site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Turaanturooyinka C\aasim Salaad Xasan

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): Turaanturooyinka C\aasim Salaad Xasan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Wednesday, September 13, 2000 - 07:00 am
Laga soo bilaabo tan iyo intii loo magacaabay Madaxweynah KMG ee Soomaaliya, C\aasim waxaa ka muuqda fudeyd iyo karti la'aan. Howsha ugu weyn ee laga sugaayay waxay aheyd inuu mideeyo qowmiyada soomalida oo kala daadsan, inuu isku dayo inuu si dublimaasiyad ku jirto u qanciyo dadyowga kasoo horjeeda xukunkiisa sida Cigaal, C\aahi Yuusuf, Suudi, Caydiid, Caato, Bood. Illaa hada wax guul ah kama gaarin haba yaraatee. Waxaa la filaayay inuu soo magacaabo Ra'iisul wasaare kaasoo soo dhiso dawlad cusub ilaa hadda falkeeda muusan bilaabin.

Dhinaca kale waxaa muuqaneysa qaladaad iyo turaanturooyin badan oo uu ku dhacay. Markuu tagay magaalada Xamar, C\sim wuxuu magacaabay guddi soo dhisa nabadgelyada iyo ciidamada qalabka sida iyo kuwa boliiskaba. Lama oga tirada gudiga laakiin waxaa sugan inuu madax uga dhigay nin ku qabiil ah waa Jan. Galaale. Gudigan muusan ansixin baarlamaanka lagamana doodin ciduu hoos imaan lahaa. Hadaba maxaa qasbay inuu c\aasim magacaabo gudigan oo uu weliba madax uga dhigo nin la wadaaga heybta Ceyr???. Miyuusan ku socon jidkii Afweyne??

Tan kale waxaa noo muuqaneysa seef laboodnimo xaga dimuqraadiyada ah. Dad badan ayaa waxay farta ku fiiqeen in C\aasim ku dhow-dhowyahay wadaadada. Si uu iasaga fogeeyo tuhunka noocaas oo kale ah wuxuu bilaabay inuu adeegsado fikradaha reer galbeedka. C\aasim wuxuu aad u buunbuuniyay inuu ilaalin doono xuquuqda dumarka iyo xuquuqda banii'aadanka taasoo khilaafsan diinteena Islaamka. Marka laga fiiriyo dhinaca Islaamka: hadii gacanta la gooyo qofkii wax-xada waxay leeyihiin waxaa lagu tuntay xuquuda Banii'aadanka!! hadii la karbaasho qofkii sineysta waxay leeyihiin xuquuqda banii'aadanka ayaa lagu tuntay!! hadii la faro inay xijaab xirtaan oo guryahooda joogaan waxay leeyihiin xuquuqda dumarka ayaa lagu tuntay!!! hadaba C\aasimow xuquuqda dumarka iyo banii'aadanka ee aad difaaceysid waa tee!!!!!!! miyaadan ogeyn inaad ku socotid jidkii uu ku halaagsamay tababarahaadii iyo Macallinkaadii???!!!

C\aasimow intaad is leedahay wadaado ka fogow Islaamka meel ha uga dhicin!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ODAY DEGAN

Wednesday, September 13, 2000 - 04:39 pm
HABAR FADHIDO LAGDAN U QAABSAN,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sayid

Wednesday, September 13, 2000 - 08:17 pm
a salaamu calaykum,

to : Ahmed

Naga dhaaf seef la bood iyo mucaarad nimadda. ee ka war sug Ilaa doorashadda waziiradda. rag badanbaa oo mucaarad ah baa sugaayo ee tigidhadii soo gostay. bal se arki doone hadu ka talinaayo danaha dadka iyo dalka Somaaliyaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alipapa

Wednesday, September 13, 2000 - 09:49 pm
Ahmed;


iska hadle shaqo ma kaa dhacdaa saaxiib?. caruurta u xamaalo meeshaana wax dambe ha ku soo qorin dhoorayahow.


Alipapa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, September 14, 2000 - 01:51 am
Soomalida waa lagu yaqaanaa in qofkii fikrad sax ah la yimaada in la mucaarado. Qoraaga wuxuu soo bandhigay waxa macquul ah qofkii diidan ha la yimaado wuxuu ku diiday hadii kale hadalka badan ka dhaafa meesha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qamaan

Thursday, September 14, 2000 - 03:46 am
AXMED

ha la yaabin waa dad noloshoodii oo dhan naageesnimo ku soo dhameeystay. waar oroda oo saa u dhantahiin moryaankan Qaasim la baxay dabada u dhaqa waligeed ba walweyn ninkii garaaca bay daba nashleeysaaye. somaaliland kodh, intiina kale marka puntland laga reebo moryaanka u daba dhaqa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudane

Thursday, September 14, 2000 - 04:28 pm
QAMAAN,

adiga laftigaada ayaa ina canaantay ee kaalay aan dabada kuu dhaqnee,saa waad ina xanuunjisaye, kaa baqanay,laakiin horta soo RIG-RIGO,si wanaagsan beeynu kuugu dhaqi.
inta aad reebtay iyo inta aad caaysayba, wejigoodu meel buu u wada jeedaa, ee adiga halkeed buu wejigaadu u jeedaa???????????????

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.