site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Halkan ka Faa'iideyso Axkaamta soonka

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Dec. 16, 2000): Halkan ka Faa'iideyso Axkaamta soonka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jaamac

Monday, November 20, 2000 - 01:04 pm
HABKA SOONKA LOO GUTO

Illaahay ayaa mahad leh, Naxariis iyo nabadgelyona Nebigeenii suubanaa (scw) korkiisa ha ahaato. intaa kadib. Walaalayaal waxaanu dhamaanteen ku bushaaraysanaynaa inay bishii khayrka badnayd ee Ramadaan inasoo gashay. Waxaanu Illaahay ka baryaynaa in uu inaga dhigo kuwa loo dambi daafo. Halkan waxaanu jeclaanay inaanu idiinku soo gaabino waxyaabaha la xidhiidha soonka iyo axkaamteeda, si aynu ugu toosnaano Sunnadii Nebigeena (scw) isla markaana camalkkeenu ahaado mid ku salaysan cilmi oo aan ku dhisnayn male. Si uu u hawlyaraado akhriska iyo fahamkuba ayaanu usoo gaabinay sida ugu fudud ee loo fahmi karo.
· WAAJIBAADKA SOONKA: Waajibaadka Soonku waa laba.
1-NIYADA. In uu qofka soomayaa layimaado niyad, maxaa yeelay niyaddu waa shardiga uu ku guntamayo Soonku in lagu dhawaaqona looma baahna.
2- Ka fogaansho waxyaabaha buriya, ee hoos ku qoran.
B- Wax kasta oo caloosha gala oo dhuunta mara, ha ahaado wax jidhka faa’iido u leh ama aan u lahayn sida, sigaarka xanjada iwm. T- Mataga ogaan laysaga keeno. Hadii uu matagu u yimaado iskii ma jebinayo.
j- Istimnaa. Waa inuu qofku biyo iska keeno.
x- Galmoodka. Uma banaana qofka Muslimka ah inuu maalin Ramadaan ah isagoo sooman u galmoodo sawjadiisa/keeda.
kh- Qofka soonka ku jebiya galmood ula kac ah, waxaana waajib ku ah in aanu wax cunin inta ka hadhay maalinta. Waxaana ku waajibaya inuu dib ka qaleeyo isla markaana la yimaado kafaara-gud (Inuu adoon xoreeyo, haduu waayona, laba bilood soomo, hadii uu samayn kari waayo inuu quudiyo 60 miskiin). Dhamaan arimahaa aanu kor kusoo sheegnay hadii qofku isaga oon is ogayn sameeyo, soonkii kama burayo, laakiinse waxaa loo baahanyahay inuu joojiyo isla markuu ogaado inuu soomanaa.
· XAALADAHA LAGU SOON LA'AAN KARO:
1- Ruuxa dumarka ah ee xaydka (caadada) ama nifaaska (dhiiga dhalmada kedib yimaada) leh waxaa xaaraan ka ah inay soonto.
2- Qofka xanuunsanaya iyo qofka safarka ku jira waxa u banaan inuu soon la'aado waxaana ku waajib ah qalle.
3- qofka gaboobay iyo ka xanuunsanaya ee aan la filaynin inuu bogsado waxaa u banaan inuu soon la'aado loomana baahna inuu soo gudo, laakiin waxaa waajib ku ah inuu bixiyo fidyo oo uu quudiyo miskiin maalin kasta.
4- Qofka waalan intuu ka miyir sanaayo, Ilmaha yar intuu ka qaangaadhayo iyo kaafirka intuu ka Muslimayo; kumana waajib aha inay soo gudaan ama fidyo bixiyaan.
· WAXYAABAHA U BANAAN QOFKA SOOMAN:
1- In biyaha la quuso. Nebigeenii (scw) waxa uu ahaa mid madixiisa ku shuba biyo... Xadiis.
2- indha-kuusha iyo daawada indhaha iyo dhagahaba. Iaakiin daawooyinka laga isticmaalo afka iyo
sanku way jebinayaa.
3- Luqluqashada iyo san-daarsiga iyada oo aan lagu xeeldheeraanayn.
4- dhunkashada labada is-qabtaa, qofka naftiisa haysankara.
5- Toobitaanka ama dhiiga oo layska qaado.
6- Qofka waxa u banaan inuu dhadhamiyo cuntada ka dibna uu tufto si dhuunta aanay wax u marin, laakiinse candhuufta caadiga ah waa la liqi karaa.
7- Waxaa iyana banaan in lagu waaberiisto jinaabo iyada oo laga fiicanyahay.
8- habeenkii oo dhan wixii ka horeeya salaada subax cuntada waa la cuni karaa.
· WAXYAABAHA SUNNAHA AH EE MUDAN IN LA AMEEYO:
1- Suxuurta oo la cuno habeenka gelinkiisa dambe.
2- In la dedejiyo afurka.
3- In la ducaysto xiliga afurka.
4- In laga dheeraado waxyaabaha aan ku haboonayn soonka dhexdiisa, sida beenta, xanta, diradiraalada, hadalka laqwiga ah iyo hadalada xun xun.
5- In la badiyo camalada wanaagsan ee Illaahay loogu dhawaanayo, sida akhriska Quraanka, sadaqada iyo camalada khayku ku jiro oo dhan.
6- In lagu dedaalo cibaadada lana ilaaliyo sunnooyinka khaas ahaan salaada taraawiixda (waxaa uu yidhi Rasuulkeenii (s.a.w) qofkii u qumma Ramadaan isagoo rumaysan ajarna korodhsanaya waxaa loo dhaafaa dambi¢iisii hore.)
7- In la badiyo cadayga.
8- In laga tago waxyaabaha banaan ee aan markii hore soo sheegnay iyada oo laga maarmi waayo maahee, khaas ahaan, dhiig iska qaadka, dhadhaminta cuntada iyo in jinaabo lagu baryo.
9- In layska ilaaliyo waxyaabaha laqwiga (hadalada bilaa macnaha ah) maadaama cibaado lagu jiro, sida: dhageeysiga heesaha ama muusiga, daawashada filimada, iwm. Dad badani waxaad moodaa inay waxaas sameeyaan iyagoo leh wakhtiga ayaanu isku dhaafinaynaa, laakiin TVga iyo heesaha way iska bakhtiiyaan markay tukanayaan, labadubana waa cibaadooyin. Waxaa laga rabaa qofka muslimka ah ee jecel inuu liibaano in marna aanu ilaawin inuu cibaado Rabbi ku jiro, sida marka uu salaada uu dareemayo oo kale.
· DARDAARAN
Waxaanu idinkula dardaarmaynaa in aa niyadda ku haysaan cabsida Illaahay maadaama cuntadiinii macaanay u joojiseen Alle dartii. Afkiina ka haysta waxyaabaha xunxun ee dembiga ah sida, xanta, beenta, cayda iwm, indhihiinana ka dhawra waxyaalaha cawrada ah, dhegihiinana u diida waxyaalaha qariban sida heesaha, muusiga iyo waxkasta oo dhaawacaya Soonka. Wuxuu yidhi Rasuulkeenii Suubanaa (s.c.w) “BADANAA INTA SOOMAN EE AAN SOONKOODII KA QAADIN GAAJO IVO HARAAD MAAHEE WAX KALE”. Waxaa kale oo uu yidhi Rasuulkeenii (s.c.w) “QOFKII OGAAN (SABAB LA AAN) U JEBIYA SOONKU MA GUDI KARO HADII UU NOLOSHIISA INTA KA HADHAY SOOMO!!!”. DHAMMAAAAAAAAAAD
*********************************************

Raabidada Islaamka ee Finland
Helsinki 02.01. 1997

Fadlan wixii su’aal ama faahfaahin ah kala soo xidhiidh Masjidka raabidada ee ku yaal Helsinki.

Suomen Islamilainen Yhdyskunta
PL 87, 00100 Helsinki Finland
Tel. 358-(0)9-2782551/6
Fax. 358(0)9-2782553

Ama halkan kusoo qor su'aalahaaga waa laguu jawaabiye

Wasalamu Calaikum waraxmatullahi wa Barakaatuhu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Monday, November 20, 2000 - 03:00 pm
JazakaLaaha khairan walaalkiis, Illaahey hakaa abaalmariyo aqoonta iyo ajarka aad inala qaybsatay. Aamiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NADIFA

Monday, November 20, 2000 - 04:49 pm
JASAAKALAA YAA AKHII ALAA YIBAARIK FIIK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxammad

Monday, December 04, 2000 - 02:26 am
Aza/calaykum waraxmatu laahi Wabarkaatuhu
Wallaal Jazaakalaahu Khayran Wa baara kalaahu fiihi aad iyo aad ayaad u mahadsantahay Illaahay dhamaanteen waxaan uga baryayaa inu inoo fududeeyo inoona dembi dhaafo adna khaasatan muraadkaaga kuu qumiyo kuna solansiiyo wanaag iyo wixii khayr qaba eed jeceshahay...
Wabillaahi towfiiq.............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/raxiin Holland

Monday, December 04, 2000 - 02:50 am
Asalaamu caleykum yaa akhii jaamac


Walaale waxaan ku salaamayaa jaamac salaan kabacdi waxaan Ilaahay sub xaana watacaalaa kaga baryaa in uu kaa amaal mariyo qoraalka diiniga ah ee aad kor ku qortay maalintuu ilaahay yiri maalinta waxyaaba uurka kujira waala soo bandhigayaa. hana ku anfaco waalaala yaasha aqrisada maqaalkaan wanaagsan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.