site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

NACAYB MA LOO DHINTAA?

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): NACAYB MA LOO DHINTAA?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AKHYAAR

Unrecorded Date
Waad salaaman tihiin dhamaan.
Hlkan waxaan ka furayaa dood aan doonayo in ay ka qaybqaataan dhalin yarada iyo waayeelka soo booqda Bogan.
Waxaa jira in aynu maqalo dad badan oo jacayll u dhintay Cilmi Boodhari,Cantar Cabla iwm.ama in badan oo tidhaahda JACAYL baa i soo maray. Haddaba sida aynu ogsoonahay dhamaanteed aduunyadan ILAAHAY SUBXAANAHU WA TACAALAA wuxuu u abuuray laba laba: LAB-- DHEDIG,CIR,DHUL FARXAD-NAXDIN,WANAAG XUMAAN IWM. haddaba wax kasta oo aduunka jiraa waa lamaane isku si u saameeya nolosha bini'aadamka.Marka aan u soo noqdo DULUCDA ama UJEEDADA qoraalkaygu waa WAXAYNU MAQALAA JACALBAA LOO DHINTAAYE WELI MA MAQASHEEN NACAYB LOO DHINTO?haddii aad haysaana walaalayaal tusaale iga siiya.


waad mahadsan tihiin dhamaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Nacayb baa loo dhintay ma maqal, laakin Naxdin baa loo dhintay waan maqlay, Allah inaga haayee.

Wax/qof aad neceb tahay waaba necebtahay oo waqti aad ooga fakirtid oo uu maskaxdaada ku soo galaayo maba laha. Haddii wax aadan jeclayn cunto lagaaga dhigo sida "matagaan cab" oo kale markaas Nacayb waa u dhiman kartaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

arliyo

Unrecorded Date
soomali badan baa naceyb u dhimatay.. ka dib ayagoo la dhagaalamay qabiilo ay neceb yahiin....

qaar baa xitaa la sheegahyey jidka ku suuxay markay gaari weeyen meeshi lagu dagaalamahayey...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmedyare

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum:

Waligeey ma maqal jeceyl iyo neceeb ayaa loo dhintaa. Labaduba inaan ku maqlo sheeko been ku saleysan amaba wax quraafaad ah ee ay dad suubiyeen ma ahee, nolosha kuma hayo wax labadaas waxyaalood u dhintay. Ma ogi hadaad hayso qof aad taqaan oo aad leedahay hebel jecely ayuu u dhintay aniga ayaana shaahido ka ahaa. Waa jirtaa in neceyb iyo jeceylba jiraan laakiin waxaan dhimasho run aheyn oo jira ma hayo saaxiib.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

boodhari

Unrecorded Date
To Ahmedyare

saaxiib waaloodhintaa jacayl waxaa kamidahaa dadkii uu laayey jacaylku aabahay walaalkii cilmi ale hawnaxariistee

to Akhyaar

saaxiib waa mowduuc aad uwanaagsan ayaamahab dambe waxaad mooda dhalinyaradeeni inay soo ilbaxayaan ama wax soo fahmayaan oo ay iskaga tageen ama bedeleen mawduucyadii aha in SOMALI NETKA laga caayo hablaha

hadii aan kaga jawaabo su aashada cadho waaloodhintaa dadkii horena waxay odhan jireen HEBEL wuxuu udhintay ama dilay TAWS oo marka afsoomaliga oo dhabo galo ah cadho raagtay oo uu qofku waxba ka qabankarayn

tusaale dadkeeni hore waxay ku shaqaysanjireen wax layiraahdo Qabyaalad marka qoflaga farabadanyahay laga dilo qof oo aanu aarsankarin waxuu qaadi jiray cudur layidhaahdo TAWS taaso ah caro aan itaal wax looga qaadikarin amaba xoog


salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AKHYAAR

Unrecorded Date
Dhamaantiin si aad ah ayaad u mahadsan tihiin sida sharafta leh ee aad uga qayb qaadateen waanan ku farax sanahay sida wanaagsan ee aad uga qayb qaadateen haddii aan tixraaco fikradaha aad ku jawaabteen waxaa iiga cad in aan NACAYB IYO JACAYL toona loo dhiman laakiin loo dhinto darxumada iyo diifta ka dambaysa taas waxaan uga jeeddaa in qofku marka uu jeclaado qof aanu u dhiman jacal ee uu u dhinto sabab kale ha ahaato in uu is dilo ama naftiisa dayaco oo uu xanuun u dhinto.
T akale Axmedyare waad mahadsan tahay laakiin waxaan u haystay in tawstu tahay cadho biirtay oo uu qofku og yahay in aanu waxba ka qaban karin marka dambana uu qofku DEPRESS noqdo ka dibna uu dhinto.


,bye bye dhamaantiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaaz-maaz

Unrecorded Date
Akhyaar.

Saaxiib makaftameysaa mise waad is yeel-yeeleeysaa ?.

Waxaa jira dad badan oo nacayb udhintay. Kaama waalinaayi... halkoo lee kuu magacaabaa. Aaway saaxiibkaa la dagaali jiray Cali Mahdi, oo kaabaha u ahaa Mooryaanta. Saaxiib macalinkaas cudurkaas uu udhintaan maqlay.

NB.

Ma aan doonayo in aan magaciisa magacaabo, taasoo kaliftay laba arimood:- 1) Waa laga roonyahay in moowtida la sheeg-sheego. 2) waxaan kabaqaa hadaan magaciisa sheego in uu caawa ijiito....

Gaaz-maaz

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AKHYAAR

Unrecorded Date
lo Gaas--Maaz. waan gartay halkaad ka hadlayso laakiin saaxiib waxaan u jeeddaa waxaynu maqalaa JACAYL waxaana Cakis ku ah NACAYB markaa ujeedadaydu waa qof u dhintay nacaybka sidaas ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii and D

Unrecorded Date
Waxaan u malaynayaa in loo dhinto nacaybka.Waayo waxa dhici jirtay in inan 15 sano jirta loo guuriyo oday 80 sano jira,kadibna ay reerkookii nacdo odayga lasiiyey nacdo nolosha karahdo oo ay
ceel isku tuurto.Miyaanay markaa nacayb u dhiman?

Qof aad jeceshahay oo aad wayday hadii loo dhintay
qof aadan rabin oo lagugu qasbayna waa loo dhintaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
Salaamad,
waxaad mooddaa inaynnaan fahmin meesha ninka layidhaaho Akhyaar uu wax inaga weydiiyey.Tusaale
ahaan waxaa qaar idinka mid ahi carrabaabeen dad dagaaal ku dhintay iyagoo dad kale ku duulaya oo ay dhinteen!Taasi nacaybnna maaha jacaylnna maaha, waayo waxay leedahay laba weji oo kala ah wuxuu u dagaallamayey wuxuu jecel yahay inuu helo wuxuu necebyahayna ka cararo taasoo sababtay dhimashadiisa.Laakiin ninka jacaylka inuu u dhintay aan maqallay, sida cilmi boodhari, dagaal xabbad qaadasho ah kumuu dhiman ee wuxuu u dhintay xanuun nafsadeed uu u adkaysan waayey oo isagu xataa hadduu isku dayey inuu joojiyo uu joojin kari waayey!!!
Sidaas aawadeed ayuu ina weydiiyey ninka Akhyaar ahi in sidaasoo kale loo dhinto nacaybka?!
Anigoo arrintaas ka jawaabaya, waxaan odhan karaa haa waa loo dhitaa.Annagoo, tusaale sheeko gaaban haddaan soo qaado,ku jirnna xiisad galaas English writing ah ayey macallimadayadii waxay nasiisay oo noo qaybisay waraaqo(handout)oo inaan soo akhrrino nalaga doonayey markaa aan maalinta dambe kalaaska ku falanqaynno sheekada.
Sheekadu waxay ku soobsanayd naag ninkeeda nacday oo hoosta aad uga gubatay.Maalintii dambe ayaa waxaa laga sheegay TVyada Idaacadaha oo Joornnaalladana lagu soo qoray in ninkeedii dhintay.Dadkii ayaa ku soo xamuumay naagtii si ay ugu tacsiyeeyaan. Buuqii markay u adkasan weyday ayey dadkii qolka fadhiga kaga tagtay qolkeedii jiifkana gashay markaasay nacaybkii oo dhan nafsadeeda intay la hadashay tidhi isiidaa, isiidaa, isiidaa.Walaasheed oo lajoogtay ayaa marba ka qaylinaysey fadhiga oo lahayd soobax maxaad qolka ka qabanaysaa, soobax.Iyadoo sheekadii sidii tahay ayaa gambaleelka guriga lasoo garaacay, mise waa ninkeedii iyo nimankale, waar soo dhaaf ayaa lagu wada dhawaaqay mar qudha meel ayey naagtiisii oo qolkii weli ku jirtaa kasoo eegtay, markay aragtay inuu ninkeedii yahay ayey naftii ka aguugtay naagtii!!!
Ninkii lagusoo qoray saxaafadda inuu dhintay wuxuu ahaa nin ay isku magac iyo da'ba ahaayeen isuna ekaayeen oo ku dhintay shil gaadhi.
Markaa waa loo dhitaa nacaybka.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.