site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DALAAQ(DIVORCE) AMA FURIIN, YAA AWOOD U LEH IN UU WAX FURO

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): DALAAQ(DIVORCE) AMA FURIIN, YAA AWOOD U LEH IN UU WAX FURO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BY;DHIIGA

Unrecorded Date
Dhamaan ragg iyo dumarba waad salaamantihiin,
waxaan shaki ku jirin in ragga ay yihiin madaxa
qoyska islaamiyan, awoodaa Illah siiyay ragga waxaa u diiday rer galbeedka oo waxaad arkaysaa
nin lagu xakumay in gurigiisa uusan ujirsan 100m
gabadhii uu qabayna ay ku faraxsantahay xukunkaas,
haday doonto dib hakala heshiiso,waxaa diinteena diiday in gabdhaha aanan guriga lagasaarin hadii furiin dhaco ilaa intii mudo ah ama ay la la tim xumaan cad,balse xukunkaas mid
kaduwan ayaan ugu nimid wadamadan,ragii oo guryaha lagasaaray waliba loogu daray stay away from that house,hadaba yaa lafuray ma raggii mise
dumarka?.Fikradiina ka dhiibta rag iyo dumarba
hadii aan qaldamay Illaah ayaan waydiisanayaa
dambidhaaf

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tiriig

Unrecorded Date
Dhiiga, raaga wixii ku dhaco iyaka ayaa kasbaday, haaddi anaan la soo kixi laheen waxaba ma ba een. Marka haka xaab xaab sadaan raagga wadaankoodi soo guubay.
Besides, men need to wake up and smell the coffee. They have to deal with the realities of change. Life as known in Somalia is over.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Walaalkiis ma qaldamin, laakiin rag guud ahaan ma looga hadli karo qaar badanaann ku faraxsanahay in sidaa ka sheekeeneesid loo galo.
Ragaa wax furo macneheeda niman badanaa ku ciyaareen.
Xukunka islamka oo aa sheegeesid nin isaga xaqiisa ka soo baxaayaa lagaula dhaqmaa la soco.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cukaash Madakallay

Unrecorded Date
Barbaarte;

Ilaahoow adii mahad isku leh, hoobe bilaante dalaaqe niinki dhiibi lahaayte geekiiba sedde mar yaa ne dalaaqi fadeen.

Alhamdu lilaahi rabil aalamiina.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ASLI

Unrecorded Date
Dadow yaa ii fasira hadalka Cukash Madakalay ?
ilaa af somaali saa looqoro way jirtay. '
furiin ka raga iyo dumarkaba way ka dhaxaysaa,cid awood gaar ah u leh na majirto,hadaba DHIGA ragiina waxa idinku dhacay idin un baa isku kenay
hadii aad horay u oran jirteen naag la furay fadhi uma yaal maanta idinka ayaanay fadhi idin OLIN

GOOD LUCK ALL BRO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Asli walaashiis runtaa waayehadaa ka wadid hadiila idin noco wax ma qabi kartaan nimanoow laakiin diinteena xuquuqda way kala saartay naagta ninka way ku xanaaqi kartaa oo ceeyrin kartaa (siiba dhulkaan) laakiinse ma furi karto.

cukaash madakallay
waraa adi intee ka imaati baydhabo jinaay ama diinsoor.
Naagaha hadii furiinka loo dhiibo sadex maree wax furi lahaayeen kuma lohoo, ma ogid miyaa niman badan inee ka daran yihiin naagaha?!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xasan

Unrecorded Date
Ladan ammaan!
Waxaan anigu aad ula yaabay sida aynnaan waxba isula qirsaneen!!!
Diintii Ilaahay miyaa haddana shaki inaga galay?! Waar ani waxaan oran lahaa waxba waayi maynno adduunyee diintu yaanay inaga xumaan ,subxaan waa qaaddir.Intaa leedihiin kan wax mafuri karaa tan wax mafuri kartaan maa tiraahdiin waar diinteenna aan raacnno, iyadaa ina tusayso qofka saxsan iyo qofka qalddan'e.
Gabdhaha hallaga xishoodo hana la ixtiraamo, aniga waxaan u maleehaa in gabdhuhu na jeclaan lahaayeen haddii unuku daacad nahay wiilalow.!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amiin

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

Haye, wixii la socdoba ma hadaa la keenay dumar ayaa wax furi kara???

Barina waxaad tiraahdaan dumar ha na tujiyaaaaaan iyo dumarka wax ha nikaaxiyaaaaaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHOWRSATO

Unrecorded Date
Anagaa wax aragnay nimankan hadii ay maqlaan
naagihii aa meel gaaray, kuligood way isku habar
wacdeen kii abkiis bari jiray iyo kii abkii barawe
jiray waa kuwan, mid afmaay kuhadlo iyo mid kale.
maxaa keenay in aad tiraahdaan naag wax ma furi
kartaa? hadii adigoo guriga madaxiisa ahaa lagaa
cayriyo maxaa idin haray, mise waxaad sugaysaan
in kabta soor la idin saaro'

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUSLIM

Unrecorded Date
SALAAM CALEYKUM DHAMAAN KADIB , WAXAAN DHIHI LAHAA WAX YAR OO KU SAABSAN DOONAN SOMALIDA AYAA WAXAY KU MAAHMAAHDAA (R'I WALBA CODGEEDA AYEEY LEDAHAY ), NAAG WAX MA FURI KARTA IYADA WAXAN U MALAYNAYAA WAA WAX ISKA WAQTI DHUMIS AH , LAKIIN NAAGTU WAXAY AWOOD U LEEDAHAY HADII NINKU UU XUMAADO IN AYAY MEHERKEEDA KA IIBSATO KAAS OO LA YIRAAH ISLAMKA "KHULCI" WAXAA KALE OO JIRTA IN NAAGTA NINKA LAGA FASKHI KARO HADII UU XUMADAA OO U AWOODI WAAYO NIN UU DHAQDO ,, WALAAL YAAL HA' MALAYN WAXAA DUNADA HADA SIDA EE LAYIRAA" FEMINIS" WAA WAX AAN RAAD LAHAYN MARKA HADII AAD KU KADSOONTO NOLOSHA AAKHIRO AYAAD ISTIRTAY EE WAXAAD EEGTAA MIDA AAKHIRO IYO TAN ADUUN TEE KU FIICAN ADI SIIDA IYO NABADGELIYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MARYOLE

Unrecorded Date
WALEE DUMARKA SOMAALIYWEED INTII U DHINAYD MAANTA
AYAY LAYIMAADEEN HADANA WAXAAD SOCOTAAN WAXAAD
KEENTEEN ANAGAA WAX FURI KARNO TAAS RAGOW ANAGAA
ISU KEENAY GOORTAAN XERADA KA SOODAAYNAY DUMARKII
IYO CAWAANTII AYAY WAXAY DOONAAN KU HADLEEN BALSE
IN YAR NOOGU SIMA, NAJIS IYO CAWAANBA HADAY DIBDAMBE U HADLAAN ANAGA NA IIBSADA.
NINKADAN DHIIGA WAR MA CAWAAN BAA WAX LOO BILABAA
WAATAN AY ISKA MATAATACEENEE ADIGA AAMUSI!!!!
HEEEE HAH WALEEE HEEEE HAH HAH HAH
MAXAA TIRAAHDEEN ? HEE HEE !

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashiir sahal

Unrecorded Date
Dhiiga marka hore waa fikrad wanaagsan soo bandhiga aad soo bandhigtay xaga furiinka. marka labaad ilaahey asagaa abuurtay rag iyo dumarba wuxuuna doortay in ragu uu yahay midka mas uulka ka ah reerka iyo furiinkaba ileen asagaa abuurtay oo og waxey ka sameysanyihiin. mida kale markaad tustay naxariista islaamka ee labada qof markey heshiin waayaan in haweenka aan guriga laga saarin ilaa mudo, wey garan waayeen xikmada ka danbeysa.marka asli, ladan iyo kuwa la midka ahba shartooda alaan ka magan galnay.

waxaadse ogaataa sharciyadan looga dhaqmo reer galbeedka waxa qoray waa rag, kuwaas oo u arkay in haween badan xuquuqdooda bani aadanimo lagu xad gudbay. laakiin duulkani wey ku xadgudbeen sharciyadii ayagoo u heysta fursad soo martay.waxaad ogaataa ragii sameeyey in ay weli jiraan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ASLI

Unrecorded Date
Shurigiin idin raac iyo shaqfir ayaan idin iri
maxaa ka ogtihiin xaq iyo dumar qiimqaheed,kuligin
waxaad ubadateen qaad wade iyo af xume,kuwa aan
wadanka uga soo tagnay waa wada mooryan ninka
gabdhaha u dhaaranayow is caday hadaanan adiga
kugucelinwayno xeryaha aad sheegtay, war maxaad
mooday in lajoogo casrigii gabdhaha la duugijiraY.

ninka morole la yiraah waxaan kugu la talinlahaa
in aad is ceejiso waayo waligaa ma gaaraysid waxa aad ku fa karayso___________________ama ciil adunka ku noolo agoWna waxaa lajoogaa maliniyam
cusub cid na aamusin kartana majirto,WE ARE*****

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ceel hindi

Unrecorded Date
aniga waxay ila tahay in arintaan dood ka taagnaan
karin sababtoo ah ILAAHAY ayaa soo dajiyay oo noogu sheegay quraanka kariimka ah isla markaana
qofna aan wax ka badali karin waxna ku dari karin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Unrecorded Date
Walaalayaal diinta ha loo noqdo , dumarkana hala xushmeeyo, Runtii dumar fiican baynu qabnaa lakiin in loo qabto maahan laba qof oo xumaatay in dumarka dhan loo saarsho maahan, meeqa nin oo duur gal ah oo aan caqli aan qiyaal aheen qabin baa dhooban,
Marka dib ha la iskugu noqdo oo hala is xushmeeyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sadik

Unrecorded Date
to: asli abaayo markii aan aqristay waxaad soo qortay.Aad iyo aad ayey ubaahan tahayin looga fiirsado arimahaas. In raga lacaayo maah iyo dumarka.caruurta aabayaashood yaa la caayin
hadi aad haysid wax intaa dheer wad iila soo
xiriiri kartaa abaayo. waana mahad santahay
hana kuu macaanaato saaxiib
jaaw: hej då

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Friday, August 25, 2000 - 05:46 am
aryaa miyaa lagu furay????!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mussa

Sunday, February 11, 2001 - 10:06 am
marka hore aslamu.................wabarakaatuhu.runtii waa la doodi karaa laakiin waxaa quruxbadan in aanan xaqiiqda indhaha layska qaban.waxaan wada ogsoonahay in ay qurbaha ku burbureen qoysas badan oo soomaaliyeed waa arin aad u qalafsan ninba sida uu u arkaba,waxaase is waydiin mudan ayaa u sabab ah is af garan waa ka dib.jawaabtu waa cadahay waa haweenka waayo wali ma arkin inta aan reer galbeed joogay nin soomaaliyeed oo ooridiisii ku yiri guriga ii dhaaf laakiin wax badan ayaan maqlay haweenka.hadaba ma lihi raga soomaaliyeed ceeb ma laha laakiin damiirkooda ayaan kalsooni wayn ku qabaa,kama suurtowdo in uu police ajanabi ah ugu yeedho walaashii,hadaba maxaa damiirkii ka qaaday waxa afka qalaad loogu yeedho [single mother]ugu dambaynwaxaan salaami haweenkasharafta sharafta badan ee ka war qaba munaafaqada reer galbeedka watana reerkooda .ugu horayn xaaskayga qaaliga ah zeinab.mahadsanidin.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.