabiil oo kufaana anaa reer hebel ah.dad yar ayaa adoon sada dadka soomaaliyeed oo qabiil ku adoon sada mana jiraan waxay u hayaan oo aan aheen baabi in,waa waajib kusaaran in aad ehelkaaga uga digto fidno qabiil iyo anaa reer hebel ah oo ka gobsan reer hebel.nin kii qalbigiisa gasho qabyaalad diintiisa banaankuu kayahay waxa uu abaal uhelaana waa jahanamo.maxaa kuu diiday in aad naftaada ku kalsoonaato ood cunto irsiq xalaal ah oo aad shaqeeysatay in taad qabiil wax kudooni!!! muxuu qabiil kutarayaa markaad shaqsiyan ufikirto muxuuse hore kuutaray waakaa qoxootiga kaa dhigay ee.waxa dagaal qabiil kudhintay waa uun reer baadiye aan wax qorin waxna akhriyin reer magaal waa gaban yahay,ilaah waa dalacanayaa kuwa reer badiyaha isku jabiya oo caba dhiigooda,waxaa hoogay ruux cabay dhiig muslim si xaqdaro ah.dadka soomaaliyeed oo dhami mawada xuma dadyar baa isku jabiya ee hala digtoonaado qabiil aakhiro iyo aduunkaba waa horseedaha xumaan cadaab marka loo adeegsado jidka khaldan.wali ma aragtay qabiil shiraya oo adi ku hormarinaya shaqsiyan??? waxay ufakaraan ilmahooda adna awraa lagugu kacsadaa.qofwaloowba xisaabtan oo dareen xoriyad cidaad rabto adoo xor ah ladagaal cidaad rabtana adoo xor ah la heshii laakiin yaan lagu guumeeysan .soomaaliduna waa walaalahaa kuma kala xigaan yaan been laguusheegin cid aad qabiil lawadaagto majirto oo dan adiga shaqsiyan kuu heeyso.tasho shaqsiyan xoogaada aqoontaada aamin.waakabaxay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.