site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HEERKEE AYAY GABADHA MUSLINKA AHI BULSHADA KAGA JIRTAA

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): HEERKEE AYAY GABADHA MUSLINKA AHI BULSHADA KAGA JIRTAA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum salaan kadib walaalayaal waxaan u furay mowduucaan muhimada uu leeyahay,hadii horay loo furay oo uu dhamaadayna waa jadiidin.
Walaalayaal mawduucaan xaqiisa masiin karo arimo badan awgood marka waxaan samayndoonaa numuudij wax lagu fahmo ayaan isticmaalayaa.
Islaamka ka hor gabdhuhu waxay ku noolaayeen nolol mida ugu xun uguna liidata sida allaah inoo kawaramay,marka ay gabari udhalato oo loogu bishaareeyo dadka ayay ka dhuuman jireen xumaanta waxa loogu bishaareeyay darteed markaas ayay ku fakari jireen ma duli ayuu haystaa oo gabadhaas ah misre ciida ayuu galiyaa,midka mida saxaabadii ayaa yiri gabdhaydii ayaan kaxeeyay anoo raba inaan soo duugo iyaduna habaaska ayay gadhkayga ka tiraysay!! ana waxaan rabaa inaan iyadoo nool duugo!!,intaasi waxay ahayd xabaalnololintii lagu samayn jiray.
2-dhinaca dhxalka waxba kuma lahayn
3-ninku intii uu doono ayuu ka guursan jiray oo xad malahayn iyada oo aan loo eegayn riximka haduu doono 10 gabdhood oo walaalo ah ayay guursan jireen.
4-hadii ninku ka dhinto xoolaha ayay kamid hayd oo waa ladhaxli jiray.
Iyadoo arin sidaa yahay ayaa islaamku yimi
1-wuxuu mamnuucay inaan caruurta gabdhaha la dili karin oo wuxuu ka dhigay denbi weyn oo khatara.
2-dhaxalkii ayaa loo ogolaaday loo diidi jiray
3-in iyaga la dhaxlo ayuu diiday islaamku.
4-Guurkii xad ayaa loo sameeyay oo waxaa layiri kama badin kartaa afar.
Wuxuu layimi islaamku in ay sharfanyihiin insaankana ka mid yihiin ALLAH WUXUU YIRI IBNU AADAM WAANU KARAAMAYNAY. TAASNA WAA MID KULIGOOD AH.
Islaamku raga iyo dumarkana wax ayuu wada amaray marna goono gooni ayaa loo kala qaaday, ooshaqada miday wadaagaan iyo mid aanay wadaaginba waajirtaa.
Hadaba islaamku waa sharfay hablaha sharftii ugu danbaysay.WAXAAN SOO QAADAN SHAQOOYINKA AANAY WADAAGIN OO AAN KASOO QAADAN HALMID TASOO AH MAAMULKA.
Islaamku maamulka labo ayuu uqaybshay kaasoo ah guriga wixii ka dhacaya gudihiisa iyo wixii ka dhcaya dibadiisa kaasoo ukala baxaya laba qaybood oo kala ahmid guud iyo mid gurigaas ku soo noqonaya,hadaba islaamku wax nasiib ah kama siin hablaha hawlaha dibada siyaasadaha iyo wixii hawlo dawladeed ku xiran,gaabdhu haday xaastahayna gurigeeda ayay ku ekaan oo waa loo soo shqayn hadii kalena gurigeeda ayay ku ekaan oo calafkeeda kusugi ,waxbarashadana way aadi kartaa hadaanay rag waxlabarany.
waan sii wadi doonaa maanta waa intaa
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Wacaleykum****Salaam****Waraxma:

Ismaciil bacda salaan walaalkiis allaha kaa abaal mariyo sida wanaaga badan ee aad noogu sharaxdey qiimaha iyo sharafta uu islaamku siiyey dumarka meelo badan ayaan kugu raacsanahay hadaladaada sida in gabadhu gurigeeda ku ekaato hadii laqabo iyo hadaan laqabinba.......balse meesha aa tiri gabadhu wax way baran kartaa hadeysan rag dhex galeyn ayaan wax yar kaa oran lahaa:

walaalkiis sida aad ogtahayba maanta waddan qurbo ayaa lasoo wada galay xaqiiqdiina jaaniska ugu wayn ee laheesto wiilal iyo gabdhaba waa in wax la bartaa waddanku waddan islaam maaha oo lakala saari wax barashada ragga iyo dumarka haddana gabdhuhu kama maarmaan iney wax bartaan marka sidee xal ah sababtoo ah uma maleynaayo in uu jiro qof jecel wax ALLAAH uu jecleyn inuu sameeyo
intaa ayaan uga baxay wixii qaladna cafis

byee dhamaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum AMRAN WALAAL allaah ayaan kaaga baryaaya inuu khayr fara badan gacanta kuu geliyo.
abaayo su,aashaas hadaankaaga jawaabo waxaan oran sidaan walaal islaamku siduu qabo oo xaqu yahay iyo waxa ay duruufuhu keenaan waakala labo marka iSlaamku maqabo ikhtilaad iyo in rag iyo dumar isdhexgalaan,laakiin wixii duruufuhu keenaan waa meesheeda ,markaas waxaa la eegayaa mafsadada iyo maslaxada kii raajaxsan.
wasalaamu calaykum
walaalkaa ISMAACIIL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
SALAAN KADIB WALAAL ISMAACIIL WAD MAHADSANTHAY HADAAD WAX SOO BANDHIGAYSO MAXAAD NOOGU GAABSATAY MAAMULKA OO KALIYA FIIHISHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADA

Unrecorded Date
wALAAHAY WAARUNTAA KAN DUMARKUUN NECEB YAHAY OO SIKA DHIGAA KU JECEL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MANAXDO

Unrecorded Date
ismaciil

saaxiib waa iska hadashay nin diin yaqano ayaan kuu maleen jiray lakiin maskiin seef la bood ah ayaad noqotay maanta DUMARKA ma aha kuwa kaa sugayo in aad u sharaxdo diinta ama aad u tilmaamto waxa kula haboon sida ay kula haboon yihiin adiga kaliya.


waxaan ku leeyahay wax macquul ah la soo shir tag ama orad oo badi cilmigaaga diinta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Manaxdo asalaamu calaykum mareka hore saaxiib kulama ahi maxaa yeelay gabar inaad tahay ayaa magacaaga ka muuqda ana gabar saxiib lama ahi.

Tan kale hadaanay iiga baahnayan inaan u sharxo yaa iiga baahan waa tahaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
TO:MANAXDO.
MAGACAAGAABA WAX LAGA DIDO AH,MIDA LABAAD QOFKII KHAYR KUU SHEEGA WAA JAZAAKA LAAHU KHAYR EE CAY & AFLAGAADO KAAMA MUDNA.
HADAY KU QANCIN WAYDAY SIDA UU ISMAACIIL GABADHADA MUSLIMADAA KA SHEEGAY WAA SIDA AY RUNTU TAHAYE, OROD FURO BOG KALE OO GABADHA AAN MUSLIMADA AHAYN AH,WAA SIDA AAD JECESHAHAY BAAN FILAYAAYE LAAKIIN INAAD AFLAGAADAYSO XAQ UGUMA LIHID.MEESHANA QOF WALBA AQOONTIISA IYO FIGRADIISA BUU KU SOO QORAA EE CID CIDA KALE WAX KU DIRQIN KARTA MA JIRTO,MARKAA HADAY KULA QARAARATAY GABADHA MISLIMADA.ISKA DHAAF BOGAN.
MIDA KALE HADALKA SAAXIIB WAA AKHLAAQ XUN EE HA U NOQON WHY? HE IS NOT YOUR FRIEND.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAAFI

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum..
salaan kabacdi..aad iyo aad baad ugu mahadsantahay ismaaciil mawduucaan aad soo qaaday.
Annigu lafteeydu su'aashaan waan is weeydiiyay.

Dadka aan diinta sifiican u aqoon waxeey u maleeyaan in qabadha muslimadda ah ay tahay qof xabsi ku jira.Laakiin marka dib loo noqdo islaamka wuxuu naaga u yahay xoriyad.
To the outsider it may look like a big old jail. but i feel blessed to have islam and the dignity and protection that comes with it.
But often times even muslim men see that since a girl needs protection that she is not capable of being independent,and they also see her as a being with no brain that can't possibly survive with out a man.It is not islam that is to blame but the ppl that miss use or miss understand it.
Heres an example..the prophet(SAW)"Fataqu dunyaa wataqo nisaa"..ppl have miss interpeted this phrase,they take it to mean that 'beware" teh women is out to get you!
RESPECT.
-SAAFI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
jazaakalaahu khayr saafi.
Waxaan aad uga xumahay inaanan mawduucaan dhamaystirin waqti la,aan aawadeed.
Miskiin aad ayaan ugu farxay qoraalkaaga laakiin maanta ayaan arkay jazaakalaahu khayrr walaalkay aan hawada iska baranayoow.
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MANAXDO

Unrecorded Date
ISMACIIL

wax saaxiib laga dhigto aa badan tacbaan diin barad ah maxaa lagu falaa saxibnimadiisa.

war soco hadii aad diin taqano sidaas uma hadasheenee ee labada eray oo aad soo barate diin ma aha ogowna diint rag iyo dumarba nastexo ayeey u aheed ee adiga dhinaca nagaha maxaad mar kaste ula soo bodaa???? war ka hel ama ha ka helin qarnigaa waa qarnigii dumarka kor iyo hoosna waa lagaa maamulaa.

MAKIIN

munaafaq gar yar aa tahay adiga oo kale walina daba dhilifnimo aa ku darsatay soco baro sida dadka wax loogu sheego.


OGADA DIINTA WAA NAGA DHAXEESAA IDINKANA WAKIIL KAMA TIHIIN ISKANA DHAAFA SIDA AAD U HADALAYSAAN OO BARTA SIDA WAX LOO SHEEGO.


NAAG NAAAG NAAG LEE IDINKA CARARTAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Unrecorded Date
to manaho

walaashiis maxaa kudaaray walaalkaa waad ku xanaaqday isdeji ismaaciil fikradiisa ayuu ka hadlay in saas ula hadashid ma aheen hadii aadan ubogin hadalkiisa waxay ahayd inaad iska deesid ama si ka qabaw sidaas ula hadashid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Asalamalaykum kuligiina

To manaxdo
manaxdo maryeheede ka didooy ma kuugu darnaa?
meesha wax isu sheegow ay eheyd wax isku qasboowaase u malaysay araweelo.

To aqyaarta kale

Mawduuc fiican waaye waana idinku raacsanahay fikradihiina gaar ahan Ismail iyo Amran,laakiin maxay gabdhaha soomaaliyeed waxbarashada ugu dadaalin gaar ahan kuwa wadankii ka imaaday iyagoo kaweyn 16sano
waa dhibaato weyn

wasalamalaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MANAXDO

Unrecorded Date
london

imaqal walaal......ooooopppppssss aradigana amaa diidaa walaalnimada???? dadkaan waxaa laysku ogaa wax ha laysku sheego iyage lee qasabka keenayo.

aniga labadaan nin waa u fiirsaday filankoodana waa fahmay, hada midkaan ismaciilka la dhahaayo waxuu u furay meshaan in uu u sheego dadka islamka
heerka uu gaarsiiyay dumarka arintaas ma xumo lakiin maxuu iskku badalay oo uu ugu wareegay in uu ka hadlo (((xukun iyo maamul))!!!!!!!!

ma taqaan sababta adiga?????? hadaad fahmi wayso anaa kuu soo sharxaayo

ismaciil aaba roon midkaan la dhahaayo maskiin isaga naag jaceel aa ka soo hartay...........oh .....iyo naag naceeb waxay ka tahay garan maaye markaad aragto waxuu ku hayaa 4 naag ha la guursado iyo wax la mid ah.

Lodan walashiis ani maryaheega ma ka didin lakiin labo labadaan ma u adkeesan karo.


GEESI
WALAAL KUWAAN WAX LOOMA SHEEGI KARO SABABTO OO AH HAL MEEL LEE WAX KA ARKEEN TAAS OO AH

((((NAAG ,GABAR , INAN,HAWEENAY, DUMAR,DUMAR,GEBER))))

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.