site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HA I ORAN WALAAL!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): HA I ORAN WALAAL!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Tuesday, September 12, 2000 - 05:29 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Macawis cusub, shaati cad, cimaamad baro baro guduudan leh iyo kabo jambal ayuu xirnaa. Ul bakoorad ah oo madaxa hore fool maroodi ku leh aadna loo xardhay ayuu gacanta midig ku haystay.

Sidii isagoo salaad ciid ka yimid ama gabar uu doonay lagu soo meheriyay ayuu u xaragoonay markii sidii isagoo rabo in caalamkoo dhan maqlo yiri "Alla waa walaashay."

Waxay xambaarsanayd ilmo yar oo afar ama shan bilood ah labada gacmoodna waxay ku siday dambiil weyn iyo shan qaad caano ah. Intay fiirisay bay ugu jawaabtay:

"HA IGU ORAN WALAASHAY!"

Intuu soo socod boobay oo damcay in uu ka qaado culayska alaabta ay siday buu yiri:

"Alla abaayo maxaa ku helay?"

Intay ka dhufsatay alaabteedii bay tiri:

"MAXAA KU HELAY AA?"

Iyadoo sii socota oo aan dhankiisa dhuganayn bay hadalkeedii sii wadatay sidii iyadoo maxkamad hortee garteeda ka sheeganaysa:

"Ma ilawday" bay tiri "meeshaad iiga dhaqaaday markaad ilko yar, gacamay, ganay iyo qawlaysatadii aad raacday?"

Soo adigii quman hooyadeen goob maran uga tagay ma ahayn?

Mase ilawday eedooyinkeenii shanta ahaa ee aad mid gablan ah iyo mid asay qaada aad ka yeeshay?

Miyaadan dareemin in habaryarahaa aad habaar iyo hoog ku riday?

Meedayse walaashaadii naaska aad wada nuugteen?

Dambigaan galnay soo ma ahan oo keli ah in aan dumar nahay!

Aabahii tii iyadoon sagaal gaarin dhabarka ku qaaday soo adigii curadkeedii waa reer Gabrane dartii reer kuwaad tolaysta shabaax iyo shiishka uga barteen ma aha?

Hooyadeen uurka sagaal bilood kugu siday walaalkeed, waa adiga abtigaay e, soo adinkii waa Cusbo cune caloosha uga soo riday ma ahid!

Kan aan anigu dhalay aabihiisna soo adinkii rubad gooyo oo uu duurka ku qur ma ahan?

Madigii ku dhalay adoon adeer lahayn soo adigii guray iyo gacamay iyo gar xume tolaystay oo na gooyay ma ahid?

Dambigaan galnay soo waa HAWEEN ma ahan?

Ilaahay Ha Ku Nabad Yeelo HASE IGU ORAN WALAAL!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAGAL

Tuesday, September 12, 2000 - 10:54 pm
A/CALEYKUM:

ABOOW ILAAHEY SOOMALIDA AAN INTAAS UJEEDIN ABOOW ILAAHEY INDHAHA HA UKALA FURO. (AMIIN)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXMED-GOLE

Wednesday, September 13, 2000 - 03:09 am
Waa war wayn ninkii fahmaya ee ilaahayoow noo naxariiso aamiin aamiin aaamiiiiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Wednesday, September 13, 2000 - 07:19 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ma cirkuu ceshaa mise dhulkuu qaadaa, culays aan la qaadi karin baa garbaha ka fuulay oo sidii isagoo wiifoow saaran guryuhu la wareegeen.

Sidii isagoo waran feeraha looga dhuftay bay neeftu ku noqotay oo xanuun aan qiyaas lahayn dhabarka kala gooyay lugihiina qaadi waayeen.

Sidii tuubo la furay indhihiisu ilmo qubeen oo afku qalaloo ereyna ku dhawaaqi waayay.

Garteed weeye hadday walaashii carootoo ciil is bidi!

Garteed weeye inay dacwootoo eed u soo jeediso!

"Walaaley" buu yiri intuu dibnaha qaniinay "abaayooy" buu yiri intuu ilmada iska tiri "huunooy ha i goon" buu yiri intuu tilaabo isku dayay.

Walaaley ka gilgilan mayo dambigaan galay, godobta iyo gacal goynta. Eebihii Boqorka Ahaa Baan Dambi Dhaaf Weydiisan Isagaa Deeqsi Ah.

Hadana Huunooy markii dareenku yimid ee dhiiladu yeertay cunug baan ahaa aan weli qaan gaarin.

Carar baa la igu yiri colaad baa timid. Cadawgaagu waa nin ABTI loo yaqaan iyo ubadkiisa. Adiguna waxaad tahay igu dhaheen nin reer Ciideed ah.

Seedigaa baa dad kuugu daran baa la yiri ee aad uga fiirsi. Baasuuke ku qarxibay yiraahdeen xaaskaaga walaalkeed. Waxba yuu carruurtaada abtiyaysan bay dheheen waa dhal reer Ciideed e.

Hooyadaa bay igu guubaabiyeen yayna ku hodin, walaalkeed baa ciidan soo wata oo marin reer Ciideed e.

Walaashaa waxba yay ku beer laxawsan bay dheheen cadaw bay korinaysaaye. Cunaha kala goo bay dhaheen abti kuwa ku leh waa malagii reer Ciideed.

Markaan daaloon damcay bal aayar naso cagaha ka qaad bay igu dheheen carigan reer Caro leh. Ku nasan maysid dhulkan adoo nin reer Camuud ah.

Haddaan yaaboon iri "war soo nin reer Ciideed ah ma ihi?"

Qosol bay qalaf la yiraahdeen Eebahay Magane. Doqon, nacas iyo dhohanaan bay igu sheegeen iyo war moog e. Reer Ciideed waa Camuud iyo Caro igu dheheen oo dalka way kala leeyihiin.

Waxay dheheen haddaad run mooday in reer Cusbo Cune cadaw kuu yihiin, bal soo eeg waxay kuu gaystaan reer Caro.

Walaalay shalay waxaan ahaa Samaale wiilkiisii ina Soomaal e. Hadana Cusbiyo, Dhagax iyo Dhuxul bay noo kala sooceen e.

Hadana Cusbay dheheen waa mid Cuna iyo inta kale e.

Hadana reer Ciideed baad tahay dheheen dhalad wiilkiisiiye.

Hadana reer Camuud baad tahay dheheen nasab dhiman e.

Hadana dadnimaday ii diideen Daa'im waa Eebahaye.

Walaalay ha i goyn oo ha iiga tegin goobtan aan joogo, adiga mooyee tol kale wallee ma lihi Eebahay Maragtiiye.

Walaalkaa baan ahay wiilkaad naaska nuujisiyo magan ninkaagiiye.

Walaalay raali ahow garka iyo gondahaan ku hayaa.

Ha iiga tegin gubadkan gabar la'aaneed.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Wednesday, September 13, 2000 - 07:54 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Codsi iyo Baaq deg deg ah:

Beesha san ee SomaliNet rag iyo dumar da' kastood tahay waxaan idinka codsanayaa in aad u kala gar naqdaan gabadha iyo walaalkeed:


Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

odaydegan

Thursday, September 14, 2000 - 04:45 pm
Anigaba aan ku horeeyee garta gelideeda,
haddii shalay la i marin habaabiyay ee aan indhaha kuu jeexay anigoon wax garan,ayuu yiri walaalkeed, oo aan maanta gartay faraleefkii shalay, kuu soo hoyday oo madaxa kaa dhunkaday, madax meel ka sareeyso oo la salaaxo ma jirtee, ayuu yiri inankii, aneh garta waxaan ku gooyay marba haddii inankii qaladkiisi shalay gartay, in walaashii ay ku sabarto, ilaahi ina uuntay baa cafis fidiyee, in inantana ay inanka cafiso, dhaanto iyo wilisaqana la tunto.

walaalkiin,
adeer gartaba adigaa horay u gooyay,waanse kula malo awaalay ee ilaahoow dambigeeyna dhaaf.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.