site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaa ka khaldan tarbiyada caruurteena

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): Maxaa ka khaldan tarbiyada caruurteena
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu calaykum.
Walaalayaal waxaa igu dhaliyay mawduucan inaan furo waxaan marar badan maray meelaha lagu xanaanneeyo caruurta halkaas oo ay ku jiraan caruur soomaaliyeed iyo kuwo kale oo denish ah,waxay had iyo goor noo sheegaan macalimiinta caruurtaas xanaanaysa inay dhib badan ku qabaan caruurta soomaaliyeed,waxaa jira inaan marar badan la raacay caruur badan oo ilaa boqol gaaraysa oo deenish ah oo laba ama saddex macalin la socdaan oo laba laba gacmaha isu haysta ,markay baska soo koraan waad la yaabaysaa edebtooda iyo sida aanay u qaylinaynin,waxayna igu dhalisay feker ah inay wax badani ka khaldan yihiin tarbiyada caruurteena.
Waxaan tegay guryo badan oo soomali degan tahay oo ay caruuri joogaan hal ama labo ,waxaan mararka qaarkood joogaa ilaa saacad waxaanan guriga ka soo baxaa anigoo madaxa i xanuunayo intaas yar ee aan la joogay,hadaba waxaan jeclaan lahaa inaan ra'ayigiina ogaado iyo inaan xal u wada raadi arintaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYNUUS

Unrecorded Date
salaan dhamaan

TO ABDLE

walaal waa runtaa oo caruurteena waxaad modaa in badankood sidii la rabay loo tarbiyeen taasna aniga waxay ila tahay in ay ka socoto hooyada iyo aabaha dhalay, walaal waxaa ku jiro mushtamaceena dad badan oo aan ka soo bixin ama xataa kuleel ku heen masuuliyada ababinta caruurta oo way iska dhalaan waxayna ku dhahayaan waa irzaqad ilahay bixiyay!!!!
ilmaha waxuu u bahanyahay daryeel ween gaar ahaan kuwa ku dhasho qurbaha
waxay u bahan yihiin hooyo iyo aabo isjecel.
waxay u bahan yihiin guri ku saleesan ixtiraam iyo kala danbeen.
waxay u baahan yihiin diin lagu ababiyo iyo waarid ku dhaqmo diintaas.
waxay u baahan yihiin dhaqalo ay baahida caruurnimada uga baxaan.
waxay u bahan yihiin in loo kala sheego waxa saxda ah iyo waxa khaladka ah.


hadii uu ilmaha intaas helo waxay ila tahay aniga in uu ahanayo ilmo aqlaaq iyo asluub leh.

nabadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
Salaamacalaykum:

Faynuus intaad sheegtay ka badan ma sheegeen mahadsanid. Inyar hadii aan ku daro waxaa hubaal ah sida aynu ogsoonahay, qoysas badan oo hadii ay ninka iyo haweentisa wax isku qilaafaan oo muran dhaliyaa ay caruurta hortooda afkaa isaga goostaan (runtiina qof soomali ku hadlayaa oo si tartiib u hadlayaa waa farakutiris oo hadii wax dagaal jirin xitaa waa qaylinayaan) Markaa cunuga/caruurta 2ilaa13 jirka ah markaaa ay arkaan ama ku koraan qayladaas waxay arkayaan xishmad la'aanta waalidkood isu hayaan iwm wuuna baranayaa inuusan tartiib u hadlin ee qaylo ku koro iyo dagaal.

Waxaa kaloo jirtaa markaa cunuga/carurta wax halayso ama dibadaa ama gurigaa dhexdiisa tusaale ahaan aabe ayaa damcay inuu canaanto, hooyo ayaa dhexgashay iyadoo ka fiirsan qaladkaa cunuga abihii bay warka ku celisay dhamaad. cunugii waa sidaa uu rabay qaladkaasna inuu sameeyo mar walbaa way dhacday.

tusaale waxaa jira cunug 4 jir ah iyo mid 8jirah way is qilaafeen wax bay iksu qabsadeen hadii la eego waxaa qaldan oo gardaran kan 4jirka ah hooyo/aabo ayaa soo dhexgalay maysan baarin waxa jira kii 8jirka ahaa baa la canaantay isagoo lagu qaylinayaa la leeyahay cunugaa wuu kaa yar yahay dhaaf ka tag u dhaaf adaa ka wayn sabar, (ookan yar maa la tuso qaladkiisa sabarka loo sheego isagaa qaldanee ma la baro ixtiraamka walaalka wayn) markaaa waxyaalo badan ayaa jiraa caruurta tarbiyadooda halayn kartaa inagana wax u arag hadaynu soomali nahay.

Tusaale aabo waa shaqeeyaa daqligaa soo galaa oo yar darteed hooyanaa shaqo bay gashay caruurtii laga yaaba mid xooga wayn inuu ku jiro looga tagay kuwa kale maxuu u qaban karaa maxuuse ku tarbiyeyn karaa? laga yaabaa inuu jirin qof u hayo caruurta intaa ay maqan yihiin xanaanada caruurta bay geeyeen cunugu jacayl hooyo u baaahan maxuu ka heli karaa xanaanada? cunug u baahan tarbiyo islaami ma ka helikaraa xanaanada gaalada?

Tusale hooyo way saaxiibo badan tahay waaxaa u yimid dumar badan oo saaxiibadeed ah cunuigii waxay tiri orod tvga sii daawo aan kaa sheekaysanee ( ma oga hooyo waxaa tvga ka soo galayaa o xun dagaal qaylo wax xunoo dhan cunug yar daawan karin masakaxdaa ayuu ka qabsanayaa kuna dhaqmayaa waxaa uu ka arko meesha) aabena maba oga cunuga laga yaabee isagoo hurdaa inuu shaqo tago yimaadana isagoo daalan ka dibna xiligii hurdada la gaarona hada waxbana kama oga cunugaas.

waalidka hadii ay ku dhaqmaan diinta tusaan cunuga jacayl iyo xishamd mar walba ay waqti hayaana u sameeyaan waxyaalaha dhaqankeena diinteena raali ka tahay loo sheego waxa xun waxa wanaagsan runtii waa uu noqonayaa mid wanaagsan.
mawduucan ka hadlkiisa ma yara balse waa iga intaa manta, xiiso danbe.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
To Faynuus&Suleeqo.
Salaamu Calaykum.
Walaal waa ku mahadsantihiin xiisaha aad siiseen mawduucan iyo waliba sida wanaagsan ee aad uga hadasheen ,waxaanan rajaynayaa inay dad badani ka qayb galaan waayo waxaan u arkaa aad muhiim u yahay oo waa mustaqbalkii beri ee ummadeena, waayo anagu waa ka tagaynaa aduunka sida dadkii inaga horeeyayba ka tageen ,waxaanan uga tagaynaa wixii aan barno ,waxaanan is leeyahay inaad ilmahaaga si fiican u tarbiyadayso oo aad ka tagto isaga oo yaqaan sida loo noolaado ayaa uga wanaagsan inaadan si wanaagsan u tarbiyadayn laakiin xoolo badan uga tagto.
Walaalayaal hooyada iyo aabaha qof ay ilmahooda ka jecel yihiin majirto,waxa ay yaqaaneena ama ay u arkaan inay u wanaagsantahay tarbiyadooda way isku dayayaan,laakiin waxaa muuqata inay inaga khaldan tahay habka aynu u aragno tarbiyada caruurta.
Hadaba sideen wax uga bedeli karnaa nidaamka wax loo tarbiyadeeyo ee ubadkeena ? hadaynu niraahno waalidka dhalay ha loo daayo iyagu sidaan horeba u sheegay waxay yaqaaneen way u sheegeen ,inaga waxaa ina saaran inaan baarno, una sheegno sida ugu wanaagsan ee loo tarbiyadeeyo ubadka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cadar

Unrecorded Date
Waad salaaman tihidin
waad ku mahadsan tihidin mawduucan ku saabsan caruurta taribiyadeeda sida wanaagsan aad nogu soo jeedisen.

Runtii caruurta tarbiyadeeda ma sahalan waxaay u bahan tahay shaqo aad u badan saas ooy tahay waalidkasta waxa uu la jecel yahay caruurkiisa sida ugu wanaagsan inay u tarbiyaan marka waxyaabo badan waa iska jiraa waxaana loga hortagi kar waalidka oo waqtii badan siiyaan caruurtooda lana socda markasta aysan sahalan.waxaa jira aabayaal badan oo ilmahooda la waqtii qaadan siiba wiilash waxaay u bahan yihiin aabe waqtii badan siiya la sheykeysta wax u sheega la ciyaara waxbaraa iyo WLM ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYNUUS

Unrecorded Date
salaan dhamaan

TO abdalla

walaal su'ashada ah sidee wax uga badali karnaa nidaamka tarbiyada ubadkena? runtii way adag tahay sida looga jawaabo balse aniga waxay ila tahay in ubadka tarbiyadiisa ay ka horeeso walidka dhalay in ay fahmaan masuuliyada saaran iyo waajibka sugayo in ay ka soo baxaan. walaal dadkeena waxaan isaga badan nahay dad wax walba fududaysta guurka,dhalista,korinta...iwm sidaas daraadeed halkaas waxaa ka imaanayso dayacnaan taas oo dhibato ween u leh qofka iyo bulshadaba, isku duub duub waxay ila tahay in aan anaka iska bilawno oo aan adkeeno dhaqankena, diinteena, iyo waliba fahanka waqtiga aan ku jirno sidaan ula qabsan laheen.

ARIMAHAN HOOS KU QORAN WAXAY ILA TAHAY IN AY WAX KA BADALI LAHAYEEN TARBIYADA CARUURTEENA.

* in la yareeyo furiinka .
* dhalmada oo la qiyaaso.
* arimaha ama danta familka in laga hormariyo qaska uu mushtamaceena wato (QABIIL)
* waxaa lagu jiraa marxalad xun sidaas daraadeed in qof kasto lagu guubaabiyo samir iyo dulqaad badan.


nabadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
To Faynuus,Cadar,Suleeqo.
Salaamu Calaykum.
Walaalayaal waad ku mahadsantihiin arimaha aad soo jeedinaysaan ee ku saabsan tarbiyada ubadkeena iyo sidii wax looga bedeli lahaa ,waxayna ila tahay inaad sheegteen qaar badan oo ka mid ah talaabooyinka la qaadi lahaa, waxaa jirta sida xitaa ka muuqata doodan inaanay raggu aad u xiisayn tarbiyada caruurta ,oo aanu jirin xitaa nin ra'ayigiisa ka dhiibtay oo ay meelo aan loo baahnayn ku mashquulsan yihiin, laakiin waxaanay fahansanayn in ummad dhismaheedu ku xiran yahay tarbiyad wanaagsan iyo abab wanaagsan oo la siiyo ubadka soo koraya,ee aanu ku dhisnayn siyaasad khayaali ah iyo sheeko maalayacni ah oo meelaha lala istaago.
Waxaan rajaynayaa markay doodani dhamaato inaan soo ururino wixii ra'ayiyo ah oo aan eegno sidii loo hirgelinlahaa iyo sida wax looga qaban karo.
Walaalkiin Abdalla(Denmark)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faynuus

Unrecorded Date
abdalla

waan ku salamay walaal,waxaan is waydiyaa mar kasto madama ay dadkena wax yaalo badan garanayaan xag kasto arin walbana u hayaan ra'yi iyo fikrad sidee lagu hirgalin karaa fikradahaas, fadlan adiga hadii aad ugu dhaanto ii soo faiday.

nabadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOHN

Unrecorded Date
Waxaad ii sheegtaan sidee lagu tarbinaya cunug ku dhashay reer aan walidka isla degeneen oo si aay xooga lacag ceer ku qaatan isku sheegay inay is qabin.
Marka xiga waxaad ii sheegtan caruurteey dhaleen walidiinta cunta jaadka ssiba hooyada waxaan arkay walid habeenki oo idil ku soo jeeda jaad subaxdiina illa iyo duhurki caruurta ku qasba jiif.
HOOYADA KU FAANEYSA WAXAAN DEJIYAY ODAYGI SIDEEY CARUUR U TARBIYEENEYSA.
Waxaan kaloo arkay nin ka maqan gurigiisa 7maalmood oo jaad ku maqan aay xaaskiisa dhashay asagoo ku maqan jaad aayna markaas guriga ku heeysay 3 caruur ah oo yar yar.
WALAALAYAAL QAXOOTIGA DHIBAATO WAYN AYUU NA GAARSIIYA OO AAN MAANTA KA INDHA SAABANEEYNO.
Caruurteena maxaa u diin ah maxaa u dhaqan ah waxaa dhacda xitaa in aan ingriis kula sheekeysano ilmaheena.
DHIBAATADA WAXAAY KALOO KA TAAGAN TAHAY DUMARKII SOMALIDA OO SI QALAD AH U FAHMAY XORNIMADA AAY MEESHAN KU HELEEN TAAS WAXEEY KEENTAY INUU DUMO REERO BADAN.
ILLAH AYAA U MAQAN CARUURTEENA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faynuus

Unrecorded Date
salaan dhamaan

somali caruur iyo ciroole waxaa u sugnaatay baaba' iyo hoog!!!! aniga aad ayaan u xiiseeyaa cilmiga bulshada runtiina burburka bulshadena aad ayaan uga xumahay marnaba ciil ma qabi laheen hadaan ahaan laheen umad wadankedaba ha waydee dhaqankeda hesato. iyada oo ay saas tahay ayaa hadana markasto waxaa is waydiiyay talow dadkan sii tirtirmayo sidee xal loogu heli karaa????xaga baaba'a bulshada ayaan ka hadlayaa.

aduunka hadaad u fiirsato waxaa jiro dawlado badan oo ay ku dhaceen burbur siyasadeed lakiin ma fahmin (somalida)waxa uga dhigay gaar in uu ku dhaco burbur dhaqan??? lakiin iska daaya jawaabta waan garanayaa balse waxaan jeclaan lahaan wax qabad, wax kasto ha ahaatee aniga hada meel ayaaba iska fariistay oo runtii waan dalay ee ma ila dasheen misa xal ayaad heysaan.

nabadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatulaah


To: John

Walaal John waxaan jeclaan lahaa in aan ku xasuusiyo arin yar oo ku saabsan magaca aad la baxday. Walaal waxaan ku dhihi lahaa iska ilaali inaad la baxdo magacyadda gaalada waayo waxay ka soo horjeedaa diinteena in qof muslina uu la baxo magac gaaleed, magacana waa waxa ugu horeeya ee lagu kala garto dadka; yacni inuu qofku yahay qof muslinna iyo inuusan ahayn.

To: Abdalla
Walaal iga raali noqo hadaan mawduuca kaa qasay.


Deggan

Sweden

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOHN

Unrecorded Date
Walaal DEGGAN marka hore waan ku salaamay marka xiga aniga waxaan ahay magaca ka soke nin islaam ah 100% lakiin ma jecli dadka markasta ku orda diinta ayagoo ku gambanaya oo waxeey i xasuusiyaan kuwi lacag ku qaadan jiray quraan ii aqri.
Marka labaad waxaa dhibaato wayn ayaa naga heesataa dumarka soo galay qurbaha waqtiyadaan dambe oo waxeey la soo baxeen MICIYO WAA WAYN oo ciil badan aay qaban awgii ayeey waxeey ku ciyaaren dhaqanki iyo diinti.
HADDI AAD TIHIIN DUMAR ISKU NOQDA EE TALO KEENA!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
Waa cabdalle oo din leh walaalaha mawduucan xiiseeyay waxaan sameeyey baaritaano (Researchs) oo ku saabsan habka ugu wanaagsan ee caruurta loo tarbiyadeeyo,hadaba inshalaah isniinta bishu tahay 26/07/99 ayaan soo qorayaa ee sidaa raali ku ahaada.
Walaalkiina islaamka abdalla.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN QUUSTAY

Unrecorded Date
Asalama Caleykum marka hore walaal Abdalla marka xiga aad baan u xiisenaya baritanka aad sameeysay ee inshallah soo qor waxaad heesid aan ka wada faaidesanee maadama aay dhibaatoyin waa weyn na dhex taagan yihin annaga gabdhaha walaalaheen ah oo lagu kari la'yahay reerkiina dhaqda ilmihiina korsada iwm.raggana jaadka iyo baqtiga aad ku dhafreesan iska daaya ee reerkiina dhaqda.
Walaal Abdalla waxaan rajeeynaya inaad keento wax xal noqon kara.
MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOHN

Unrecorded Date
ASALAMA CALEYKUM DHAMAATIN
HAL MID AYAA U DALIIL AH TARBIYADA CARUURTA WAANA WALIDKA SABABTANA WAXAAY TAHAY IILMO EDBOON MARKAAD ARAGTO WAXAAY KA IMAADEN GURI WANAGSAN TAAS WAXAAN UGA DAN LEEYAHAY ILMAHA GURIGA AYAA WAX LAGU BARAA DUGSIGANA WAXAAY LA TAGAAN WAXEEY GURIGA KU SOO BARTEEN SIDAAS AWGEED MAANTA WAXAA DUMAY GURIGII 85% OO WAALIDKI ISMA HEESTO OO DHIBAATO WAYN AYAA KA TAAGAN OO AH :
QURBAHA OO DADKI QARRIBAY SABABTANA WAXEEY TAHAY DAD BADAN AYAGOO DIYAAR U AHEYN AMA U BISLEYN AYEEY QURBO SOO GALEEN.
MARKA XIGA LACAGTA CAYRTA AAD BAAY NOO QARIBTAY OO WAXAAN ARKI JIRAY ODAY SUBAXDII SOO U BAXO HABEENKI SOO LAABTO OO REERKI WAX U DOONAA WAXAAN HALKAAN UGU NIMID ODAY HABEENKI OO IDIL SOO JEEDA SUBAXDIINA HURDA.
MARKA XIGA NAAGO BADAN OO KU FAANA ODAYGII WAAN DEJIYAY.IWM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faynuus

Unrecorded Date
salaan dhamaan

ABDALE

walaal waxaan kaa sugaynaa qoraal bal soo bilaw inta aad diyarisay. anakana waan ku garab taganahay.


JOHN

dhibatoyika heesta qosaska somalida ee ku nool qurbaha waa kuwa aad soo sheektay balse su'asha meesha tala waxay tahay

wax ma laga badali karaa hab dhaqanka qooska somaliyeed ee ku nool qurbaha????

fadlan walaal sidee kula tahay adiga in loo aburi karo caruur fican oo akhlaaq iyo dhaqanba haysato.

nabadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOHN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALEYKUM DHAMAANTIN
TO.FAYNUUS
WALAAL WAXAA KA BIXI KARA DHIBAATADA QURBAHA WAALIDKA IS HEESTA OO ISKU XIRAN KELIYA OO ILLAH CAAWIYO SABABTANA WAXEEY TAHAY QURBAHA DHAQAALAHA UU GELINAAYO QAXOOTIGA MICNAHA LACAGTA CAYRTA IWM.
WAXAA LOO BAAHAN YAHAY MUSTAQBALKA CARUUR KU SOO KORTA GAALNIMO OO MICNAHA DAD NOQDA CANADESE RUN AH LAMA RABO DAD AAY KEENTAY DAN TAAS WAXAA U DALIIL AH SIDA ILMAHA LOO DIFAACAYO SIDEEY NA LEEYIHIN LAKIN RUNTI WAAY DHUMINAAYAN.
WAXAAD FIIRISAA 12 JIRKA ISMOODAY BLACK AMERICAN U
SOCDA U XIIRTAY SIDOODA OO KALE.
CALLA KULLI XAAL WAALIDKA HOWL CULUS AYAA U TAAL ALLAHA GARAB GALO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faynuus

Unrecorded Date
salaan dhamaan

JOHN

abowe waan ku salamay, waa runtaa oo waaridka hoowl adag ayaa u taalo laakiin aniga waxay ila tahay in ay masu'liyada saaran tahay qof kasto oo familka ka mid ah tusale ahaan.

walaal waxaa laga yabaa in aniga iyo adigaba aan joogno magaalo ay ku nool yihiin waridkeen iyo walaalaheen marka ma is way diisay adiga kaalinta aad ka ciyaartay in aad walidka wax la qabato sidii lagu badbaadin lahaa caruurta yar yar ee kula dhalatay??? aniga shaqsi ahaan hadaan u fiirsaday familada somalida runtii waxay u badan yihiin kuwa kala daadsan taas oo ay keentay in caruurtii dhaqan rogmaan.

qoyska walaal qasab ma aha in uu noqdo hooyo aabe iyo caruur , balse xataa hadii ay dad walaalo ah wada jogaan waa in loo dhaqmaa sidii qoys oo la kala danbeeyaa arintaasna dadkeena kuma arkin , marka waxaan arkay dad walaalo ah oo isku magaalo dagan runtiina shaqo isku laheen!!!marka aad waydiso sababtana waxay ku leeyihiin qof walbo tiisa ayaa haysato!!!! taasna waxay kuu cadaynaysaa burburka ween ee dhexyalo qoysaska somaliyeed iyada oo arinkaas uu horyaal u yahay baa'ba'a mujtamaca somaliyeed.


hadaba waxaan ku talin lahaa aniga in aan anaka iska bilawno is aruursano, waalidka wax lala qabto, una aqliyeeno inta naga yar yar.

nabadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOHN

Unrecorded Date
WAAN KU SALAAMAY FAYNUUS
WALAALEY WAXAAD WADAA WAAN SOCON WAYNEE AAN ORODNO MICNAHA WAXAAN XAL U LA'NAHAY QOYSKI ADIGANA WAXAAD RAADINEYSA WALAAL IYO WAALID IWM.
QOYS MICNIHIISA AAN ISLA FAHANNO :
ANIGA WAXAAN KA WADAA AABE + HOOYO + CARUUR.
WALAAL WAALID WUXUU NOQONAA DUMAASHI AMA SODDOH IWM.
ANIGA WAXAAN AAMINSANAHAY HADDI AAY DHIBAATO JIRIN MARKAAS IN NIN WALBA MEESHIISA ILLAH KU NABAD YEELO SABABTANA WAXEEY TAHAY WAA LA ISKA HORIMANAYA XAASKAADA IYO WALAALKAA AMA WALAASHA IYO XAASKAADA IWM.SIDAAS AWGEED NABAD WAXEEY KU JIRTAA AAN KALA JOOGNO.
WAXAAN AAD U RAJEYNAYA INAAD I FAHANTAY HADDI KALE MIN FADLAN I SOO WAYDII HADDI AAD I FAHMIN.
AAD BAAD U MAHADSAN TAHAY IGANA RAALI NOQO HADDI AAN KUU GAFAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOHN

Unrecorded Date
WAAN KU SALAAMAY FAYNUUS
WALAALEY WAXAAD WADAA WAAN SOCON WAYNEE AAN ORODNO MICNAHA WAXAAN XAL U LA'NAHAY QOYSKI ADIGANA WAXAAD RAADINEYSA WALAAL IYO WAALID IWM.
QOYS MICNIHIISA AAN ISLA FAHANNO :
ANIGA WAXAAN KA WADAA AABE + HOOYO + CARUUR.
WALAAL WAALID WUXUU NOQONAA DUMAASHI AMA SODDOH IWM.
ANIGA WAXAAN AAMINSANAHAY HADDI AAY DHIBAATO JIRIN MARKAAS IN NIN WALBA MEESHIISA ILLAH KU NABAD YEELO SABABTANA WAXEEY TAHAY WAA LA ISKA HORIMANAYA XAASKAADA IYO WALAALKAA AMA WALAASHA IYO XAASKAADA IWM.SIDAAS AWGEED NABAD WAXEEY KU JIRTAA AAN KALA JOOGNO.
WAXAAN AAD U RAJEYNAYA INAAD I FAHANTAY HADDI KALE MIN FADLAN I SOO WAYDII HADDI AAD I FAHMIN.
AAD BAAD U MAHADSAN TAHAY IGANA RAALI NOQO HADDI AAN KUU GAFAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faynuus

Unrecorded Date
SALAAN DHAMAAN

JOHN

walaakiis waan ku fahmay waliba si fiican lakiin aniga ma lihi ha la ordo ee walaal waxaan jeclaan lahaa in uu qoyska somaaliga lahaado jid loo raaco.

tusaale ahaan
walaal umadaha aduunka labo nooc ayeey u dhaqmaan xaga familka kuwaas oo ah.

1 wadamada reer galbeedka famil ahaan waxay qataan waxa la yiraahdo ""isku filnaan"" taas oo ilmaha marka ee yaryihiin lagu ababinayo in uu noqdo qof masuul ah iskuna filnaan karo.

2 wadamada kale ama bulshooyinka kale ee aduuka waxay ku saleeyaan familka ""isku duubni"" taas oo uu familka mar walbo is kabayo, wax isla qabsanayo. waana arinka ay u badan yihiin wadamada muslimka ah.

marka walaal anaka keebaa nahay, ma sida reer galbeedka ayaan dhahnaa nin walboo naftaa?

mise sida ay u badan yihiin umadaha aan isku dhaqan dhawnahay ayaan u dhaqanaa?

walaal waxay ila tahay aniga in lagu xoojiyo familka isku xirnasho iyo kala danbee si aan u sii jirno, hadii kale qof walbe gooni ayuu u baabi'e .

(dumaashidaa iyo sodohdaa qasab ma aha in aad isku guri ka soo toostaan lakiin waxaa ficaan in layska war hayo)

nabadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
Walaalayaal waxaan idiinkaga cudurdaaranayaa inaanan wakhtigii aan balan qaaday aanan soo qorin baadhitaankii aan sameeyey xanuun iyo sfar igalay dartiis,walina wuu socdaa.
Mawduuca aan soo diyaariyay oo aad u dheer daraadeed ,waxaan soo kala qori doonaa marar badan si aanu akhrisku dhib idiinku noqon ,ana qoristu dhib iigu noqon.


Ummad waliba waxay nolosheeda iyo mustaqbalkeedu ku dhisan tahay qaabka ay u tarbiyadeeyaan caruurteeda ,hadii ummadaasi ay si wanaagsan u tarbiyadayso ubadkeeda ,waa ummad mustaqbal leh ,oo hadii ay dhibaato ku jirto loo rajaynayo inay ka baxdo,hadii kalena gaaraysa horumar wanaagsan.
Tarbiyada iyokobcinta qofka bini'aadamka ahi ,way ka duwan tahay kobcinta noolaha kale oo dhan ,waayo qofka bini aadamka ahi cimrigiisa markii saddex loo qaybiyo qayb ka mid ah ayuu ubaahan yahay in la tarbiyadeeyo.
Ilaahay Subxaana wa tacalaa markuu risaalada ama diinta soo dejiyay waxa uu soo raacsiiyay Nabiyo,si dadku ugu tarbiyeeyaan ,taasoo macanheedu tahay inaanu qofku ubaahnayn cilmi iyo wax dhigasho keliya ee uu ubaahan yahay wuxuu baranayo in lagu tarbiyadeeyo.
Tarbiyadu markaa waa shay aad ugu muhiim ah ilmaha muslinka ah kobcintooda,aabaha iyo hooyadana waxaa looga mahadnaqaa oo ugu Wayn,Ilaahayna ina faray inaan uga mahadnaqno waalidkeen waa Tarbiyada Ilaahay waxa quraanka inoogu shaaegnay inaan waalidkeen Ilaahay naxariis u waydiino sidii ay noo tarbiyadeeyeen anagoo yar.
"Ilaahayow labadaydii waalid ugu naxariiso siday ii tarbiyadeeyeen aniga oo yar ".
Waxaa dhacda inaan aad ugu dadaalno sidaan Ilmuhu waxay cunaan u siin lahayn ,laakiin tarbiyada wakhti badan ma siino ,tarbiyada ayaana uga muhiimsan ilmaha cunada.
Intaasi waa muhiimada ay tarbiyadu leedahay,waxaan Hadii Ilaahay idmo soo qori doonaa habka ugu wanaagsan ee ilmaha loo tarbiyeeyo.
abdalla(Denmark)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faynuus

Unrecorded Date
salaan dhamaan

abdale

salaan ka dib walaal waxaan kuu rajaynayaa caafimaad dag dag ah, waad ku mahadsan tahay sida aad noogu bilawday macducaan iyo waliba isku taxalujintaada xaga tarbiyada caruurtena.

nabadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
Faynuus abaayo macaan waa mahadsantahay.
Hadii aan sii wado mawduucii tarbiyada caruurta ,waxaan ka soo hadalnay muhiimada tarbiyadu leedahay iyo inay waxbarashadu tahay qayb ka mid ah tarbiyada ,tarbiyaduna ilmaha uga muhiimsantahay xitaa cuntada,ilmuhuna waxa uu ku leeyahay waalidkiis 3 xaq oo kala ah 1.Inay hooyo/aabe fiican u dooraan 2.inay tarbiyad wanaagsan siiyaan 3. in magac fiican u bixiyaan .

Waxyaalaha loo marayo si loo tarbiyadeeyo ilmaha.


Waxaa ugu horeeya ee tarbiyada ilmuhu ku dhisantahay inuu ilmuhu helo cid wanaagsan oo uu ku daydo(Qudwal Xasana).
Ilaahay S.W waxa uu inoo soo diray Rasuul si aan ugu dayano,oo uu inoogu noqdo ku dayasho wanaagsan ,qofka bini aadamka ahina ilaa maalinta uu dhasho ilaa maalinta uu dhimanayo wax buu ku dayanayaa ,oo marna kama baxayo inuu wax ku daydo.
Hadaba ilmuhu marka uu dhasho waxa ugu horeeya ee uu arkaa ama noloshiisa saamayn ku yeesha waa labadiisa waalid ,dhaqanka labadiisa waalid leeyihiin uun buu isna qaadanayaa haduu xun yahay iyo haduu wanagsanyahayba ,waana ta ay soomaalidu ku maahmaahdo "Geed waliba mirihiisa ayuun buu dhalaa".
Hadii labada waalid ay yihiin kuwo runlow yaal ah, aamin ah ,deeqsiyiin ah ,dhawr soon,is ixtiraama ,dadka ixtiraama,dadaal badan , khiyaamada ka fog,ilmuhuna waxa uu ku sifoobayaa dabeecadahaas wanaagsan .
Waxa aad iyo aad u kala duwan wax sheegida iyo aqbalaada uu ilmuhu aqbalo waxaad sheegaysid oo macnaheedu tahay way fududahay inaad maanta oo dhan wax wanaagsan u sheegto ilmahaaga , laakiin hadii adigu aadan samaynaynin waxaas way dhib badan tahay inuu ilmahaasi aqbalo waxaad sheegaysid ,waxayna u keenaysaa ilmaha mustaqbalka dhibaato aad u wayn oo waxaad u sheegtidba uu dhinaca kale u qaato,waana halkan meesha tarbiyada caruurta soomalidu ka khaladan tahay,waayo waalidka soomaalidu caruurta way la hadlaan oo waxaa iyo waxaa ha samayn ayay yiraahdaan laakiin caruurtu kama hoos qaadaan,waxaana ka roonaan lahayd inay waalidka iyagu isku dayaan inay ilmaha isku dayaan inuu wanaaga uga daydo,waan dhamystiri doonaa wakhtiga ayaa hada ciriiri igu ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN QUSTAY

Unrecorded Date
ASALAAMA CALEYKUM DHAMAANTIN
WALAAL ABDALLA DHOWR POINT WAAD KU SAXSANTAHAY LAAKIN MEELO QAAR WAAN KUUGU DIIDANAHAY SIDA:
- GEED WALBA MIRIHIISA AYUU DHALAA -
IMISA WAALID OO GANG AMA TUUGO AH AYAA ILMO MUTACLIMIIN AH DHALAY SOONA KORIYEEN ISLA WAALIDKAAS MICNAHA ISKUMA XIRNA WAALIDKA IYO CARUURTA LABO DARIIQ OO KALA DUWAN AYEEY KALA RAACI KARAAN.
MARKA LABAAD MAAN FAHMIN MEESHA AAD LEEDAHAY - WAA INAY U DOORAN WAALID FIICAN - MINFADLAN JILCI XOOGA.MAHADSANID
CARUURTA INTA AAY DUGSI KA BARTAAN WAXAA KA BADAN INTA AAY BARTAAN GURIGA LAAKIN HADDANA MARKEEY BILLAABAN XANAANADA CARUURTA YAR YAR AYAA WAXAA LA BARAA SOCIAL EDUCATION MICNACA SIDEEY UUGU NOOLAN LAHAAYEN BULSHADA WAXA XAARAN KA AH BULSHADA - SHEEYGA LA WADA LEEYAHAY IYO SHEEYGA SHAQSI AH - RESPECT ILMAHA KALE IWM -
SOCIETY NAFTIGEEDA AYAA DHOWR NOOC U KALA BAXDA MICNAHA: MIDDA ISLAAMKA XEERRAR GOONI AH AYEEY LEEDAHAY - MIDDA GAALADA MID KALE OO NOOC KAN ISLAANKA KA DUWAN AYYEY LEEDAHAY - SIDAAS AWGEED TARBIYEENTA CARUURTA WAAY KALA DUWAN TAHAY.


WAXAAN RAJEYNAYA INAAN ISDHAFSANO FIKRADAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN QUSTAY

Unrecorded Date
ASALAAMA CALEYKUM
TO.FAYNUUS
Walaal dhowr nooc oo SOCIETY oo kala duwan ayaa jira mid walbana xeer u gooni ah ayeey leedahay micnaha hab dhaqmeedka SOCIETY wuxuu ku xiran yahay doruufta iyo jawiga aay markaas ku nool yihin sida haddi aay reer guuraha yihin - haddi aay muslim yihiin - haddi aay sabool yihin - haddi ay taajirin yihin - haddi aay yihiin reer baadiye (miyiga).Kulligoodna waay kala duwan yihiin oo shaqo iskuma laha.
FAMILY SHINEES
FAMILY GAALO - YURUB-USA-JABBAN
FAMILY ISLAAN AH
FAMILY REER GUURA AH
FAMILY AFRIKAN AH
INTAAN OO FAMILY ISKU SI UMA TARBIYEEYAN CARUURTA HADDANA WAX AAY KA SIMAN YIHIN IYO WAXYAABO AAY KU KALA DUWAN YIHIIN AYAA JIRA MA II SHEEGI KARTA?


WALAAL FAYNUUS WAA IMTIXAAN EE ISKA JIR.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
To nin quustay.
Walaalow waxaan ku oran lahaa ha quusan,waayo quusasho wax ka liita oo uu qof sameeyo ma jirto.
Intaa ka dib waad ku mahadsantahay faalda aad ka bixisay iyo sidaad u xiisaysay waxaan qoray,hadaan isku dayo inaan kaaga jawaabo arinta aad tiri jilci ee ah inay caruurtu waalidkood xaq ugu leeyihiin inay aabe ama hooyo fiican u raadiyaan waxaan ula jeedaa in marka ninku ama naagtu guursanayso ay ka fekerto in naagta /ninka aad guursanayso uu noqon karo caruurtaada aabahood /hooyadood.
arinta ah geed waliba mirihiisa ayuu dhalaa waxaan ula jeedaa inta badan ,laakiin sidaad adiguba sheegtay way dhici kartaa in waalid xumi uu dhalo caruur wanaagsan,laakiin waa wax dhif ah ana waxaan ka hadlayaa inta badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nin quustay

Unrecorded Date
ASALAAMA CALEYKUM
WALAAL ABDALLA MID WAAN ISLA FAHANAY OO AH IN WAALIDKA IYO ILMAHA AAY ISKU XIRNAYN MICNAHA WAALID XUN AYAA WUXUU DHALI KARAA ILMO FIICAN SIDOO WAALID XUN AYAA ILMO FIICAN DHALI KARA OK.
MARKA LABAAD KUUGUMA RAACSANI MIDDA WAALIDKA XAQ KU TAHAY INUU U DOORO AABE AMA HOOYO FIICAN TAAS MICNO AAY LEEDAHAY MA JIRTO OO WAA MID KU EG SOOMALIDA KELIYA OO KU ORANEYSA GUURSO NAAG LA YAQAN HA KUU DHASHAY CUNNUG LA YAQAAN I.W.M. TAAS WAXAA KA DAMBEEYA QABIIL INAAN ILA FAHANTAY AYAAN RAJEYNAYA SIDAAS AWGEED MICNO AAY LEEDAHAY MA JIRTO.
NIN IYO NAAG MARKEEY ISGUURSANAYAAN WAXA KELIYA AAY KA FAKARAYAAN WAA JECEYL IYO MA IS DHAQI KARNAA INTAAS WAX WEHLIYA MA JIRO.


HADDAN U SOO LAABTO TARBIYADA CARUURTEENA WAXEEY DHIBAATO WAYN KA TAAGAN TAHAY OO CONFLICT ISKU HAAYA LABO DHAQAN IYO LABO DIIN OO KALA DUWAN COMPLETELY TAAS WAXAAN KA WADAA WAALIDKI OO KU SOO KORAY KUNA SOO BARBAARAY DIIN IYO DHAQAN ISLAAN IYO ILMO KU DHASHAY WADDAN DIIN GAALO IYO DHAQAN GAALO TAALO SIDAAS AWGEED WAALIDKA WUU DADAALAY LAAKIN WAXAA KA XOG BADAN MIDDA WADDANKAAS TAAL MARKA SU'AASHA WAXEEY TAHAY SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA PROBLEMKAAN.
DHOOWR SIYAABOOD.

WAAN KU DHEERAADAY WAAN INOO MARKA DAMBE.

FAYNUUS MA WAXAAD KU MAQANTAHAY HOME WORKIGI LAGU SIIYAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
Walaal nin quustay waan ku faraxsanahay inaan isla fahanay inay jiraan waalid xun oo caruurtiisuna wanaagsanaadaan,laakiin arinta doorashada uu aabuhu/ama hooyadu dooranayso qof wanaagsan khalad ayaad u fahantaye ulama jeedo qabiil iyo qofku qofuu yaqaano ha guursdo,laakiin waxaan ula jeedaa qofku waa inuu doortaa qof akhlaaq iyo diin leh oo ilmihiisa aabe/hooyo u noqda .
Mawduucuse waa socdaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYNUUS

Unrecorded Date
SALAAN DHAMAAN

NIN QUUSTAY

ABOWE WAAN KA XUMAHAY HADA OO AAN SII BAXAYO AYAAN ARKAY QORAALKAADA BALSE MARKA SOO SOCOTO AYAAN KAAGA SOO JAWAABI HANA U BARAN YAA HOME WORK_KII SCHOOLKA AYAAN KA NASANEENAA EE KOO KALE MADAXA YAA LAYSKU GALAN MARKAANSE WAAN KAAGA SOO JAWAABI INSHA ALLAH.

NABADEE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum
Walaalaha mawduucan ka qaybqaadanaya waxaan us oo jeedinayaa mahad ,waxaanan Ilaahay idinkaga baryayaa khayr aduun iyo mid aakhiraba.
Hadaan u soo noqodo mawduucii tarbiyada caruurta ,waxaan ka soo hadlay muhiimada tarbiyada wanaagsani u leedahay jiritaanka ummada ,ummaduhuna ku kala hormaraan hadaba siday caruurtooda u tarbiyadeeyaan,tarbiyaduna waa mawduuc ka guda balaaran waxbarashada , oo waxbarshadu waa qayb ka mid ah tarbiyada,in lawada barto oo la wada fahmaana ,ay yaraynayso dhibaatooyinka ina haysta ,keenaysna inaan mustaqbal wanaagsan helno,horumarka aduunyo iyo aakhirana waxay inoo jiraan hadba sida aan caruurteena u tarbiyadayno,mawduucan ahmiyadiisa inta badan lama dareemi jirin,intii aanu barakucu ku dhicin soomaalida,oo xitaa bulshadeena dhexdeeda wakhtigaas ka hor ma ahayn mid laysla soo qaadaba .
Waxaan kaloo ka soo hadalnay in waxyaalaha ugu muhiimsan ee caruurta lagu tarbiyadeeyo ay ugu horayso inuu ilmuhu helo ciduu ku daydo,oo uu wanaaga ugaga daydo,ilmuhu guriga hooyadii iyo aabahii ayuu waxa uu dadka kula dhaqmayo ka bartaa, waxana aan mar labaad ku celinayaa inay aad muhiim u tahay inay waalidku iska ilaaliyaan inay ilmaha faraan ama amraan waxaanay samaynayn,waxay samaynayaana ay yiraahdaan iska daa , waxaa hadaba imaanaysa su'aal ah hadii waalidka soomalida ahi intooda badani uu yahay mid aan lahayn wanaag badan oo uu ilmuhu kaga daydo amaba aan dareensanayn in ilmuhu isaga falkiisa ku dayanayo,maxay tarayso inaan arintan ka hadalno? waa su'aal run ah oo xaqiiqdeena ka turjumaysa ,laakiin waxay jawaabtu noqonaysaa hadii aad adigu caruurtaada ku dayasho wanaagsan u noqoto,waalidka kale ayaad ku dayasho u noqonaysaa,caruurtaaduna caruurta kale ayay ku dayasho u noqonayaan ,hadaba yaan la quusan oo la niyad jebin,culayska ka dib fudayd ayaa iman doona.
Waxa kale oo ka mid ah aasaasiyaadka tarbiyada caruurta inaad ilmaha ixriraanto,si uu isna adiga iyo dadka kaleba u ixtiraamo,loomana baahna in ilmaha la yaso ,la eryo,oo layiraahdo dad waawayn ayaa wada hadlaya ee meesha ka tag,hadii kale waxay ilmaha u keenaysaa isku kalsooni la'aan ,waxa kale oo muhiim ah in ilmaha qoryayaasha reerka intooda badan loo sheego ,wax looga baqayo inuusan diyaar u ahayn mooyaane.
Mawduucu waa dheer yahaye xiise dambe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
Waxaan sii wadaynaa mawduucii tarbiyada caruurta,aniga oo soo koobaya,waayo suura gal mawada aha inaan halkan kuwada qoro ,waxaan soo diyaariyay.
Waxaa kale oo muhiim u ah tarbiyada caruurta inaad la socoto ama ka warhayso filimaanta uu ilmahaagu fiirsanayo iyo wakhtiga uu telefishanka fiirsanayo iyo waxa uu ka fiirsanayaba ,waxaana wanaangsanaan lahayd waanay suuragalayne in Tvga oo dhanba laga maarmo,waayo khasaarihiisa ayaa ka badan faa'iidadiisa waxaa markasta oo aan mawduucan ka hadlayo aan soo xausuustaa macalin jaamacada ii dhigayey maraan Talyaaniga joogay,macalinkaas gurigiisa hal Tv baa yaalay ,gabadh u shaqaynaysay ayaana uu qolkeeda yaalay ,caruurtiisu wakhtiga ay firaaqada yihiin ama joornaal bay akhriyaan ama buug,hadiise aadan ka maarmayn waxaan waalidiinta kula talinayaa inay caruurta iyo iyaguba wakhti go'an oo keliya ay fiirsadaan,isla markaana aanu waalidku isku dayin inuu caruurta intuu ka eryo uu isagu wakhti badan fiirsado waayo arintaasi waxay keenaysaa ,inuu ilmuhu u qaato inay waalidku xumaan daraadeed ugu diidayaan,oo wuxuu isleeyahay hadii xumaanta ay waalidkaa ka sheegayaan ay jirto iyaga ayaa iska dayn lahaa,waxaa kale oo muhiim inuu waalidku ka warhayo buugaagta iyo joornaalda ay caruurtiisu akhristaan,waayo waxa la akhriyo waxaa loogu yeeraa saaxiibka aamusan,saamayn badan ayuuna ku yeeshaa ilmaha noloshiisa waxa uu akhriyaa ,haday wanaagsanyihiin iyo haday xunyihiinba.
Waxaa kale oo kamid ah aasaasiyaadka tarbiyada in ilmaha si degan wax loogu sheego,qayladana laga yareeyo ,waayo qayladu ilmaha sas bay ku ridaysaa ,waxayna u keenaysaa isku kalsooni daro,hadii uu khaldamo ilmaha si degan hadaba wax ugu sheeg.
Waxaa kale oo iyana muhiim ah inay waxa ay ku tarbiyadaynayaan labada waalid ay isku waafaqsan yihiin si aan ilmihii wareer ugu dhicin,oo hadii aabuhuna yirahdo waxaa ha smayn,hooyaduna markuu aabuhu tago hadii uu ilmuhu sameeyo aanay ka celin ,ilmuhu xumaan ayuu u qaadayaa aabihii.
Intaa ayaan ku joojinayaa laakiin waa socdaa mawduuc.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.