site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MOLESTATION AMA CARUURTA LA XOOGO AAD IYO AAD AYEY MOHIIM U TAHAY IN LAGA FEEJIGNAADO AMA LAGA HORTAGO (VERY VERY IMPORTANT) FADLAN HADII AAD TAHAY WAALID CARUUR KU HAYSTA WADAMADA KALA AH USA CANADA IYO KULI KUWA GAALEED BA FUR PAGE KAN.

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): MOLESTATION AMA CARUURTA LA XOOGO AAD IYO AAD AYEY MOHIIM U TAHAY IN LAGA FEEJIGNAADO AMA LAGA HORTAGO (VERY VERY IMPORTANT) FADLAN HADII AAD TAHAY WAALID CARUUR KU HAYSTA WADAMADA KALA AH USA CANADA IYO KULI KUWA GAALEED BA FUR PAGE KAN.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABAR SOMALIYEED

Friday, September 15, 2000 - 09:49 am
WAAD WADA SALAMANTIHIIN AQRIYA YAASHA OO DHAN.

WALAALAYAAL SABABTA AAN PAGE KAN U FURAY WAXAY TAHAY IN AAN I DIIN KAGA DIGO WAXA YABAHA KU DHICIKARO ILMAHEENA SOOMAALIYEED AAN KU KORSANO WADAMADAN GAALADA. KADIB MARKII AY KA DHACDAY MAGAALADA AAN KUNOOLAHAY U.S.A GA DHEXDIISA ANIGA OO AANAN RABIN IN AAN SHEEGO MEESHA AYKA TAHAY AMABA AANAN RABIN IN AAN SHEEGO FAMILKA AY KU DHACDAY MAGACIISA TAAS OO AY WAXYEELEYN KARTO FAMILKA SHARAFTII SA...... IYADOO LOO BAHANYAHAY IN AAN OGAANO INAY KULIGEENABA NAGU DHICIKARTO ILAAHAY HANAGA KORIYEE.... FADLAN ADINKANA WAXAAN IDINKA CODSANAAYAA IN AADAN MAGACYO SHEEGIN......

SIDA AY U DHACDAYNA WAATAN AMA AY UGU DHICIKARTO CIYAALKEENA KALE.

WAXAA DHACDAY IN WILL YAR OO JIRA 11-12 SANO UU ISKOOLKA TAGI JIRAY MARKII LAGA SOO BAXO ISKOOLKA UU NIN GAAL AH KAWADAN JIRAY BANAANKA INTA UU SAN SOO GAARIN GURIGA CUNUGANA UU ISAKA QARSAN JIRAY WAXAA UU NINKA KU SAMAYN JIRAY TAA SOO AHAYD INUU XOOGO CUNUGA YAR. REERKOODA MARKUU CUNUGA U IMAADANA AANANA LA WAYDIIN JIRIN MASHUU KU MAQNAA.....MALIN MALMAHAKA MID AH AYAA CUNIGII SOO DHAXAY OO POLICE KA LOO WACAY MARKAY AHAYD 1AM INTAAS NA UUSAN IMAANIN GURIGA SI LOORAADSHO CUNIGII HABEENKII OO DHAN POLICE KII WUU WAAYAY IYAADOO SIDII LOO RAADINAAYO AYUU CUNIGII ISLA SUBIXII ISKOOLKA KUSOO NOQDAY ISKOOLKII AYAA WALIDKII CUNUGA WACAY MARKII LA WAYDIIYAY MEESHUU JIRAY WUXUU KU JAWAABAY GURIGA SAXIIBKAY AYAAN SOO SEXDAY OGOW CUNUGUU SHEGAYO WAA GAAL LAAKIIN WAXAY AHAYD BEEN OO NIN BAA WADAN JIRAY...

HADII AAN RUNTA IDIIN SHEEGO ANIGA WAALIKIISA MA SOO WARAYSANIN SHEKADANA WAXAY DHACDAY MARDHOW WALI SIDAY WAX U DHECEEN AYAA LA RAADINAAYA ANIGAANA IDIINLA SOOSODSIINDOONO INSHA ALLAH

LAAKIN UMA AANAN FURIN PAGE KAN INAAN IDIIN KUGU SHEEGO. SHEEKO DHACDAY KALIYA WAXAAN U FURAY IN DADKAYGA SOMALIYEED AY OGAADAAN WAXAYAABAHA LAGU SAMAYN KARO CIYAALKEEN YAR YAR OO KU DHAQAN DALAKA GAALADA AH AYNA KA FEEJIGNAADAN TAAS FADLAN MARKA ILA WADAAGA FIGRADIHIINA IYO SIDA LOOGA HORTAGIKARO DHIBAATADAN MICNO MALEH HADAAD WAXDHASHAY IYO HADII KALE WAA ISKU MID ANIGAN HADLAAYO WAXMA DHALIN WALI LAAKIIN CIYAAL YAR YAR AYAA ILA DHASHAY OO WAAN RABAA INAAN OGAADO WAXAAYABAHA DHICIKARO.

FADLAN WAXAAN KAA CODSANAAYAA IN AAD ISKU DAYDO IN AAD KU HADASHO AFKEENA MAXAA YEELAY WAXAA JIRAAN WALIDIIN AMA DAD AANAN AQOONIN AFKA ENGLISH KA ANIGA TOBAN JEER AYAAN TIRTIRAY INTAAN ENGLISH KU QORAY... MIDEEDA KALE WAXAA JIRA DAD AJNABI AH OO SOMALINET KA SOO GALA MARKA TAAS NA WAAN U LEEYAHAY. WAXAY AHAATABA WAX LEE NAGU CAAWI.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CISMAN.

Friday, September 15, 2000 - 07:44 pm
GABADHASOOMAALIYEED.

Waad mahadsan tahay walaalo. Waa arrin in laga digtoonaado u baahan. Waxaad nala soo socodsiisaa meesha ay ku dhammaato arrinkan naxdinta leh. War waa khaniisiin miiran raggan north america deggan. Inta futo bey ka sheekeeyaan. Wallee in badan oo soomaali ah yaa halaagsami doonta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

colaad

Sunday, September 17, 2000 - 09:00 am
mahadsanid walaal,
waxaan u malynayaa dhibkaan kufsashada caruurta,waa mid gaaladu taqaan,anaga ajnabiga ahna digtoonaan badan ma qabno ee markii dhacdo dhacdo ayaan soo baraarugnaa,hadaba waxaan waalidiinta oo ay arintaanu aad u khusayso u soo jeedin lahaa talooyinkaan;
1)ilmaha in ay la sheekaystaan marka ay iskoolka ka yimaadaan ogaadaana waxa ay maalinkaas la soo kulmeen.
2)in ay digniin joogto ah siiyaan caruurta ayagoo u sheegaya in aysan la hadlin,raacinna qof gaal ah oo weyn,in aysan wax ka qaadan qofna.
3)iyo in waaridku fiirsho ama koontaroolo cunuga isbuuciiba hal mar asagoo fiirinaya xubnihiisa galmada.

waxay ila tahay in ay muhiim maanta tahay in caruurta waalidiintu ay siiyaan waqti haddii kale waxay ku dhamaan doontaa sheekadoodu waa "la fara xumeeyey"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabarsoomaaliyeeed

Monday, September 18, 2000 - 07:34 am
waad mahadsantihiin cisman iyo colaad

colaad waan kugu raac sanahay in in ilmaha lawaydiiyo su'aalaha kamid ah waxa ay iskooka ka soo qabteen maanta iyo waxay soo sameyen sida casharada la soo siyay iyo waxa ay macalimiinta soo dheheen taas oo tusay sa in walidkood care siinayo mida ugu mihiimsan waxay tahay in la waydiiyo waxay ciyaalka kale uga soo haraan haday ka soo haraan buska ama haday soo dahaan wixii kabadan 5 daqiiqo oo la dhoho "oo maanta ma buskii ma kaasoo tagay muxuu kaaga soo tagay ood samaynaysay ciyaalkii kaleba way soo raceene laguna qayliyo oo ladhaho ha soo lugaynin haduu buska kaa soo tago guguriga so wac loogana digo inaysan raacin gaalada haduu wayn yahay iyo haduu yar yahayba haduu cunugaas sameyo arintaasna maalinlabaad ladilo ama lagu qayliyo oo laga sheegsiiyo meeshu kumaq naa markuu buska kasoo tagaayay...

walaalayaal horta siday aniga ilatahay arintan aan page kan ka furay waxaan u arkaa in aysan dad badan aysan xisaynin inta anan ka heen cismaan iyo colaad hadan runtii fiirino waa arin aad iyo aad u muhiim ah maxaayelay ilmaheena wax nooga muhiimsan aduunka majiraan marka fadlan walidiinta talo siiya sida colaad....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Awdheere

Tuesday, September 19, 2000 - 02:55 am
Asalaamu caleykum walaalayaal!

Salaan ka dib walaalayaal aad ayaan uga xumahay waxa dhacay sida aad sheegteena caruurta in la koontaroolo waa lagama maarmaan maadaama aan dhul gaalo joogno.

Waxaan idiin hayaa qiso ka dhacday wadankan aan ku noolahay ee FINLAND. Waxaa jirtay gabaryar oo 12-13 jirta daris la ahaa nin Finnish ah kaasoo macalina u ahaa, sidaad la socotaanba wadankan intii isku apartament ahba (iga raali ahaada hadaan si qalad ah u qoray) waxaan ka wadaa intii isku baloog ahba ama isku cimaarad ahba waxaa ka dhaxeeya "sauna" meel kulul oo biyo lagu shubo la iskuna kululeeyo.

Ninka wuxuu mar walba gabadha la geli jiray "sauna-da" oo isticmaali jiray, wuxuuna ku dhihi jiray hadaad sheegtid waan ku dilayaa!. markii in mudo ah uu sidaa u isticmaalayey ayaa maalintii dambe gabadhii Sauna-dii aaday oo in mudo ah ku maqneyd, hooyadeed ayaa maqnaanshaheedii dherersatay markaasey is tiri "armeey gabadhii wax ku dhaceen?!" meeshii bey aaday si ay uga war doonto, mise waxaaba meesha ka dhex muuqda qof cad iyo gabadheedii oo is dul fuula.

Albaabkii ayey ku gar-garaacday, markaas ayey soo baxeen, mise waaba macalinkii!... gabadhii ayey weydiisay sababta uu ninku meesha ugula jiray, kadib ayey u sheegtay in uu mudaba isticmaalayey kuna yiri hadaad sheegtid waan ku dilayaa!.

Daciifnimadeena hadaan soomaali nahay meeshii laga rabay in ninka maxkamad lala fuulo oo waaridka arintaan soo bandhigo... xanaaqoodii waxay ku soo geba-gebeeyeen iney gabdha soomaaliya geeyaan oo kaliya! sheekadiina halkaas ku danto.

Hadaba arinkaas dhacay awgii, waxaan walaaladey ku ayidayaa gaar ahaan COLAAD, in ay lagama maarmaan tahay in la fiiriyo caruurta xubnahooda galmada wiigiiba mar.

Waxaanse talo ahaan soo jeedinayaa walaalayaal inaad u tabaabusheysataan sidii aad caruurtiina ku badbaadin lahaydeen oo aad ugala tegi lahaydeen wadamadaan Qowmu Luudh-ka ku batay.

Wasalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hooyo

Tuesday, September 19, 2000 - 06:37 am
Maalin wanagsan-
Walaalayaal, haddi caruurta lagu badbaadiyo in ay marwalba waalidkooda la hadli karaan oo runta in ay sheegan, waxyaabahaan oo kale waa laga fogaan kara. Ilmaha waxey u baahan yihiin kormeer joogti ah. Su'aalo la mid ah- "maxaad maanta qabatey" oo joogta ah. Mida kale- waa in la ogeysiyaa caruurta in ay dad wasaq ah ey joogaan galbeedka- waa in loo sheega in qofna ay taaban ama ogalanin in la tabto. Maalin walba waa in loogu celceliyaa shekadaas oo la ogeysiyaa in haddi qof xun ah uu tabto in ay walidkooda u sheegan oo waxba la yeeleyn. Waa in laga digtoonaado maarkasta. Jawaabtana waa "la hadal-la hadal- la hadal caruurta"
Eebe ha inoo xaafido caruurteena oo idil.
Amin.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.