site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Runmaa larabaa mise bee

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): Runmaa larabaa mise bee
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHIIMO

Unrecorded Date
anigu waxaan ahay gabar somaliyeed oo kunool england ilaa 5 sano anigoo 25 ah ayaan imi mafoolxumi mana maskax dari welina ma arag wiil soomaliyeed oo Xalaal i waydiiya kaad aragtaaba markaad istiraahdo waakanaa calafkii kugu soogaraacay albaabka ayuu habeenka dambe ku oranayaa waxaygii weeye isii sii hadaan horkaqaato iyo hadaan gadaalkaqaato waa isku mide
wuxuu rabaa midwaliba isagoon xalaal kugu qabin inuu kaaqosto ama kaa dhergo taasina kadiidnay
ilaa iyo qiyaamaha hadii aan kugaboobayo waxaan kujoogayaa gabarnimadayda

waayo waxaan ogahay in hadhowto midwaliba intuu kaa qoysto ama kaa dhergo waxa soo urayaa uu adiga noqonayo waayo wiilasheenu marabaan naagay xaaran ugu tageen inay xalaal waxkaga doonaan


hadaba SUAAL WAXAAN WAYDIINAYAA HABLA SOOMALIYEED

WAXAAN IDIN WAYDIIYEY DHIBKA MA ILA QABTAAN OO
MIDWALIBA INTUU AFQARMUUNSOODHIGO MA IDIN YIRAAHDA ISII SII HADHOWBAAN ISGUURSANAYNAAYEE
MISE WAA IGU KELIDAY ARINKAASI????????????????+

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhuhle

Unrecorded Date
To Fahiimo!!!!!!!!

walaal arintaas qaskaa ee adiga ku qabsatay waa
arrin cajiib ah,lakiin waxaan ku hubaa innan rag
somaliyeed aysan ka sinan arintaan oo anigaba
kamidaa kuwaa ann waxa yaabahaani ka surtoobin.
Marka walaal bal salaada baso haddi aad donaysid innay arimahaagu wax iska baddalaan.

bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi3

Unrecorded Date
it all depends who you hang around with sis......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
ABDI3 IYO DHUHLE AA RUNTA KUU SHEEGEEN WILI CABDI3

RUNTA SHEEG WAXAA U MALEENAA ANAKAA DIRAC IYO GORGORO NOO SOO GASHATAY, NINAA TAHAY MAAHANOO?????

NIMANKA SOOMAALIYEEDNA WAA UDHAMEESAY,GABDHAHA SOOMAALIYEEDNA WAA CEEBEESAY.

WASALAAM AARAWEELO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdiyare

Unrecorded Date
Fahiimo, waxaad is sheegtay nooca aad gabar ka tahay. Sheekadaas dumarka oo dhan kuma dhacdo laakiin qayb is gaar ah u labisata dadkana laga yaqaan ayaa saas loola dhaqmaa. Hadaad tahay gabar diinta Alle ku taagan, raga badankooda wilib midka ugu saqajaansan ayaaba ka leexda oo yiraahda wadaadaas iska daaya. Waxaan ku oran lahaa hadaad rabtid inaad ka baxdid dhibkaan oo aad mustaqbal heshid wadaad noqo dadka dhexdooda ayaad sharaf ku yeelaneysaayee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MACAANEY

Unrecorded Date
Salaan,
fahiimo waalaga yaabaa ninka wanaagsan in uu ku yiraahdo na keen aan isla seexane. rag saas ah ayaan arkay sababtoo ah raga qaar ayaa kugu tijaabinaaya gabdhaha qaarkood in aad qof fudud aad tahay oo u dhiganaysi nin kasta weydiista.
marka ha fududaanin hadow ku weydiisto ku dheh walaashaa saan uma rabi lahayd ee ka kac.
laakiin ogow tan nin fiican iyo nin xunba sariir wey ku weydiinaayaan. Qaarkood adiga ayay kugu kala fiirinaayaan qaarna waa ka dhab. Use your mind.NEVER ALLOW USELF THOSE WHO LOST.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
CABDI YARE
ILAAHEY KA CABSO WAA LA FAHMEE WADAADNIMADA ARJIGEEDA YAA LAGU SOO HAGAAJINAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhuhle

Unrecorded Date
To Ladan!!!!

Horta walaaley adigu tira badanidaa meel walbaa
waad jogtaaye,qoonka kula shaqeeya maxaay yihiin?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cagtaan ku saxeexay

Unrecorded Date
to gabdhaha

gabdhoow marna bahalka nala soodoonta oo nagu ag wareega,
marna dhaha wiil guur rabo ma jirto sida fahmo
alow yaa ogaado fahmo waa mid gacmaha ku wadee
waa aqaanaa suurahaas waxaa la yiraaaaa
suura ingariiis ahahahahahahahah
london waxaa yaal jaad raqiisa ah iyo
naag raqiisa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii and D

Unrecorded Date
Fahiimo,

Dabeecadaa waanu leenahayoo qadimaada ragu waa jecelyahay, waxase jira qaar dareen lahoo marka la dhadhansiiyo macaansadoo baaqigana ku darsada.Iyo qaar daacad ahaayoo marka loo diido aan ka agteginee cadeeya inay runsheegayeen iyo qaar aan kasoo ag wareeginoo aan jeclaysn sida ay wax udhaceen.

Ee maxay ahaayeen adiga duulkan kuhelay? calaf uun dheh.Mise afka qadhmuun nala ma tusee adaaba af qadhmuun?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Unrecorded Date
Fahiimo

Waa runtaa arinkaa, Raga somaliyeed intooda badan waa dad xun.

Laakin
waxaa kaaga filan maya in aad ku dhahdid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Unrecorded Date
salaam kuligiin
To Fahiima
taasi waa runtaa waa lagugu raacay laakiin
qaar wanaagsana way jiraan ee la soco
To Ladan
adi meel kasta ma ka hadlee waaba kaa yaabee
diin lugtaa kula jirtaa arimaha kale lugtaa
kula jirtaa xoogaa bal naso horta waaba na
wareerisee

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.