site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAXAY IDINLATAHAY

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): MAXAY IDINLATAHAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahal

Unrecorded Date
Suaashaydu waxay ujeedaa wiilasha gabdhaha tii figradeeda kadhiibanaysaa way soo gelikartaa
inkastoo dhamaan ay isku dhinacnoqonayaan laakin anigu waxaan udanaynayaa inaan ogaado wiilashu waxay kaqabaan arinkaa
waxaytahay suaashaydu

anigu waxaan ahay wiil dhalin yaro ah oo kunool USA beri dhawayd waxaanu isguursanay gabar inmudo ah wada soconay waa isjecelahay waa qof diin dhaqan,cilmi aqoon caqli ilaahay intaba siiyey

horayna guurka uma aqoon oo waa arin igu cusub markaw waxaan usocdaa aabayaasheen ama odayadii horee ee ina dhalay dumarka waxba mawaydiin jirin waxay ku ogaayeey guriga iyo jikada
¨maadama iminka noloshii isbedeshey ninku xaaskiisa mala tashankaraa figradeeda madhageysankaraa mise go,aanka guriga isaga ayuunbaa iska leh iminka waa ismaqalaaa wax waa iisheegtaa waa usheega afkaarteeda waa dhegeystaa
maxaad oranlahaydeen
masidii odayadeeni hore ayaan jikada iyo guriga ku ogaada xaaskayga mise qof jira ayaan kadhigaa oo wax waakadhegeystaa
mase dhici kartaa inay soomaliyad noqoto oo hadhowto hadiiba aan waxkadhegeysto qiimeeyo caqligeeda kusii daayo inay istiraahdo kani waa bahal nacasee kusoco sidaad doontona kayeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
Sahal,
walaal marka ugu horraysa waan ku salaamay;
waxaad mooddaa in aad si uga cabsanayso inanta!
Waxaad kaloo sheegtay in ay tahay qof diin leh;haddaba anigoon aqoon ulahayn xaaskaaga, ayaan fekrrad kugu biirinayaa xagga diinta iyo xagga dhaqanka waalan ee soomaalidaba.
Haddii qoftu diin leedahay waa lagu dhiirran karaa,laakiin haddii aanay diinta ku wanaagsanayn reer galbeednna joogto, ama latasho ama halla tashan marnnaba kuuma tirsana, marka uu kabaaba'o waxa hayaa ee aad is barataan runta ayey tegaysaa oo waxaa soo hadhaysa dunta wanaagsan haddii qofku naftiisu wanaag u dhalatay waxyaalaha yaryar ee bilaa micnaha ahi mabedelaan, laakiin hadduu yahay qofku qof hawo raaca ha tirsannin!
Dhinaca dhaqanka soomalida waarruntaa oo naagaha waxba lama weydiin jirrin, taasise khalad weeye, waayo fekrrad ayey hayn kartaa qoftu aan adiga kugu jirin markaa inanta sidaa ha u dulleyn nacasyohow!Laakiin ogow waxna waa laga diidaa waxna waa laga yeelaa,xataa adigoon diidayn ayaa layidhaahaa sida badan maya,ogowna hakula dhaqmin weji xun inanta marnnaba, laakiin isku day inaad ka maskax badiso oo aad hawada ka qabsato, sida adigoo sida badan u sheekeeya, ka qosliya waxaanay kaafilayn oo wanaagsan u soo iibiya, meelo aanay filayn u kaxeeya,howsha guriga maraysan filayn ka nasiya,oo fadhiiso yidhaaha iyodoo shaqaynaysa.Weligaa yaysan ku fahmin, ilaa maanshaa allaahu.
Ogowse in qofka adduunka kuugu xiga kuuna jecel dhibkaaga iyo dheeftaadana kula wadaagaya,neefta kula wadaaga waxkale daayoo, haddaad qaddo iyo haddaad xanuusato ku og ay iyada tahay!
Markaa inanta qiimee ilaa heerkeeda aanay ka gudbbi karin ee ay xaqa uleedahay.
Waxaad kaloo ogaataa in guurku sidiisaba yahay dulqaad (SAMIR) kedib markuu jacaylku guuro,
wuxuuna ku baraa dulqaadka guurka laftiisu waayo waxaad kategaysaa waxyaalo badan oo xuquuq shakhsiyadeed ah oo aad samayn jirtey markaadan guursan waayo qof kale ayaa dantu idinka dhaxaynaysaa taasoo sababaysa in waxaad jeceshahay aanay qofkaa u wanaagsanayn,markaa waxaad ku khasbantahay inaad ama reerkaaga burburiso ama aad tanaasulaad samayso si aad wanaag ugaadho qofka nolosha kula wadaagayana aad u qiimayso,dulqaad yeelo mar walba.
Ilaa xilli dambe,salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SIGALE

Unrecorded Date
Dhamaan inta muslinka ah Salaamu Calaykum; saaxiib Enough Intelligent adigaa dhameeyay talo oo idil hal mid un baan saaxiibken ku adkeenayaa Guriga madaxiisa waa ninka xaasaska waa lala tashan karaa balse ma aha muhiim in tooda la raaco go'aanka waxaa leh ninka, shaqada miyaa waad ku heshiin kartaan ilayn waxaad tihiin dad wax wadaaga tan labaad ogaw Aaba yaasheen ma ahayn sidaad ku tilmaantay,jiritaanka mushtamac waliba waxaa u asal ah Dumar (wanaagsan)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
mayee sxb janadu waa xaaskaaga cagaheeda eh cagaha u meydh oo weliba marka ay kugu uureysato meel kale ha aadin eh cagta cad iyo labada boqomood.......haa halkaa.......labada boqomood iyo lugta halka jilibka ka danbeysa u duug oo koobka caanaha ah iyo jiiska sariirta ugu dul keen....

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.