site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SIDEE LAGU GARTAA QOFKA ILBAXA AH (CIVILIZED OR CIVILIZATION)

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): SIDEE LAGU GARTAA QOFKA ILBAXA AH (CIVILIZED OR CIVILIZATION)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOOMALI

Unrecorded Date
A/CALAYKUM.
My bro&sis my quetion is(YAA ILBAX AH SEESE LAGU GARTAA QOFKA ILBAXNIMADA LEH?? HADAAN SOOMALI NAHAYSE ILBAX MA NAHAY MISE MAY??
Ilbaxnimo waa xadaarad iyo horumar ay bulsho leedahay,waana dhaqan magaali ah oo khilaafsan kan baadiyaha looga nool yahay, waxaa lagu gartaa dadkeeda raadad soo jireen ah oo waqti dheer soo taxnaa waxaana muujiya calaamado meeshaas laga heli karo,dadkeedana waxaa lagu gartaa sifooyin badan oo ay ka mid yahiin.
1- akhlaaq & dhaqan hufan.
2-kala danbayn & maamul ay tixgaliyaan.
3- waxa dhexdooda yaal oo qof walba ilaaliyo waayo waxuu dareemaya in nolashiisu ku dhisan tahay.
4-ihtimaamka &waynaynta aqoonta waayo waxay dadkasi dareemayan hadaan fac cusub oo aqoonta sii xambara la helin in xadaaradoodu dumi doonto.
5-waxaan ku soo koobaya iyadoo faro badan waxa dadka ilbaxnimada leh mar kasta ka muuqda degenaansho & ka dheeranshaha wax walba oo bulshadooda dumin kara iyo qiiro & jacayl in dadkiisu noqdo kan caalamka ugu horeeya ama laga tilmaamo umadaha kalana xadaaradiisa & dhaqankiisa wax ka qaatan, waana taas tii reer yurub ku kaliftay inay umado badan gumaystaan maantana maraykanku u sacyinayo inuu meel walba dhaqankiisa geeyo.
GABOGABADII waxaan ku soo xiraya SOOMALIDU ILBAX MA TAHAY??
Runtii waa su'aal jawaabteeda cilmi & Daliil u baahan hadaanse inta aqoontayda sheego, waxaa jira laba maanic oo soomalida u diidan inay isku darto umadaha ilbaxaa.
mida koowaad dadkeedii hore waxa taariikhda ku qoran inyar oo xeebaha ah mooyee inay reer guura ahayeen qof reer baadiye ahna ilbaxnimo kama ratibanto inay ilbaxnimo sheegtan iska daye intii yarayd ee qarnigan abuurantay waxa dumiyay kuwii ayagoo daqaradii colada & dhibatada baadiyaha isku soo sameeyay magaalada isla soo galay kadibna magaalooyinkii ku dhex diriray oo saas ku baabi'iyay jiritaankii umad dhan.
mida labaad waxaa umad xadaarad leh lagu yaqaana in dhaqankeeda & astaamaheeda wanwanaagsan ay xurmeeyan kuna faanan, markaa umada soomalida dadka la is lahaa facii hore way ka roonanayaan xoogana ilbaxnimada iyo xadaarada way ka wanaagsananayaan waa dhalinyarada qurbaha soo gashay ayagiina sidii baalalay bay ku daateen dhaqamadii umadahii kale, waxaana laga dareemayaa reer miyinimadii waalidkood iyo ilbaxnimo yaridii facoodii hore.
IGA RAALI AHAADA WAAN KU DHEERAADAYE MAWDUUCA AYAA DHIB BADANE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maquuste

Unrecorded Date
Il baxnimo si fiican ayaad u soo qeexday, dadkeenii horena inta oo aad ku qeexday oo dhan way lahaayeen.Waxaadse ogsoonaata waxaad ceebta u taqaan rag bay camalkiisa tahay.Igana raalli noqo haddii aad fahmi weydo warkayga.Kuguma diidani in dadkeenan dambe aad daciif u noqdeen QAARKOOD in kale oo badanina ay haystaan dhaqankoodii iyo ilbaxnimadoodi.Waxaan u danleeyahay marka adiga oo magaalo ku dhashay aad u baxdiid baadiye aad ayey kula yaabayaan dhaqankaaga iyo ibaxnima-darradaada.Bahashaanu Waa Relative hadba dhanka aad ka eegto weeye.Soomali weligeed ilbax ayay ahayd wayna is xukumi jireen dhaqan iyo diin ayey ku kala dambeynjireen eewaxa halkaas na gaarsiiyey DAD RABA IN AAN KU DHAQANNO AMA AAN KU DAYANNO DUUL KALE... WAXAASE LA NOQDAY DAWACADII TALLABADEEDA KA TAGTEY TII NABIGANA GAARI WEYDAY!!!!!!
Marka waxaan ku soo gaba-gabeynayaa RAGII TURUQYADA ADKAA TUNKOODU LIBAAX AHAA ha loo soo noqdo oo inga dayaa XADAARADAHA KALE WAA KUWA INA ROGAYE''...

Hana la is cafiyo.

Maquuste.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum

Somali iyo Maquuste walaalayaal aad iyo aad ayaan idiinku raacsanahay habka aad uga hadasheen ilbaxnimada iyo waxyaabaha lagu garto qofka ilabaxa ah anigoo raacinaaya in ugu qofkii diinta alle si wanaagsan u raaca uguna dhaqma ay waxyaabahaas uu somali soo tiriyey oodhami uukusifoobayo sida akhlaaq wanaag iyo kala danbeyn iyo wixii lamid ah.

Maquute waa runtaa walaalkiis dadka yiri dad naga liita oo aan kadhaqan fiicanahay ka diin fiicanahay kadabci wanaagsanahay yiri waan ku deyaneynaa dhaqankeeniina waan tuureyna runtii sida aad sheegteyba waa:

RAGGII TURUQYADA ADKAA
TUNKOODA LIBAAX AHAA
LISHAANKA KABOODI JIREY
TALAABA XUMAA BEDELEY

arintu hadda waxay isku bedeshey

DADKII DHAQANKOODA JECLAA
DIINTOODA ILAASHAN JIREY
TALAABA XUMAA BEDELEY

nabadeey wixii qaladna cafis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali

Unrecorded Date
Asalama calaykum.

To: Maquuste.
Saaxiib afkaaga caano lagu qabay, runtii waxbaad noo dadaboolaysaa SOOMAALI IYO XADAARO AMA ILBAXNIMO WALAALE KALA DHEER SIDA CIRKA & DHULKU U KALA DHEER YIHIIN.
Walaale aan ku qanacnu waxaan nahay ilaa ilaahay dad kale noo soo saaro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maquste

Unrecorded Date
Asalama Calaikum

Amran aad ayaan isugu dhownahay fikrad ahaan ee sidee xeero lagu xagtaa ilkona ku nabad galaan???

Macnaha sidee dadkeena iyo dalkeena wax ugu suurtoobaan innaga oo rabna in ay wax nala qabtaan dadkeena ilbaxnimada u haysta ta reer galbeedka. Somali adiga kama wado laakiin waa xaqiiq jirta,oo qarna waxay u qabaan dawladnimo guri weyn iyo Toyatadii 4W-ga ahayd.Marka anigu qof ahaan markasta RABBIGEEN waxaan ka baryaa in ummadaan somaliyeed uu IMANNKA kusoo cesho XAQQA-NA fahmsiyo.Quluubtoodana SAAFI ka dhigo ee AAMIIN dhaha.Wadaad xumahana ALLA ha naga qabto.

Amran iyo Somali i soo cafiya wax gef ah haddi aad dareentaan.

Walaalkiin Maquuste.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatullaah

Walaal Soomaali Allaha kaa abaal mariyo mowduuca qiimaha leh eed furtay. Waxaan kaloo Allaah khayr u waydiinayaa walaalahayga kale ee soo jeediyay fikradaha qaaliga ah. Waxaanse ku darsan lahaa in aanu ka fakirno muxuu yahay abtirsiinaheenu markaan taas ka jawaabno ayay inoo fududaanaysaa in aanu ka jawaabno inay soomaaalidu tahay ummad xadaara leh iyo in kale.

walaalayaal saad ogtihiinba waxaan ku abtirsanaa waa islaamka marka qofka yiraahda soomaali ilbax maŽaha waxay ila tahay inuu leeyahay umadaha islaamka oo dhan malaha ilbaxnimo.

Midda kale yeynaan isku qaldin baladan inagu habsatay ee soo bilaabatay markuu jabay albaabkii hayey waa Cumar binu Khadaab Ilaahay raali haka noqdee sida uu cadaynayo xadiisuu wariyey Xudayfa Allaha raali ka noqdee, weyna soconaysaa baladan ilaa ay ka dhalato khilaafaduu nabigu scw sheegay ama nasri laga helayo


Walaashiin Deggan Sweden

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOHN

Unrecorded Date
Waxaa la isku qilaafsan yahay ILBAXNIMADA waxeey tahay :
1.Waxaan arkay laba nin oo walaalo ah oo ku sheekeysanaya af ingriis(aan xitaa ficnayn).
2.Waxaan arkay qooys ilmahooda kula hadlaya af ingriis oo keliya.
3.Waxaan arkay naag xaas ah oo ilmaheedi oo yar yar ah kuna jiro mid naas nuug ah inaay aabihi ooga tagto si aay aroos oo magaalo kale ah oogo qeyb gasho.
4.Waxaan arkay qooys labo meel kala deggen si aay lacag badan ku qaatan.
5.Waxaan arkay gabdho raacaya gaalo oo ku oranaya waan isjecel nahay.
6.Nin geesaha xiirtay dhegtana durtay.
7.Gabar dariiqa sigaar ku cabeeysa baarkana la fadhiso beer.
8.Naag reer leh oo DISCOTECA dhex taagan illa iyo waaberigii.
INTAAN MA ILBAXNIMAA MISE WAA QASHIINNIMO????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maquste

Unrecorded Date
John intaas aad sheegtay oo dhan waa wax yaabaha ay noo keentay waxa ay dadka qaarkiis u yaqaanan ILBAXNIMO. ALLOW ADAAN kaa hoos galnay taas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BIID XAAR

Unrecorded Date
HADDAAD MOODO ILBAXNIMO IN LA GASHTO JAAKO IYO GARAWAATI IYO SURWAAL ISKU EG WAAD QALDAN TAHAY.
ANIGA WAXAAN U ARKAA ILBAXNIMO NINKA SIDUU ULA DHAQMO DADKA KALE OO IXTIRAAM MUUJIYA OO RISPETAAREYO QOFKA KALE OONA KU XAD GUDBIN DOOQA IYO DIINTA QOFKA KALE ISKU SI U IXTIRAAMA RAG IYO DUMAR -OODAY IYO CUNUG IWM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOOMALI

Unrecorded Date
A/C. ALL MY BRO&SIS.

Akhyaarta waxaad mooda hada inaan is fahanay, oo garanay ilbaxnimo xumideena.waxyaabaha ay sheegeen JOHN oo isaga magaciisa xataa ilbaxnimo yari ka muuqato & biidxaar waa wax jiro.
Soomaalida inteeda badan ma garanaayo waqti ay xadaarad & ilbaxnimo gaari doonaan.

To: Degan OO Degan SWEDEN.
Walaashayda degeney hadaan hadalkaaga u soo noqdo waxaad tiri soomalidu waa dad muslina ilbaxnimadana islaamka ayaa laga soo gaaray, taasi waa runtaa marka kutubta xadaaradaha & ilbaxnimada ka sheekeeynaya aad akhriso waxaad ogaanaysa ilbaxnimada & tiknoolajiyada maanta caalamku ku socdo in islaamku aasaasay, balse su'aashu waxay tahay yaa dhaxlay oo ka faa'iidaystay, waa jawaab aan wada garanayno.walaal degeney soomalidu haday islaamka ku dhaqmi lahayd waxay noqon lahayd dadka caalamka ugu horeeya sababo dhowr ah awgood oo ay ka mid tahay.
1-waa iyagoo dad aan badnayn ah dhulkooduna weyn yahay, marka umada saas ah xadaaradna leh gacmaheeday dhunkan lahayd.
2-waa iyagoo isku diin ah markaa rabshooyinka & dhibku ma bateen waxayna ku noolaan lahaayeen nolal macaan.
3-waa iyagoo dhulkoodu dihin yahay bad & bariba oo qof walba haduu ilbax ahaan lahaa warshado & shaqaale ayuu lahaan lahaa.
Way badan tahay ee walaal umadaan waxaa itaxaan looga dhigay jahli iyo danbayn.alah waxaan ka baryayaa inuu umadaan faraj u furo.
To: John.
Iga raali ahow john walaal magacaaga baan la dhici waayaye af lagaado igama aha, hadaad iga xumaatona i soo cafi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suaalllllllllllll

Unrecorded Date
ilbaxnimadu ma jeegadoo la xiirta??mise waa gabadhoo surweel gashata?? mise waa iyadoo sida madowga loo socdo WHATS UP?? mise waa jaadka & sigaarko la cabo?? mise waa in gaari xuuf laga siiyo? mise waa ninka caloosha weyn oo jamhadeena wata oo beebka sigaarka qiiqiisa hadba nagu afuufa anaguna qosolo?? mise waa reerkeena oo madaxweynaha soomaliya hela ama raysulwasaaraha oo aan landcruserta xuuf ka siino?? mise waa ninka tuulada jooga oo odayga rida keensaday hadba u been guura??mise waa inaan askar noqonoo dadka dhacno?? su'aaaaaalllllllllllllll

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum

Suaalooooooooow!!!!!!
Jawaaaaaaaaaaab!!!!!!

inta aad soo sheegteyba waa inta dadkeenu u heystaan iney ilbaxnimo tahay ama jidka ilbaxnimada ay ku rideyso balse maahan ee waa waxyaabaha qofka ilbaxnimadiisa iyo sharaftiisaba hoos udhiga ama lidka ku ah.

waxaan arki jirey ilmo ladhoho baadiye aa laga keeney oo timaha geesaha iyo gadaal inta laga xiiro dhoor yar loogu reebo foodda hore
maanta arinkaas dad baaba ilbaxnimo moodey oo labis ahaan ugu soo jarta sidaas timaha

John adna waan kugu raacsanahay 100% walaalkis

nabadeey wixii qaladna cafis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOHN

Unrecorded Date
To.Amran waan ku salaamay walaaley marka xiga sidaad sheegtay caruur yar yar oo baadiyaha laga keeno dhoor leh ayaan arki jirnay maantana waxaan u jeednaa rag sidaas u xiirtay waxaay ila tahay kuwa sidaas u xiirtay inay yihiin ilmihi yar yaraa oo waynaaday micnaha reer baadiyihi oo qurbo yimid.
Aniga waxaan arkay anigoo been sheegen nin xer ahaan jiray runtii qabiir dugsi quraan oo maanta timaha ka dhigtay RAASTA taas yaa ii micneyn kara?
SIDAAS IYO NABAD GELYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Salaan kabcdi Dhalinyaro:

John walaalkiis waan kaa qaadey salaanta
hadii aan usoo laabto arinta aheyd dadka tinta geesaha kaxiirtey waa kuwii yar yaraanta loogu xiiri jirey oo waynaadey horta waa suuro gal balse waxaan kuu hubaa in aan aragney dad waligood aan baadiyo arag yaraantoodiina aanan loogu xiirin sidaas hadana u xiirto markey waynaadeen specially qurbaha markii layimid.

midda ninka xerta ah ee timaha rastada kadhigteyna horta qof walbaa aqligiisa iyo fikirkiisa inta uu gaarsiisanyahay oo kaliya ayuu ku kacayaa. somalideenana waxay dhib kudhigeen magaalo ayaaa la imanaa dadkii ku noolaa magaaladaas gaalo iyo waxay doonaan ha ahaadeene sidey u dhaqmaan ayaa waxaa loo maleyn ilbaxnimo kadibna waa lagu dhaqmi. Marka Midkaas dugsiga quraanka dhigi jirey ama kabiirka ka ahaa wuxuu arkey dad timahooda rasto kadhigtey isma uusan waydiinin

1. rastadaan ma darajo ayey kuu kordhin
2. mise sharaftaadii ayey hoos u ridi
3. ma wax dhaqan iyo diin aan u leenahaybaa
4. sidey kuu arkaayaan dadka kula dhaqanka ah ama kula diinta ah waaban garanay in kuwa gaalada ay kahelaayaan.
5. ma ilaahey ayaad ku raali galineysaa arintaas
mise dadka kula deegaanka ah ayaad ku raali galisey
6. gaalada kula deegaanka ah iyo Rabbigii ku abuurey keebaa raali ahaansho kaa mudan

Marka walaalkiis somalidena ayagoo wax badan is waydiinin ayey waxa iskaga dhaqaaqaan taasoo noo horseeddo jaahilnimo waa hore laga soo tegey in dib loogu laabto.

waxay kadhabeeyeen maah maahdii aheyd

"meel laga il la' yahay hadaad tagto adna il is tir"..........taasoo laga fiicanyahay

intaas ayaan uga baxay
wixii qaladna cafis
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BIID XAAR

Unrecorded Date
Waxaan u maleynaya in runtii aan gaalada aan ka ilbaxsanahay sababta oo ah goortaan geesaha xiiran jirnay oo aan sanka duran jirnay iyo dhegaha hadda ma aheyn ee nimanyohow ama naagayahow ha ku dayanina gaalada haddaad ku dayaneysaan ka qaata wixii fiican.
Islaannimada waa sheey qaal ah oo qiimo badan ha noqoto addunyo ama aaqiro oo su'aalo badan la isweydiin doono.
WAXAA MAGAALADA AAN DEGGANAHAY NALA JOOGA NIN BIDAAR LAHA OO LA QALAY OO TIMO LAGU TILAALAY WAXAANA KA BAXAY ILLA IYO 10KUN OO DOLLAR LACAG GAAREYSA.TAAS MA ILBAXNIMAA???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOMALI

Unrecorded Date
ALL BRO & SIS
ANIGU HORAAN U SHEEGAY ILBAXNIMO HADAAN SOOMALI NAHAY NAGA DHEER. WAANA IS ARAGNAA,MARKA MAAN KU QANACNO ILBAXNIMO XUMIDEENA?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Olow

Unrecorded Date
Asalaama Alaykum

Somali
Waxaan u malaynayaa inaad raadinaysay inaad na tusto in aan ilbaxnimo ka dheer nahay , walaalihii
fikrahooda dhiibtayna waxay dhmaantood taabteen
ilbaxnimo xumadeena. Haddaanse Soomali nahay ilbaxnimo xumo waxaan u naqaanaa REER BAADIYENIMADDA, waxaana u malaynayaa in fikrdaas qaldan jawaabteeda aan ka helayno fikradaha walaalihii iga horeeyey soo jidiyeen.

Waa mowduuc aad u fiican

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabardadow

Wednesday, July 12, 2000 - 02:57 pm
siduu u socdo baa lagu gartaa
haduu garbaha sidaa iyo sidaa u leexsho iyo haduu madax gees gees u ruxo iyo haduu simaha ka socdo like denzal washington...

haduu maanta dhan kur fiirsho uu madaxa cirka ku hayo .....ka fogoow badiyuu xalay ka soo galay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Wednesday, July 12, 2000 - 07:52 pm
see ku barati?
.
Tuuladii (DAB II DHAGAX) maa ku date-gareyn jirti?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

reerbaadiye

Thursday, July 13, 2000 - 01:14 am
gabdhaha waxaa lagu gartaa in ay ilabx yihiin marka ay dhageystaan r&b and date ADOON gabdhaa intaas sameysa ayaa ah ilbax

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.