site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Wixii dhiig lehoow kaca!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb. 16, 2001): Wixii dhiig lehoow kaca!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliruna

Thursday, January 04, 2001 - 02:09 pm
Assalaamu Calaykum;

Walaal ila akhri

Muqdisho, (Apress)-
Waxaa jira warar isa soo taraya oo ku saabsan in ciidamo xoojin ah oo ka socda dalka Itoobiya ay ka soo gudbeen xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyagoo damacsan inay weeraraan goobo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Ciidammada Itoobiyaanka ah ayaa la sheegayaa inay la socdaan saraakiil Soomaaliyeed iyo weliba ciidamo ay saraakiishaasi soo ururiyeen, kuwaasoo dhammaantood doonaya in qalalaase cusub ka abuuraan gobollada Gedo, Jubada Hoose iyo gobolka Bay.
Warbixinnada illaa hadda soo if baxay waxay sheegayaan in ciidammadaasi ay doonayaan in marka ugu horreysa ay xoogga saaraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo, waxaana la caddeeyey in ciidammadaas oo isku dhafan uu hoggaaminayo Jen. Moorgan iyadoo maalmihii aan soo dhaafnay saraakiil gobolkaas u dhashay oo Muqdisho ku sugan ay cambaareeyeen falkaa uu Moorgan ku damacsan yahay inuu mar kale dagaal kaga huriyo gobolka Jubada Hoose.
Qaar kale oo ka mid ah ciidammadaas ayaa wararku sheegayaan in loo qoondeeyey inay soo aadaan dhinaca waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo inay carqaladeeyaan garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle.
Sahay aad u ballaaran oo shiidaal iyo rasaas isugu jirta ayaa dowladda Itoobiya soo gaarsiisay goobaha ay iminkaba ka deggan tahay dalka Soomaaliya, iyadoo sahaydaas loogu tala galay weerarrada la qorsheynayo in dhowaantan la qaado.
Walaac isa soo taraya ayaa jira oo ku aaddan dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidammada Itoobiya ee ku wajahan guud ahaan dalka Soomaaliyeed gaar ahaan dowladda ku meel gaarka ah ee dhowaan curatay, warar ku dhow dhow dowladda ku meel gaarka ah ayaa sheegaya inay dowladda Itoobiya ay xiriir toos ah iyo mid aan toos ahaynba ay la sameeyeen balse dhaqdhaqaaqyada jira ay muujinayaan inaysan tixgelin heshiisyadii ay wada gaareen.
Goobo ka mid ah Waqooyi Galbeed ayaa wararku sheegayaan inay soo fariisteen ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu sheegay inay ilaalinayaan hantida Itoobiya uga soo degaysa dekedda Berbera.
Si kastaba ha ahaatee xaaladahan muuqda ayaa muujinaya inay dowladda Itoobiya aysan marnaba diyaar u ahayn xasilooni ka hirgasha dalka Soomaaliya oo maanta runtii ku taagan xilli ay dib uga soo kabanayaan dhibaatooyinkii tobonka sano horey ay ugu jireen, isla markaana ay baadigoobayaan sidii ay xiriir deris wanaag ah ula sameysan lahaa dowladaha deriska ah, iyadoo dowladda Itoobiya ay dhinaceeda ay waddo in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay ka aruuriyeen qaar ka mid ah gobollada dalka ay tababar milateri ku soo siiyaan dhulkeeda iyagoo ku tala galaya in fadqalalo ay kaga abuuraan gudaha dalka Soomaaliya.
Arrintu waxay maraysaa wixii dhiig lahow kaca, waxayna dowladda Itoobiya ay diiddan tahay inay marnaba hirgalaan nidaamka lagu soo dhudbay dalka Jabuuti, iyadoo doonaysay isuna arkeysay in danaha dadka Soomaaliyeed lagala tashado iyaga, weligeedba Soomaalidu ciddii ku soo gardarroota guul kama qaadin, inkastoo tobonkii sano ee aan soo dhaafnay kala qaybsanaan dhanka Soomaalida ah ay jirtay oo ahayd midda sababtay inay Itoobiya ay xorriyad u hesho in goobo badan oo dalka Itoobiya ay si xor ah waxay doonto uga sameyso.
Fursadda Soomaalidu iminka haysato ee ah helitaanka nidaamkaan cusub ee dowladda ku meel gaarka ah waxaad mooddaa inuu yahay fursad la oran karo waa kama dambays waayo adduunweynuhu wuu ka daalay xal u helidda arrimaha Soomaaliyeed, mar haddii maanta nidaamkaan oo ay dowladda Jabuuti naf iyo maalba u hurtay la soo celiyey waxaa loo baahan yahay fara adayg, ilaalin, naf hurid iyo weliba in laga qayb qaato sidii dardar loo gelin lahaa mira dhalinta nidaamkan cusub ee ummadda u soo hoyday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

runsheege

Thursday, January 04, 2001 - 02:30 pm
hello somalirun adiga maxaa itoobiya ka
sheegeysaa , waa dawlad deris kula ah.

somaaliga runta ah ee islaamka kula sheeganayo
oo ku dhacayo ku dilayo miyaadan u jeedin
oo hadan ku oranayo muslim baan ahay.

ethiopia waa dawlad deris ah oo taariikh leh.
wax baa naga dhexeeyo, ama dagaal aan ooga
qaadano ama nabad iyo is faham.

laakin markaad dalka gubtey ayaa hadda waxaad
leedahay itoobiya ayaa na soo weerartay,
waa iney wadanka oo dhan qabataa itoobiya.
miyaanu ahayn caydiid kan wadanka gubey,
soomalida laayey, maato dumar, culimaa u diin.
xamar ma itoobiya ayaa saas u gashay.

ma aragtey xamar, soo daawo xamar.
miyaanu somalin run ah ahayn caydiid,
itoobiya waa dawlad xadaarad inaga dhexeyso,
waa deris, wixii ku haboon ayey sameyneysaa.

orod baydhabo eeg, xamar daawo
marka daawo, baraawo daawo,
beerihii daawo, tuulooyinkii daawo.

sidee bey u galeen kuwa soomaali kula sheeganayo.

halkaas aad bariis ka dheregtey,
oo qaxooti ayey kaa dhigeen, ku wa aad leedahay
somali run ah,
deris nimada dhowr, ka dib ethiopia ka hadal.

dawladda ku meel gaarka ahna hadda ayey
billwadey iney somalida isku dirto.
waxaanu ku ogayn xamar nadiifiya,

waxay ka billawdey balcad iyo baydhabo.
waxaan u maleynaa in xamar loogu tegi doono.

ka dibna carte ay qaxooti ka geli doonaan.

sugned by run sheege,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

runta.

Sunday, January 07, 2001 - 12:42 pm
waa run.

waxay u muuqataa dawlad ku sheegta in
carte loo celin doono, oo halkaas
qaxooti laga qori dono.

sida ay ku socoto haddi aaney wax ka bedelin.
mar balcad ku bood mar baydhabo iyo bakool.
hAddana waxay ku socdaan beledweyne.

marka xiga waxay noqon in carte loo celiyo.

suaashu waxay tahay goormey villa somalia
nadiifin doonaan.

mise sadexda sano shaar gaduud baa la dhameysan
doontaan.

oo hadii sadexda sano dhamaato yaa idiin
jadiidin doono, ismaciil cumar gelle miyaa
amar labaad ka sugeysaan.

walle sadexda sano aanu idiin siiney
haddi aad xamar nadiifin weydaan carte
ayaan idiin celineynaa.

waa ballan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

king-of-hearts

Sunday, January 07, 2001 - 12:53 pm
somalirune
alaylehe somalinimadu waa kaa dhab.....
wixii dhiigloow kaca......
keep the good work
comments to the other two losers
isku xishooda eega meesha ay soomaali ama soomaaliyaba taagan tahay maanta,ma'inoo danbaa inaan dowlad dariskeen ah oo colaad diineed inaga dhaxayso ay inaga dhex faa'iidaysato?
ilaahay hayna soo hadeeyo!!!!intaas aan ku gaabsaday>>>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

runta

Sunday, January 07, 2001 - 01:14 pm
deriska xaqiisa dhowr
gurigaagana nadiifso.

xamar baa laguu direy gobollada kale hadda
laguuma dirin,
xabashi markaan diyaar u noqonno ha la gaaro.
ummaddi oo dhan waa qaxooti, raashin bilaash
ayey cunaan sida adiga oo kale.
marka hore clean mogadisho then start talking.

horaan u soo marney sheekadaas 1976-1977.
laakin hadda ka dib horta gudaha dalka
ka bacdi bannaanka.

ha i wareerinin waan kaa khibrad badanahay.


so long.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANA

Sunday, January 07, 2001 - 05:41 pm
WIXI DHIIG LAHEYN NA (HA FADHIIS TAAN RIGHT)...YOU ARE SO FUNNY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

king-of-hearts

Monday, January 08, 2001 - 08:09 am
comments to runta
kama aana hadal inaan gardaro u gaysano dowlad dariskeen ah ee inanku wuxuu taabtay arin jirta ahna sida ay ethiopia u soo faro galinayso arimaha soomaaliya una doonayso jabkeed adeegsanaysana kuwo maangaabyo ama dangaar watta.
xaqiijinta taasna waxaad ku heli kartaa adoo indhahaaga fura!!!!!
ama fadhiisso waa sidii hana sheegtaye!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

PURE SOMALI

Monday, January 08, 2001 - 03:31 pm
Soomaaliruna si shraf leh ayaad u salaamantahay,garaadkaaga wuxuu ii sheegayaa wax aysan garan runsheege iyo runta oo kaa hoos hadlay waxaan filayaa inaan wada joogno canada iyo usa the so called 'runta' waxaad akhrisaa dastuurka hadda ka jira canada iyo usa sidii markii hore loo sameeyey.... I live in Usa. markii uu dagaalkii sokeeye uu ka qarxey mareykanka sida hadda soomaaliya tahay ayey noqdeen. generals and militiamen ayaa meel walba dadka ku dhici jirey kuna dili jirey. nasiib wanaag waxaa xoog batey kuwii nabad doonka ahaa'they won the war of federal hill in Maryland sidaas ayey u sameysantay Usa. kanadana dastuurka u yaalla waxaa kanada dhexdeeda lagu qorey horraantii siddeetamaadkii intii ka horreysey dastuurka u yaal waxaa lagu soo qorey UK oo kanadaba waxaa la oran jirey British North America. mara intaa cilmi ka kororso. dawladda aad sheegeyso ee lagu soo dhisay jabuuti. aniga wey i qancineysaa sababta waxay ka talineysaa danta dan yarta. We will never stop supporting anyone who is helping my people. if u thing this government is weak ,think big ... everything started somewhere. I believe this can be the begining of new page. read this
Nin siyaasadda u soo dubmaa malaha duulduule.
degdeg kuma wanaagsana ra'yiga doonayaa talo e.
dawladda dorraad dhilatayeen wali diraac joogin.
ninka maanta daadihinayaa waa dulweynyahaye.
cadiqaasin dal ma dhicin daarna muu dumine.
dalqa nibiri xaajada gashee daamankana dhaaftay.
yaa lagu dirqinayaa inuu gacan daf siiyaaye.
nin dulmiga jira arkaayaa muxuu dawladda u hiifi.
I wish u understand the undermeaning chemistry of this poem. bye . bro no hard feeling.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

runta.

Tuesday, January 09, 2001 - 12:06 pm
aniga arrimaha amerika ha ii gelin iigama sheekeyn kartid kumana weydiinin.

haddaan ka soo noqdey somalia.
sida ay tahayna waan soo arkay.

dawladda ku meel gaarka horta sideedaba waxaa soo doortey dad aan gaareynin laba kun oo qof.

soomaali weyn ma soo dooran.
midda kale haba ahaato .

waxaa loo sheegey in ay meel kale u bixin
waqtigaan oo bal ay xamar nadiifiyaan.

xamar weli hoteel bay seexdaan qolada isku sheegeyso dawladda ku meel gaarka ah, you know that.
xamar baa qasan weli oo sixun u baaba,san.

oo ina caydiid baa villa somalia degen,
cosman caato isagan meelo badan
oo xamar ka mid ah ayuu ka taliyaa.

maxay kula tahay marka dawladaas ma
inay baydhabo iyo bakool aado iyo balcad

oo ey weerarto mise marka hore iney bal
qolada xamar joogto ee diidan dawladda iney
nadiifisiso.

ka soo jawaab taas mr king iyo pure somali.

midda kale cabdalla deerow waa miskiin
weli siyaasadda ma baranin loo ciyaarayo
orod aad bakool baa la yiri annagaa ciidan
ku raacineyno oo amaankaada ilaa lineyno
muu fahmin in raxanweyn la isku dirayo,

waxayna inoogu muuqataa arrintaas in raxanweyn la isku diro,
ciidamada cabdalla deerow la raaciyey
ma taqaan ma ciidamo dawlad somaliyeed baa
waa suaal anaa kaaga jawaabayo ,

waa ciidamadii horey raxanweyn baabi,iyey
waa ciidamadii baydhabo dumiyey.
waa ciidamadii xoolihii raxanweyn dhacay.
waa ciidamadii caydiid oo shaar kii hore
loo soo bedeley shaarkii caydiid baa laga
siibey shaarkii dawladda ku meel gaarka ah
baa loo geliyey.
la soco mr pure somali.

let me put at this way

first and foremost dawladdan weli ciidamo somaliyeed oo isku dhafan ma yeelan marka
ay yeelato ha la gaaro.

laakin aniga marbo shaati cusub ha ii soo
gashanin.

hadaad dawladda tahay oo aad raacsantahay
u sheeg ina caydiid villa somalia ka saar.

caato xamar ka buri oo maxkamad soo taag.
intaa baydhabo aadin .


very clear very clear kan caawo dhasha ayaa
garanayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

PURE SOMALI

Thursday, January 11, 2001 - 06:10 pm
to RUNTA..... saaxiib adiga waxay kaaga dheggen tahay ina caydiid vilada ha laga saaro ayaad ku waalatayrunta hadaan kuu sheego ama rab ama ha rabin. xabbaddaan xamar kaaga soo saarey ayaan hadan kuugu celinayaa ina ceydiid vilada hadiyad baa loo siiyey. mareykanka aniga kaagama sheekeyn laakiin waxaan kuu siiyey tusaale ahaan. But now I find out ur emotionally traumatized, and u only seeing one object. u never went back to mogadishu, u deceiving urself, may be u dreamed, 'cause the moryan are still here HA HA HA HA HA HA HA HA HA. UR WOREST NIGHTMARE.........i HOPE THEY DIDN'T RAPED U. WHO KNOWS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guuleed

Saturday, January 13, 2001 - 03:56 am
Dhamaantiinba

bootada iska daayoo bal idinka meel iska soo saara. Waxaan ka wadaa soomaaliya iyo arrimaheeda ka baxa oo waddanimada hadey run idinka tahay wax barta si aad wadanka dib u dhistaan. Alla booto iyo hadal badnaa dadkan. Xamar iyo baydhabo oo kumayaal kilometre idiin jidha baad hadal haysaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

runta.

Sunday, January 21, 2001 - 12:26 pm
soomaaliyeye kaca ahahahaahaha

ma hadaa somali raadineysaa hahahahahaah.

listen, waxaan haynaa wax cad oo ah.

in aad caruur badan aad iibiseen,
in killiyaha beerka carrurta muqdisaho
joogtey ee soomaliyeed aad kala baxdeen
oo aad iib geysaan.

carrur badan oo waalidkood dhintey ee masaakiin
iska ah aad dhiigga ka miiri jirteen.

well we got the proof we got pictures.
and now you are asking a help.

xamr waa qabuuro laakin markaan aniga joogey
mogadisho was one of the best cities in africa.


carrurtii aad soo iibiseen ayaan aragney
oo aan la kulaney .

maxaad hadabo ku hadleysaa.
musqulihii lagu fariisan jirey xataa waxaad keenteen suuqa bakaaraha , well what else
you want you i say more ,,, or you will keep quite, shame on you.

hadal kuuma banaana, fool.

let me give you an advice .

first your home keep in order .

then clean your smelling mouth.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

PURE SOMALI

Friday, January 26, 2001 - 05:41 pm
RUNTA

SAAXIIB HADDA HADAAD JOOGTO MEEL WAXA AAD DOONTABA KA HESHO WAXAAD OGAATAA INAADAN LAHEYN.
I KNOW U UR ALWAYS ON THE PHONE CALLING 911 OFFICER SOMEBODY CALLED ME..... MY GRANDFATHER HAS ABUSED ME WHEN I WAS 2 MONTHS OLD. MAALINTA DAMBE MARKAAD U ADKEYSAN WEYDO. SOOMALIDU WAXAY KU MAAHMAAHDAA CIIRTAAD DHAMAA CEYDAADA YAQAAN, ARMAAN KU ARKAA ADOO XAMARKA AAD SIDAAS U CAAYEYSO DHEXTAAGAN. U KNOW WHO UR WHEN U LIVE HERE. BUT BACK THERE U WERE SOMEBODY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, January 26, 2001 - 08:49 pm
ninkan furey barnaamijkaan adiga faa'iido yaad lu qabtaa kicinta iyo abaabulka waayo qarashkii ayaa kusoo gaarey anaga marka uu nasoo gaaro ayaan sameyneynaa.
mr. kiciyoos

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.