site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Abgaal waa Halbowlaha Dawlad walba oo Soomaaliyeed!!!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Before Oct. 29, 2000): Abgaal waa Halbowlaha Dawlad walba oo Soomaaliyeed!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed1

Wednesday, October 18, 2000 - 02:11 am
Hadii aan taariikhda dib u baarno waxaa noo muuqanaya kaalinta uu abgaal kasoo qaatay Dowladihii horay uga dhashay Soomaaliya. Tusaale ahaan dowladii Maxamed Siyaad, waxaa dhalashadeedii iyo dhismeheediiba ka dambeeyay Abgaal. Ninkii Afgembiga hubeysan sameeyay wuxuu ahaa Jan. Salaad Gabeyre oo Abgaal ah ka dibna wuxuu xilka ku wareejiyay Jan. Maxamed Siyaad oo markaa ugu da'weynaa saraakiisha. Mar la weydiiyay Jan. Salaad sababtuu sidaa u sameeyay wuxuu ku jawaabay "ushaada nimaad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa". Waxaa nasiib dare noqotay inuu Jan. Salaad lagu xukumay dil toogasho ah iyadoo lagu eedeeyay isku day afgembi. La yaab ma aha carabta ayaa ku maahmaada "kori aygaada si uu kuu cuno". Dowlad aan anaga gacmeheena ku dhisnay ayaa bur-burisay dhulkeena iyo dadkeenaba.

Hadaan dib ugu soo noqdo dawlada C/aasim, illaa iyo hada waxaa wada oo taakuleeya Abgaal. Tusaale ahaan Dowladiisa oo dhan waxay degentahay dhul Abgaal leeyahay Hotel Ramdaan, Hotel Lafweyn iyo meelo kale fara badan. Ganacsatada xoolohooda ku bixiya waxaa ugu badan Abgaal. Taageerayaashiisa waxaa ugu badan Abgaal.

Taariikhdaasoo dhan waxay na tuseysaa inuu Abgaal yahay halbowlaha dowlad walba oo ka dhalata Soomaaliya taasna waxaa ugu wacan inuu yahay Qowmiyad weyn oo leh tiro iyo tayabo la'aantoodana wax kala socon karin.

Hadaba C/aasim ma wuxuu doonayaa kaliya inuu ku owr kacsado Abgaal ka dibna ula dhaqmo sidii Afweyne mise wuxuu ugu hambeyn doonaa sidii ay ugu liseen?!!!!! Taariikhda ayaa cadeyn doonta.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.