site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

GEERI IYO WAQTI DHUMAY!!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): GEERI IYO WAQTI DHUMAY!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN.

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMAH.

Akhyaarey waad salaaman tahiin,GEERI & WAQTI DHUMAY waa mawduuc su'aalo ah oo XASUUSIN FOG AH,aana rabo inaan ku ogaado aqoonta iyo fakarka dadka FORUMKAN caanka ku ah,ama marmarka soo booqda.waana sidan.

Qof dhalinyara,xubnaha jirkiisu caafimad qaban,caqligiisu taam yahay,nolasha waxuu ka soo marayba maanta jooga dhul uu ama wax ka baran karo ama ka xoogsan karo,inuu is waydiiyo su'aalahan maxay idinla tahay?
Yaa ku siiyay xubnahan isla shaqaynaya caqligaan aaladaha khatarta ka feker dheer,dhiigan iyo biyahan isku goobta ku jira hadana qaarba wadooyinka haysto,jirkaan dareenku markuu ku soo dhaco isagoo dhan marka difaaca wada galaya.

Ma cid bad ka soo xoogtay?Ma raganimo iyo kartibaa ku soo shaqaysay?? Ma aad codsatoo waa laguu soo diray?? Ma nasiibka isga heshay oo qof lucky badan baad tahay??

Su'aalaha ka jawaab,kuwan kalana is waydii.

Hadaadba heshay mucjisaadka la yaabka leh,yaa kaa qaada kiradooda ama ujradooda?? yaase kugu koontaroola oo waxii aad ka xumayso inaad gudo ku waydiista??

Midana nafta kala tasho oo isku day walaalow inaad ka jawaabto.

Markaan habeenki seexdo maxaan u ogaan waayay ilaa waabariga waxaan habeenka marayo?naftaydu xagee aaday??miyaan dhintay oo soo nooladay?maxayse tahay tusaalaha la i siiyay?? hadii waagu ii baryase iftiin baa igu soo baxee madowgii habeenimo goorma la duubay? seese loo duubay ma aayar aayar,mise tag baa la yiri oo wuu iska socday.

Tana ku dar.

Hadaanba nooladay waxaan arkaa anoo hadba sii dheeranaya,koraya waana garan waayay goorta wax la igu daree,miyaad igu dhaanta sida wax la iigu daray??markii hore hadaan ahaa ilmo murjuc ah ama iskaba yar oo wax la ii qaban jiray markaan soo gotay oo da'i iga dabo timid waxaan rabaa in wax la ii qabto,maxaase iigu xiga sow GEERI MAAHA? WAQTIGAYGII MEE??WAQTIGAYGII MEE?????

Akhyaarey bal ka soo fekera WAQTIGAAS kuu yahay,inkastoo aan ishaaray inuu yahay waqtiga qofka noloshiisa ugu fiican ee dhexe,isna weydiiya qof walba waxa uu ku sameeyay,su'aalahana si cilmiyaysan uga jawaaba kana kala faa'iidaysta.

WAA WALAALKIIN MASKIIN OO MOWDUUCYADIISI UGU DANBEEYAY NETKA KU SOO QORAY,ILAA RAMADAANKA OO HADUU RAXMAANKU IDMO AAN KA QAYB QAADAN DOONO MAWAADIICDA DIINIGA EE QAYBTA ISLAAM KA BIXI DOONA,AAN ISA SOO CAFINO,GAAR AHAAN INTERNET STUDENT OO AAN MAWADIC DOODA KU KALA FAA'IIDAYSAN JIRNAY.

WABILAAHI TOWFIIQ.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.