site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Wixii Dhiig lehoow kaca!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb. 16, 2001): Wixii Dhiig lehoow kaca!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliruna

Saturday, January 06, 2001 - 02:23 pm
Assalaamu Calaykum;

Waxaan dhamaan walaalaha Islaamka ah iyo Soomaalida runta ah ee aan doorsoomin xasuusinayaa inay AMXAARADII mar kale soo dirsatay DABADHILIF si ay u damiyaan ama u bakhtiiyaan nuurka yar ee 10 sano kadib u iftiimay SOOMAALIYA.

Waxaan walaalaha MIDNIMADA jecel ee Soomaaliyeed ay ku dadaalaan kana digtoonaadaan siyaasada cadawga taasoo ah QAYBI OO XUKUN, meesha diinteena Islaamku inoogu yeerayso MIDNIMO iyo isku duubni.

Waxaan kaloo idinka waaninayaa inaad JIRRI, MOORYAAN, DAYDAY, iyo DHULJIIF garab u noqotaan, waxay qoraalkaygii hore Akhristayaashu igu tuhmeen inaan C/Qaasim ALLE ha ilaaliyo isaga iyo inta SOMALIWEYN jecele aanu isku Qabiil nahay oo aan ilmaadeernimo DAWLADA KUMEEL GAARKA ah ku taageerayo.

HADDAAAN ARINTAAS JAWAAB GAABAN KA BIXIYO SIDA WALAALO BADAN OO ILA MID AH OO MARKAY DAWLADAN KUMEEL GAARKA AH TAAGEERAAN NALOO MALEEYO QABALIYIIN, LAAKIIN NASIIB WANAAGA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYEED WALAAHI BAANAAN 5ta SOAMAALI LOO QAYBIYEY MID KA MIDA ISUGU IMAN EE AANU SOOMAALINIMO KU WALAALOOWNAY KUNA TAAGEERAYNO!

Waxaan haddaba QABALIYIINEEY idin weydiinayaa cidaan reerkaaga ahayn weliba intooda ugu damiir liidata mooyee cid kale ma idinla socotaa?

Walaalayaal waxaan idiin dardaarmayaa inaydaan QABIIL dooran ee aad QARANIMO iyo wada jir doorataan ha isku koobina meesha ama gobol yar oo reerkiinu dego ee usoo baxa nolol waasic ah iyo QARANIMO taasoo ADUUNKA oo dhami tix geliyo, sharaf doorta oo ogaada SOOMAALI inay mid tahay aysanna marna kala go'i karin.

Walaalayaal yaysan wadamada dadkeenii gumaystaa idin iloowsiin dhulka inaga maqan waa marka fegradeenu ku wareegaysato wax liita iyo meel hoose sida taageerida JUBALAND, BAYLAND, SOMALILAND, PUNTLAND,BANADIRLAND, HIIRAANLAND, LAND LAND LAND iwm.

Soomaali Weyn ha is raacdo!
Qabali iyo Qaybiye ha duloobeen.

Somaaliruna

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Neefoowkaniini

Saturday, January 06, 2001 - 04:18 pm
,,,,,Deeroow Widaayoow
,,,,,Deeroow Widaayoow
,,,,,Deeroow widaayoow
,,,,,wey is galan deereey
,,,,,Dadkii barkaasaa iin
,,,,,Adiina ki dorsantee
,,,,,Dhashiikaa li afuufeey
,,,,,Deeroow widaayoow
,,,,,Deerooow Widaayoow
,,,,,Weeraroow dooyoow waniini


Cabdalla Deeroow,,, Cabdalla maxaa ku waalay,, Maxa dadkaaga kugu diray,, maxaa dalkaaga kugu diray!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

runsheege.

Sunday, January 07, 2001 - 12:28 pm
waa run sheege.

war maxaa dawladda ku meelgaarga ah ka saarey
muqdisho maxay ka doontey balcad.
maxay ka doontey bay iyo bakool.
soo isku dir ma aha.

marka uu in caydiid degen yahay villa somalia.
caato u meelo badan u u xamar ka taliyo.
miyaaney ahayn gardarro cad in shaar gaduud
loo gu tago labadaas gobol.

cabdalla deerow nacaska ciidamo xamar intuu
ka kaxeysto aadayo labadaas gobol , muxuu
ka doonayaa.

cabdiqasim haduu doonayo somalinimo
marka hore labada xamar joogto ha ka saaro
guryahay dawladda somaliyeed.

war ileen ceeb baa ka raacdey dawladda ku meel gaarka .

dad badan oo soomaaali ah ayaa la yaaban
dhaq dhaqaaqa ay sameyneyso dawlad ku sheegga.
kofi canaan wuu u sheegey marka hore xamar
nadiifiya halkee hadlkaas idiinka marey.

bal dariiqyada xamar bulldozers u qaata
oo nadiifiya .
bal guryahay dawladda nadiifiya oo gogla.
bal schoolada ardeydeena wax ku baran lahayd
nadiifiya,

maxaad ka dooneysaan shaar gaduud.
maxaad ka dooneysaan suudi yalaxow.
maxaad ka dooneysaan beledweyne, waan la soconaa
inaad dooneysaan in qalaadse ka kicisaan
beledweyne.


waryaa daawo xamar sida ay ka dhigeen
walaalahaa somaliyeed inta aad xabashi ka hadleyso.
marka hore aqalkaagaaga nadiifi , ka dib
aqallafda kale ka hadal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Neefoowkaniini

Sunday, January 07, 2001 - 03:01 pm
,,,Sow maaaha
,,,Noloshaadu
,,,Sow maahaa
,,,Magaceed be'
,,,Soow Maahaa


,,,,,Deeroow Neefneefsigaagaan la yaabanaa,, Caloosha, Futada ,,Walbaq Walbaqda,, Indhaha Cawiran,,, Deeroow maxaa ku helay la ismaba gaarine goormaad baqa cagta rogi lahayd,, Wallee Mujaahidiintii RRA oo halyeygoodiina uu horkacayo!!Daryaan soo rogmaday,,!!Alloow al Mujaahid Shaar Gaduud hayga qaadin!!!!!Kolkuu faraskiisu heenseesto uu Seeftiisiina Galka kala baxo,,,Alla Heybad weynaayeey,,,Fulay dulan badani u daranaa,,Doqon Deeroow dadkiisa laga adeejiyaa u daranaa,, Dhoohane aan wax ogayn u daranaa,, Kuwa Dowlad ku dan gaarka ahi u daranaa,,,. Musiibadan isa soo baheysate carrigii ku habsatay u daranaa,,....


,,,,Balcad iyo Tiyeegloow ha ku meereeysanine Raggeedi isku yaraha Jitaabi Cabdi khasaaroow,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aadaahartshee

Monday, January 08, 2001 - 03:38 pm
To neefowkaniini, ada hota af roowinka kasaasabaaka dhalatey boo ete. hooba ete waalante hooba enhayneene maaba ku hadali korto. mar danbana deeroow wal unku sheegtoo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aadaahartshee

Monday, January 08, 2001 - 03:47 pm
To neefowkaniini, ada hota af roowinka kasaasabaaka dhalatey boo ete. hooba ete waalante hooba enhayneene maaba ku hadali korto. mar danbana deeroow wal unku sheegtoo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

runta,

Tuesday, January 09, 2001 - 12:20 pm
waryaa horta ninka deerow wax u sheega
hadaad tihiin reer bay iyo bakool.

weli siyaasadda ma baranin.

ciidamada la raaciyey deerow waxay ahaayeen
ciidamadii caydiid oo shaatiga dawladda
loo geliyey walakeen deerow waa fahmi waayey
ciidamadaas .

waxow moodaa ciidamo soomali ah.
waryaa deerow bal dib u fiiri muu garanin

wuxuu ogaadey ciidamada la raaciyey in ay
yihiin ciidamadii caydiid markuu tegey
tiyeglow bakool.

ahahahahaahahaha fool deerow.

hadii ciidamo dawlad somaliyeed kula socdaan
walaalow waa lagu soo dhoweyn lahaa.

laakin ciidamada caydiid aa kula socdey
hadda soo ma garanin.

xasan abshir ba waa diidey inuu puntland tago.
hadda ileen isagana waxaa la raacsiina
ciidamadii caydii. hahahahahaahah
wallllllleeeeeeeeee deerow macallin aa ku fiicantahay .
iskool inaa iska dhexjoogto ilmaha yar yarka
la joog.

sheekadaan waa kaa weyntahay.


shaati buluug ay kuu gashadeen askarta caydiid
heheheeheheheeheheehe

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.