site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

War maxaa dhaqankii laga tagayeeeeeeeeey!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Dec. 16, 2000): War maxaa dhaqankii laga tagayeeeeeeeeey!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faarax

Tuesday, November 07, 2000 - 06:10 am
Waxaan tagay habeen dhoweyd aroos will iyo gabar Somali ah oo lagu dhigay xaafad London ka mid ah, saa waxaan arkay meeshuba waa gaal iska yeel iyo mid daba yaal. Waxayse iigu darneyd markaan arkay aroosadii oo intay sii jeesatay fiyoore gadaal gadaal u tuuraysa oo gabdhihii kalena isku dagaalayaan tii qaban lahayd, yacne sidii aroosyadii gaalada. War sow nalama oran "Man tashabaha Qowmun fahwa minhum" oo ah Ruuxii qowm kale iska dhiga ayaga ayuu ka mid yahay. War waa wareey balaayaa taagan, hadda ayay qaar intay soo galaan i dhihi doonaan war naga aamus Faarax baa tahaye, war waxaas oo kale Faarax baan ka ahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

axmed

Tuesday, November 07, 2000 - 08:59 am
War Faarax,

Maxaad tiri "intey sii jeesatay beey fiyoore gadaal gadaal u tuurtay baa?" Cajiib, wax kalane waan sugeynaa.

Waxaan maqlay in eey jirto xeeb la isku qaawiyo oo yurub ku taala, toloow malagaheliSoomaaliqaaqaawan oo gaalada ku daysatay?

Beribaa kuwa aan wada shaqeyno igu yiraahdeen away farraantigaagii caddeynayey inaad tahay xaasle, kolkaasaan ku iri hiddo iyo dhaqan uma lihin faraantigaad sheegeeysaan, diinteenuna ma ogola in nimanku eey xirtaan dahabka. saa ma u ogtihiin, horta?

ilaahoow nasoo hanuuni.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samsam Salah

Tuesday, November 07, 2000 - 10:39 am
Walaal marka ay umadi jabto wax kasta ayaa ka soo baxa, tan aad sheegaysid iyo dabcan kuwa ka xunxun oo gaarey xad aanad moodin in ay muslinmiin yihiin ayaad jira.

Rabbi ha inoo danbi dhaafo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hibaaq

Sunday, November 19, 2000 - 03:33 pm
SALAAMA CALAYKUM

Waa sidaad u sheegtaye "Samsam" umad burburta wax kasta baa ka soo baxa marka waxaan oo kale iyo wax kadaranba waa la filayaa ee ilahow wadankeenii nabad nooga dhig.aAAAAAAAAAAAAammmmmmmmmmiiiiiiiin

Walaalayaal daqanka lagu dayanayo indhawaalaba waa socday oo wax hada bilowday ma ahan marka aan isku dayno in an badalana waxa na, dhinac ordaya shaydaamo badan, marka issugaan oo kale dad iyaguba horay nadiif u ahaa uun baa wax ku qoraya oo soo aadaya marka waxaa fiican in meel walba oo NETka ka mida dhaqanka waxlagaga qoro oo la, soo xasuusiyo dhalinta maanta joogta oo habowday socokoodiina ka tagay kiikalena aan gaarin.

Wabilaahi Towfiiq

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.