site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Yaa xaaraantimayn kara wax ALLE xalaaleeyay?

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): Yaa xaaraantimayn kara wax ALLE xalaaleeyay?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zakariya Abuu Yaxya

Unrecorded Date
Duca qabooyin hadaad dumar tihiin waxaad u badan tihiin kuwo isku daya inaad ninkiina ka saxiixdaan inuusan cidkale idinla aroosin, maxay arrinkaas ku dhacday? Teese ku khasbi laheyd inay ninkeeda ka xaaraantimayso wax uu Ilaahey u xalaaltimeeyay oo ah inuu afar arooso, markaas ka dib haduu caadilnimo u fali waayo mid kaliya ku ekaado. Hadaad adiga shardigaas xiri doontid maxaa kugu qasbaya oodan wanaaga u rabin in dumarka walaalahaa kula qaybsadaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
Salamacalaykum:

Sakariya:

Ciwaanka kor ku qoran waxaa uu u egyahay su'aal. "yaa xaarantimaynkara wax uu Alle xalaaliyey"? jawabtu waa CIDNA.

Su'aashada ah, maxay ku dhacday inaad ninkiina ka saxiixdaan inuusan haweenkale idinla aroosin? kolay wax aan sameeyey ma aha laakin (kaftan) waan ka saxiixan kaan guursanayo hada. Runtii waxaa kentay ama dhalisay in haween badan sidaa yeelaan, xaqadoodii oo lagu dheelay si caadil nimo ahna loo samayn. waxaase laga yaabaa markii ay u fasaxdo mid kale in iyadiiba daaqada laga saaro. manaa aha wax ilaah xalaaliyey inay haweenkaas xaarintimeeyen balse ay tahay in la isku ekaado oo haween kale soo galin booskeeda si dhib u soo gaarin qoskeeda. (runtii ma ogi qof dunidaan ku nool oo si equal ah caadil ah u samayn karo haduu qabo labo xaas iyo afarba, ragii caadilka wax u samayn jireen way dhinteen)

su'aashaada kale, maxaadan u rabin in dumarkaa walaalahaa kula qabsadaan wanaaga (ninkaaga)?
Runtii ma ahaa xaasidnimo iyo sidaa ay u muuqato ee waa wali jirtaa inaan la halayn cadilnimo hadii haween kale ku soo wehliso ninkaaga. markaa Su'aal waxaa ah ka soo qabo tusaale, maagaalo baa joogeen inan iyo ninkeedii. haween kale baa la jooga. ninkeedii inuu guursado buu rabay mid ka mid ah. rag kale oo badan ayaa jooga oo aan xaasas lahayn, waa diiday inuu ninkeedii guursado haween kale, marakaa miyey wanaag (ninkeedii) ka xasaday haweenka walaalaheeda, mise waxaay ku xadgudubtay wax Alle xalaaleeyey? iyadoo ay rag kale joogaan oo xaasas u baahan maxaa uu u doonay nin xaas leh inuu labaysto isaga qudhiisa maxuu uuga diidayaa wanaaga (haweenkale) inay ragaa guursadaan intuu isga labaysan lahaa.

Runtii haweentii ninkeeda u diido inuu la guursado wanaag bay u samaysay waqtigaan la joogo waayo hadii uu ku xadgudbo rightskeeda oo caadil fali waayo mid ka mid ah aaqiro waxaa uu la kulmi ciqaab Alle oo daran, markaa waxaa ay ka badbaadisay dhibkaas. Hadii gursigaa haween kale arimo kale oo muhiim ah ka danbeeyo sidaa dhibaato ka haysata xaga hore ninka oo uu rabo inuu uga gudbo mid labaad waa sidaa laba qof ay ku heshiiyaan ee arin laga hadli karo halkaan ma ahaa cidii makraas haysataa bay ku wanaagsan tahay xalinteeda.

waxa qalad ah ee kor ka raali noqda.

Nabadgalyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciir

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum
To: Zakariya Abu Yaxya

Waad salaaman tahay marka hore, marka xigta ilaahay inkastuu xalaaleeyey inay nimanku 4 dumara guursadaan hadana wuxu ku xidhay shuruudo ee iska guurso maaha. Marka nimankii ayaaba si kale u fasishay arinkan oo mid walbaa iska guurguursaday taasina waa qalad. Mida kale miyaadan ogayn inay qofta dumarkaa ee aad la guursanaysaa aysan bili aadmi ahayn? Waayo nolosha qurbuhu way ka adag tahay tii dhulkeena cidina iskuma hayso taasi. Marka hadaad 4 guursato tumaad caawin ileyn marmar way adag tahay inay hawsha oo dhan iyadu qabato e? Aniga waxay ila tahay tii ka saxeexata ninkeeda inuusan guursan mid kale ay mustaqbalkeeda ka fekerayso. Mida kale hadii taad qabtaa ay mid baro kaysan tahay maxa mid kale kugu kalifay? Soo nabad ahaada gidigiin.

Amaano allah iyo amaano rasuul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suhayla

Unrecorded Date
To Suleeqa & Ciir:
Right on walaal!!! Runtu waa waxaan laga fursanayn.
Raggii waxaan u malanayaa in aanay fahamsanay in noloshii aad iyo aad uga adkaatay qurbaha. Caruurta badan ee ay rabaana aan dhulkan lagu korin karin.

To Men:
Kasoo qaada in aad labo xaas qabtid ma mid baa Somaliya u diraysaan . How are you going to handle all the responsibilities?
Dhulkii waxaadun heli jirteen in reeruhu ay is caawiyaan oo curta laydin la koriyo. Ogow hadeer taasi ma jirto!!!
Horta ku dadaala inaa QOOSKA KOWAAD DARYEESHAAN !!! markaa ayaynu ta labaad ku xisaabtimye.

Kala daaya labo arimood inaa naga rabtaan in qurbaha laydin kula caawiyo reerka dhaqaalihiisa oo aan ahayn waxa dumark farad Eebe kaga dhigay iyo inaad rabtaan inaa nala guursataan.

waa mahadsan tihiin dhamaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
To: Zakariya Abuu Yaxya
Walaal cunwaan kaga wuxuu u egyahay Su'aal balse qoraalkaaga waa Attack and persuasive.
1. Not all women stop their husband to marry another one.
2. If the man wants to marry another he can without his wife making a discussion for him.
3. Wax Ale xalaleyay qof xarantimenkaro majiro.
4. Imisa rag xaas leh gursaday nag kale did these women stop them?
Naag ma celinkaro NIN ee walaal dib iskugu laabo. Walaal ragu way xumey yaan dumarka, hadii layiraahdo yee ku socotaa Sua'asha aad waydisay waxey ku socotaa (raga & Dumarka) 100%. ee before you come here with a no reasons to sport what you saying I suggest you to stay quite. RAGUBA waxay sameyeen wax Ale manacay oo kamid ah (Sinada) Dilitaanka dumarka etc. Hadii aad kentay in laga wada hadlo arintaan waa in aad wanisid dadka una shigtid xaqa not to attack one group of people. I suggest you have long think before you create a topic that you don't have a full information of it.
Waa iga intaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Suleeq S, Ciir, Suheyla iyo Falis idinku raacsani sisters!!!!!!!

Yaa kuu soo harey Zakari Abuu yaxya horta magacaa i diley Nabi Zakariye iyo wiilkiisii Yaxye.
tan labaad suaasha ah wax alle xalaaleeyey yaa xaaraantimeen kara? JAWAABTU WAA CIDNAAAA!

qoraalkaada intiisa kale
adoon cidna ukala eexan
cidna eedda saarin
cidna caloolxuma ku beerin
walaalkiis daacad iiga jawaaboo halka shardi uu ilaahay ku xirey ragga markuu u baneeyey more than one wife ((waa caddaaladdee)) ma ii sheegi kartaa wiilka maanta kabixi karo.

Tan kale gabar walaashaa iney kula wadaagto ninkaada wanaagiisa maxaad ku diidi markaa tiri meeqa nin ayaa arlada joogto maxaa gabadha walaashey aniga keyga kusoo koobey.

Ilaaahay nimanka waa u baneeyey iney afar naag guursadaan mana diidani laakiin markuu alle i gaarsiiyo waqtigaas kama yeeleen inuu naag kale iikeeno.

nabadeey wixii qaladna cafis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aniso C

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum:


Suleeqo,Amran,Ciir,Suheyla,Falis. Macaan tooyin aad ayaad ugu mahad santahiin fikradihiina sharaftaleh dadna waxeey aaminsan yahiin in laga wada samray gabdhaha soomalida oo qurbaha maanta jooga adinkoo ka mid ah marka wiilasha caaytamayoow marka hore fiirsha 5 gabdhahood oo soomiliyeed markaas kabacdi hadla.
Zakariye walaalkiis jawaabtaad raadineeysay oo sharaxan walaalaheen ayaa kuu soo qoray.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu********Caleykum

Anisa C. mahadsanid macaanto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zakariya Abuu Yaxyaa

Unrecorded Date
Walaalayaal aad baad ugu mahadsan tihiin fikradihiina kuligiina si caam ah ayaan idiinkugu mahad celinayaa inkastoo dadka qaarkiis ay igu tilmaameen inaan caantamay balse hadey jirto ha la iga raali noqdo hana la i cafiyo.

As both my sisters, Suleyqa & Amran indicated, ma aqaan rag maanta u cadaalad suubin kara afar xaas balse ma oran karno ma jiraan amaba ma noola ragaas. Runtii ma sahlana cadaalad loo suubiyo afar xaas ma na u maleynayo inay jiraan niman arrinkaas u kici kara oo ku nool North America. Hadaba subjectigu wuxuu ahaa "Adiga ma ku khasbi laheyd ninkaaga maxaase kugu sababaya?" balse ma aheen cadaalad ma u suubin kartaa xaasaskaaga adigoo jooga westiga. Anigu waxaan ilaahey balan uga qaadayaa inaan gabadhaan la kulmo waxaan kula balamo iga baxeynin ka dib markii aan arooso. Balantaas waxay noqon kartaa inaanan la aroosin naag kale amaba aan afar la imaado; (I would promise that if she is capable of being a real muslimah that follows the footsteps of the our great Umahaats like Aisha, Kadija Maymuna and so on) Maba aqaan waxaan gabar kale u doono anigoo haysta qof ilaahey ka baqaneysa oo raaliyo ah; raaceysana dumarkii taariikhda aduunka mar kaliya soo maray. Marka sheekadu waa balanka la wada galayo iyo waxa sababa arrinkaas ee ma aheyn xaaskaaga kaa reebi karta waxaad rabtid; of course way kaa reebi kartaa waana la tashan kartaa maxaa yeealay Nabiga (scw) waad taqaanaa dhibaatooyinkii ugu waynaa markay u yimaadeen ciduu la tashan jiray. Hadey tahay khadiija amaba Umu Salama; labadaba dhib wayn ayay ka caawiyeen talooyinkoodiina wuu qaadan jiray. Markaad gurigaaga lagaa soo hagaajiyo ayaad umad hagi kartaa sidaas ula socda duca qabooyin. Dumaroow adinka ayaa nolosha iyo wanaaga ninkaaga keeni karta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalamu calaycum
Aniso C thanks walashiis.Amaran M thank you sis too for your support. And to all other girls and keep up the good work girls and show men that we are Capable of correcting them. No one in this world is perfect my brothers and sisters the only thing we could do is correct each other's mistakes.
waa inga intaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Zakariya Abuu Yaxaya

walaalkiis salaan kadib horta kuma dhihin lama helaayo nin cadaalad sameeyo balse (qalla maa yajid) aad ayey u yaryihiin inta laga helo hase ahaate xaga ballan qaadka miyaa horta nin wanaagsan ayaad tahay hadii gabadhaada wixii aad kabalan qaaddo aad usameyneyso kuna ekaaneyso ballankii ha ahaato hadey naag kale kuu ogolaato iyo hadii kalaba balse aniga fikradeyda amran ahaan hadii aan raaliyo u noqdo reer u dhaqo wax walbuu rabo usameeyo sababta aan naag kale ugu fasixi amase uu u doonan maxay tahay jawaabtu waa Kibir walaalkiis marka waxan kusoo gaba gabeyn ilaahay xaqa hana waafajiyo dhamaanteen/

falis adaa mudan sis

nabadeey wixii qaladna cafis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

e

Unrecorded Date
To:Amrran,
Waxaan odhan lahaa haddaan adiga ahay(Qalla maa yuujad ee ma idhaaheen Qalla maa yajid).
Dhinaca kale Zekariyow waxaad mooddaa inaad is dhiibtay iyadoon lajoogin meel la iska dhiibo!
Waxaad mooddaa in ay habllaha soomaaliyeed ee meeshan ka qayb qaatay masayr taabtay durdaba!!!
Runtii rag caadil ahi maanta adduunka way saaranyihiin,caddaaladdii dumarka loo qabanlahaana waxay noqotay maal ama lacag ee iimaan maaha!
Tusaalaha anigoo raad raacaya, waxaan aad ula yaabay inanta Suleeqa layidhaaho aragtideeda!
Haddii, raggu isku mid maahane, uu midi awood u leeyahay inuu laba iyo afarba guursado, gar miyay tahay in laga hor istaago oo layidhaaho rag kale ayaa jooga ee ha guursadeen?!Maxaa nin iyo awooddii rag kale kaga xidhan!Runtii waa arrin iga degi weyday.
Ka warran haddii ninka adiga kugu soo hagaagay aanad ku filnnayn? Ka soo qaad inaad uur leedahay,ninkaagu xaggee urraadsanayaa dumar?Walaal Suleeqa arrimaha Ilaahay uu banneeyey guurka afarta dumarka ah maaha in la iska guursado oo qudha ee waxaa weeye dumarka oo ka badan ragga sidoodaba, oo raggu ku dhinto dagaal iyo dumarkoo ka cimrri dheer ragga sida badan,iyo
iyadoo loo baahanyahay dad badan sida diintu tusayso;lacagnna maaha caddaaladdu ee waa iimaanka!
Waxaa la odhankaraa kalsooni ayeydaan Ilaahay ku qabin taas oo sababtay inaad kalladhka ku dhegtaan ninkiinna oo aad u diiddaan wax Ilaahay u banneeyey oo uu awoodo.
Galbeedka oo qudha ma'ahane hidde ayaad u leedihiin dumarka soomaaliyeed haddaad tihiin masayrka,haddana raggiinna majeclidin oo waad u darantihiin!
Waxaa aad layaab u leh sida aad kulligiin isugu raacdeen caddaalad ayaan jirin ee aad u odhan weydeen walaal waanaan doonayn iyadoo Ilaahay banneeyey inaad afar guursataan!
Ogow inaanu raggu isku mid ahayn xagga cuntada, dumarka, kartida, adkasiga, hadalka,fekerka,hurdada,socodka i.w.m.
Middiinnee iiga jawaabi karta oo odhan karta iyadoo daacad u hadllaysa haddaan ninkayga ka helo caddaalad afar waan u ogolahay?!
Waar xaasidiin ayaad tihiine Ilaahay ku qanca wuxuu idinsiiyey oo wax isu ogolaada, oo iimaanlaaweyaal hanoqonnina, oo iska daaya fekrradda ah ninku anigoo uur leh ha iska kay dul fadhiyo!
Subxaana malikilQudduus.
Ilaa xilli dambe, salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashiir

Unrecorded Date
waxaan layaabay gabdhaha soomaaliyeed sida ay iskaga dhaga tiraan khaladaadkooda oo markii khaladaadkooda la tilmaamo ay raga ugu soo boodaan.dabeecad xumaa geed nuucee ah ayaa laga sameeyay, ragu danbigiisii ogolaaye adinku(dumarka) goormaad qiran doontaan dan biyadiina, mise waxaad ka baqeysaan inxabsi la idiin taxaabo"lol" war waa iska caadi waxaasi, aduunkaa ku dhisan ee dagalka joojiya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
horta dumarka hadlayo ma hablaa mise waa islaamo,haddii ay hablo yihiin la hadlimaayo,waayo hablaha runta ma taaban karaan mana garankaraan boogta meesha ay ka jirto,islaamaha se waxaan leeyahay,ceeb iyo qalad midna ma ahan 1 illaa 4 in la guursado,sharci diineed waa u banaan tahay,waxaase meesha ku jira waa dhaqan,maanta ninka joogaa west afar islaamood iyo caruurtooda ma dhaqi karaa?waan garan karnaa in aysan sahlaneen,waxaadse ogaataa in anigeeygaan idinla hadlaayo aan leeyahay afar islaamood iyo 12 caruur ah,wax aan dhici karin ma jiraan ee is dejiya,raga ha guursadeen inti ay doonaan isagaa laga rabaa in uu dhaqdo ileen iyaga is dhaqi maayaaneh,sababo kalifo in ninka uu guursado more than one wife ayaa iyana jiro ee yaan la iloowin,inta wax garato ayaa fahmi karto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xasna

Unrecorded Date
by xasna
to mr E
aslaamu caleykum warxamatulaahi
dhamaantiiniga gudooma salaantaas
salaan ka bacdi aad ayaan ugu farax
sanahay habalaha iyo wiilasha rayiga
iyo cilmigaba isu kaashte.
marka xigta walaalkey e waxaan weydiinayaa
masuul ma noqon karaa nin aan lahayn maal
u ku dhaqado 4 xaas? maha daneysi aan u
daneynaayo gabdhaha ee ha la fiiriyo
wexey taasi diinta ka qabto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdidhuh iyo Shamado

Monday, November 13, 2000 - 08:13 pm
Rag iyo dumar dhamaan dhalinta golahaka qayb gashay salaan iyo nabadgalyo dshiina ha ahaato, In muddo ahba wan la socday waxayna ila ahaatay inay munaasib tahay in anna aan markayga ra’yigaga dhiibto aniga o cidna aan si gaar ah ugu jawaabin.
Sida hadalka Zakarie u dhigan yahay waa “afar guurso, haddii aad ku guulaysan weydan mid ku ekow”.. Walaalkeey aayadda micnaheeda waa kaak khladan yahay ee dib ugu noqo”.
Guurka laba, sadex iyo afarba ilaah baa baneeyay, shuruudo iyo axkaam cad cad bayna leedahay umana baahna in cidna laga tala geliyo waxaase muhim ah in qofku aakhiradiisa eegto iskana ilaaliyo xadgudubka xuquuqda xaasakiisu leeyihiin. Raali galinta eebe waa inaad ka hormarisaa tan aadanaha si gaar xaaskaaga. Arrimaha oo kale dumarka lagama talo geliyo haddii aanay ahayn qof caqli badan, ilaah aaminsan, sababta ad u guursanayso ku qanacsan isla markaana ku kalsoon inaad daacad noloshada iyo tan reerkaag u tahay. Sida ay ila thay laba sababood ayaa keena haweenku arrintan ka caroodaan ama ka gilgishaan. Tan hore waa sabab macquul ah oo ragga ku xambaarta oo aan jirin qooq mooyee iyo tan labaad oo ah qarsashada ay ragu la dhuuntaan arrintan.
Ramadaantii la so dhaafay (2000) ayaa nin suudaani ah sheekh weydiiyay “aniga oo kacbada hor taagan ayaa naagtaydu iga dalbatay in aan gacmaha kor ugu taago kacbada kuna dhaarto inaanan la guursna doonin anna waan ka yeelay laakiin markan waxan ku fekerayaa in aan guursado ee maxaan yeelaa” shiikii wuxuu ku jawaabay “wax ilaahay xalaal ka dhigay dhaartaadu ma xaaraantimaynayso ee tawakal calalaaah”.
Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaa

Monday, December 11, 2000 - 09:51 am
Diintu waxay tiri guurso ninkii awoodoow so hadaa awoodid guurso.
LAAKIIN NINKAYGA I GET WHAT HE WANTS SO I'LL KEEP HIM RIGHT NEXT TO ME SO HE DONT HAVE TO THINK ABOUT OTHER WOMEN.........
WA BILAAHI TOWFIIQ..

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.