site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SECOND ADDITION MEN Vs WOMEN (DEBATE)

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Somali Women's Forum (Current): SECOND ADDITION MEN Vs WOMEN (DEBATE)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UkMan9

Monday, March 19, 2001 - 02:37 am
a/calaykum dhamaan
debate kii hore waxaad moodaa in nimanku ku gacan sareeyeen, marka dumaroow naga daaya maaigida iyo gujeenta aad naga haysaan.
waxaan idinka codsanaynaa hadaad tihiin hablahayagii inaad halkaan ka soo bandhigtaan waxaad naga tabanaysaan hadaan nahay raggiinii aan ka dhahnee waxay nala tahay.
haddii aydan haynin wax aan idinka hagranay naga daaya dhibta iyo sheekooyinka aad nagu wadaan ama la imaada wax la taaban karo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rahiima

Monday, March 19, 2001 - 05:18 am
hadaan nimanka Somaliyeed tihiin maxaad ugu haysaan naaguhu ma muujiyaan jacayl kooda maad beenta iska daysaan anagu jacaylka ma qarino markaan wiilka jeclaano waa usheegnaa dareen kayaga iyo sidaan u jecel nahay maxaad beenta nooga sheegaysaan intaas u leedihiin gabdhuhu jacaylkooda ma tusaan wiilasha ay jecel yihiin.
markii aad wiil ku tiraahdo waan ku jeclahay muxuu cirka isu mariyaa uguna sheekeeyaa gabadhaas waa too easy iyo sheekooyin akhas ah?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamaal

Monday, March 19, 2001 - 05:43 am
Hubaal weeye inay niman badan oo xumi jiraan.Waayo wadankeenuba ma burbureen haday wada fiicnaan lahaayeen.Laakiin dumarkiina waa la fgaranlayahay.Gabadha Soomaaliyeed meel aad u raacdo garanmaysid, Islam in lagu dhaqo ma ogola, dhaqankii Soomaaliyeed ka tage, kii western ka ma ogola oo hadaad ku tidhaahdid shaqay oo kirada wax ka bixi waxay odhnaysaa adigaa nin ah oo masuuliyada reerku ku saarantahay.
Bal waataase adigu meel uqaad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gacaliye

Monday, March 19, 2001 - 06:21 am
inan yahay rahiimaay runta maad kashiigine anaa kuugu soo rogin. runtuwaxaytahay hadii gabari kuu reento rabnaanteeda gudaha í kuuma soorunsheegtee afkaaad raaxa moodaan inuuyaahay ilkacadayn aboowee waankujeclahay aragtigaara weeyee anigu sidaakulama qabo.anigaa kuu sheegi ee waa inaad ninka aad jeclaatid ugumuujisaa jacaylka siyaaabo badan oo aykamidyihiiin,uturid xanaanayn waxtar iyo wlm.
ma ogtahay in lahelikaro wiil kulafahma sida aadrabtid:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 19, 2001 - 07:10 am
kamaal walaal maad runta sheegtid, xagay joogtaa gabar la qabo oo aan shaqayn,sow iyagan double shift sameeya oo isku dira kii guriga iyo dibada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LiBiN

Monday, March 19, 2001 - 07:30 am
UKman9,
i dont remember any debate you won?!or any side giving in to the other!
by the way who was the judge??? you??
all i know is you guys kept on going into some other stuff! never tried answer the Question the girl asked! thats really a big problem we all somalis have! we avoid the Question, keep beating around the bush!
one more reason why you keep on setting topics of men vs women???what re your intentions??
esp as you didnt answer sincerely in other topic?!
i think its only gonna add more fuel to the fire!


Rahiima,
uma maleynaayo inay si daacad kaaga soo jawaabayaan su`aashaada.tan aad leedahay gabadha jeclaata ama la socota meelaha ayey uga sheekeeyaan wey jirtaa,laakiin ogow walaal ninkii wanaagsan daacadna ah jaceylkiisuna dhab yahay inuusan waxaa iyo wax la mid ah ku kaceynin.
dhibaataduse waa; badidood waa sidee??kuwa aad walaaltinimo uun ku salaantid ayaa intay meelaha tagaan kaa sheekeynaya oo oranaya heblaayo wax baa naga dhaxeeya! waa yaab!


kamaal,
walaal adiguna su`aashii rahiima waad ka baxday.arrintaad ka andacoonaysid waa laga doodi karaa laakiin waa inaad topic gaar ah u furtaa!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 19, 2001 - 07:40 am
please try writing your debates in english next time. there are others like me, who aren't fluent in somalian.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LiBiN

Monday, March 19, 2001 - 07:55 am
gacaliye,
in kastoo aanan si wanaagsan u fahmin dulucdaada,laakiin bal aan wax iraahdo sidaan u qaatay:walaal waa mide waan kugu raacsanahay jacelyku maahan sida dadka qaar u maleyaan,sida inaad qofka erayo qaleyl ah ku tiraahdo ama ubax la isu keeno ama hadiyo la isu soo gado.a lot of young people are in love for "the idea being in love". saying young ppl i dont mean the age its mental maturity coz i saw ppl in 30s but mentally not matured and some in teens who think, act like 40s!
teeda kale qofba waxay ku xiran tahay shaqsiyaddiisa iyo qofka kale heerka uu ka joogo.i guess i am getting off the topic,after all i am Somali!
anyway Rahiima waxay uun ka hadashay inay dumarka muujiyaan jaceylkooda ee kama aysan hadlin siyaabaha loo muujiyo iyo in gabdhaha markey wiilasha(qaar) ku yiraahdaan waan ku jeclahay ay meelaha ay kaga sheekeeyaan kuna caayaan!
marka walaal su`aashu waa ma kuu raacsan tahay waxay tiri mise maya?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moogoow

Monday, March 19, 2001 - 10:33 am
I agreed with you anonymous

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UkMan9

Monday, March 19, 2001 - 12:43 pm
LiBin gacalo Somaalidu waxay tiraahdaa "caaqil cadowgaa ah waa la markhaanti gashadaa" marka hadaan adiga ku waydiiyo gabadhu suaashii ay na waydisay topic gii hore waan ka wada jawaabnay. rag dhowr ah anigu ku jiro ayaa ku jawaabay in ninkasta rabo qof mustaqbal keeda dhistay khaas ahaan anigu waxaan ku jawaabay in hadaan rag nahay aan idinla mid nahay oo jecel nahay sidaad u tiraahdaan qof kaad guursanaysaan waa inuu educated yahay ayaan annaguna u dhahnaa waa inay educated tahay marka suaal jawaabteedu iska cadahay hadana aan ka jawabnay miyaan saarnaan karnaa jawaabtaydiina wax hadal ka keenay ma jirin.
taasina waxay cadaynaysaa inaan idinkaga guulaysanay...
Mida Rahiima hadaan isoo noqono waxaa jawaab ugu filan kalmada ah (isxawaajiyeen) oo dumarku hal hays ka dhigtaan.. waxay yiraahdaan naa ninka ha isu jilcin haku daba ordee daa oo ha usheegin inaad rabtid.
haddaba adaan xukunkii kuu dhiibnayey bal xukmi oo daacad u xukun yaan dumar nimo hiilintood ku qaadin.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UkMan9

Monday, March 19, 2001 - 12:46 pm
LiBin abaayo attention khaas ah ma lihi laakiin waxaa dhagahayga ku badatay nimanka soomaaliyeed waa saas dumarku waa saas iyo hadallo aan macno lahayn marka haddii aad wax naga tabanaysaan ayaan rabay inaad shaaca keentaan anaguna aan fikradaan qabno ka dhiibano.
Ilaa hadana uma jeedo waxaad shaaca keenteen suaalo idinkii dib idiinku noqonaya ayaad la soo shirtagteen.. maxaan samaynaa dee walaal gacaliso...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shaqlan

Monday, March 19, 2001 - 01:40 pm
wiil ayaan jeclaa isaguna saan ka dareemayey wuxuu u ekaa inuu ejecelyahay maalintii danbe markuu sheegan waayey waxa haya ayaan calool adaygay oo ku idhi walaal naftaa kuu buseesha markaysan ku arkayn hadalkaas markaan ku idhi laba todabaad maan arag, hadal dan markii aan is aragnay mudo ka bacdi ayaan waydiiyey waxa ku dhacay maalintii aan ku idhi waan ku jeclahay wuxuu iigu jawaabay markaad hadalkaas itidhi ayaa xiisihii ihayey iga ba ay.
bal ka warama waa idinka leh habluhu jacaylkooda ma sheegaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abaay

Monday, March 19, 2001 - 10:01 pm
salaamacaleykum, Walaalayaal!!

Aduunyo dhan ayaa isku qasoynaa, kuligeenba, hadaan rag iyo dumarba nahay... Sidaan ognahay rag xune wey jiraan, sidey u jiraan dumar xun...

In aan maanta dhan is dacaadeyno ma aha, waa waxa dan noo ah in aan ka hadalno.. Aniga hadal ma iga mudna nin dumar soomaaliyeed caayey..

dhibkeena dhan wuxuu yahay ayaa idiin sheegaa,
IS Af FAHMID LA´AAN...
Waxaa maskaxda noogu jirto, markaan nahay gabdhihiina wiilasha soomaaliyeed waa sidaan, ama sidaan ayaa loola dhaqmaa, in taan fiirilahay qofkaan shasiyan...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

1one

Tuesday, March 20, 2001 - 09:47 am
Abaay runtaa huuno laakiin sidii Ukman sheegay aan ka dumarku nimankay eedaynaaan raguna dumarkay eedaynayaan yaa danbiga leh horta waa suaal meesha taala.
aniga waxaan danbiga saarayaa films ka oo markaad daawatid aad arkaysid wax yaabo badan oo qalbigu rabo markaad real life ka lakulantid qofna aadan ka helayn waxaan ani umalaynaa dhibka dhan meeshaas uu ka socdaa ee dumarka iyo nimanka maaha waxa keenay arintaan. aniga gabar aan ahay haygu qaldamina.

shaqlan anigaba wiil aa ijeclaa siduu ii daba joogay markuu quustay aa cirka iyo dhulku ila madoobaadeen oo jeclaystay inuu mar kale ila hadlo markaan damcay inaan u sheego jacaylka aan qarinaayey waxaan ka war helay in uu gabar wada socdaan ana waan iska aamusay. fursadaas anaa dhunshay oo sheegan waayey jacaylka i hayey. ani waxaan qabaa rag iyo dumar labadaba qof wuxuu qabo sheegta iyo qof qarsada waa leeyihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abaay

Wednesday, March 21, 2001 - 03:58 am
sALAAMACALEYKUM, WALAALAYAAL!!

Dhibkeena kale wuxuu yahay ayaan idiin sheegaa,

Labo dhan oo isku mid eyahn ayaan isku dhax qaseynaa, oo aan isku dhax labjineynaa..

waxaan rabnaa in aan ku dhaqano dhaqankeenii soomaaliyeed, waxaan rabnaa in aan ku dhaqano diinta, waaxana rabnaa in aan ku dhaqano dhaqankaan gaaleed oo wadamadaan aan joogno..

Hadii sadaxdaas la´isku daro maxaa ka soobixi??
Dhibka nahaysto, maanta soomaalideena..

hadaan fiiriyey, dadka ku nool, oo diinta kaliya isku guursaday, nolol fiican ayey ku noolyihiin..

waxaan dhibkaan ka baxeynaa ee aniga ilathay, markaan ogaano oo kla saarno oo kala shandheyno nolosheena, oo aan kla doorano sidaan u rabno in ay noloshaas u ekaato, ma tu muslinimo ah, ma mid kaalnimo ah, masa mida hada nahaysato, confusion..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UkMan9

Wednesday, March 21, 2001 - 01:40 pm
abaay well done dear
waa kugu raacay waxaan ku daro ma kasaayi hada
markaan qof sheeko kale keeno maybe but hadda dat is enough i guess

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RUN SHEEGE

Saturday, March 24, 2001 - 04:53 am
ANIGU DHIBTA OO DHAN GABDHAHAAN SAARAYAA MARKII WIILASHU YAR YARAAYEEN OO WADANKII LA JOOGAY WAXAY UDIIDI JIREEN INAY JIIKADA SOO GALAAN AMA WAX CAAWIN AH XAGA JIKADA SIIYAAN GABDHAHA HADANA DHIBKA TAAGAN WUXUU UBADAN YAHAY MARKII WADAMADAAN LA SOO GALAY OO AY DAAWADEEN FILMO BADAN AYEY KULA DIRIREEN MAAD MAANTA RAASHINKA SOO KARISID IYO MAANTA ADAA U LEH IYO WAXAAN MACNO LAHAYN.
BAL NIN DAALAN OO SHAQO KA SOO BAXAY OO LAGU LEEYAHAY DABKA GAL KA WARAMA KU WAASI WAA KUWA IS QABA.
KUWA AAN IS QABIN WAXAY RABTAA INAY SAMAYSO WAXAY SHALAY DAAWATAY OO AH IN LAYS RAACO MEELO LA SOO WAREEGO LAYS DHUNKADO IYO WAX YAABO KALE AANAN MEESHAAN KU QORI KARIN. MARKUU SAMEEYO INTAASNA WAXAY LEEDAHAY SHEEKADIISU WAA SEX KALIYA DHANKEE LAYDIIN RAACA SADDEX MEELOOD MID KU SOO HAGAAGA AMA WEST. LIFE AMA SOMALI WAY AMA MUSLIM WAY AAN IDINLA QABSANEE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 26, 2001 - 05:28 am
LiBin waa laga raayey meeshaan ukman9 aa ka raayey waa suoo jawaabi wayday, waxaan umalaynaa waa jeceshahay wuxuu soo qoray ay ka heshay maskaxdiisa
LiBin abaayo ninka inaga qabo see camal adigaan kuu daynay waa ujawaabi karnay anaguba laakiin hal qoflee ku fiiicnaa habaqin nooh soo wad sheekada la soco anba gabar aan ahay waa iga cabsiiyey ukman9 lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LiBiN

Monday, March 26, 2001 - 03:29 pm
Anon,
walaal waad iga qosliday!maxaad isugu kaaya diraysaa aniga iyo UKman9. miskiinka ka carro gaddiso, waad u jeeddaa inuu sababo meelaha ka xoqxoqanayo. hehehe
Haddaba saad aragtid kama uusan jawaabin su`aashii rahiima oo wuxuu la yimid wax uu ku sheegay "Is xawaajiyeen" ,waligey ma maqal arrintan!! marka UKman9 waa uu ka leexleexanayaa jawaabta, ee aan qalleyno!

Run sheege,
Walaal waxaad run ku sheegtay ma muuqato!
runtiiba ka dheeraatay! 2 qof oo is qaba oo qurbahan jooga waa inay 2daba shaqeeyaan si ay qootal yoom-kooda u helaan,markaad leedahay ninkii oo daallan oo shaqo ka soo baxay ayey leedahay dab gal,iyadu ma daallana?? inay nasato uma baahna?? mise dumarku waa machine??
Taad leedahay kuwa aan is qabin oo isla socda;
maxaad beenta u sheegaysaa, ma gabdhaha ayaa dhunkasho iyo wixii la mid ah wiilasha weydiista mise waa wiilasha waxa belaayo kasta oo dhan raba inay sameeyaan??waxaadu waa "wixii xunba xaawaa leh" !!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UkMan9

Monday, March 26, 2001 - 04:28 pm
LiBin looooool diro diradii ayaa kuyara taabatay looooool..
Arini sikatba ha ahaatee qoftaad tiri lagama jawaabin oraahdeedii waxaan filayaa inaadan dhuuxin waxay ka sheegtay meesha hadaad dhuuxi lahayd waxaa kaaga muuqanaya inay dumarku ka baqaan haday waxay uurka ku hayaan u sheegaan qofkay jecel yihiin inuu ka sheekayn doono taasina waa waxa idinku kujira oo cuqdad ah.
Midda isxaawijeyntu waa mid iska cad ilaa Araweelo ayey socotay oo dumarku waxay is yiraahdaan iyadoo ninkii rabta haday haa tiraahdo wuu ku nacaya oo wuxuu is leeyahay waa sahal lagu heli karo siday Rahiima sheegtay.
Marka maxaan u jawaabaa iyadaaba middi dhabarka iskaga dhufatay oo isku cadaysay waxaan ka hadlaynay...

markaad qof jeceshahay waa inaad u diyaar garoowdaa how iyo qaxar badan oo kaaga imanaya dadka kale markaad marxaladaas dhaaftid ayaad muudsam dhabaqe lol.

LiBin yaan laysku keen dirin iskama kay celin kartide loooooool he he he kaftan...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 27, 2001 - 03:48 pm
LiBin iska celi wakaas Ukman9 ku soo ataagaye ama baq waadigaa soo jawaabi waayey markaad isku dirtay soo jawaabhee libin aan arkee waxaad latimaadid ama uqir indumarku wax isku haynin
Ukman9 halaas kawadhee ilaa ay gacamaha kow utaagaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UkMan9

Wednesday, March 28, 2001 - 05:27 am
Anonymous saaxiiboow adigu maa joojisid dirodirada hadaad wax fiican haysid maad adigu ka hadashid see ilaah kuu galay in iyo naag kaa rabtid noqo ka faaiidaysiga iska dhaaf laga fiicane....

Libin

warkiisa maqal oo madaxa ijabi sidaadii wallee eheheheheheh yaysan dhicin...

he he he kaftan....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Runsheege

Saturday, March 31, 2001 - 04:58 pm
Haweenkow waxaa isku haysaan ayaan jirin sowtan laydin baacsaday maaha dee isdhiiba oo gacmaha kor utaaga ama wax lataaban karo keena aan idin kala xaajoonee ama iska aamusa oo yareeya dhibta iyo mashaakilka aad ka wadaan wadamadan qurbaha ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, April 01, 2001 - 02:33 pm
Runsheege rageedii duuulka inaga xir meel nuux nuuxsi u diid lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faarax

Sunday, April 01, 2001 - 04:56 pm
waryaadhihiin meeshii sowtan qasantay lol

horta waad wada salaamantihiin kuli especially saaxiibkay ukman9

doodo meel wanaagsan bay idiin joogta ii xagaa ka sii wada ana an in yar idinku darto

hablaha maanta jooga iyo kuwee shalay isku mid maaha oo way kala duwanyihiin ninkaa runsheege arin jirta ayuu ka hadlay hablaha soomaliyeed qaar ka mid ah waxaad moodaa mar allaleh iyo markay film yar soo daawadaan ama hees yar oo ajnabi ahba dhagaystaan inay dabeecad cusub yeeshaan hablohoo lol

war yaa moslem ah oo naga dameenta duulkan kulba dhinac iso rugaya marna waxay rabtaa ina'ad sidii dhaqankoo ahaa iyo caadadoo ina'ad ku dhaqado marna waxay rabta romance iyo candle dinner sumo Tara position book lol iyo waxyaaba maalaayacne ah oo shoqol gaaleed u badan inta inan aan arkay oo maalaayacnidaa aaminsan tira iyo cadad ma leh

dumaroow laba mid soo gala ama ta moslinka raaca ama ta gaalada raacaa af moslin ama af gaalo mid la kaalaya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UkMan9

Monday, April 02, 2001 - 01:58 pm
Allaylehe afkiibaa juuqda gabay dumaroow hadhow dhaha nalalama hadlin oo doob hurdaay helay..
wakaas raggii idin leh xagee idiin raacnaa iyo maxaa idiin daran oo aan idinka caawinaa(maxaad ciil qabtaan aan ku caawinee).
sida Faraax iyo Runsheegba yiraahdeen dhan noo ka xeeya aan mar ura idin la qabsanee hannoo soo idnho waa waynina eh kakanoos yahow miirani (he he he kaftan)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abaay

Tuesday, April 03, 2001 - 03:36 am
Salaamacaleykum, wiilal!!

Markaan waa iga xanaajineysaan, ee seewaaye..

Faarax walaalakey, hadaad tiri gabdheheena markey filin fiirsadaan, ama hees dhageystaan, ey rabaan in ey sidaas u dhaqmaan, abow waxaad meel ugu dhacdey, aqligeena iyo maskaxdeena.Abow gabartaan ogeyn ma ii sheegi gartaa in uu filinkaan yahay wax aan reaaliti ehey oo aan jirin...

Mideeda kale sidey doodu u socoto waxaad nooga dhigteen in ey gabdhaha kiliya qaldanyihiin, oo aadan idinka dabiga dhan waxba ku laheyn, sidee Alla idiin galey, walaalayaal.

Mawaadan ogeyn haduu guri dumaayo in ey ninka iyo naagataba u sabab yihiin??? oo aan hal qof kaliya dambiga la saari karin??

Hal mid aan idiinkula talinaayaa, wiilashiina, intaad fiirilaheydeen gabdhaha waxey ku qaldan yihiin, is fiiriya idinka oo is dhaha:

1) qaladkaan sameynoyno waa maxay
2) sideen u saxi karnaa qaladkaas

Kuligeenba maanta waan ognahay in eyn eheyn wiilasheena soomaaliyeeed what they should be, and what they can be...

Soomali waxey ku maah maahdaa, "tiisa daryeele aa tu kale ku darsado".
So walaalayaal idinka is qabta marka hore oo ka dibne noo soo jeesta anaga..

bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, April 10, 2001 - 01:34 pm
GIRLPOWER!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UkMan9

Wednesday, April 11, 2001 - 01:06 am
Anonymous is that all u can say dear sis oh lord..

Abaay runtii qof khatar aa tahay suaal walaaltinimo.. adoon iga xanaaaqin maskaxdaan kugu duugan qof yar kuma taale ma islaamihii hore oo maskaxda caanaha geel cabtay ku taalay baa tahay lol he he he kaftan dhib maaha yaah.......

Abaay i really admire ur argument....

take care dear sis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Duqyar

Wednesday, April 11, 2001 - 02:58 pm
Faarax Faarax Faarax loooooool waad iga qoslisay . alla inanka yaa ka damiintaa duulkan. aboowe dumarku waligood ba af muslim bay haysteen ee waa raggaa ku wa loo taag la yahay runtii. filmska aad sheegaysaan maxay yihiin. Miyaad ilawday millions ka haweenka Soomaliyeed ah een waxaad sheegaysid aan arkin baa ama dhagaysan ba ee hadana rag la' aantu hayso. ma maqashayse dalkii somaliya divorce rate ku siduu ugu badan yahay. waxaasoo dhanna ma dumar kaliya ayaa ka mas uul ah. i dont think so. ragga ayey tahay inay masuuliyadda qaadan gabadhii hesha nin wanaagsanna oo dhaqi karana ma diidaysoo oo filim iyo hees midna guri ay dhisi lahayd kuma burburaayo. ee Raggoow diyaar u noqdaa inaan hawl dhabarka ku xambaarataan oo niicda iska daysaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UkMan9

Thursday, April 12, 2001 - 01:40 am
Duqyar qof bela ah oo khatar ah ayaa iska dhigaysaa wallee ninka ku helaa dhib waa horjoogtaa markasta aan akhriyo waxaad qortid eedbaa ka buuxda. hadhow markaad laba caruur ah dhashid yaa kuu adkaysan doona hadaadan marnaba afkaagu karin wax bogaadin ah adoon wax duraynin ama lahayn taasi waa sidaa taasi waa sidaa and so and so....

Sheekada laydan ka rabo waxay tahay inaad keentaan waxaad nagu haysaan oo eed ah ama banaanka soo dhiga waxaad leedihiin raggu waa ku xun yahay iska daaya maldahaada aan la garanayn...
Ninkii wax soo qoraa wuxuu raacinayaa sababha xoojinaya hadalkiisa idinku maydaan garan karin inaad sheegtaan wax xoojinaaya hadalkiina waa idin sidee....
lana socda meeshani waa dood maaha dagaal yaan cay lala imaan.........
w/salaam.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

diirsade

Friday, April 13, 2001 - 08:56 am
Horta ma ogtihiin Habar belo inay Gabar belo ahaan jirtey?
Dumarku waligoodba waa feer qalloocan haddaad toosi is-tiraahdana feertaasi waa jabaysaa,marka waxaa habboon in loo dul-qaato oo wixii wanaag lagu dhammayn karo lagu raadiyo xal nabadeed.Balse haddii aad is tiraaho ka ficil-qaado oo la xisaabtan waxaa inta badan dhacda inaad ku khasaarto waayo dumarku hadaad is-dagaashaan marna iyagu ma ogola in arrinta meel dhexe wax laysugu keeno oo qofba qofka kale usamro ee waxay jecel yihiin inay iyagu mar walba gacan sarreeyaan haday gar daran yihiin iyo haddii kalaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abaay

Saturday, April 14, 2001 - 12:57 am
Salaamacaleykum walaalayaal!!!!!

Ukamn, mandhow in aan ayeydaa ku fac ahay ma´ogid miyaa.. Ishaana ka tuurtay geel hilibkiisa iyo caanahiis ma´ogiye wax kale dhuuntayda ma mariyo..

Diirsade, abow anaga hadaan feer qaloocan nahay, wax naga fiican oo natoosiyo aan waayney...

Waa diideen in aad hadashiin mahonoo aboweyaal, aniga runta idiin sheegaa.....

marka hore nimanka soomaaliyeed labo ayaan u kala saaraayaa..

1)nimanka arladeenii ku soo aqliyestay oo kuna soo ilma dhalay oo wadamadaan caruur iyo xaasas la soo galey..35 wixii ka weyn(qayaas ahaan)

2)wiilsha hada wadamadaan gaalo ku aqliyestay oo hada soo kacay, oo hada meelahaan ku guursaday ama guurdoonka ah...30 iyo wixii ka hooseeya..

1) kuwaan waxa ey naaga soomaaliyeed ku haayaan aan idiin sheegaa... ninkaan in uu sheekadii soomaaliya ku dhaqmo ayuu rabaa, in miiska cunta loo saaro, gurigoo nadiif ah, caruurtoo taagan.. waxaasoo dhan dhibmalaha, haduu ninkaan shaqo u dheelma lahay subaxdii, oo masuuliyadii Allah saaray ka soo bixilahay. Maya wuxuu aadayaa maqaayad, oo maanta dhan wuxuu ku jiraa "maxaa dhacay, reer hebel yey bursadeen, kuwaas waa nijisyo" iyo qabiil iyo wax aan ayaka iyo familkiisa waxba u tareynin, haba yaraatee.
Ilmihiisi meel uu ku ogyahay haba yaraatee majirto, waxey u maleyaan in ilmaha sidii bacaadka loogu sii deyjirey in loogu siideykaro..


Ilmihiisa waaweyn markey halaabaan ey duurka iska raacaan, ayuu kuleeyahay"waa dhulka gaalo, ilimihii ay wax xun naga bareen"" Maya, waa asigii oo ka soo bixi waayey masuuliyadiisii....

2)wiilashaan waa kuwa wax kaqabadka leh, hadaan runta idiin sheego.... laakiin ayakana sidey gbadho ajnabi ah u daba ordaayeen eena aqooninba sida loo laqmo gabar soomaaliyeed oo sharaf leh..
Kuwii tusilahayna waa kuwa aan soo sheegay ayakeyba tooda haysataa...

waxeyna kawada simanyihiina waxaa waayey balwada, qaad, qamro u name it..nagaha sidii loosoo xero giliyo waa yaqaanan, laakiin hasheegin sidii loo xafido...

Walaayaal ma idin dhahooyo wiilal oo dhan ayaa sidaan ah, laakiin hal ugun oo qurmaysa hadey bulshada ku dhax jirto ugumo badan ayey qurmisaa..

salaamacaleykum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.