site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Rooble " soomaliyeey waxaan ka dhimanay cuno karinta "

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Dec. 16, 2000): Rooble " soomaliyeey waxaan ka dhimanay cuno karinta "
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rooble

Monday, October 30, 2000 - 07:47 am
Sidaa la socotaan dhamaan dadkiina jooga dibada soomaliya, waa shaki la´aan in aad dareenteen kuligiin in aan ku liidano fanka loo yaqaan cuno karinta, taa oo eey sababtu tahay inagoo ah bulsho reer miyi oo la hayn degaan iyo guri joogto ah aadna u ah bulshooyinka ugu saboolsan caalamka. War eey soo saartay dhawaan heey ada cunada aduunka ayey waxeey soomalidu noqdeen dadka aan helin nafaqada jirku u baahanyahay.

Markii la qaatay xurnimo ku sheegii ayeey
soomlidu soo degtay magaalooyin iyagoo aan lahayn hab dhaqan cunto karineed sida umadaha kale ee naga faca weeyn.
Soomlida oo aad cunta bariis iyo baasto oo kaliye waa qofkii heli kara ee ayey soomalidu la dhibaateeysantahay nafaqo dari balad iyo baadiye iyo qurbo intaba.

Waxaan imid dalka Sweden mudo la joogo 10 sano, anigoon dalkeeyga hooyo ka la imaan wax aqoon cuno karin ah ayaan waxaan la noolaadey umado kale intii aan ku jirey xerada qaxootiga oo aan sugayey sharciga degenaashaha, ayaa waxaa suurto gal ii noqotey in aan cuno karinta wax ka baeto waana mid ka mid ah kuwii u gu fiicnaa waqtiyadeeyda.

Waxaan idin dhihi lahaa dhamaantiin " war barta habka cunada " maxaa yeelay haddii eeysan hooyad iyo aabaha caruurta dhaley midna uu san aqoon wax ka rinta waxaa i maneeysa in caruurta yari ee ka soo bad baaday dagaalada in eey kula dhibaatoodaan nafaqo-xumi Europe iyo North Amerika.

Dhibaatada noogu weeyn ee na heeysatana waa inagoo aanan dhex gelin ummadaha kale ee wax na dhaama. Carabta ayaa wxeey ku maah maahdaa" laba qof midkoodna wax ma bart waa jaahil iyo mid kibir badan"
waan waxa na heeysta
Nasiib wanaagsan

Roole, Sweden.2000

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HODAN

Monday, October 30, 2000 - 11:12 am
WALAAL WAXA LAGA YAABA INAAD KA TIMID MIYIGA, SABABTOO AH DADKAYAGA EE KU NOOLAA MAGAALADA XAMAR WAXAA NAQAAN AMA CUNAA MA AHA BARIID IYO BASTO OO KALIYA EE SABAYAD,HILIB KALA NOOC LOO KARIYAY,MALAY,SOOR,MUFO IYO CANJERO INTABA WAAN NAQAAN OO AY WALIBA U SII DHEER TAHAY KHUDRAD FRESH AH OO AAN GASACADEYSNENY,CAANO IYO CABITAANO KALA DUWAN OO FRUITKA FRESHKA AH LAGA SAMEEYEY INTABA WAAN HEYSANEY,WALAAL ADIGOO RAALI IGA AH, CIDII KUU KARIN JIRTAY CUNADA MAXAAD ULA TASHAN WEYDEY INTAADAN NA ANDACEYNIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muna

Wednesday, November 01, 2000 - 02:59 am
asalamu alekum

walaal Rooble runti aad aan ooga naxay sida aad dacayada usoo jeedisay... horti been kuma sheegin in badankeena eey baasto iyo bariis u yaqaanaano cunto laakin waxaa ogaataa in eeysan dadka isku mid eheenin....sideey Hodan kuugu shegtayba noocyo badan oo raashin ah aa laga cunaa magaalooyiinka qaarkood... Maka ha iloobin maahmaahda eheed ( Hubsimo Hal Geel ah aa la siista)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rooble

Thursday, November 23, 2000 - 01:20 am
Mahadsanid Muna, waan ku faraxsanahay jawaabtaada.
In wax la isku shegaa dhaleeceeyn ma aha, dumar badan oo soomaliyeed weey ku dhiban yihiin cuno karinta, dadka cad cad mooyee, oo iyaga naga ilbaxsan.
Mahadsanid.
swedculture@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DALALALOOS

Saturday, December 09, 2000 - 07:15 pm
FAANKA JOOJI HODAN ALOW YAA OGAADA SHAAHAY KARISO HADUU MUUFO NOQON WAAYO?????LOL,,,,,ROOBLE I AGREE WITH YOU BRO 100% SOMALI RAASHIN MEESHA KUMA HAYNO,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamaaal4

Sunday, December 10, 2000 - 03:36 pm
aduunyada kale waxaa laga dheelaayaa 200 varieties of food,idinkana waxaa taagantihiin canjero,malay iyo suqaar...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu.abdirahman

Monday, December 11, 2000 - 09:21 am
aslaamu calaykum..
waryaadha ragiina kayimi gargaaradii ina siyaad ka aamusa meesha ,, gebigiinaba waxa indho idiin ah qaxii,, hablaha somaliyeedna cunada ay kariyaan ma karin karaan kuwa habalaha aduun yadu ,,
waxa an layaaba mid badow ah oo baadiye to gargaar to abroad inuu ka sheego cunada somaliyeed wax sxb waxa somaliya lagu cuni jirey ..fresh food..
hablohoow kuwas oo kale haw jawaabina ..
waa wax magartayaale.....

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.