site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Gabdhahii ee daynaye rageenan maxaa ka qaldan

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): Gabdhahii ee daynaye rageenan maxaa ka qaldan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cigaal shiidaad

Unrecorded Date
really somali

waxaan intii somalinet jirtay caynaynay gabdhaha
lakiin rageenoow marna ma is waydiinay
hadaan wadad fiican marno in dumar keenana wadada fiican maraayaan,
ileen dumarka waa gabdhahii nala dhashaye
oo gabar walba reer iyo aabo iyo hooyo ayay kasoo ag toostaye maxaan wadada saxda ah ugu leexin waynay intaan eedaynayno,
waxaan aqaabaa aniga hadii marka hore aan rageena
wadada saxda ah ku socono in dumarkana ay nasoo raaci lahaayeen lakiin sxb yaal haweenkii iyo
ubadkii baan soo boobnay kufsanay dilnay dhacnay
oo usoo harkacnay norht america oo xaaraanta iyo wasmadaba ay san ceeb ka ahayn ,
marka maxaan ku eedaynaaa gabdhahii soomaliyeed
anagiiba exit qalad ah ka baxnaye
waa mahad santahiin
waxaa laga yaabaa qaar badan oo wax ma garad ah
in ay hadalkayga qalad u arkaan lakiin
soomaliyay wadaad , fanaan ciyaartooy,
aqoonyahan, fuundi, reerbaadiye iyo
dhamaan qaybahii bulshadeena waa wada waalan nahay ee aan is waa nino markaan miyir sano sxb yaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaal

by cigaal shiidaad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Unrecorded Date
Raga somaliyeed waxaa ka qaldan waxyaabahan:-

Ha joojiyaan cunida qaadka iyo sigaarka.
Ha joojiyaan Qabyaalada iyo dagaalka.
Ha joojiyaan nagaha leysla guursanayo.
Ha joojiyaan Xanta ay gabdhaha ku hayaan.

Ha bartaan jacelka waxuu yahay
Ha bartaan in ay cawiyaan xaskooda&ciyaalkooda.
Ha bartaan in ay skool dhigtaa.
Ha bartaan in ay jirkooda ka shaqeeyaan.


Saxiib intaa ayaan ka xasuustaa waxa wiilasha
somaliyeed ka qaldan.

bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Unrecorded Date
CORRECTION

Abdulaahi, inta kale waan kugu raacsanahay laakiin shayga sedexaad...............iga jaahil bixi.


Walaal mida sedexaad maxaad u joojinaysaa? Ma wuxuu Alle xalaaleeyay ayaad xaaraantimaysaa??? Waxaan ku oran laahaa hadalka siduu ku haboon yahay ayaa loo qoraa ee adigoo leh wax sax ha khaldamin, saaxiib intaas waano ayey iga tahay iga raali ahoow. Mida kale u raacin inay diinta Alle bartaan si ay ubadkooda ugu barbaariyaan diinta asalka u ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliyaad

Unrecorded Date
Mohamed su'aal: qof xaaskiisa uu masruuf welfare, ma uu banantahay xaas kale inuu guursado???? Aniga waxaan filaayaa inuu Acbdullahi sida ka waday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMAC

Unrecorded Date
ABDULAHI NINKU ISAGA OO INTAA AAD SHEEGTOO DHAN
KU DHEX JIRA AYUU XAASKIISA IYO CARUURTIISA DARYEELI KARAA. EE HADII WAX LA SAXAYO WAXA
SAXID INOOGA BAAHAN XAAWALAYDAN HAADKU CIDLADA
KAGA DHERGAY. MAGACII SOOMALYEEDNA CEEBEEYEY
MA AHA XAAWALEY OO DHAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN QUUSTAY

Unrecorded Date
WALAAL RAGGEENA WAX AAN KU SAXSANAHAY MA JIRTO HABA YARAATE ARAG SIDAAN CARRI U GALNAY OO AAN U BAABIINAY WAXAA DHIBAATO SOO GAARA ILMAHA KU DHASHA QAXOOTIGA KUNA GAALOOBA DHULKA GAALADA YAA ISKALE DEMBIGAAS ? ? ?
WAXAAN WELI LA SOO TAAGA NAHAY YUU YAHAY I.W.M
KUWA JAADKA U FADHIYA 24/24 SAC OO GURIGOODA KA MAQAN WEEK IYO KA BADAN ILMIHIISA MEEL KU OGEYN WAQTIGAAS MARKAAD LA SHEEKEESATO WUXUU KU ORANAYA MID LABAAD AYAAN RAADINAYA- WAR KAMA HEYSID MIDDAAN KELIYA AYAAD WAXAAD RAADINEYSA MID KALE-
WAR NIMAN YAHAW AAD IYO AAD BAAN U QALDANAHAY EE SIDAAN AAN ISKU DHAANNO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axoow (Axoow)

Unrecorded Date
Cigaal Shidaad.

Walaal arin loo baahnaay ayaad soo bandhigtay.

TO:Abdullahi.

Walaaloow waxbadan aan kuugu raacsanahay laakiin markaa aad leeydahay.
"Ha jooiyaan cunida Qaadka iyo sigaarka.
Ha bartaan jaceelka waxuu yahay.
Ha bartaan in aay jirkooda ka shaqeeyaan."

sxboow hal hal aan u soo qaado.

Midda hore waxaa jiro ragbadan oo qaad cuna sigaarna caba oo aabo fiican ah.....ee sxb waxaan dhihi karaa haddii aadan awoodin.....ama haddii balwadu kaa adagtahay jooji.

Midda labaad....walaaloow taas rag iyo dumarba waa ka liidanaa....waxaadne moodaa qofkii wax jacel inuu yahay DOQON.

Midda sadaxaad....sxboo haddii aad aragtid nin soomaaliyeed oo xaasleey ah oo jirkiisa ka shaqeeyn,runtii waxaan qabaa Xaaska uu qabo aa AREEBO ah.Mana u maleeynaayo kuwa wali guursan ineey jirkooda ka shaqeeyn,sabatoo ah waa calaf raadis....markasto waa ineey"Elegent"ahaadaa si aan loo gaadin.

Aniga waxaan qabaa oo runtii aan arkay haddii baa ba'ii soomaliya laguu baa ba'ay....lagu faqiiroobay.....haddii eey gabar soomaaliyeed jiri laheeyn magac soomaali waa tiri tirmi lahaay.....weey u duubteen eheladooda....wiilasha la dhashay weey qasbaan inaay waxuu haya eey kaa qaadaan oo aay ehelada u diraan.....weey naga calool jilicsanyihiin.

<<<<<<<<<<<<VIVA GABAR SOOMAALIYEED>>>>>>>>>>>

<<<<<<<<<<RAMADAAN KARIIM>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amina

Unrecorded Date
TO AXOOW!!!
walaalkiis i agree to the most except the part that says hadii uu ninka jirkiisa ka shaqeynin it is becouse his wife is areebo???
Aboowe mawaxaad leedahay hadey naagta xuntahay adna xumow what if ninka in uu xun yahay is it fair that the women should loose her beuty.
I don't think that the responsibilty is on the wife becouse she can only take care of her body woithout having to feel responsible for her husbands.Maybe if he would have taking a better care of his body she would have come alonged.
so in marriage everything thing doesn't always have to be the wifes responsible

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.