site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

T0:WALAALKIIN

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): T0:WALAALKIIN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IKRAAM

Unrecorded Date
WALAALKII,
SHEEKOOYIN KA AAD SOO QORTAY WALAAL AYAAN FAKAR IYO QALBI XANUUN IGU RIDAY WALAAL,
WALAAL WAXAAN KAA CODSANAA INAAD SHEEGTID HADDAY SHEEKOOYINKAAN RUN AMA SHEEKO XARIIR YIHIIN?
WALAAL HADDAY RUN YIHIIN ,GACANTAAN KUU TAAGAEY,SABABTOO WAXAAN U MALEYNAYAA DOOD IYO XOOG WAXEEY ARRINTA SOOMAALIDA HAYSATO KA QABAN WAAYEEN AYEEY SHEEKOOYINKAADA KA QABAN KARAA,:
BECAUSE MY DEAR BROTHER:"YOUR STORIES MOVE THE HEART"
PLS WALAAL ,WAAN KAA WAR SUGAYAA
-IKRAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
Ikraam, I agree with you the stories are sad, but beleive me I have heard such stories and worse.
Waalahi, Bilaahi, Talaahi I have seen a video tape of a rape of a Somali woman by Somali man.
Other people told me (I haven't seen that tape) of people being excuted becuase of who they happen to be.
History is on tape. I am ashamed of the horrendus acts that Somali men are capable of.
Now some people at the forums are complaining because Walaakiin tells true storie (commentary on the nature of the Somalis). They say "ceeb waa la astuuraa" BUT THE TOPIC IS THE HABITS EE SOOMALIDA CAADO KA DHIGATAY.
Sister, forgive me if I interrupted a message meant for Walaalkiin. But I wanted you to know that horrible things are done by our own people.
The truth hurts.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

IKRAAM abaayo markaan qorayo sheekooyinka waxba qumaati uma arko oo indhaha ayaa ilmo buuxisaa. Sheekooyinku waa dhab oo way dhaceen hase yeeshee qoraalka iyo habka waa mid aan anigu sameeyay.

Waa hore ayaa nin waayeel ah wuxuu ii sheegay in markii qalbiga iyo maskaxdu isku horyimaadaan ay fiican tahay in qalbiga la raaco. Wuxuu yiri dadka markii caqligu ka lumo waxaa laga yaabaa in 10% uu fiyow yahay qalbigoodu ee raadi qalbigooda.

Ujeedada sheekooyinku waa isku day bal in aan la hadlo dadka Soomaaliyeed ee qalbigooda laga yaabo in 5% fiyow yihiin.

Ma aha eedayn ama faro taag ama xumo sheeg ama ceebta dadka oo aan soo bandhigo ee waa in aan qalbigayga iyo kan qofka akhrisanaya ee aan xusuusiyo xumihii aan nafteena ku samaynay welina aan ku dhaqmayno.

SomaliNet waxay noo fududaysay in aan isla hadalno inagoon is aqoon. Haddii aan IKRAAM sheego magacayga waxaa la garan abtirsiinyadayda markaas waxaa la dhihi reer hebel ayuu dacaayad u samaynayaa ama reer qansax ayuu ula jeedaa.

Sidaa ma aha ee adiga, aniga iyo walaalaha kale ee SomaliNet soo booqanaya ayaan rabaa in aan qalbigooda la hadlo.

Sheekooyinka qof kasta oo Soomaaliyeed si buu u maqlay. Anon walaal mahadsanid.

IKRAAM abaayo dalkeenii mee? Dadkeenii aawaye? Meesha aynu joogno waa halkaa? Yaa quman? Yaa gardaran? Yaa dhacan?

Soomaaliyeey carruurteenii ALLA carruurteenii!

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IKRAAM

Unrecorded Date
Walaalkiin,
waa ku mahadsantahay jawaabtaadii!!
WAlaal 100%%waan ku raacsanahay
ILAAHAYOOW SOOMALIDA HANUUNI!
ANON-
YOU CAN INTERRUPT ALL U WANT BRO,SINCE YOU'RE SAYING SOMETHING CIVIL...I REALLY APPRECIATE U TRYING TO CLEAR THINGS UP FOR ME..U SEE I WASN'T EVEN THERE DURING THE WAR,MY FAMILY LEFT THE COUNTRY IN '89,SO HEARING THESE KIND OF THINGS REALLY TEAS AT MY HEART
WALAASHIIN IKRAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Adaa mudan gacaliso IKRAAM.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
Ikraam, you are welcome; i am not a bro though.
.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Msaid

Unrecorded Date
ASalaama Caleykum.

TO Walaalkiin:

Marka hore shaqsi ahaan waxaan kuu sheegayaa in aan qoraaladaada akhristo,waxaad ka hadleeyso oo dhana in ay wax dhici kara yihiin.

waxaase mudan walaalkiin had iyo goor markaan hadleeyno ama aan wax qoreyno inaan xasuusnaano qolkii Eebe" KUWA XAQA RUMEEYOOW KA DHOOWRSADA EEBE HADAL TOOSAN KU HADLA" AL-AXZAAB 70

Taas oon u soo qaatey ama aan ula jeedo waa inuu noqon qoraaladaadu kuwo khayaali ah (fiction)oo ay noqdaan dhacdooyin aad adigu goob joog u aheyd, ama aad ka soo xigatey dad aad ku kalsoon tahay.

Hadii kale walaalkiin waxaa dhici karta in ay denbi kaa soo gaarto.

Dhabtii aniga xageyga ixtiraam ayaad iga mudantahay,waxaana kuu arkaa qof ka danqanaya musiibada ku habsatey wadankeenii oo ay ka dameeyso anaga (soomaalideena).

Aadna dooneysid sidii daawadeeda loo heli lahaa saan ka fahmey sheekooyinkaagana ay kuula muuqato, in shaqsiyadeena soomaalinimo dhinaceeda fiican iyo teeda xunba in banaanka lasoo dhigo.

Hadaba walaalkiin aniga iilama muuqato xal sidaas oo markaan sidaas suubino waxaan qadaney aragtiyada reer galbeedka ee aaminsan yihiin ee ah "xoriyada saxaafada" oo waxey rabaan iska sheegi karaan.

Waxaase xal iila muuqdaa
In aan u laabano diinta
In aan is farno wanaaga iskana reebno xumaanta
Iyo inaan ku dhaqano kitaabka iyo sunada.

Msaid
Nabadgelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Walaal MSaid aad baad ugu mahadsan tahay caqli celintaada iyo talada walaaltinimo ee aan isku leenahay Ilaahay Ajar Buuxa Ha Kaa Siiyo.

Walaal habka aan sheekooyinka u soo bandhigo waa sidii sheeko xariir oo kale. Ma doonayo in aan qof magaciis iyo magaceeda isticmaalo. Ma doonayo in aan xisbi, jabhad ama jamaaco gooni ah carabka ku dhufto. Ma doonayo in magaalo ama tuulo tilmaamo. Mana doonayo in reer ama qabiil gooni ah wax ka sheego. Sidaa darteed sheekooyinka aan qoray waxaa kuwa dahsoon.

Waxa aan qoray WAA DHAB oo ma aha mala abuur iyo hal abuur.

"Waxaad tihiin umadaha Ilaahay abuuray tan ugu khayr badan. Waxaad fartaan wanaagga oo waxaad reebtaan xumaha ILAAHAYNA WAAD AAMINSAN TIHIIN" buu Ilaahay nagu sheegay.

Walaal MSaid sidee xumaanta u reebnaa haddii dadkeenu caadaysteen WIXII XUMAA OO DHAN iyagoo moodaya in ay WAX WANAAGSAN SAMAYNAYAAN.

Haddii aan dadka la tusin DHIBKA uu leeyahay waxa ay caadaysteen iyo dhaqankoodu sidee baad ugu sheegi in ay yihiin WAX DIINTA ILAAHAY KU XUN.

Haddii dadkeenu u haystaan in been iyo dabo maryo tahay sida keli ah ee ay wax ku heli karaan SIDEED MSaidow ugu sheegi kartaa in AYNA SIDAA AHAYN?

Haa walaal Msaid waa run Ilaahay ma jecela kuwa jecel iyo xumaantu fiddo ama sheeg sheega ceebta dadka.

Hadana walaalow Ilaahay ma jecla kuwa markay hadlaan been sheega, oo markii la aamino khiyaamo sameeya oo markii ay balan qaadaan ka baxa.

Walaalow Ilaahay ma jecla kuwa gooya naf si xaq daro ah. Kuwa Magaciisa Subxaanuhu Wa Tacaalaa u adeegsada si kale. Kuwa dadka ka kaxeeya oo firqooyin iyo jaamaacooyin ka yeela. Kuwa Qabyaalad iyo jaahilnimo dhulka u guba oo dadka u laaya?

Walaal sidee xeego loo xagtaa ilkana ku nabad galaan bay iga tahay sideen XUMAHA aynu dhaqanka iyo caadada ka dhiganay BANAANKA loo soo dhigaa iyadoon cid gooni ah aan farta lagu fiiqin?

Walaal dadaalkaygu halkaa ayuu gaarsiiyay ee maxaad igula talin lahayd si aan WANAAGGA U SHEEGO XUMAHANA dadkeen uga reebo?

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gacamay

Unrecorded Date
Al-salaamu calaykum:
ku:wallaakiin:
Waxba yaan sheekadaada malabaysan ee sunta ah loo bogin,haddii aad xal wadid oo aad dhibaato soomaaliyeed ama caado xun naga waaninayso,maxaa ku tusay wadaad gabadh meher xalaal ah ku guursaday oo asturay,kadibna sharci ku kala tegay.
Maxaa adduunkan aan ku nool nahay iyo qurbahaba
xumi daadsan,maxaa gabadh soomaaliyeed dacdaraysan
miyaadan arkin joornaalka(SWIMMING SUIT)cadadkisii
bishii maarso ama april,1999.waxaa ku sawirnayd
gabadh soomaaliyeed oo lagu magacaabay(khadro)oo
kastuumo iyo rajabeeto xayeysiinaysa.Immisa ayaa
(MODEL)ah ama u hanqal taagaaya,ma fogga ayaan filayaa ama weyba jiraan ku (googooyada)ka ciyaara
(STIRIPERS)oo $1.00 doolaar isku qaawiya.
Marka teebaa xalin u Baahan ma taad ka hadashay
mise Tan haatan nagu Hareeraysan.
(ORGIGU OOHINTA KA WEYN),EE MAXAAD NOO SOO WADAA
INAADEER!!!!!KA FIIRSO ADIGA AYAA WAANIS U BAAHAN?

Somaaliyad

Unrecorded Date
Gacameey, kuwaas aad sheegtay adiga wax ka qabo. Ilama aha Walaalkiin inuu "go-go" tago ama uu aqristo sports illustrated especially "swim suit edition".
Walaalkiin wuxuu ka hadlaa arrimmo badan uu ku saabsan mujtamac waxay aaye ku suuganyihiin.
Marka, adiga haddi ee kula muuqato in arrimo kale laga hadlo, fadlan qor maqaal, ee iska dhaaf dab galka iyo personal attack.
Gacameey, qor sheeko adiga, fadlan adaabtana ilaali.
Walaalkiin, sheekoyinka meeshodda ka wad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO:Walaalkiin

Horta nin yahow maxaa kuugu wacan in qoraaladaadu ay markasta dhaleecaynayaan dadka wadaada`ah oo aad iyaga uun markasta ugu maldahaysaa sheekooyinkaaga khayaaliga`ah ee aan caqliga galaynin marnaba sida (yuhuudiyad baan ahaye igaxishoo & mujaahid iyo kuwa kaleba?

waxaad tahay & waxaadka rabto soomaalidaba isa soo cadee niyahow dadkibaad khilaaf dhex dhigtaye.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.