site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DIINEEY XAAL QAADO!!!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): DIINEEY XAAL QAADO!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
RUNTII DIINTA ISLAAMKA WAA DIIN DHAMEES TIRAN SHAKINA KUMA JIRO TAAS, MARKA PLS QOFKII RABO WAXAAN KA HADLI DOONO DIIN INUU KU DIFAACO DACASKA HA ISKA DHAMEEN.

WAXAA JIRTO WADAMO BADAN OO MUSLIMIIN INEE LEEYIHIIN DHAQAMO XUNXUN, QAAR BADANOO MUSLIN AHNA EE DIINTA SI XUN U ISTICMAALAAN. WAXA IIGUGU YAAB BADANAAY MAALIN HORE PROGRAM AAN FIIRSANAAYEY NIMAN NAAGOHOODA IYO GABDHOHOODA KAW KA SIIYEEN, SIDEE SHEE3GAAYEENA GABDHAHANA CIDAHA SHARAFTOODIIYEE KU DHEELEEN OO NIN AAN LAGU DARINEEY GUURSADEEN NAAGAHANA SUUQEEY GALEEN (NIMAN KALEE LA SEEXDEEN)!!!
NAAGAHAAS NIMANKII EEY LA SEEXDEEN AAWAY? WAX OG MALEH AMA WAA CAADI OO NIMAN WAAYE! AYAKA DAMBI KOODA MA AHAN

SAAN OGNAHAY XATAA QOFKA QOF EEY IS QABIN LA SEEXDO MA LA ISKA CIQAABI KARO IYADOO SHARDIYAALKA LA BUUXIN.
MA IDIN LA TAHAY QOF MAANTA JOOGO INUU DAMBI SAAS U WEEN ISKU CADEENAAYO AMA MEEL DADKALE KA ARKAAYAAN DAMBIGAAS KU SAMEENAAYO?!!!!
JAWAABTA WAA MAYA. WAXAA ARKEESAA WAXA DHAN KUNJEERTO INEEY KA DHIGEEN.

QAAR BADAN OO NIMAN AH OO MUSLIN ISKU SHEEGAAYO AA LA SOO INDHO WAAWEYN INEE NAAGAHA KA XUN YIHIIN NIMANKA.

NACAS WALBA INTUU MAQLAY XAQAA U LEEDAHAY IN LAGU ADEECO UU WUXUU U MALEEYAY IN LAGA WADO POLICE AA CIDA U TAHAY.

QAAR BADANAA ULA DHAQMAAN GABDHAHA SIDII ILMOHOODA OO HADA AY TARBIYEEYNAAYAAN CAMAL AMA ALAAB AY AYAKA LEEYIHIIN.
LAAKIIN KULI FIDNO GABDHAHA WAAYE. ISHIISA LAGA ARKAA USHIISA LAGU TUMAA.

ILAAHAY WUXUU DHAHAY "WALAHUNA MISLULADII CALAYHINA BILMACRUUF" GABDHAHA WAXAY LEEYIHIIN XAQA LAGU LEEYAHAY CAMAL.

PRAKSIS AHAAN NIMAN BADANAA DIINTA U ISTICMAALAAN INEEY BOOSKA ILAASHTAAN.
WAXAAN KULA TALINAA GABDHAHA INEEY WAX WALBOO
LOOGU SHEEKEEYO ISKA RUMEESAN.

WASALAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caafi

Unrecorded Date
To: ladan


alright, alright, alright, you got some valid points there, did i hear you saying you watched some program? Ahaaaa,

how do you know this program was telling the truth, and wasn't one of those so called documenteries with paid actors doing the supposed victim................ ??????????????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Asalaamu 'Aleykum,

Ladan;
Arintu waa sidaa aad u sheegtay oo waxaa jira dhaqamo ay bulsho kasta leedahay iyo diin ay haysato. Mararka qaarkoodna waxaa la arkaa in ay is khilaafan. Arinta aad ka dhawaajisay ee ah Xaqa Sharafta Reerka waa dhaqan jira oo ku badan waliba dadka degen Arabia/Africa iyo Asia gaar ahaan wadamadda islaamka ah ee dawladadii hore ee USSR.

Waxyaabo badan oo waxaa jira aysan diintu ogolayn, mararka qaarkoodna ka soo horjeedo oo hadan dadka qaarkood aaminsan yihiin in ay DIINTU SIDAA FARAYSO!!. Dhibaatadduna shalay ma bilaaban ee qarniyo ayey soo taxnayd, in laga baxaana aad loogu baahan yahay. Markaa Arinta DUMARKA iyo xaqa uu siieyey ISLAMku waxaa la mariyey sawir khariban oo aad u fuulxun, la iskuna dayey in laga dhigo BOOG(dakhar)ku taal islaamka oo markii la doonayo in Islamaka la duraba laga gujiyo.

Arinta Dumarkana waa arin weyn marka laga hadlayo loolanka uu caalamul islaam kula jiro cadowgiisa ha noqdo mid gudaha iyo mid dibadabe ah. Waxaan u arkaa in halganka islaamku ku jiro uu tiro badan yahay, goobaha/saaxadadda uu ka dagaal galayana aad u balaadhan tahay, culeyska uu cadowgiisu ku hayna aad u daran yahay. Markaa waxaan u arkaa in bulshadda dhamaanteed ka qayb qaadato dagaalkan, qofwalbaana halka uu ku wanaagsan yahay ka galo.

Bulshada waxaan ula jeedaa RAG IYO DUMAR:- khaladaadka dhacay waxaa ka mid ah in la yidhi dumarku kuma jiraan bulshadda oo waa wax ma garato,liidata,waxba ku filnayn, dhib mooyeen aan dheef lahayn,lug gooye mooyaane aan faa'iido lahayn,, etc.

Khasaarihii naga soo gaaray Fikirkaa qalafsana waa kan aan maanta bixinayno kharashkiisii!!

Intaan mowduuca sii wadan horta dhibta ay ladan sheegtay ana aan ku raacay ma jirtaa? mise anaga uun baa iska samaysanay, oo waxwalba waa Ok!?

Haday jirtose sidee looga dabaalanayaa? is there is way out!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
CAAFI

WALAALKIIS WAA OGAHAY GAALADA INEE KA BAD BADIYAAN,LAAKIIN INAA DIFAAC LEE KU JIRNO DHIBAATADEENA MA XALINEESO.

PROGRAMKAAN FIIRSADAY DECUMENTRY UU AHAA LAGA SOO DUUBAY PAKISTAAN, WAXAA LAGU WAREESANAAYEY AABAYAAL GABDHOHOODA DILEEN IYO TALIYAHA POLICEKA GOBOLKAAS.

AABAYAALKA MID KA MID AHAA DHAHAY:"WAXAAN DAREEMAA SHAME INEE TAAS GABADHEYDA AHEEYD,AADAANSE UGU FARAXSANAHAY INAAN DILAY"
MARKII LA WEY DIIYEY SABABTA WUXUU DHAHAY:"NINAAAN KU DARI LAHAA MARKAASAY MID KALE LA FAKATAY"
KII POLICEKA HAYSTAYNA WUXUU DHAHAY ARIMAHA FAAMILKA MA DHEX GALNO!
GABDHO LA GUBAY AA KU JIREEN,OO QAARKOOD AY DHINTEEN! HALKEE ISLAAM KA GALAAN!

WAXAASOO KALAA DIINTEENA MAGACA UGA DHEELEEN!

YASKA
SHAKI MAA KAAGA JIRO DHIBKA INUU JIRO AMA HANALAKU RAACO AMA YAAN NALAKU RAACINE!

wasalam....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caafi

Unrecorded Date
Ladan........ ina-abti

I got your point, but I still don't see what islam got to do with it.?

unless this program was really really baised, this seems more of Indian sub-continents problem than slamic one.....same things are reported everyday from india and suprise, surprise the culprits aren't muslims.............so

call me "DAMIIN" but i still didn't get where the islam thing fits in the picture................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaamu Alykom

Caafi,

Anigu waan kugu raacsanahay ujeedadaada, dad waliba dhaqan ayey leeyihiin, aynu kala saarno
Dhaqanka iyo diinta, diinta islaamku gabadha waxay siisay xuquuq aan diinaha kale ee jira
Aanay siin, dhaqanku waa laga yaabaa inuu kala duwanaadaa, innaga bal u fiirso, gabdhehiinu
Waxay yihiin more libaral, waxaa suurtowda inay gabadhi nin iska furto iyadoo nin kale
Jeclaatay, soomalida kaliya ayay inta badan ka dhacdaa, cuna qabatayn ma qabaan,
Waa laga yaabaa haddii gabadhi ay dareento in extrafreedom ka ay hasato in xad loo yeelo
Ay carooto. Meel walba qof xun iyo qof wanaagsan waa joogaa, lakiin waxay diinteenu ku
Fiicantahay toobadda ayaa furan.

Ladan: Allore marka kale aad soo qortid small leters ku soo qor ha la fahmee,


Salaam Alykom

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CUNAAYE

Unrecorded Date
KU LADAN


WUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUW WUUUUUUUUUUUUUUW
AAR LADAN MAA SOO MUSLIMTAY

WAXAA KAWADAA LADAN ADI MAA DIIIN KA HADLAA MA ISKU XISHOOTIDOO

RAALI IGA AHOOOW HADII AADAN AHEEN LADANTII AANAQAANAY
LAGAAGAMA BARAN HADIII LADANTII IN MUDO HALSANO AH ISTICMAALI JIRTAY NICKNAME LADAN AA TAHAY DIIN IYO WANAAG WAXAA KAHADLI JIRTAY WAXYAABO KASOO HORJEEDA DHAQANKA SOOMALIYEED
SIDA MARKII MOHAMED DEEQ QORAY
TOPIC AHAA
**HABLAHA SOMALIDA IYO LEBISKA REERGALBEEDKA ***
WAXAA KU HADASHAY WAA LA ,OGAA AA DIFAACAYSAY NAAGAHA ULEBISTA SIDA REER GALBEEDKA

MARKAA GOORMAAD TOOBAD KEENTAY?
HADII AAADAN AHEENA LADANTII AA NAQAANEY LABAX MAGACKALE OO KA CARAR MAGACYADA ,LADAN ,MANAXDO IYO MR COOL
?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
CAAFI WAXAA U MALEENAA PROGRAMKAA ADI SHEEGEESID SANAD KA HORUU AHAA,ANI XATAA KAAS WAA ARKAY, LAAKIIN KAAN HADA KA HADLAAYO PAKISTAN UU KA HADLAA NIMANKANA WAXAY LEEYIHIIN DIINTEENAA SAAS NA FARAYSO. BEENTOODNA WAAYE QOFKASTA WAA U JEEDAA.

WARA CUNAAYE! AR ADI AMAA NA CUNTAANA.
LADANTAA SHEEGEESID MA AHI LAAKIIN MEESHAAN WAXEE U FURAN TAHAY QOF KASTO OO SI ADAB LEH FIKRADIISA UGA DHIIBANAAYO MA KASTAY, QOFKII AAN DIINTA KU DHAQMEENA WAA HAWL ISAGA U TAALO,LAAKIIN WAXAABA ANI IGALA SII DARAN QOFKA BEENTA KA SHEEGAAYO!

WASALAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Asalaamu 'aleykum,

Waxaan jeclaan lahaa in aan mowduuca la afduubin oo meelo aan loo baahnayn loola duulin, dulucda sheekaduna ma aha barnaamijka laga soo xigtay sheekadan ee waa arinta looga danleeyahay banaamishka lafteesa!!!

Maxaa sax ah maxaase Khalad ah? Arinta aad ka hadasheen ee ah Difference between culture and religion,, waa arinta ay ku dulwareegayso xaajadani, waxaan jeclaan lahaa in ayno si academic ah u falanqayno anganoo barnaamishkan walaasheen daawatay iyo kuwa kaleba u qaadanayna case-study.

Arinta ugu horeysa in aan is leeyahay wey wanaagsan tahay in boodhka laga jafo waa arinta khusaysa xiriirka ka dhexeeya CULTURE-RELIGION-CIVILIZATION. ayno qeexno, dhererino qotodheeridda arinta, cabirno dumucda xaajadda.

Ayno isku dayno step by step in ayno u qaadaa dhigno mowduuca ilaa ayno ka gaarayno gunaanadka arinta si ayna mar danbe inoogu soo noqnoqon.

Waa maxay Dhaqan/Culture? waase maxay DIIN/Religion?Halkay ka biowdaan halkayse ku dhamaadaan? waa maxayse xiriirka ka dhexeeya ?Waa maxay ilbaxnimaddu/CIVILIZATION?

Ilbaxnimaddu waa falsamaynaya horumar jooto ah, wuxuuna ku socdaa kaynaan madoorsoome ah, wuxuuna ka dhashaa baadigoobka banii'aadaniga. raadcayntaasi waxay dhaxalsiisaa in uu ogaado waxyaabo badan oo anfaca nolol maalmeedkiisa. marba marka kadanbeysana wuxuu sameeyaa horumar cusub ha noqoto aalad cusub ama sida loo isticmaalabe, taas oodhaxalsiisa in uu horumar ka sameeyo xaga technology"soomaali?"

Halkaas waxaa kacad in falkan baadigoobku yahay mid joogto ah oo aan dhamaanaynn, had & jeerna kulba daaha ka roga wax cusub, taasi oo dhaxalsiisa in horumariyo aaladadaha ilbaxnimadda.

Waxaa kale oo jirta in Bii'adda ku xeeran ee uu banii'aadimigu ku nool yahay iyana ka qayqaadato sida uu isku habaynayo nolol maalmeedkiisa uu ku nool yahay. Mar kasta oo ay sii adkaato sida uu yahay qaabka dhismaha bulshadaasi waxaa is bedelaya sidoo kale aaladaha uu adeegsanayo si uu bulshadaas ugu noolaado

Hadaba haddii uu sidaas yahay qaab nololeedka bulshaddu waa halkee halka ay kasoo galayso DIINTU nolol maalmeedka bulshadaas?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum dhamaantiin!

Ladan,

Abaayadiis, QUR`AANKU waa buuga kaliya...ee aduunka siiya dumarka xaqa ay leeyihiin: DIIN kasta oo kale way xaqirtaa dumarka. Qaar waxay ka dhigaan inay yihiin sino socoto ayagoo dhan(Gospel!!!)...qaarna waxay ka dhigeen inay yihiin maal ninka iska lee yahay(Talmud!!!)

LAAKIIN, su`aasha waxaa waaye, yaa diinta ku dhaqma? Abaayadiis, aan Alle ka cabsano, NIMANKII SOOMALIYA iyo DHAQANKII SOOMALIYABA...dumarka way xaqiri jireen, maxaan kula yaabeenaa dad kale????? Waxaan arkay gabar nin duq ah lagu qasbay(oo hadhow is dishay) Waxaan arkay gabar nin xoogay...oo liyiri QOFNA ha u sheegin(ninkiina hadhow hoos loo gumaaday)! Waxaas iyo wax yaabo ka badan oo ka fool-fool xuna way ka dhici jireen somaliya! Marka, maxaan ku eedaynaa dad kale?

Alle inuu noo naxariisto ma`ahane, Dunida Muslimku...diintii Alle way ka tagtay, badankeed!


Waxaan Alle xamdiq naq iiga mudan...Soomalidu way is badalaysaa...maalinba maalinta ka dambaysa---oo diintii bay soo qabsanayaan! Insha Allah, dadka kalena sidaas baa u dhacaysa! Aan u ducayno...wixii wadada ka dhunsan!


Wasalama Calaykum!


Ahmad! *>.<*

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anisa102

Unrecorded Date
Asalam Alaikum,

Islaan-nimo waa laga tagay runtii, oo wax si sax ah ugu dhaqmaayo maanta ma jiraan. Adduunka carabta ugu xun gaar ahaan "Saudi Arabia" meesha dhan oo Kacbada ku taal aa ugu fusuq badan, Allah ha huriyo kuligood. Carab Islaan ma'aha gaalana ma'aha. Waxaa dishay sino, oo inay habar dabadeed gaadaan ma'ahane diin iyo iimaan kale ma qabaan.
Waxaa kuu soo haray Soomaali miskiinoow, meel dhexee ku dhumeen oo culture iyo diin-ba kalama yaqaanaan.


Allow noo naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
HEY HEY!
INAA CEETANTID LEE AAMEESHA U SOO GASHAY MIYAA ADI ODEY C/LLE WAAXID.
OROD ISKA TAG ANISAA HA NABINA WASX AA KA OG TAHAYAA ISKA YARE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
YASKA MA KU FAHMIN RUNTII DHAQANKA IYO HORMARKA WAA KA HADASHI LAAKIIN SUAASHA UGU DAMBEESO MAXAA KA WADAANA!INTEE DIINTA KA SOO GASHAA NOLOOSHA QOFKA?!!
MEELNA KAMA SOO GASHO MAA KA WADAA! SOO BAYAANI BAL KISTOO INTAAN JAWAABTA KU DAGDAGIN.

WASALAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAMAR

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKU

Waan idin salaamay dhamaantiin salaan ka dib

Waxaan jeclaan lahaa in aan ka jawaabo su'aalaha kor ku qoran anoo u jawaabaya sida shaqsi ahaan ay ila tahay rajeynayana hadaan qaldamo in la i toosin karo una ahay diyaar in la ii sheego meeshii aan ku qaldamo.

DIIN:Hadii aan hormariyo diinta (DIINTA WAA WAAJIBAAD AAD KU QASBANTAHAY IN AAD U OOFISO SIDA LAGUU SIIYAYA AMA SIDA LAGUUGU SHEEGAY WAXAAN KALA JEEDAA DIINTU WAA AAD KU QASBANTAHAY IN AAD OOFISO AMA AAD UGU DHAQAAQDO SIDA AY TAHAY ADOO KU SALEYNAYA MAGACEEDA UNA OOFINAYA SIDA AY TAHAY)

DHAQAN:Dhaqanku waa waxyaabo laga dhaxlo ama ay kala dhaxlaan umadu waxaan kala jeedaa dhaqanku ma ahan waajib ku saaran oo in aad oofiso aad ku qasbantahay ee waa wax ay isku af gartaan bulshada isku deegaanka ah taas ayaan u aqaan dhaqan


ASALAAMA CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Aleukum,

Su'aasha waxaan ula jeeday in aan sawir ka bixiyo sida ama qaabka uu qofka u dhisan yahay, baahidiisa, iyo sida uu ugu noolaado bii'ada uu ku nool yahay.

Waxaan sheegnay halka uu ka yimaado horumarku, meesha ay ilbaxnimaddu ka soo bilaabmato iyo siyaabaha lagu gaaro. Waxaan kaloo sheegay waxa uu dhaqanku yahay, kaas oo ka dhasha hab nololeedka bulshadaas. xiriirna la leh bii'adda markaa ku wareegsan islana bedesha hadba isbedbedelka waayaha ku dhaca.

Isbedbedelka joogtada ah ee markaas dhacaya wuxuu ina tusayaa in ay ku jirto baniii'aadamiga DABCI ASLI ah. kaas oo ah Ruuxdiisa(soul). Dabcigu wuxuu raadiyaa goorwalba sugnaanshaha nolosha ama dhamaystiran koobaya jiritaanka nolosha iyo ujeedooyinkeeddaba. Dabcigu marna kuma qancayo isbedbedeladan joogtada ah ee ku dhacaya wadcigga iyo wakhtiga toona. Ruuxdu waxay raadisaa waaritaan ama sugnaansho joogto ah isla markaana kuma qanacdo horumarka ay ka samayso xaga xirfadda(technology"lastly I remembered!!".

Halkaas waxaan markaa ka soo dhiraandhirin karnaa in DABEECADDA KU HEEGAARSAN QOFKU AANAY BEDELI KARIN RUUXDA QOFKA.
DHAQANKU WUXUU KU DUL DHISAN/SALAYAN YAHAY WAXYAABAHA KA SOO BAXA BAADIGOOBKA RUUXDA!!!!

Hankan ayaan markaa kala soo baxaynaa in DIINTU ka dhalato xiriirka ka dhexeeya baadigoobka dhamaystiranka ee ku abuuran qofka si uu u helo dhamaystiranka laftigiisa.!!!!

ILbaxnimaddu waxay ka saamaysaa dhaqanka oo kaliya dhinaca ku wajahan cunsuriyad markaa bulsho ku nool wakhti ama xili mucayn ahi ay ku khasban tahay in ay waynayso oo buunbuuniso... SIDAA DARAADEED ILBAXNIMADDU WAA FAL SOCONAYA OO HORUMAR SAMAYNAYA, LAAKIIN DHAQANKU ama WUU BAABA'A AMA WUU HORUMARAA (RISE &DECLINE).

Waxaan iminka soo gaaray halkii uu halkii aan u soo socday ee ahay:
1- in horumarka laga gaaray dhanka sayniska iyo xirfadduba(technology) aanay ahayn xudunta Insaaniyadda.
2- Dhaqanku yahay wax la xiriira baadigoobka bulshadda iyo waliba "absolute value"
3- horumarka laga gaaro xagga ilbaxnimmaddu aanay cadaynaynin hormarka dhaqanka

xagee hadda aan u soo dig iyo damlaynayaa? Is it relevent to this topic!!! Insha Allah waan soo qori doonaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sista

Unrecorded Date
Intersting analysis Yaska!
Arrimaha kooban ee saddexada qodob ah ma aha "mutually exclusive". Horumar ku saleysan saynis iyo technology oo aan tixgelin xuquuqdda aadamiga ah waa hormar nooc ee ah??
Aniga sida ee ila tahay, dhibatooyin badan ee bullshadda waxa ka timaadaad markii aanan isbarbar socon "progress" and "modernity"

Progress interms of institutions, infrastructure, accessbility to resources etc. Whereas a society level of modernity is commonly preceived as acquistion of technology. For example, cellular phones, satellite dishes, mobile health units etc is availabele to many, even in the the remotest areas in the world. Now the question is: When the bedouin in the sahara desert, or the bushmen in the kalahari, or the nomads in Afghanistan have access to such technolgy, does that translate into "modernity or progress" for the whole community or only to those who have access to such technology. What about issues of power and control i.e do those who have access to resources (technolgy etc) exert it it in a way to spread their own agenda?? Where does this leave the community in terms of horumar?? Or is horumar the domain of those who have access?
Dhaqanka dhinaca uu u socdo ama sida isu bedalayo ma waxaay ku xirantahay bulshadda access-ka uu leh technology iyo saynis, mase culma uu diin? mase cidii markaa power haysta.

Iga raali ahaada haadii aan ka yar baxay mowduuci, didn't mean to!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaamu calykom,

Waxaan jeclahay inaan qayb ka qaato doodan,

Diin: Waynu isla garannay inay tahay wax wajib ah oo ina saaran, waxaana burburin kara Awood fikri ah oo dibedda kaga timaada.

Dhaqan: Dadkii xoolo dhaqatada ahaa markii ay u kala baxeen xoolo raacato iyo beeralay Iyo tijaarad wixii dhex u noqday ayaa noqday dhaqan, sida labiska, cuntada, marti qaadka Etc waxaan buriya awood ku timaada sida istimaarka, hijradda etc, African Americans Ayaa ka mid ah dadka dhaqankoodii xoog lagaga qaaday, haddanna wali raadinaya dhaqan Ay yeeshaan, waanad ogtihiin inay marba wax soo saaraan xattaa ku qasabtay inay habka Loo socdo ay badalaan.

Civilization: Waxay bilaabantay markii ay bilaabantay towradda warshadaynta, waxaana
Keenay markii nimankii burjiwaaziyanta ahaa ay jeclaysteen in loo dhaqmo sidii ay Iyagu rabeen, ka soo qaad masalan, warshad sameeysa kalsoonada ama underwear, Wuxuu rabaa ninka warshadda leh in alaabtiisu iib gasho, ka dib wuxuu ku qasbaa isagoo Adeeganaya lacagtiisa in gabadh qaawan lagu soo ban dhigo kalsoonkii, taas ayey u
Bixiyeen nimankii burjiwaaziinta ahaa civilization.

Haddii aan soo koobo saddexdaba waa laysku wadi karaa haddii uu qofku si dhab ah u Fahmo macnaha civilization, masal u qaado, dadkii u haajiray waddamada yurub ee kala Jinsiga ahaa, Iraaniyantu waxay qaateen civilization + Diin. S.westAsians waxay qaateen Civilization + dhaqan, somalidu waxay qaateen Civilization + none. Waxaana u
Daliil ah qaar badan oo soomali ah ayaa markay meel dhexe marayeen is ogaaday inay qalad
Ku jiraan oo dib usoo laabtay oo civilization kii ku daray ama diin ama dhaqan.

Waad salaamantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
AR SOOMAALI CIVILIZATION AY QAATEENA MALAHA CAWO IYO MAALIN MEELAHAASEY QAAD WIIDEENAAYAAN OO JEEGA DHEEREYAAL YIHIIN. DANTOODANA MA YAQAANAAN INTOODA BADAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum,

Sista, Ladan, Anonymous,QAMAR, Anisa102 , Ahmad, iyo Akhyaarta kaleba waad ku mahadsan tihiin sida aad mowduuca uga qaybqaadateen.

Waxaan isla meel dhignay kala duwaanshaha dhaqanka iyo horumarka, means in horumar la gadhaa kuma xirna in dhaqanka la bedelo.iminka waxayno ka jawaabi karnaa su'aalo badan oo ay ka mid yihiin Can be developed without westernised? or should be westernized in order to be developed?.. sista made it clear!!!!!

Back to business, Baadigoobka naftu baadigoobeysay xasiloonidda dhamaystiranka waxaa ka soo baxa:
1-Sugnaasho dhamaystiran
2-Cunsuradda nafta ee aan is bedbedelin sida: kala doorashadda xumaanta iyo wanaaga, kala saarida khaladka iyo saxda, ogolaanshaha iyo u hogaasanka sharciga bulshaddu dhigato, iwm.
3-Dooninstiisa Waaritaanka.

3-Arimood ee kor ku xusani waa arimaha aan ilbaxnimno iyo dhaqantooni aanay jawaab ka bixin karin,,,,

Halkaas ayey markaa DIINTU ka soo galaysa jirtanka qofka... si ay u buuxiso kaalinteeda una siiso qofka dhamaystiran dhab ah ee uu baadi goobayo. Haddaba su'aasha ku xigta waxay tahay
yaa leh awoodda diinta? awoodda wax sharciyeyta iyo wax reebidda? yaa yaqaan dabciga qofka banii'aadamiga? iyo wuxuu raadinayo? Bii'adan uu ku nool yahay se xagay ka timid oo ay ka bilaaban tay? big bang!!!?

Ma jecli in mowduucu aad u sii daba dheeraado, laakiin waxaan jeclahay in aad bal arinta intaan analys-gareyn kartno wado, hadda waxay u muuqataa in aan mowjadda FALSADDA(PHILOSOPHY) and Human History yar gali doono markaa hung on second!! waa khasab in aan gaaro halka ay wax ka soo butaacayaan ee u salka ah xanuunka maanta aan la taahayno. for your information mowduucuna waa "XAQA DOORASHADDA EE GABADHA MUSLIMADDA " which currently ladan is acting as composer of this orchestral,, I am right?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sista

Unrecorded Date
Salaan dhamaan,

Yaska, horumar kuma xirnan reer galbeednimmo (westernization) lakiin waxaa muhiim ah dhaqaan waxa uu dhimaya xuquuq aadami in la badalo.

Badanaa dhaqan badalidda waxaa loo hor istaagaa in aan 'status quo' ka aan la badalin. Beacause there is an entrenched power base and "why rock the boat mentality".

Waa aan kugu raacsanahay in 'sprituality' and 'morality' aay ku xiirantahay environment ka uu qof ka ku korey (i.e kuma xirna modernity etc).

Arrinta kale oo muhiimada leh waa 'the role of symbolism in any given society. For example, one of the more visibile ways to gauge the spritual and moral fiber of a Muslim society is to see how women are represented in society; i.e dress code; modesty, division of labour; separate spaces etc. etc. etc.
As a result of the importance of this symbolism, women in Islamic society have sometimes fallen prey to the agenda of fringe groups that use religion for their own agenda. ( I don't know if any of you have heard about this: 1991 or 1992, in Hargeisa some women were killed and other whipped for commiting adultery while the men were unpunished!!)Now the powers that be wanted to come across as a group that were implementing the Sharia, however, they did not dare do anything to the men because of the threat of vendetta!!!
Marka, Ladan markay ay ladahay Diiney xaal qaado; aniga waxaan uu fahmay in aaye oo la jeedo dadka aan iyaga oo diinta aqoon uu isticmaala inaay danahooda fulistaan, power base koodanna ee xalaaleystaan.

Yaska, waa iga qoslisiisay markaad soo hadal qaaday..the big bang theory!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Midaan isku wada raacsanahay meeshaan, HORUMARKA INUU KU XIRNEEN REER GALBEEDNIMO.

Suaalaha aan rabo hadda inaa is weediino waxaa waaye kuwaan.
1 Intee waaye gabadha muslinka booskeeda bulshada muslinka?!
2 Yaa masuul ka ku dhaqmitaanka diinta?
3 Yaafulinaayo ciqaabka hadii qof danbi suubiyo?

Qaar badanaa ku gagabaan markii la dhoho halkee waaye gabadha muslinka booskeeda, koleyba madax ma noqon karto ileen rasuulkaa SCW dhahay kuwii taladooda naag u dhiibto ma liibaanaan!
Suaasha ween waxaa waaye yaa madax ah ma hadee gabadha wasiirka gaashaandhiga noqoto, mahadee madaxweene noqoto, hadee baarlamaanka ku jirto miyaa hadee shirkad madax u tahay miyaa ama mayee gurigeeda hadeey ka baxdo waaye!!!!!!!

Markaa fiirino dadkii muslinka ahaa 1500-sano ka hor waxaa arkeeynaa meeshee gabdhaha taagnaayeen.
Waxee ahaayeen dhaqtaro, askar,la taliyeyaal, macalimiin etc.etc.
Waa ognahay hormarka sidii uu ahaay markaas halkaasaana ka ogaan karnaa gabadha muslinka booskeeda maanta.

Yaa masuulka ah inee dadka diinta ku dhaqmaan?!
Qof walba wuxuu masuul ka yahay naftiisa iyo ilmihiisa,wanaagna wuu usheegi karaa qofkuu awoodo.

Yaa ciqaabaayo qofkii diinta ku xadgudbo. Ma aaminsani maanta in qof soomaaliya joogo uu dadka xad ka oofinkaro wuxuu rabo ha ahaadee.
Yaa dambiile ah? Dadka dhan qof aanwax dilinaa yar
yaa tuug ah,qof caruurtiisa gaajo u dhimaneesomiyaa,yaa saani ah naag kastoo ninkeeda dhoho walasaqee noqotay miyaa?
Dad badanaa xad laga oofiyaa ayagoo la hubin waxa eey sameeyeen.

Ugu danbeentii waa fahamteen sababtaa ciwaanka u doortay.
DIINEEY XAAL QAADO=DIINEEY DAD BADANAA KUGU QARAABANAAYAAN!!!!!!!

Waxaa rabay sababta igu qasabtay inaa sheekadaan furo inaa idiin soo qoro,laakiin hadda kama gaaro,waa sheeko ku dhacday gabar Asian ah oo saaxiibteey ah, gadaalaana idiinkaga soo qoraa inshaallaah.

Wasalaam...
Ladaneey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sista

Unrecorded Date
Salaan dhamaan,
Ladan abaayo su'aalo badan oo doodii ka imaanayso ayaa soo bandhigtay.
Waxaan nala faray quraanka iyo sunnadda nebiga (csw) inaan raacno, oo taas la isma weydiinaayo.
Lakiinse su'aal badan iyo jawaabaheed waxaa ka yimaadan tafsirka iyo tarjumiid.
Culumadda ka tarjunto ama tafsiir ka bixiso diinta, waxay badanaa uu kala baxaan:
1) Ku cuskadda tarjun iyo tafsiir ay bixyeen culumma ka horeesay (reliance on intrpretations and consensus based on qiyas from religous jurists.
2) Culummo aaminsan in quranka sida uu u qoranyaha loo tarjummo (without relying on exgious by previous jurists)
3) Culummo aaminsan in markii quranka iyo xadiithka la tarjumaayo; in la tix geliyo wadciiga marka uu mujtamac ku suganyahay.

Ladanee uu fiirso habka haweenka loola dhaqmo sida ee uu kale duwantahay markii la fiiriyo dawladaha Saudia Arabia, Indonesia, Malaysia, Iran, Tunisia, Turkey, Pakistan, Afghanistan iwm.

The big question is how relgious exegious and indigenous cultures is reconciled!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum,

Dhamaan waxaad ka hadasheen ee aad soo bandhigtaan waa qay ka tirsan arintan ayno baadigoobayno, Waxayno isla meel dhignay XIRIIRKA DHAQANKA & HORUMARKA. Iminkana ayno u Gudubno Xiriirka Diinta iyo Dhaqanka.

Sista You made good points in your last two posts,so as ladan. Is the big bang theory so funny!! I think it is... Because it is mother of all questions and the source of the all arguments!!later...

Back to business, The Role of the Religion:
-DHaqanku waa maxsuul ka soo baxa baadigoobka banii'aadamiga := culture is based on the findings of the spirit of the man.
-Civilization waa hadba waxa/cilmiga(knowledge) cusub ee uu baniiadamigu daaha karogo:= product of the human curiosity to acquire more and more knowledge for its own sake ... from his surroundings(enveronment).....

Su'aasha hadaba isweydiinta lihi waxay tahay xagee hadaba asal u ah cilmigan:= source of the knowlege?Naftuse xagay ka timaadaa?

Nafta cid aan Ilaahay ahayn oo awoodda ma jirto, cid kale oo sheegatayna ma jirto markaa su'aasha qiimaha badani waxay tahay Ma ilaahay baa wax sharciyeeya mise Banii'aadamiga?.Su'aalaha ay ay sista iyo ladan soo bandhigeena halka ayey ka bilaabani doonaan.....

Halkan weeye hadaba halka lagu kala baxayo, Yaa awoodda wax sharciyeytana iska leh?halkani waa halka ay SECULARISM ka soo farcameen, muxaadadan ayaanan kukala baydhaynaa!!!

Insha Allah Geedi socodka Safarku wuu sii socon doonaa ilaa ayno gaarno halka loo socdo, kulba aragti/ideology la sii mari doonaa ilaa aan gaarno boogta arintan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
WAXAA SAAXIIBADEEYDA KA MID AH GABAR ASIAN AH OO MUSLIN AH,WAXAY KU SOO KORTAY RUSSIA WALIGEEDNA MA ARKIN WADANKEEDA WAXAA EHEEN ISKU GALAAS AABEHEED AA NIN KU DARAY 3SANO KA HOR, MARKAAS WEXEE JIRTEY AYADA 16SANO, NINKANA AAD IYO AAD UU UGA WEENYAHAY.
SADEX BILOOD CAMAL KA HOR UU KA JOOJIYEY ISKOOLKA WAXAANA DHIGANEENEY SANADKII UGU DAMBEEYEY DUGSIGA SARE.

FAAMILKEEDA HADA WAA KA GUUREEN WADANKAAN WAXA DEGAN ISAGA FAAMILIGIISA WAXEE UGULA DHAQMAAN SIDEE RABAAN XATAA HOOYADIIS AA DISHAY DHOOR JEER
TALEEFAN BANAANKA(WADANKA BANAANKIISA) UMA DIRI KARTO.
TODOBA SITIMAAN KA HOREEY WAXEE GATEEN TABKAAYO (KUWA FURAN MAALIN WALBA). WAXEE KA SHAQEESAA TABKAAYADA SAACADO BADAN MAALIN KASTO MAALMAHA QAARNA, HABEENKIIYEE KA SHAQEESAA MEEL LAGU HAAYO DADKA WAAWEEN.

INTEE ISKOOLKA JOOJIN MARMAREE IMAAN JIRTEY ISKOOLKA AYADOO JUG KU TAALO OO KORKEEDA WADA BALUUG YAHAY, MACALIMIINTA QAARAA OGAADEEN SHEEKADA LAAKIIN WEE DIIDEY INEE CAAWIYAAN.
LACAGTA AY SHAQEESO XATAA MA KU SAMEESAN KARTO WAXAY AYADA RABTO.

WAXEE LA HADASHEY FAMILIGOODA WAXEE U SHEEGTI DHIBKA HEEYSTO, WEXEE DHEHEEN HADAA KA TAGTID NINKAAGA ANAKAN TACSIYADAADAA DHIGEENAA!!!
MAALINTAAS KAARKEE KU WACDAY FAAMILIGOODA ANIGAA SIIYEY, WAXAA AHAA HADANA AHY QOFKA KALI EE KUSOO OYSO. MARKII UGU DAMBEESAY OO LA HADLO LABA MAALIN KA HOR WAA OYNEEYSEY.

NINKAAS IYO CIDAHA SAAS ULA DHAQMAAYAAN GABADHAAS WAXEE KU DHAHAAN AYADA MUSLINAA NAHAY NAAGAHA WAA INEE NIMANKA MAQLAAN. NAAG MAAHA INEE NINKEEDA KU AFCELISO SAAS AYADOO AH WAXEEY QABAAN CIDADAHAAS RESTOURANT DOOFAARKA IYO QAMRADABA WAA GADAAN,TABKAAYADOODANA WAXEE KIU GADAAN JOORNAALADAAN PORNOGRAPHIC AH!!!
DADEEYNA DIIN USHEEGAAYAAN.

AYADA WAX EEY DIIN KA TAQAANO MALAHAN. WAXAABA ISKU BARANAY MARKII UGU HOREESEY MAALIN XISAD HISTORY AH EEY DUQDOO MACALLIMAD DHAHDAY ANNAGA WAXAA AAMINSANAHAY INUU CIISE WIILKA ILAAH YAHAY, MARKAASEE AYADANA DHAHDAY ANAGA XATAA WAXAA AAMINSANAHAY INUU MAXAMAD WIILKA ILAAHEEY YAHAY.

HADDA WUXUU BILAABAY INUU DILO MAR KASTA,WAXEE KU NOO SHAHAY CADAAB RUN AH.
LABA HABEEN KAHOREE IGU DHAHDAY BES WAAYE NOLOSHAAN MA KU JIRI MAR MARAAN KU FAKARAA INAA IS DILO, MARMARNA INAA MAAFIYO INTAA LACAG SIIYO DILA ASAGA DHOHO.
WAXEY DHAHDAA WAXAAN DAREEMAA MARKASTA INAA AHAY ALONE XATAA HADAAN 100 QOFOOD KU DHEX JIRO

WAXAA GOAANSADAY INAA CAAWIYO HADEE AYADA GOAAN SOO GAARTO. WAXAA LA HADLAY KUWO JURIST OONAAGO AH OO NAAGAHA CAAWIYAAN WAXEE I SIIYEEN TALEEFONKA (CENTRE FOR BATTERED WIVES), WAXAA KULA TALIYEY INEE KA GUURTO, SABABTANA WAXA WAAYE AYAGA MEEL NAAGTA KU DACWOOTO MALAHA DHAQANKOODA MAR KASTO NAAGTAA AH GUILTY!!

BAL FIIRIYA CADAABKAASEY,!!!!!!!!!!!!!

GABADHAASEYTO WAXAA UGU HOREESEY SALAAD EE TUKATO NOLOSHEEDA INTAA IS BARANAY.
HADA WEE FIICANTAHAY INKASTOO LABISKEEDA WAXNA ISKA BADALIN.

MA AQAAN INEE IS BADALEESO LAAKIIN 70% WAXAA U MALEEYNAA INAA ISBADALEEYSO!
MA U MALEEYNAAYI INEE KALIGEED DHIBAATADAAS CAMAL HEEYSATO

WASALAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum;

TO ladan;

Qisadan aad nala wadaagatay waa qiso cajiib ah, laakiin aanan gariibsanaynin in ay dhacayso!. Jaahilnimadda Diinta Waxay gaartay heer lakala garan waayo maxaa dhaqana maxaase diin ah?

Diinta Islaamku way ka sareysaa in waxyaabahan aan qacliga galin la timaado!. Ladan Ajir iyo xasanaad ala hakaa siiyo sida aad gabadhan mulimadda ah ugu kalkaalisay diinteeda, ee aad boodhka uga jaftay:

Waxaan ku weydiiyay meesha aad degan tahay miyeyna muslimiin joogin, oo masaajiddu lahayn? haday jiraan, fadlan arinteedda u bandhig culimmadda masaajidka, iskun day in aad gabadhan bartid Hablaha kale ee muslimaadka ah ee magaaladda kula degan si aad idinku u xalisaan arimihiina, Intaad dad kale oo aan idin diin iyo dhaqan fahmaynin u bandhigi lahayd.!!!!before ever thing you are Muslim,,, secondly ..you sounds like feminst!!just joking..

Aan Mowduuceenii u noqono, Maxaa sababay in ay Dhaqamadda Dadka Islaamka ahi iyo Diinta Islaam la isku khaldo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MANAXDO

Unrecorded Date
LADAN

HA WALWALIN HAna WALAACIN

LICENKA_SHUKULOOGA awal raga unbaa qadan jiray laakin hada gabdahna waa qaataan!!!!marka anaka ilahay ayaa naga soo gargaaray meshee licenka garabeshinka ahaa................ee bal waa maxay dhibka jiro hadii mar aan wada haysano SHUKULOO LICENCE.

CIO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
WARAA MA NAXDO HAWADA KA BAX!!
SHUKULOOWNA XUU YAHAY?!
SHUBAN XAAN KAA DHAHAA.

INAA KU QARXIYAA RABTAA MAAHANOO QORISMARIS WAAXID, MEEQA MAGAC AA QABTAANA ADI?!!!!

SISTA.

WALAASHIIS WAA FAHMAY WARKAADA KOW DHEH, MARKA LA FIIRIYO WADAMADAA SHEEGTAY QOFKASTA WAA ARKAA INEEY SHEEKADA DHAQAN U BADANTAHAY.
GABADHA AAN KOR UGA HADLAY WAXAY KA IMAATAY MID KA MID AHWADAMADAA SHEETI WILI SADEXDA UGU DANBEEYO.

YASKA.

HAA MEESHAA KU NOOLAHAY MASAAJIDYAL WAA LEEDAHAY, LAAKIIN JINSIYAD KASTA MASAAJID GOONIYEEY QABAAN JINSIYAD KASTANE DHAQANKOODEE HEEYSTAAN.
DHIBAATADA UGU WEENA WAXA WAAYE GABADHAAN GO AANBA MA GAARI KARTO. WAXAY KA CABSANEE INUU DILO NINKEEDA HADEE KA GUURTO, AMA INEE KALIGEED ISKU FILNAAN WEEYSO!

RUNTII AADAAN UGA WALWALAA SAA U CAAWIYO MA AQAAN, SABABTOO AH WAXAA LA CAAWIN KARAA QOF ISAGA IS CAAWINAAYO. MA AHA WAX FUDUD QOF SAAXIIBKAA AH INAA NOLOSHIISA UGA SHEEKEESID DAD AAN AQOONIN.

WAXAA AAMINSANAHAY GABDHAHA MUSLIMIINTA HADDAY AYAGA DIINTA KU DADAALI LAHAAYEEN,IN NIMANBADAN OO DIINTA KU QARAABTAAN EEY JAANIS WEEYN LAHAAYEEN!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MANAXDO

Unrecorded Date
LADAN

WAA IGA AARSANEE MA AHOO WAXBA MA KA QABO IN LAYSQARXIYO.

MA BILAAWAY MISE WAA BILAAWAAA???????

MACSARO WAA KU FAHANSANAHAY!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fatima

Unrecorded Date
to manaxdo.
meesha qarxis qarxis iyo waxaa loogama jeedo ee hadaad cilmi soo bandhigeyso ood dadka la doodeysona golaha keen waxaad hayso hadii kalena warka aan micnaha laheyn meesha kala tag oo iska aamus malaaig baa garbahaaga saaran oo qoreysa waxaad tidhaahdobae.

To: ladan.
iska dul qaado oo adigu ka roonow hana u jawaabin walaalo.
rabbi waxaan ka rajeynayaa in kaa dhigo mid ku sifowda aayada quraanka ah ee rabbi swt. ku yidhi(wacibaadurraxmaanil-ladiina yamshuuna calal ardi hawnan, wa,idaa khaadabahumul jaahiluuna qaaluu salaamaa.

To: dhamaantiin.
raali ahaada oo i cafiya hadii aan gafey.
wasallamucaleykum.

allahayoow noo gargaar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum;

To Ladan;

Aad baan kuu fahmay, Dhibaatooyinkan noocan oo kale ahina meel walba waa yaalaan IN JINSIYAD kastaa ay Masaajid HOOSTA ka soo xiratay oo Midnimaddi UMMADDA MUSLIMIINTA la la'yahay. Arintan Masaajiddadda u dhisan habka JINSIYADDUNA waa qayb ka mid aha Cudurka Muslimminta Haaya ee Daawadda Lagu wado.

Ku dadaal in aad Arinta si gaar ah xil iskaga saartid, Khasab ma aha in ay ka guurto ama ay tidhaahdo i FUR; Isku day in aad si kale u xalisid, Tusaale Ahaan in aad iyadda Masaajid ka mid ah masaajidda aad si tuus ah ugu xirtid, si ay Quluubteedu u soo Baraarugto, Sheydaanka iyo waxyaabaha kale ee Saarana uga tagaan.

Just be positive, Wacyi gali in arinteedu Xal leedahay isla markaana ay lagama maar maan tahay in AQOONTII Diimeed ay kor u qaado, waxaan uga jeeda Marxaladda ugu horeysaa WAA IN AAD BARAARUJISAA oo aad hurdadda ka kiciso, lagaba yaabaa in ay NINKEEDA iyaduna hordadda ka kiciso.

Ajirkku ALbaabka ayuu joogaa, fursadaha noocan oo kalena ma soo maraan dadka oo dhan, ha daciyin.. u arag fursad Qaali ah sidaad gabadhan ISLAAMKEEDA ugu ilaalin lahayn isla Markaan XAQEEDDA U SOO DHICIN LAHAYD.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saabato

Unrecorded Date
to. ladan
shab shabloo shiinka quraanka nin kii
sheega mashalaaya
ladan aniga diinta sifiican uma aqaano
lakiin waxaan ahay muslin abaayo kan joogo
bakistan ama india ha ufiirinin qaladkooda
in ey masuul katahay diinta muslinka
ilaah ayaa laxisaabtamayo adigana
abaayo taada kafakar ___ good luck

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
QOF KASTA HADUU TIISA LEE KA FAKARO UMADA YAA U MAQAN
WAA OGAHAY TIIS DARYEELAA TU KALE KU DARO

WASALAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
salaam 'aleukum;

LADAN;

Good point sis, Fikrad dheer oo dhaafsiisan xeradda yar ee qof walba lagu soo ooday, ee ah in uu ka fakerayo oo qudha naftiisa, Waa aragti maanta dunidda muslimiintu u baahan tahay.

labo qarni ayey iminka inoo maraysaa in dadka muslimiintu dib loogu soo baraabujiyo aragtaas ah in uu fikirkiisa iyo ku baraarugiisa kor u qaado oo caalamka islaamka oo dhan ka fikiro.

Insha Allah topic ku saabsan ayaan soo gudbin doonaa, fasaxa ka dib.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.