site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HABARGIDIR IYO ABGAAL OO DAGAALO QARAAR DHEXMAREEN!!!!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Sept. 29, 2000): HABARGIDIR IYO ABGAAL OO DAGAALO QARAAR DHEXMAREEN!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed1

Friday, September 22, 2000 - 05:42 am
Wararka ka imaanaya Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalo qaraar ay ku dhexmareen Habargidir iyo Abgaal meesha loo yaqaan Barmuuda. Dagaalkan oo dhacay subaxnimadii Jimcaha 22/9/2000 ayaa soo qaaday maleeshiyada ka amarqaadata Xuseen Caydiid. Sida ay wararku sheegayaan markii ay maleeshiyada Ceydiid la kulmeen difaac adag ayaa waxay gar-gaar ka codsadeen maleeshiyada Cusmaan Caato. Dad ku dhow labaatan qofood ayaa ku dhintay afartan kalena way ku dhaawacmeen dagaaladaasi.

Labada maleeshiyo ayaa weli isku horfadhiya Barmmuda iyadoo labada kooxoodba u ciidan dirsadeen beelohooda xarumaha kale jooga. Gar-gaar iyo rasaas aan la qiyaasi karin ayaa kusii qul-quleysa goobtaas dagaaladu ka dheceen.

___________

Hadaba walaalayaal iyadoo dhibaatooyinkaa iyo dagaaladaa ay jiraan ma idinla tahay inay
suurtogal doonaan in hubka lagu wareejiyo dowlada cusub ee Habargidir?????!!!!. Yaan qalad la'ii fahmin, waan jeclahay inay dhisanto dawlad soomaaliyeed oo caadil ah, hasayeeshee, C\aasim xukuumaduu madaxda ka yahay oo aan leheyn itaal badan hadii lagu wareejiyo maxaa dhici kara?? Illaa hada waxaa noo muuqanaaya in Dowlada C\aasim ay calanka u sidaan ilma adeeradiis sida Galaal, Xasan Daahir, Firimbi iyo kuwo la mid ah. Qabiil uu idinka dhexeeyo dagaal iyo looltan ma u dhiibi leheyd hubkaada si laguugu laayo????!!

Waxay ila tahay in laga fiirsado talaabooyin badan oo hadhow laga shaleyn doono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

puntlander

Friday, September 22, 2000 - 06:14 am
waryaa moryaan baad tahay orod meelahaa ku soo niiki maxaa iska galay c/qaasim iyo ina ceydiid.
wax aad sheegto ayaad weydey, waxaad noo sheegtay nacasnimadaada ee wax kale sooma aadan kordhin dad walaalahaa oo macano daro ku dhimanya, ilaahow kala qabooji intaad oran laheyd baad sida dogontii noola soo dabaal dagtay reer hebel iyo reer hebel baa islaayey ka warama dowladdii c/qaasim.

waar horta kala baro markaad war maqasho waxa ku haboon inaad tiraahdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, September 24, 2000 - 07:31 am
Dhamaan dad weynaha soomaaliyeed waxaan usheegayaa in nin layiraahdo AXMED1, EE warka kor ku qoran soo qoray, wuxuu dhawaan kasoo baxay isbitaalka waalida, oo uu mudo ku xareysnaa, waa nin soomaaliya markuu ka imaanayey dhowr qof soo dilay, waa dhiigya cab ee lasocda waa saaxiib keyga oo jiran, ee wuxuu rabo haqoro ee hala'ska iloobo, waa nin jiran oo gar gaar ubaahan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.