site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SUAAL? NABI AADAN CS IYO XAAWA

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): SUAAL? NABI AADAN CS IYO XAAWA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAHAMED (Public user)

Unrecorded Date
WAA SUAAL NABI AADAM(CS IYO XAAWA MA DAD AFRIKAAN AH MADMADOOW AYEY AYAAHEEN MISE CADAAN JAAWAAB AYAAN DOONAYAAA?????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxsin (Public user)

Unrecorded Date
salaan kadib
nebi aadam midabkiisu wuxuu ahaa siday culimo leedahay(sh.cumar faruuq)midabka maariinka.

laakiin midabkoo dhan alaa kuu sheegay(qur´aanka)
oo waa tilmaan ku cibra qaadasho ahee waxba maxamadoow ha isku mashquulinin.ujeedadu waa in adoonkastaba eebe ka baqo gartana wixii loo abuuray.


muxsin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jaamac (Public user)

Unrecorded Date
muxsin(( ilaaheey ayaa quraankiisa ku yiri binuaadam waxaa laga abuuray dhoobada
sidaas darteed midabka dhoobada dadka iska leh wa dadka afrikaanka sidaas darteed nabi aadam
wuxuu ahaa nin afrikaan ah madoowna dhoobada midabkeeda lahaa calyhi salaam dadka cadaanka ah waxaa dhalay shaydaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban (Public user)

Unrecorded Date
Dhoobada meeqa midab ayeey yeelan kartaa?
Carradda ama ciida soo dhowr midab ma laha?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AnonX (Public user)

Unrecorded Date
Idinku color ayaa ka hadlaysaan laakiin anigu waxaan mar walba ku fakaraa nabi aadam iyo nabiyadii kale intey le'ekaayeen. Tusaale ahaan nabi waxaa jirey in ka badan sideed boqol oo sano dadka waaninayey. Waxaa kaloo jirey dad buuraha guryo ka dhigan jirey.

Ma laga yaabaa Dinasour-ka hadda la helo inay dad ahaayeen? Haddii saynisku run sheegayo oo Dinasour-ku intaasoo sano kahor noolaa maxaa loo heli waayey dadkii waaweynaa oo quraanka ku qoran lafahoodii?

Marka midbaka meel intaa dhigto tan maku fekertey:
Dadkii hore iyo dadka maanta meeqa wax ayey isaga mid ahaayeen?

Hadaba qofkii cilmi waxyaabahan u leh asoo caytamin is cilmiyeysan ha uga jawaabo.

Anon, the X.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman (Public user)

Unrecorded Date
asalaamu caleykum,
Nabi Adam caleyhi salaam,waxaa laga aburay dhoobo,dhoobana maaha caro madoow oo kaliya lakin waa inta nooc oo cid ah oo jira,
Takale cadaanku waa qayb kamid ah faricii nabi Adam oo maaha shayaadiin ciyaalkood (jaamac ayaa yiri) marka yeeynan naqadin cunsuriyad ee ilaah halaga baqo, mase ogtahay Jaamac in moslim badan oo cadaan ah uu jiro;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro (Public user)

Unrecorded Date
Salaamacalaykum;

Markaa horee waxaan ka sii afeef dhiibanayaa cilmigaygaa oo aad u yar,,yar,, isla markaana doodahaa qaarkood aan xiisayo ka soo qaybgalkooda.

Haa Nabi Aadam (cw) dhobo ayaa Alle ka abuuray, dhoobadaaso ah carada taasoona u kala baxdaa dhowr midab, waxaa jirtay xadiis Nabiga (scw) ka hadlayey, hadase ma xasuusto, waanse isku dayi inaan soo helo, InshaAllah.

Markii aan arkay, Su'aasha anonX ee ah, ma laga yaabaa dinasoorka hada la helo in ay dad ahaayeen? waxaan soo xasuustay qof aan bari dhexdaas ka wada hadleenay Qur'anka iyo sayniska. saynisyahanada qaarkood waxay yiraahdaan dadkaa oo dhan apes ayey ahaan jireen barigii horee, That theory has been widly impressed, now it is been tought is beeing fact rather than theory. More than a century of scintific research has failed to prove that theory.

waxaa jira dad badan ee dhulalkaan galbeedka ku nool oo ku wareersan the display of technical knowledge isla markaana, cilmiga sayniska indho tiray.

The Qur'an asks man to look for science within himself and on the horizons to attain uderstanding, a man must use his eyes, mind, and his heart. Quraanka aayado badan ayaa ka hadlaya deeganka (nuturka) in ka badan aayadaha ka hadlaya sonka, salada, xajka iwm. So the muslims under its infulence began to observe nuture closely and this gave birth to the scientific spirit of observation and experiments. Cibrad iyo waano qaadasho ayaa inoogu sugan Abuurista Eebe. sida aayada oranaysa, "And He has subjected to you, all that is in the heavens and earth as from Himself: behold, in that are SIGNS indeed for people who reflect. (quraanka,45:13)

Cilmigu aad ayuu u wayn yahay, wax la soo koobi karona ma aha, waxaase waajib inagu ah in aynu u marnaa wadada saxda ah. sayniska wuxuu isku dayaa inuu macneeyoo nuturka isagoo adeegsan cilmi diin waxaase ah quranka ayado ka mid ah ee macneenaya dhismaha aduunka, kuwaaso aad ugu eg kuwaa ay hada saynisyanahada hada isticmaalan.

waxaan qaldayee kor ku qoran waa la saxi karaa.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAAIIIL (Public user)

Unrecorded Date
NABI AADAM (SCW) WUXUU AHAA NIN CADAAN AH DADKA MADOOW WAXAY MARKI UGU HOREEYSAY KA DHASHEEN MARKII DOONTII NABI NUUUX LAYIRI YAAN LAYSKU TAGIN AYAA LABA QOF NIN IYO NAAG ISKU TAGEEN NABIGII AYAA INKARAY OO YIRI WAX FOOLXUN DHALA HALKAAS WAXAA AY KU DHALEEN WIIL AYR OO MADOOW MARKA DADKA MIDABKA MADOOW LEH WAXA AY KA SOO JEEDAAN DOONTAAS LAAKIIN NABI AADAM IYO XAAWA WAXAY AHAAYEEN CADAAAN
NABI AADAM HADII UUSAN DHALI LAHEEN NIN CAD WUXUU AHAAN LAHAA GABLAN WAAYO DADKA MADOOW WAA CAQLI, LIXASAAC SIDA SOOMALIDA WAA KUWA UGU MADOOOW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AnonX (Public user)

Unrecorded Date
Suleeqa Sagaaro:

Marka hore aad ayaa ugu mahadsantahay figradda aad dhiibatay. laakiin markaan akhriyey qoraalkaada waxaan u fahmay laba mid:

1- Inaadan su'aashayda fahmin;
2- Inaad jecleysatay inaad ka jawaabtid adigoo ku base garaynaya waano iyo inaad dadka ka dhaadhicisid sida adiga saxa kula ah.

Haddii aadan fahmin su'aasha dib u akhri sis. Laakiin haddii aad fahamtay jawaabtaadu ma aha mid ka jawaabaysa su'aasha meesha ku qoran laakiin waxay u egtahay mid ka hadlaysa arimo kale.

Hadaba Suleeqaay waxaa isoo xusuusisay culumada marka diinta wax laga weydiiyo qofkii jawaabta raadinayey ka dhiga eedeysane iyo inayan habooneyn in wxaas la is weydiiyo. Marka abaayo asxaan ii samee oo waxaa ii sheegtaa si cilmiyeysan jawaabta aan su'aashayda u raadinayey ama waxaa ii sheegtaa aayad ama xadiith oranaya lama raadin karo wax ku saabsan dadkii hore.

Anon, the X

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro (Public user)

Unrecorded Date
Salamacalaykum;

To anonX:

Walaal waan ku salaamay markaa hore, Waxaan filayaa inaad qoraalkaygii u aragtay in aan su'aashaada ka jawaabaya, laakin hadii aad dib u eegto qoraalkaygii hore ee kor ku qoran waxaan ku bilaabay, " waan xiiseeyaa doodaha qaarkood ka soo qaybgalkooda, Cilmigaygana aad buu u yar yahay" Markaa maanan oran Su'aal baan ka jawaabayaa, waxaadna ka garan kartaa markaan iri "cilmigayga aad buu u yar yahay" su'aalna ka jawaabideeda waa in aad aqoon u leedahay markaad ka jawaabaysa.

Waxaana kaloo ka mid ahaa qoraalkaygaa kor ku qoran, "Suaasha anonX markaan arkay baan qof soo xusuustay" markaa taasinaa ulama jeedin wax qalad ah.

Waxaad tiri waxaan ku soo xusuusiyey, culumo qaarkood, oo su'aal wadaha ka dhigaa eedaysane kolkuu la yimaado su'aal.

Waxay ahaataba, qoraalkaaygii kor ku xusnaa, kuma saabsanayn in aan qof ka dhigo eedaysane, haduu qof ula muuqday sidaana, RAALI GALIN buuxdaa aayaan dalbay.

Sideedaba waaba wax qofkaa looga baahan yahay inuu su'aalo la yimaado xaga walbaa isagoo cilmigiisa kororsanayaa, waxaana jirtay aayad oranaysaa hadii aadan ogayn arin waydii kuwaa cilmiga leh. Su'aashaada jawaabteedana waxaynu ka sugi doonaa qof aqoon u leh, InshaAllah.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Inamacalin (Public user)

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum
Salaan diiran dabadeed.
waa su'aasha hore ee nabi Aadam iyo kalarkiis.
1)Waa su'aal aan nalaku addoonsan inaan ogaano.
waxaa nalaku addoonsaday inaan Allaah kaliya caabudno.
2)cilmigeena oo gaaban,wax xikmad ah kuma jirto inaan ogaano.
3) waxii waajibka ahaa ee nala faray oo aanan aqoon u lahayn darteed, ma aha inaan wakhtiga ku lumino waxaan muhiim ahayn.

Hadaan u soo laabto su'aasha jawaabteeda waxaa wanaagsan hadii ay Diin ku saabsan tahay inaan ra'yi lagu jawaabin ee daliil lugu jawaaabo.
sidaa dartee jawaabta waa faqsan naska diiniga ah oo aan rajaynayo inaad ku qanci doontaan ayaan idiin soo qori doonaa haadii allaha awooddaleh uu ogalaado.
sidaas iyo nabad galyo
waassalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamas (Public user)

Unrecorded Date
asalaamu calaykum

walaalayaal markaan akhriyey suaalihiina iyo jawaabihiina waxaan dareemay in ninkii suaasha na weydiiyey inuusan weli qancin. bal anne aan isku dayo walaalayaal.

waxaa eebe noo sheegay in eebe ka abuuray carro. ma hubo inuu xaddis ahaa waxaan meel ka akhriyey in alle markuu abuurayey nebi adan uu carrada soo qaaday( siduu alle u qaaday shaqo kuma lihin) caraduna waxay ka kooban tahay carro madow, carro cad, carro dhanaan,carro qurxan, carro sibsib ah ,carro guduudan, carro bacaad ah, caaro xaano ah iwm, intaas oo nooc ayey caradu u qeybsantaa weliba waxaan ognahay in carradaas ay u kala baxaan kuwo wax ka bixi karaan iyo kuwo kale
masalan carro madow oo aan waxba ka bixin ayaa jirta, mid cad oo wax ka baxaan ayaa jirta waxaan kale oon ognahay in midabka dadka intaas ka kooban yahay. waxaan kale oo aan ka qadan karnaa caradaas dabeecadaha dadka oo kala ah tusaale ahaan, waxaa dadka laga helaa qof debci wanaagsan oo qof walba dabeecad ku qanciya, qof caniid ah oon dadku jecleyn, mid dhexdhexaad ah iwm.
haddaba waxay ila tahay inay xariir wada leeyihiin dhamaan inta aan soo sheegay nebi adam asalkiisa waa carro oo intaas oo nooc iyo midab u kala qeybsanta, dadkana waa la mid ha ahaato midab iyo dabeecad.
alaahu aclam.
NB. pls hadaan qaldamay i soo saxa waan qaldami karaa. waxaanse filayaa in ay u dhow dahay runta.
kamas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame madoobe (Public user)

Unrecorded Date
suaal waxaan maqlay in dadka madoow asalkoodii ayka soo jeedaan markii doontii nabi nuux layiri yaan laysku tagin ayaa nin iyo naag isku tageen kolkaasaa nabigii yiri wax foolxun dhala markaa,
waxay iska dhaleen wiil madoow sidaas ayey dadka madoow ku soo farcameen asalkii dadka waa cadcadaayeen inkaar ayaa na madoobeeysay salaamu caleukukm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najma (Public user)

Unrecorded Date
Asalamu Alaykum

The meaning of the name Adam in arabic is dark(not black or white),therfore nabi adam S.A.W was a dark man.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIFATAH (Public user)

Unrecorded Date
Asalamu Alaykum

Halkan waxaan rabaa inaan fahmo ama la ii cadeeyo waxa ay walaalahey kawadaan doonta nabi Nuux baa labo qof isku tagtay. Waxaa idin ka codsanayaa inaad daliil u keentaan (Prove) taasoo diini ah(sida aayad Qur'aan ah ama xadiith). Hadiidan u heynin ogaad inaad dambaawdeen. Tankale Ilaahey wuxuu ku yiri Qur'aankiisa (TILKA UMATUN QAD KHALAT LAHAA MAA KASABAT WALAKUM MAA KASABTUM)Taasi waxay aheed umad tagtay waxey sameysteen bay lee yihiin anaguna waxaa kasbanay baanu lee nahay. Siidaa aawadeed yaan waqti lagu lumin wax hadii ogaataan aan wax idiin tareyn. ILAAHEY wax kasto wuu abuuray kalarkooduna kala duwan yahay. (Look the grapes they all have deffirent color look animals with same root but with deffirent colors). Fadlan haday waxa diintahay yaan lagu dagdagin.

Wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Admin

Unrecorded Date
Hello dear SomalNet visitors, we decided to change/modify certain topic names due to a problem they might cause to other visitors or to the our networks. For example, a long topic header may slow down the whole network while these headers are travelling back and forth. We'll try to replace topics with most relevent to the older ones.

We apologize for any inconvinience that has anything to do with these changes.
SomaliNet member

Wanagsan dhammaantiin, waxaan bedeli doonaa qaar ka mida magacyada mowduucyada. Waxaan sababay dhibaato ka timid magacyada dhaadheeer ee mowduucyada. Haddaba taasi waxay dib u dhigtey gebi ahaanba nidaambka warisgaarsiineed ee SomaliNet iyo dadka soo booqdaba. Waxaan ku bedeli doonaa mowduucyada kuwa u qalma kuwii hore lakin ka gaagaaban adinkoo raalli buuxa naga ah.

SomaliNet member

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.