site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Caws iyo Biyo Ku Nool! Waayo Arag Sheekeeyay!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): Caws iyo Biyo Ku Nool! Waayo Arag Sheekeeyay!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, September 14, 2000 - 05:50 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Waayadan dambe saaxiibkay aad buu u mashquulay oo kansho uma helin sheeko iyo bibito fariisi. Galbatase intuu jiiniskiisii dhag isku soo siiyay oo timihiisa ala Cumar Carte gees ka soo jeexay ayuu Qaxwo iyo qaylo wadaag soo doontay.

Bibitadan waxaan laga waayin oo mar walba heegan ku ah Korneel Gaabiye oo tobankii fac ee la soo dhaafay khibrad dheeri ah oo looga dambeeyo ku yeeshay xeesha fadhi ku dirirka. Korneel Gaabiye ma laha isagoo doobnimo ku weynaaday oo afartan madax la galay ayuu magaalo yimid. Isla markiiba hangash iyo dhabar jabin wax la dhihi jiray garan mayee wuxuu ku biiray ciidankaas. Shan bilood oo aan maalin ka dhimanayn maalinna dheerayn buu ku gaaray sarkaal ku xigeen markii uu muujiyay geesinimo dheeraad ah. Bilad sharaf baad is taahishaa ayaa lagu yiri markuu ina adeerkii Ceeblaawe uu galab xabsiga u taxaabay isagoo ku sheeg kacaan diid dhabo dhilif ah.

Korneelku waa cod kar macangag ah oo ciddii uu qabsado dibir tuu ku dhufto dhagaha qiiq ka baxayo.

Saaxiibkay maanta ka hor mana arag mana maqal Korneelka qof ahaan iyo sheeko ahaan toona. Hadana sidaa markuu u fariistay oo uu Korneelka iyo Cadaan Dhuxulow salaamay, ayuu Cadaan Dhuxuloow ku yiri saaxiibkay "war miyaadan Korneelka garanayn?"

"May garanmayo!" Ayuu saaxiibkay yiri.

Cadaan Dhuxulow ayaa saaxiibkay magaciisa u sheegay Korneelka. Wixii ka dhacayba waa loo soo joogay?

Korneelkii intuu codkiisii la yaabka lahaa sidii isagoo Minaarad saaran kor u qaaday yiri "war ma anigaadan I garanayn?"

Saaxiibkay waa iska Lillaahiye wuxuu yiri "adeer weligay kuma arag hadda ka hor!"

Bal maxaa ku watay muu iska aamuso.

Korneelkii baa carooday oo sidii jiricii is madax maray.

"Bal daya wuxuu ku hadlayo…..
Waa la ii kaa sheegay in aadan caaqibo lahayn…

War yaa soo ina Subkade ma tihid…
Soo Cawo kuma dhalin…

Sidee baadan ii garanayn aniguba aad baan kuu aqaane…

Bal day wejigiisa! Ma qof Subkade yaqiin baan dad kaa soo sooci karin..

Korneelkii waa iska burqaday.

Saaxiibkay marna wuu u naxay Korneelka marna wuu la yaabay. Markuu Korneelkii aamuse buu yiri saaxiibkay:

"adeerow anigoon dhalan buu aabahay dhintay..adiga iyo aabahay midna ma aqoon. Adigana hadda ka hor kuma arag. Dadkase mar baa la bartaaye 'barasho wanaagsan."

Innaa Lillahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun.

Saaxiibkay waa ciyaal maamo ma yaqaan marka Korneelka laga aamuso iyo marka hadalka laga liso. Maanta Korneel waa ha I taaban oo hadal ku raagay buu rabaa in uu iska soo rido. Mashaqo waa tii maro loo xiray!

Korneelkii intuu geesihiisa fiirshay oo labo halkaa oo kale aduun kala celinaysa isha ku dhuftay buu yiri "waryaa Caliyow bal kaalay wiilkan dhagayso..waxa uu ku hadlayo waa mid aanan weligeen ma aqal?"

Korneelkii intuu qoladii xisaabtii ka khalday buu yiri "car I waydiiye waxa uu wiilkani ku hadlay?"

Ku ye aabahay ma aqaan?

Aabihiis anagaa naqaan wuxuu ahaa libaax rag ah oo rag dhalay.

Subkade wuxuu ahaa mid balo qaba oo lagdin badan. Qosol buu Korneelkii iska qaban waayay waaaaw waaaaw ayuu cabaar la haa:

Maalin anagoo carruur ah oo ciyaarayn ayuu intuu cirkaa ii gaaday gawaan halkan ah bal hal dibir seexato la yiraahdo dam igu siiyay.

Subkade waxaan naqiin isagoo Laxaha hooyadii uu raaca labadii maalmoodna caanaha lo'da suuqa u iib geeyay.

Bal dhagayso waxa uu ku hadlayo "kuma aqaan aa!" waryaa…

Waxaan idiin sheegi sheeko..

Maalin baa aniga iyo Subkade iyo labo wiil oo kale ayaa xoolo raacnay. Subkade wuxuu cahaa wiil caano dhan badan.

Waxaan aragnay dameer hadda dhashay oo ilmo wadata oo candho weyn. Subkade wuxuu yiri dameertaan caano ka soo lisan..

Sharad baan galnay in haddii uu naaskeeda taabto shan maalmood mid walba oo naga mid ah uu caanihiisa siin doono.

Sukade mid balo ay ka dhacday buu ahaaye intuu taw yiri buu sidii isagoo sac lisaya dameertii naasaha qabsaday."

Korneelkii intuu aamusay buu qaxwihiisii labo jeer kabaday.

Cadaan Dhuxulow intuu adkaysan waayay buu yiri "ma lisay dameertii?"

"Xagee" ayuu yiri Korneelkii intuu qosol qixi fixi qixi fixi la yiri in door ah

"war mayee way ku biqlaysay oo intay halkaa sinta hoosteed ah laad uga dhufatay oo samadaa u qaaday bay geed Sarmaan ah dhexdiisa ku riday."

Korneelkii intuu labo jeer hadana qaxwihiisii kabaday buu saaxiibka ku soo jeestay oo ku yiri:

"Waan la socdaa in aad tahay nin kibir badan oo isla wayn oo hadana qaaraan diid ah oo tolkiis neceb..

Soo ma tihid ninkii maalintii ragga reer Mayac la laayay..sagaal baa isku maalin la dilay..soddon ninna xiidmahaa laga soo riday..

Maalintaas baa laguu yimid iyadoo birmad la yahay markaas baad ku kajantay odayaashii kuu yimid..

Ku ye ma anay I kala xigaan reer Mayac iyo reer Suusac..

Waryaa markaad sidaa lahayd miyaadan ogoyn reer Suusac ragga ay laayeen iyaga iyo reer Haamo weyne in ay dad kuugu xigeen?"

Saaxiibkay waa iska Lillaahi! Ma garanayo xeeladda fadhi ku dirarka ee sarkaalka ugu weyn cutubyada ku caan baxday dagaalka noocan ihi uu hor fadhiyo.

Miskiin saaxiibkay mar kale ayuu dabin galay markuu yiri:

Oo hadda Korneelow ma waxaad leedahay reer Suusac iyo reer Mayac ayaa ku kala xiga?

……………………way socotaa……………………..

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, September 14, 2000 - 07:03 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

--------qaybtii labaad-------

Korneelkoon weli jawaabin midayahana sii soofaysanay ayaa waxaa yimid Xaji Qajaf. Waa oday waayeel ah oo arag ah oo hadal dagan oo taariikh fog iyo waayo waayo bari samaadkii aad uga sheekeeya. Xaji Qajaf toddobo jeer ayuu xajka tagay shan iyo tobankii sano ee uu Sucuudiga daralka ka ahaa.

Xaji Qajaf ayaa si fiican loo soo dhaweeyay oo kuraasta looga kacay. Xajiga iyo saaxiibkay aad bay isu yaqaaneen oo sheeko wadaag weyn weeye. Saaxiibkay markuu qaxwo iyo qaylo wadaag soo doonto wuxuu jecel yahay in uu la kulmo Xajiga.

Xaajigu warkuu qof walba reerkii in naftiisa ka warsaday oo uu hubsaday in dhammaan la bad qabo ayuu saxaabkay ku yiri:

"Ma kaa dhabbaa in aadan kala aqoon reer Mayac iyo reer Suusac?"

Saaxiibkay halkaa ayuu fursad ku arkooday iyo in uu sheekadaba bedelo. Wuxuu yiri:

"horta Haji Qajafow asalkeenu xaggee buu ka soo jeedaa?"

Xaji Qajaf hal kobojiino ah oo qaxwada loo badiyay ayuu gabadhii ka dalbaday. Waa caan isaga kobojiino kharaar mooyee bibitadan wax kale kama cabo.

Xaji Qajaf wuxuu yiri:

"Su'aal culus weye tan aad i waydiisay?"

Garkuu xoogaa sal salaaxay..

"Waa" buu yiri Xaji Qajaf "anagoo Makkah Joogna ayaa rag odayaal ah oo ciroole u badan baa su'aashan is weydiiyay."

Sidaa la socotaan fac ka fac dadkeenu geedaha ayay qoran jireen oo xagga qoraalka aad baan ugu dheeraynaa hadana weli loox ay ku qoran tahay meesha aan ka soo jeedno lama hayo waxaase sheekadu u badan tahay in aan ka soo jeedno CAWS IYO BIYO KU NOOL.

Xajigu fadhiguu wanaajistay markii kobojiinadii loo keenay.

Waxaa la yiri beri hore oo hore oo aad u fog malaha sabaankii Cali Yusuf ayaa waxaa jiray DHUL. Dhul isagoo iska nabad ah ayuu maalin kor fiiriyay. Wuxuusan weligii arkin buu arkay. CIR.

Dhulkii iyo cirkii baa sheekaystay oo si fiican isu bartay. Waxay ogaadeen in kiiba leeyahay hal cunug. Dhulka Ilmihiiha waxaa la dhihi jiray CAWS, cirkana ROOB.

Roob isagoo oo aan waalidkii fasax ka qaadan buu soo dhacay oo dhulkii yimid. Waalidkii aad bay uga caroodeen arrinkaa markaas bay dayriyeen. Roob isna iska waalin ee magacii buu bedeshay oo la baxay BIYO.

Caws iyo Biyo ayaa sidaa meel wada joogay.

Maalintii dambe ayaa waxaa yimid wax aan weligeed la arag oo la maqan. Caws iyo Biyo waxay heleen ilmo yar oo aan u ekayn midkoodna.

Muddo markii la joogay ayuu ilmihii bilaabay in uu cuno Caws isla markaasna cabo Biyo. Waxaa loo bixiyay ilmihii Caws iyo Biyo KU NOOL.

Caws iyo Biyo Ku Nool ayaa wuxuu dhalay CAD iyo CAANO.

Xaajigu intuu saaxiibkay fiirshay buu ku yiri "Inagu waxaan ku abtirsanaa CAANO."

Markii ay hano qaadeen Cad iyo Caano ayaa waxay arakeen gabar aad u qurux badan. Labadoodii baa halkaa isku af dhaafay. Gabadhii waxay dooratay Caano. Waxaa la yiri gabadhu waxay ahayd habar Jini.

Dhawr bilood markuu Caano gabadhii qabay baa khilaaf weyn dhex maray. Saddex dalqadood oo rijci lahayn buu afka u geliyay.

Waxaa la sheegaa in markaa ay uur yar lahayd. Markii ay cidadii dhamaysatay buu CAD guursaday isagoon ogayn in ay uur lahayn. Sidaas buu CAD ku dhalay HAAMO WEYNE. Haamo Weyne hooyadiis oo habad jinni ah ayaa bartay sida haamaha loo tolo.

Calaa kuli yaan hadal idinku daalin e Caano ninkii la dhihi jiray reer kaluu yeeshay oo afar wiil buu dhalaya: DAMBAR, XOOR, LIS iyo SUUSAC.

Dambar iyo Xoor sidaa uma tarmin oo waa laan gaab.

Lis wxuu dhalay DHAY oo isna sii dhalay CADAYS iyo Labayn.

Xaajigu saaxiibkay intuu fiirshay buu yiri "adigu waxaad tahay Cadays, Korneelkuna waa Dhay!"

Suusac wuxuu dhalay Mayac inkastoo la yiraahdo lama yaqaan cid uu galo Mayac hadana waxaa la sheegaa in uu Suusac la dhashay siday tahay ba Suusac ayaa ku dar daarmay in uu habaar qabo qofkii diiday in Mayac yahay ina Suusac.

Mayac wuxuu dhalay CIIR. Ciirna waxay dhashay BURCAD iyo SUBAG.

Waxaa la sheegay in Habar aan la aqoon cid ay ahayd dhashay Subag. Markay Xanaaqdo ayay sidii hilaac dhimbilo ka duuli jireen sidaas baa loogu baxshay DAB.

Subag wuxuu ahaa mid caro badan oo aad u kulul runtiina wax uu la wadaago reer Caano ma jirin. Hadana isagoo aad u yar oo muluq ah ayay hooyadii Dab la dhuumatay. Hadda waxay isku dhaqan yihiin oo uu qaaraanka iyo magta la bixiyaa reer CAD.

Reer Haamo Weyn iyo reer Caano colaad fog ayaa dhex martay oo mar walba reer Haamo Weyne waxay rabaan in ay muquuniyaan oo afka ka aaburaan reer Caano.

Reer Caano waxaa ka dhashay rag libaaxyo ah oo taariikhda laguma sheegin iyagoo gacanta u galay reer Haamo Weyne hal mar oo ay soo kaxaysteen reer CIR WEYN oo si aadan malayn karin u jecel in ay Caano cabaan.

Soo ma ogadin in Korneelka hooyadii tahay reer Cir Weyn?

Xajiga intuu hadalkii soo jaray buu yiri "yaa wax war ah ka haya carrigii? Maxaa waayadan cusub? Tolow roob ma u da'ay Dayrtan?"

Saaxiibkay intuu Korneelka aad u fiirshay buu ku yiri:

Haye Korneel hadda reer Mayac iyo reer Suusac kee I xiga?

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QUMAN

Thursday, September 21, 2000 - 11:25 am
TO WALAALKIIS
WAXAA KA HADLEESID WAX MACNO LEH MAHA EE WAQTIGA KA FA'IDEESO.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.