site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maseerka qaarkiis iyo xasadku waxay kuu horseedaan galid cadaab

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): Maseerka qaarkiis iyo xasadku waxay kuu horseedaan galid cadaab
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Tuesday, September 19, 2000 - 10:47 pm
Asalaamu Aleeykum

Walaaleey iyo walaale

yeeynaan in kirin waxa dhacaya ama dhacay


Dalkeena waxaan markhaati kanahay in nimanka siyaasiyiinta ahi ay qabiiladooda usheegayeen war dagaalama,sababtoo ah qabiilada kale ayaan waxba idiin ogoleen.waxay ilmahoodii geeysteen meelo nabada.ayagana waxaa ilaaliya odoon aad ubadan oo macquul maha in si fudud lagu dilo maadaama adoontu isu dhigeeyso xabada sayidkeeda ku dhici laheed.waxaan mar khaati kanahay kuwii shalay sidaa isugu keen jabiyay,oo laayay ilmaadeerteen,walaalaheen,adeeradeen,abtiyadeen,hooyooyinkeen,caruurteenii,awoowyaalkeen,ayeeyooyinkeenii,in hada ay kuwiijoogay xamar iyo hargeeysa iyo gaalkacayo ay yihiin heshiis xulufo sababtoo ah waxay ka baqeen in adoontooda laxoreeyo.maxaa yeelay haday ku jirto dad isu keenid iyo dan soomaali maxay marhore isugu imaan waayeen?? ma waxaa hortaagnaa cabdi qaasim!!!! maya waxay heshiis ku ahaayeen in ay meeshooda kala joogaan oo mid waliba tuubada uugu jirta dhuuqo oo adoontu ka amar qaadato.hadana ragbaa soobaxay ayaga kashifaya oo dadkii xoreeynaya,taaseey hada u shirayaan sidii ay uuga hortagi lahaayeen.hadaynu nahay shacabka soomaaliyeed sow ma aha in aynu ilbaxno oo dadkeena xoreeyno la adoon sanayo? qabiiil in lagu qaraabto waxaa daliil cad kuugu filan habargidiir maxay u diideen hadii mid aya ga kamid ah soomaali dooratay shalay abgaall waxay lahaayeen isku qabiil ma nihin maantana cayr waa qabiilkale miyaa!!! intaan lagaarin qabiilooyinkii kale ee soomaaliyeed bal fiiri arintaan.dagaalkana ila gal oo baaba hadii kursi laguudoortana kuuma ogoli maxay tahay,masaasaa qabiilnimadu maya ee waa ii ahoow adoon.waayo qabiil maha wax jira ee waa lagu daneeystaa.ufiirsada waxa kasocda dalkeena hooyo,waa xaasidnimo iyo maseer u quuri waa nolal magac iyo sharaf walaalkaa.taasina waxay kuu horseedaa cadaab iyo jahanamo waxa adoon lajoogaana waa maalmo,wakaa kii uugu waynaa qabiil oogayaasha madiino la dhigay asagoo qori la ordi,wakaa maxmed siyaad bare socday.nin walibana wuu katagi aduunka ee hala quruxsado dalabka irsaaq waa naloo qoray ee.cidna haku raacin arin ah reer hebel baa nahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

T-GIRL

Saturday, October 14, 2000 - 06:29 pm
Maseer aa ku haayo waa muu-muuqata..Hidi maana ceelow hooy......Jag jag jag jag jag jag......Inti muufadii baartooy....Mahadaay U dhiibtooy hooy........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

~Kusseey~

Monday, October 16, 2000 - 03:22 pm
T-Girl

lool that's exactly what i was thinking of when i saw the title of it

MInakeeda mootisooy..Hidi maano ceelow..

Murdug maa macaan gelo waaba ka maarmayeee..Waa is maroojisaayee meelkasta aad martaa ..maseeraa ku haayo waad muuq muuqataa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Thursday, October 19, 2000 - 08:46 am
Dhoocil Rabsho iyo Kuuseey @ LOL.. Rabshada dhaafa waa u jeediin maseerka meesha aas galay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hibo

Thursday, October 19, 2000 - 08:50 am
T-Girl........lol... Minenkey ma dhaafi maseeraa i haayee.. uu sxbkeen wadaa yaah...lol......lolllllllll...........Maradaan maxaa waaye iyo macwistaaneeti.. ma eheen mideydiiyee........??? Weli sxb ma weydiisay taaaaas.......lol.. ..????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

~Kusseey~

Thursday, October 19, 2000 - 02:14 pm
Warta Suuqa

waa ogtahay ani sanadkii mar aa saar igu soo degaa...bil fagoore iiga leexo aan lugta wada mariyee..Ayaamahaan dhan canshuur bixis aan ku jiray markaa hada aan internet-moonkeeyga ku jiraa..Mahaan maseerka la isku faanaya aan qeytee ka qadaanaa nooh

Warta adi maseerka ..suu ku qabta ..feebaro ahaan mise ..Gadaal Gadaal aad ka shiil mataa??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Saturday, October 21, 2000 - 07:01 am
Kuuseey,

Hadaas bahalka maseer la dhaho i qabto waa GARIIRAA, mugaasaan siteey manoogto camal u bururaa, ilaa buurka xaawo taako korkiisa aan ka fuulana mala i qaban karo ee iska jir yaa. Ka bacdi ilaa macsharo iyo qamiir aan ka riixo maba iga dagaayo noo. Koob digloow ahna casarki qac ka siiyo, si hameenkii oo dhan jalmad qomborasheey ah aan musqusha agteeda ii taalo nooh. Qaras aa igu kacday waa ogtahay. Abooto, subixina beer iyo muufi baraawe iyo koob qaxwa ah qac kasii ahaa.

Maseer saas aa lagaa dhahaa hadii kale been iska dheh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqq

Saturday, October 21, 2000 - 07:03 am
Kuuseey,

Qadadana bilcaanta aa galaameey iigu tuurayso waa ogtahay noo. lol.. Maseerka aa la iga dajihaa waaye shuqulkaas..

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.