site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dumarka Soomaaliyeed waxeey tixgaliyaan rabitaanka Jinsiga ragooda. maxaa u diiday in ay kooda tixgaliyaan???????

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb. 16, 2001): Dumarka Soomaaliyeed waxeey tixgaliyaan rabitaanka Jinsiga ragooda. maxaa u diiday in ay kooda tixgaliyaan???????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Goodah

Tuesday, February 06, 2001 - 05:34 am
Keebaa gardaran raga iyo dumarka marka la isugu yimaado dhinaca Jinsiga oo waxaa horay loo arkay ilaa iyo iminkana jirta in dumarka Soomaaliyeed ay rabitaankooda jinsiga ah aysan tixgalin oo ay tixgaliyaan kan raga oo laga yaabo in ay caawa isaga doonayso oo uusan isaga diyaar u ahayn markay aragto in uusan isaga diyaar ahayn ay dib u liqayso rabitaankeedii jinsiga ahaa oo ay san marwaliba dhiiban karin rabitaankeeda jinsiga ah. Marka waa iga su'aal sidee ayay wax u jiraan dhinaca dumarka?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali-book-1

Tuesday, February 06, 2001 - 12:22 pm
Goodah, xoogaa ma jilciin karta waxaad qortay.
Lama fahmi karo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

goodah

Wednesday, February 07, 2001 - 08:21 am
Walaal waan ku salaamay. salaan dabadeed, is ma aan oran wax baa ka dhiman laakiin hadii aad tiri lama garan ee jilci Waxaan isku dayayaa in aan jilciyo si aad u garato'
macnaheedo waxa weeye hadii aan kuu soo gaabiyo
Dumarka soomaaliyeed marka ay reer yeeshaan oo ay guri xalaal ah galaan wax waliba way awoodaan in ay ragooda waydiistaan,
laakiin maxaa u diiday marka la isugu yimaada dhina jinsiga/raaxada in aysan waxba odaygeeda ka dalban karin oo aysan orankarin caawa waan ku doonayaa ee bal soo yara dhawaaw oo ay mar waliba isaga in uu yiraah mooyee aysan iyada waxba soo hadal qaadi karin markaa taa maxaa kalifay weeye macnaha oo idil.
markan waxaan umalaynayaa in ay sidii hore yara dhaanto oo aan yara fasiray.
Somali book-1, waad ku mahad santahay su'ashaadii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rahma

Wednesday, February 07, 2001 - 03:54 pm
Qof walba waa si uun, ha umoodin dumarkoo dhani inay isku mid yihiin, taad aragtay uun baad ogtahay soo maaha. Raga waxaa jira qaarkood, kuligiin idinma aqaane, inaysan u danayneen xaaskooda oo markaysan rabin ay sheekadu meeshaas ku egtahay. Kolay nin sex diiday waa jiran yehee ama tabardaraa haysee halaga seexdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Goodah

Thursday, February 08, 2001 - 05:51 am
To:Rahma
Walaal waan ku salaamay salaan dabadeed,
Walaal Su'aasha maha diidmo ee waxay tahay is waydiin "Soomaalida ayaa horay ugu maah maah day nin aan hadlin hooyadii qadisay"
Marka walaaley waxaa jira dumar badan ayaan horay u waydiiyay waxayna iigu jawaabeen " hadii aan nikeena wax waydiisano si kale ayuu noo fahmayaa ee walaaley hadii aan ku waydiiyo"ninkayga ayaa si kale noofahmaya waa maxay micnaheedu"?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rahma

Thursday, February 08, 2001 - 08:54 am
Markay lacagta waydiisanayaan dhib uma arkaan, laakiin sidaan kale wayka xishoodaan oo waxay is leeyihiin inaa u baahan tahay buu fahmayaa kadibna wuu kibri. Naagahan aa sheegaysid waxaa u aqaanaa Caasho isla weyn, warkooda dhan macno ma suubiyo wayna madax xanuun badan yihiin raga haaya aa dhib iska qabo.Aniga ninkayga waxa aan necbahay inaan waydiiyo waa lacag sababtoo ah dadkoo dhan baa neceb taas, waxaan kale waaba waxa isku keen kenay ceeb malaha, waa ninkaygii wuu ogyahay inaan u baahnahay sidaan u ogahay inuu ii baahan yahay, dadka kale baana iska tiirshaa ee ka iqaba iska tiirsho sababtoo ah waa qayb iga mid ah, iska tiirina ii gama baahna ee jecayl iyo soo dhoweyn baan isku leenahay. is kibri waxba mataro naag adan ahayna kaama soo sarayo. naagtada u sheeg inay cagaha dhulka dhito, usheeg in aadan cadowgeeda ahay eed saaxiibkeed tahay, saaxiibaduna aysan kala xishoon waxa kala qarsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Goodah

Monday, February 12, 2001 - 07:00 am
To: Rahma
Walaal waad mahad santahay sida walaal tinimada ay ku dheehantahay ee aad iiga soo jawaabtay.
Tankle walaal waa mida kaliya ee la isaga baahan yahay qof waliba in uu ka qanciyo qofka kale waxa uusan garanayn.
Laakiin walaal waxaa meesha ku jira oo aan doo nayaa in aad ii yayra fasirto waa (Fikradii ahayd Dumarka Som, waxay tixgaliyaan rabitaanka ragooda oo ma tixgaliyaan kooda )Ee meesha kuma jirto in aad adiga gaar'ahaan iskaga hadasho maha ee waxa weeye dumarka siday aamin sanyihiin inaad wax iiga taabato, oo aduunyada dhamaan waxaa wax laga eegaa dhinaca loo badan yahay ee aan kawada hadadalno dhinaca loo badan yahay, iyo sida dhabta ah. Ee yaan la is duqaynin.

Hadaba waxa weeye raguba kama xishoodaan marka ay dumarka wax ka doonayaan oo Gabar waliba marka ay aqalkooda ka soo tagayso waxay ogtahay meesha wax loo wado iyo waxa u dan beeya oo way ku soo tala gashay hasa ahaatee marka meesha la isugu yimaado wax fikrad ah kama dhiiban karto ee maxaa kalifay hadii uu odaygeeda dhawr maal mood uu liifada u gaabiyo way ashtakoonaysaa oo waxay oranaysaa "Ma gurigii Aabahay ayaan wax aan cuno ka waayay"? Ee walaalay waxaan si gaar ah kaaga cod sanayaa in aad ii yara faah faahiso oo wax waliba aan daboolka ka qaadno.

Raalina ka noqo la soo raagitaanka Jawaabta
Mahad sanid.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.