site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Hadaan sameeyo maxaa dhacaya

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Mar. 13, 2001): Hadaan sameeyo maxaa dhacaya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, February 23, 2001 - 12:02 pm
waxaan ahay gabar 22 jira, waxaan u gudanahay si fircooni ah, dhibaatooyin badan oo xaga caafimaadka ah ayuuna igu hayaa dhakhaatiirtu waxay igula taliyeen inaan qaliin sameeyo si la ii furo. laakiin hooyaday waa ay ka soo horjeedaa oo waxay leedahay hadaan sameeyo waxaan la mid noqonayaa gabdhaha suuqa ku jira mana aha in la i furo intaanan guursan ka hor. laakiin dhibaatooyin badan oo aanan u adkaysan karin ayuu igu hayaa waxaana ku fakarayaa inaan sameeyo anoon cidina u sheeginee ee maxay idinla tahay. laga yaabee inaad is oronaysaan inaan ahay qof idinku cayaaraya laakiin ilaah baa og inaan ahayn ee ay i haysato dhibaato xun aanan qof u sheegi karin.fadlan taladiina ayaan u baahanahay ee i kaalmeeya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Brother

Friday, February 23, 2001 - 01:01 pm
Waxaan walaal kuu sheegaayaa in horta maanta qofna aanu ahayn in uu isa saaro ciqaab aan ilaahay ku saarin. waxa weeye hadaad doonaysid inuu ninku kugu guursado waayo waxaad leedahay qodob dee waad ku khaldan tahay. Waad iska furi kartaa qodobka adigoon waxba u yeelin bikirkaaga hadii ay important kuu tahay. waxan anigu ku odhan lahaa samee wixii caafimaadkaaga u dan ah hana ka fakarin in ay gabadhnimadaada wax u dhimayso

Wish you all the best

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ukamn9

Friday, February 23, 2001 - 01:08 pm
Walaal gacalo sidaad sheegtaybba waa yar yahay qof ku rumaysanaya haddii aan ka eego dhanka ragga laakiin dumarku waa garan karaan dhibtaada sababtoo ah iyagaa soo maray ama qaar ka mida ay haysataa hadda.
sidaad ogtahayna diintu ma ogola gudniinka noocaas ah haddana haddii ay ogolaan lahayd in sidaa laysu gudo xataa qofka wixii caafimaadkiisa wax udhimaya waxay ugashahay inuu ku kaco wuxuu dhibtaa uga bixi lahaa.
marka walaal waxaan kugula talin lahaa inaad ku kacdid waxa caafimaadkaagu ku xiran yahay dhibta ku haysatana uga baxdid, haddii ay run kaa tahay weeye.
haddii ay kaa tahay waxaan baa i hor jooga haddaan iska raaxaysan lahaa oo hooyaday baa i ogaanaysa walaal sino khayr ma leh waxaan dhib ahaynna ma keento waa haddii aad raaxo doon tahay.
Midda kale ninkii kugu raba geed tolan kaliya kaasi nin maaha qofka waxaa lagu raacaa qiimihiisa iyo wax garadkiisa iyo dabciga ilaah siiyey laakiin ninkii lugaha dhexdooda ku raba kaasi oo kale ha ka fakarin oo dhib ha isku hayn ee waxa dhaqaatiirtu kuu sheegayso oo ah waxa caafimaadkaagu ku xiran yahay samee.
midda kalena bikro nimadu maaaaaha kan fircooniga ah ee waa mid ilaah qofka ku beero oo ka hoosaysa taas
intaa iyo nabad gelyo waxaan kuu rajaynayaa arin wanaagsan iyo in dhibku kaa baxo.
ar maanta waa taliyey yaa iga fiican
ixixixixixixixixixixixixi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jaangoow

Wednesday, March 07, 2001 - 12:50 pm
from:jaangoow,walaal sameey wixii caafimaad kuugu jiro,sababtoo ah siduu walaalkeeyga yiri,bikrada ma ahan qaybta hore oo tolan,ee waa qaybta danbe oo hoose oo la wada yaqaa,marka abaayo macaan sameey wixii dani kuugu jirto,bye peice out.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, March 07, 2001 - 01:44 pm
Horta intaa wax ka badan oo lagu dhihi lahaa ma jirto, waxaanse kuugu darayaa in maanta nin ku raadinaya gabar bikranimo uuba yaryahay, dhalinyarada hadda joogta maba kala jecla, qaarna waxayba sii jecel yihiin kan dhibka yar ee mid maantoo dhan la is xoqaayo maba rabaan. Teeda kale waaba laguuu sheegay adna kolley waad ogtahay oo virgin-nimadu ma aha kor ee waa hoos. Caafimaadkaaga ka hor mari wax kasta.

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabar

Wednesday, March 07, 2001 - 02:25 pm
Go girl...ha cabsanin...lakin wax aad u adkeesan kartid haduu yahay waxaan kula talin lahaa inaad iska sugtid calafkaa,sababtoo eh hadii ay si xun kugu hayso hooyadaa maysan diidi laheyn inaad isfurto,lakin hadaad ku kacdid oo isfurtid madama ay cafimad kugu jirto waxaad ku adkeysaa inuu dhaqtarka kuu qoro warqad cadeenaysa inuu asiga ku furay dhan caafimaad owgeed,markaas hadii wax lagaa sheego ama lagu rumeysan wayo waad heysataa cadeyn.walaalay ilaah hakuu fududeeyo..MIDA KALE..walaal weligaa waxaas oo kale hasameenin adoo familkaa ku ogeyn..waad inaad qancisaa oo ogolaantood heshaa..

good luck sis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rahma

Wednesday, March 07, 2001 - 02:29 pm
Habarta marna maku tolee marna makuu diidee inaa is furto, police ugu wac hala xiree.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rahma

Wednesday, March 07, 2001 - 02:45 pm
Gabar, gabadhu waa 22 jir, marka maba ahan inay hooyo iyo qofkale midna inay la tashato, gaar ahaan hooyo jaahila oo markii horaba soo xir xirtay maxay kala tashanee waxba ma ogee, haday wax ogtahay gabadheeda ma tol toli laheed, marka labaad se ma dhihi laheed qadkeedii yaan la saxin oo gabadha la furin. Maxayse cadayn iyo waraaq uga baahan tahay waa qof weyn, hadii aysan ilaahay ka biqin yey kaloo ka baqee. Gabar warkaaga waa meel ku dhac, waxaa ka dhigee gabdhaha inay yihiin waxaan ilaahay ka biqin oo dadka kale ka baqa, ogow hadaa adigu saas tahay qaar baa jira waxay daa yaana Alle dartii u daaya wax rabaana sameeya aygoon qofaan rabi ahayn ka baqeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Brother2

Wednesday, March 07, 2001 - 04:25 pm
I feel very sorry for you, but if you are feeling any disconfort or pain and you live in the west and you are 22 years old, I don't see any reason why you punishing your self any more. Don't waste any more time go to your doctor an d get relief from the pain. This is your call, don't blame anybody if you don't see your doctor and proceed with the opreation.

Good luck and I mean it

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabar

Wednesday, March 07, 2001 - 10:29 pm
Rahma,hadalkayga wuu cadaa..horta hooyada markay xirxiraysay gabadheeda waxay u sameesay caado iyo dhaqan oo jahl ku xiran,waxayna kunoolayd wadan ceeb ay tahay gabdhaha lagudin.hadana qof hooyadeed jaahil iyo police ugu wac inaad dhahdid maheen.
mida kale waxaa jira wax layiraah SUMCAD.qofna sumcad xumo kuma nolan karo.iyada way is ogtahay inay gabar fiican tahay,dadkeeda way ogyihiin inay qofkale u cadeeso maha,lakin nimanka sidood way shaki badan yihiin ayagoo og edebta iyo aqlaaqda gabadha ayaa shaki yar gali karo waraaqda waxay u cadeenay keliya ninkeed ee guursan doono ileen waa nolol cumriga dhan larabo in laqeebsadee.
marka raxmooy maxaa keenay ilaah kabaqid.qofaan ilaahay kabaqayn wax xun sameenaya asigay jirtaa.umana malaynayo gabadha inaysan qof ilaaheed udhow aysan aheen lakin adiga ayaa hadalka si kale u bedelatay....waxaan u malaynaa nabar kugu yaala aan taabtay..ilaah hakuu ceeb asturo walaalay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

supporter

Wednesday, March 07, 2001 - 11:13 pm
subxanallah,Rahma maxaad gabadha iyo hooyadiid isugu diraysa

she is a grown up woman,she knows what's best for her,walaal for the sake of your own health do it,but don't lose the most valuable gift you can give to your husband on your wedding night,maybe Rahma has lost her virginity that's why she's encouraging you to do it.listen to your mother talk to hear,try to convince her,but never ever break her heart walaalo she had you in her stomach for 9 long years,do you think she was happy to circumcise you and see you suffer?she did it for a reason.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

supporter

Wednesday, March 07, 2001 - 11:15 pm
oops I'm getting a little sleepy in here lol

I meant 9 long months not 9 long years lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadaad

Thursday, March 08, 2001 - 08:29 pm
Asalaamu Caleykum

Waxaan kugula talin lahaa si in badan oo walaalaha sharafta leh ay ku taliyeen, eeg wixii ay dantaada ku jirto, hadii ay caafimaad ahaan kuu dhibeyso dhakhtarkaaga adeec oo is fur hana ka xishoon hana ka baqin waa hadii ay dhab kaa tahay waxaad sheegeysid maxaa yeelay adiga uguma horeysid garab soomaaliyeed oo dhibkaas ku dhaca hadana is furta. laakiin waxaan kaaga digayaa inaan la dhuumatid oo aad waalidkaaga ku gacan seyritid, koleyba wey ogaanee hooyadaa ee ka dhaadhici inaad calaf leedahay ninkii kugu diidana uusan adiga markii horeba ku rabin laakiin uu raaxo raadis ahaa, hooyadaa koley waxaan rajeynayaa inay waalyeel tahay kor waayeelna waa wada indho, xigmada ay u diideyso hadey tahay wax ku saabsan guurkaada adigaa ka dhaadhicin kara hadii wax kale jiraana dee caafimaadkaaga ayaa ka muhiimsan ayaan u maleynayaa. Bikranimada waxaa la sheegaa inuu yahay xuubka gudaha ku jira, Warqada la sheegayo waxba qiimo kuma jabna hadii aad qaadatid iyo hadii kale, koleyba kan calafka aad isku leedihiin waad is arkeysaan hadii uu kalsooni ku qabo iyo hadii kaleba calaf uunbaa shaqeeya. Koley dhalnyarada jira maanta bikronimo maba xiiseeyaan ee diin ayaa dantooda ah taas uun ku dadaal mid kaa diin badiya oo runta iyo aaminaada yaqaanana raadso. Gabdhaha jooga maanta waxaan in badan ka doorbideynaa garoobada laga dhintay ama rag hore ku xumaadeen laakiin taladii nabiga ayaa aheyd bikro kula cayaarta oo diin leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

J.B.

Friday, March 09, 2001 - 07:49 am
supporter,

are you suggesting that the mother did the circumcision on the best interest of her future husband to be's pleasure? I don't think so. people do these things, because it is tradition among many Somali Muslims. however, I do think that she should follow whatever her doctors are saying so long as they are looking at her best interest, and not the best interest of sabotaging the Islamic tradition of circumcision.

to anonymous,

do what you and your family is right... the hell with marriage and the Somali men's expectation of their first night.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

info

Friday, March 09, 2001 - 10:43 am
J.B.
by the way circumcision is not Islamic tradition.
it has nothing to do with islam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bocorow

Tuesday, March 13, 2001 - 11:27 am
Sallaan ka dib, aniga arrintaan maba rumeysnibo, maxaa yeelay wallaasheen in ay sugto ma eheyn oo ay inta keento warkaan haddii uu dhib haayo o nolosheeda wax kaga qiima badan ma jiro haddiise uu xannuun hayo ma ha in ay u cabsato, taas waan isku wada raacsan nahay laakiin macduuc inta looga baahan yahay maba aha kan oo waa mid xassaasi ah, anigana shaki ayaa igu jiro oo waxeey illa muuqataa in ay saaxiibteen macduuc in ay abuurto rabto, waxaana laga yaabaa gabdho qaarkood oo iska caafimaad qabo in ay ayagana is yiraahdaan ankana waa is jeexeeynaa oo ay arrintana intaan ka sii badato, aniga qof ahaan ma taageersani Gudniinka nooc walba uu ahaado waxaanse leeyahay Gabdhaha already gudan yaan la Qasin ee sheekada xooggaa hala qaraabeeyo.
Wax qalad ah haddaan sheegay waa Daciifnimadeyda iyo sheydaan ee raali ha la iga ahaado.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.