site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HA LA NUURSHO BOGGAN HAMEENKA SOOMAALIYEED

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Mar. 13, 2001): HA LA NUURSHO BOGGAN HAMEENKA SOOMAALIYEED
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuurshe

Wednesday, March 07, 2001 - 04:29 pm
Ha la nuursho Boggan Haweenka Soomaaliyeed

Horta waad salaaman tahiin dhammaantiin.
Salaantaas kadib, waxaan jeclaadey inaan iidiin sheego inaan Boggan idin ku magacaabani gaarsiisneyn meeshii aan ka filayey, mar hadduu xambaarsan yahay magaca Haweenka Soomaaliyeed.

Boggani waxuu farsad siinayaa dumarka oo ku soo bandhigi kara waxyaal badan oo faa'ido u yeelan kara dadkoo dhan, gaar ahaanna habla yaryar ee ka soo fogaadey dhulkoodii iyo dhaqankoodii hooyo. Waxay u gudbin karaan waayo arragnimadooda nololeed iyo reer dhaqasho wanaagga dhinac kasta leh, xataa shukaansiga oo hablan dambe dhinac ka marey.

Haddeysan fursan u heli karin iney soo qoraan waayo aragnimadooda, waxaa figradiina soo guurin kara hablahiina yaryar oo ku dhismi lahaa soo gudbinta hadaladiina wax ku oolka ah.

Waxaase hadda nasiib darro ah, qofkii soo gala boggan ee damca inuu wax ka qoro waxay Haweenka Soomaaliyeed yiraadeen, inuu fahmayo wax kale iyo waxaan haweenkeeeeeeeeeeeeeeenu aheyn.

Intiina wax qortey, ka fiirsada Boggan iyo waxaad ku qoreysaan, oo HA LA NUURIYO BOGGAN HAWEENKA SOOMAALIYEED!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rahma

Wednesday, March 07, 2001 - 05:08 pm
Magaca iska soo badal. Nuurshe maxaa nuurisaa? Yaase u nuurisaa? Markaa su aalahan kasoo jawaabtid baan wax soo qori doonaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuurshe

Friday, March 09, 2001 - 12:14 pm
Rahma

Walaaley magaceyga maxaa ku jaban? Maxaase ka macaan, oo aad ii bixin laheyd? Haddiise magaceygu dhib kula yeeshey, oo aad sababta raacisid, waan iska badalayaa.

Rahma?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.