site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxay u adagathay in gabdahaha qaarkood loo fahmo dareen ahaan ,

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): Maxay u adagathay in gabdahaha qaarkood loo fahmo dareen ahaan ,
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

raas

Unrecorded Date
waxaan marar badan maqlay iyada oo laga digaayo, dhagar haween iyo in dumarka soomaalidu waxa ay doonayaan ay diidaan sidoo kala gurac.

hadaba
1. maxay ugu adagtahay gabadh soomaliyeed inay soo gudbiso dareenkeeda iyo waxa niyadeeda ku jira si toos ah , maadaama ilaahay bini,aadanka luuqada u samaeeyay inay isku gartaan

2. maxay dumarka intooda badani ay u walaacsan yihiin oo wax walba waxa xun ay uga fishaan , micnaha foojignaan joogta, iyo iyagoo wax walba sii sarifaya ama baadhaya micnaha ku jira, taasina inta badan muran badan bay dhalisaa

3.waxaan kale oo aanan fahmin markaan arko haween ragooda ka sheekaynaya dhaqankoda iyo waxa ay isyidhaahdaan, waxaan kaloo arkay qar badan oo aadan ku kalsoonaan karin oo iyana waxad tidhaahdo suuqa marinaya

4. maxaa colaada gabdhuhu u xun tahay oo hadii wax idin dhexmaraan ay mashquulka ugu noqonaysaa inay fidiso hadalo dacaayada iyo warar badan oo been ah, iyo weliba inay u ciil qabto aarsi

arimahasi oo dhan waan arkay , waana qaar gabdho badani ku dhaqamaan, lagamana dhugi kao jamac, laakiise waxa ay iila egaatay wax aad u caana

hadaba dhaqamadaasi ma mid salka ku haya baa dhaqanka dumarka soomaliyeed oo keliya kuwaasi oo salka ku haya sida bulshadu u dhaqanto, mise waa mid dabiici ah oo haweenka ilaahay ku abuuray


hadaba gabdhoow waxaan filayaa inaad bal jawaab isiin doontaan oo baadhistayda ad iga caawin doontaan

mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
Walaal Raas salaamad marka hore,
marka xigta,sheeko aan kaaga dhaco:beri ayaa waxaa jiray lo' badan oo kayn wada daaqda ballina ka wada cabta. maalintii dambe ayaa jeexba balligii dhinac kaga soo arooray lo'dii,haseyeesshee kuwii balliga ku horreeyey ayaa balligii tegay isagoo madhan oo aan biyo ku jirin dhoobo mooyaane.
Lo'dii soo quusatay iyo middii ku socotay balliga yaa si lama filaana isaga soo horbaxay.Waa la'is waraystay oo xaggee katimaaddeen? Balligaan kannimid,oo idinku xaggee ku socotaan balligaan ku soconnaa.
Kuwii balliga kayimid ee soo arkay inaan meesha nafi oollin ayaa yidhi annagaa balliga kannimidoo biyo majiraan,yeelko'e waan iskaga soo quusanaynnaa ayey ugu jawaabeen kuwii balliga ku socday;kuwii hore ugu soo quustay balliga yaa yidhi annaguna waan idinkula soo quusanaynnaa!
Yaab miyaanay, haddaba, ahayn in dadkaad iyagoo soo taagan aad ka quusatay ee aad aragtay, inaad haddana talo weydiiso?!!!
Waxaa wax aad loola yaabo ah in dumarka soomaaliyeed aanay ninkooda weligood si toosa ugu odhan karin waan ku jeclahay,balse ay mar walba colaad kaa filanayso! Weligayna maskaxdooda wax ka yar oo ka wax soo saar yar midda carruurtana dhehoo ma'arag!
Inay dhaqan tahayna maahane, waa balaayo ay iyagu yaqaannaan.
Waar ninyohow tallo ha wayddiin qof aad markii horeba kayaabtay.Aniguna waan kula arkay arrintaas,markaan ku daaleyna waan iskaga hadhay markaa yaanay maskaxdu kugu daaline ka hadh, haddaad aniga talo iga maqlayso.
Ilaa xilli dambe,salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
Walaal Raas salaamad marka hore,
marka xigta,sheeko aan kaaga dhaco:beri ayaa waxaa jiray lo' badan oo kayn wada daaqda ballina ka wada cabta. maalintii dambe ayaa jeexba balligii dhinac kaga soo arooray lo'dii,haseyeesshee kuwii balliga ku horreeyey ayaa balligii tegay isagoo madhan oo aan biyo ku jirin dhoobo mooyaane.
Lo'dii soo quusatay iyo middii ku socotay balliga yaa si lama filaana isaga soo horbaxay.Waa la'is waraystay oo xaggee katimaaddeen? Balligaan kannimid,oo idinku xaggee ku socotaan balligaan ku soconnaa.
Kuwii balliga kayimid ee soo arkay inaan meesha nafi oollin ayaa yidhi annagaa balliga kannimidoo biyo majiraan,yeelko'e waan iskaga soo quusanaynnaa ayey ugu jawaabeen kuwii balliga ku socday;kuwii hore ugu soo quustay balliga yaa yidhi annaguna waan idinkula soo quusanaynnaa!
Yaab miyaanay, haddaba, ahayn in dadkaad iyagoo soo taagan aad ka quusatay ee aad aragtay, inaad haddana talo weydiiso?!!!
Waxaa wax aad loola yaabo ah in dumarka soomaaliyeed aanay ninkooda weligood si toosa ugu odhan karin waan ku jeclahay,balse ay mar walba colaad kaa filanayso! Weligayna maskaxdooda wax ka yar oo ka wax soo saar yar midda carruurtana dhehoo ma'arag!
Inay dhaqan tahayna maahane, waa balaayo ay iyagu yaqaannaan.
Waar ninyohow tallo ha wayddiin qof aad markii horeba kayaabtay.Aniguna waan kula arkay arrintaas,markaan ku daaleyna waan iskaga hadhay markaa yaanay maskaxdu kugu daaline ka hadh, haddaad aniga talo iga maqlayso.
Ilaa xilli dambe,salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

raas

Unrecorded Date
enough intelligent

waan akhriyey mawduuca waad ku mahadsantahay sida ad isugu dayday inaad u cabirto frkrkaaga iyo aragtida aad ka dhiibatay dhaqanka gabdhaha soomaaliyeed inksata oo aanan kugu raacsanayn in ay sida caruurta oo kale u fekerayaan, hadaan sii yara balbalaadhiyo, waxaad ogtahay intelligent in bini,aadanka ilaahay mid walba si gaar ah u abuuray waxaana laysku raacsan yahay in barbaarinta qofka iyo deegaanka uu ku noolyahay ay qofka hab dhaqankiisa iyo fekerkiisa qayb ka qaadato, sidaas darteed waa ay dhici kartaa in ay jiraan qaar garasho gaaban oo dumarka ah, laakiinse su,aashaydu waxa ay ahayd qaabka dhaqanka dumarka soomaaliyeed ee ku salaysan in aysan cabiri karin rabitaankooda dareen ahaan, amaba aysan soo gudbin karin fariinta ay doonayaan , ma waxa weeye mid lagu soo barbaariyey sida aan halkanba ugu carabaabay, mise waa mid ku shaqa leh qaabka abuuris ee dumarka oo tani waa mid iska dabiici ah, waayo waxaan maqlay in dumarku qaab fekerkooda iyo maskaxdooduba ka duwan tahay tan raga, oo waxaanu oran karnaa dhaqanka noocaasi ah waxa ay kala mid yihiin haweenka addunka oo idil, waxaanan filayey in haweenka soomaliyeed su,aashaasi jawaab iga siin karayeen, maadaama ay iyaga ku saabsan tahay iyaguna ay yihiin dadka aan isleeyahay jawaabta saxa ah iyaga ayaa haya, dabcan ragana taasi waa u furan tahay, qaasatan qolyaha aqoonta dheeriga ah u leh qaab dhaqanka haweenka amaba wax ka garanya dhaqankeena soomalyeed

arimahaasi aan carabaabay ee dumarka soomaaliyed waa kuwo i walaac geliyey islamarkaana wareer badan igu abuuray, khaasatan mar aan damcay inaan xiriir la sameeyo gabdho soomaliyeed oo aanu sheekaysan jirnay, laakiinse jahadii ayaa iga luntay waanan garan waayey halka aan wax marinayo
iyo sida dhinaca kale u arko xiriirkeena, waxaa dhacda mararka qarkood inaan rumaysto in si wanaagsan hawshu u socoto oo aan gabdhahaasi ka dareemi jirey in ay ila hayaan, markaan isku geegeeyo waxyaabo badan, taasi oo i farxad gelin jirtay, rajadaydana kor u qaadi jirtay , laakiinse silama filaan ah ayaa hadan xaaladu isu bedeli jirtay oo waxaan arkaa gabadhii oo qof kale ah, waxaan markaa isweeydiin jiray su,aalo badan , sida miyaa lagugu diray, mise markii horaba daacad kama ahyn xirrrka, hadana waxaan odhan jiray oo hadii lagugu diray bay ku weeydiiso waxa ay maqashay, waxaaba dhici karta in arinku sida ay u haysato uu ka duwan yahay, markaas ayaan arinta soo bandhigi jiray oo weeydiin jiray waxa isbedelay iyo hadii dhibaato jirto, laakiinse jawaab ma aanan heli jirin, taasi cadhadayda iyo walaacayga keliya ayeey sii kordhin jirtay,markaasi ayaan go,aansan jiray in aan doonitaankayga iyo dareenka aan gabadhaas u hayaba soo afjaro , waayo waxaan aaminsanaa hadii labada qof ee xirrrka leh aysan isu fufurnaan isu soo bandhigin dhibatada jirta in xiriirka mustaqbalku uusan noqonayn mid mira dhala, waayo waxaa mihiim ah in dareenka si wada jira loo qaybsado oo aan waxba lamaldihin, waxaan kaloo la kulmay qaar waxa aan ku sheekaysano iyo dareenka aan u qabo suuqasoo dhigi jiray oo sirtayada fashili jiray si ay tahay faylal sir ah oo basaasiin kgb ahi ay iibinayaan, markaasi ayaa dadka qaarkood igula kaftami jireen hadalada aan iisnidhi,mararka qaarkoodna waxaaba dhici jirtay in gabadhaasi xiriirkayaga u isticmaalaysay sidii ay iyadu tahay qofka mihiimka ah oo aniguna aan aahay mid iyada iska daba jooga, oo waxayba odhan jjirtay hebel aad ayuu ii jecelyahay oo la,aantay ma noolan karo,markastana telefoon ayuu iisoo ddiraa aniga oo mashquul ah, telefoon ayuu igu wwareeriyey , markaasi ayaan arintasi layaabi jiray waayo cidina majecla in loo arko inay tahay qofka keliya ee wax doonaya, markaasi ayan isweeydiin jiray in meesha aysan waxba jirin haba yaraatee,laakiin su,aashu waxa weeye hadii aany waxba jirin maxay ku dhacday in ay ii muujiso in ay danaynaso xiriirkeena, waxaanan isugu jawaabi jiray waxaa laga yaabaa in gabadhani aysan lahayn kalsooni weyn , sidaas darteed ay ka sheekeynnta xiriirkeena, iyo in aan anigu doonayo ay ka helayso kalsooni iyo in ay tahay mid mihiim ah.

sidaasi ayaan kala kulmay haween badan oo soomaliyeed, markaasi ayaan weeydiiyey dad badan , bal sababta keentay in taasi ku dhacday, qaar badan ayaa oran jiray gabdhaha soomaliyeed waa ay ku adagtahay in ay cabiraan dareenkooda, amase ay gartaan waxyaabaha mihiimka u ah xiriirka labada qof, waxaa laga yaabaa ayeey yidhaahdeen, in kasheekeynta xirrkiina ay tahay mid ay ku faanayso oo ay dadka tusayso in ay tahay qof lajecel yahay oo la danaynayo

waa soctaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadar

Unrecorded Date
Dear RAAS

waxa aad ii qanciyey sida buuxda ee aad runta utaabatay ama aad xaqiiqda dumarka soomalida uga hadashay
balhadaba anigoo kutusaalaynaya in ta dhibta dhacday ee iminka aan luga ha kula jiro
waxaanu isbaranay inan aanu kala dheerahay hawada inantii waxwalba ama dhinacwalba waxay tahay gabadhii loobaahnaa
hadaba dhibka ugu way ee aan kala kulmay waxa weeye iyadoon cabiri karin dareenkeeda ama isbedbedel badan mararka qaarkoodna is idhaahdo sidee qofta sidani kuugu noqonaysaa xaaskaagi oo idinkoo waxwalba soo gabagabeeyey ay isbedelayso ama dareenkeeda sida aan aniguwaxwalba ugu sirwarama ee dacada aykujirto ay iyana iigu daacad warami karin

arintuna ma aha arin haweenka dumarka dunida oo dhani laqabaan laakiin waa midkukooban gabdheheena oo marka hore hooyooyinkii hore ay yidhaahdaan oo figrado qalada kasoo dhaadhiciyaan tusaale ahaan waxay kuyidhaahdaan
arintay igu samaysay inantaasina waa waxaan caqligaagu qaadan karayn oo aad dareenkayga u waxyeelaysay
bal dunida kale kasoo qaad wadamada carabta oo dhaqan iyo waxwalba aan iskudhownahay
ninka iyo naagtiisu waxay isumuujiyaan kalgacal kaasoo qaybwaynkaqaata oo xididada u aasa reerka
ninka carbeed tusaale ahaan masriga ,suuriga ,amashaamiga maqaaribada, marka laga reebo khaliijka iyo yemen waxay dumarkooda uladhaqmaan si aad iyo aad uwanaagsan dumarkuna baariyo nimo intay kaqabaan ragooda lugaha ayay umaydhaan
oo marka ninkii muujiyo wanaag iyo bini aadan nimo iyo kalgacal uu tuso xaaskiisi iyadu waxay kasiiqaadaa farax kalgacal iyo jacayl ay uhayso ninkeeda oo kusiibata waxwalbana ay kala xaajooto iyadoon sirkalahayn
waxna kaqarsanayn

markaa saaxiib inanteena somaliyeedna waxaa ku abuuran markay aragto nin macaan iyo waxwalboo wanaagsan usamaynaya inay naagaha kale ugu faanto oo tidhaahdo aniga ninkaygu waxaan udiro madiido oo waa iga dambeeyaa ama ay tidhaahdo naa anaa ka adag oo dhinacaan udhigo ayuunbuu jeestaa oo hada hadaan ku idhaahdo hebla ama hebel soo dil waa kusoo dilayaa
waxana ugu wacan jahliga iyo diinla aanta

waxaan filayaa tusaale kuugu filan

maahmaahda soomaliyeed ee tidhaahda sirnaageed lama salgaadho

naa ninsoomaliyeed waa cadow ee iska dhici
nin iyo naagtii cola maaha nabadna maaha
hadii uu ninkaagu arko inaad jeceshahay oo raaliyo utahay wuxuu kuumalaynayaa doqon ee dabkushid oo karkari

iyo hadalo badan oo noocasa ayay kamaqleen kuwii kahoreeyey mana yaqaanana micnaha reer ama guur inuu yahay wax ilaahay usoo rogay raxmad iyo isjacayl kalgacal

markaa saaxiib waa DANI KUBADAY WAXAA LAGA HELAA MIDMID WANAAGSAN KUWAASO AH KUWA DIINTA WAXKABARTAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

raas

Unrecorded Date
khadar

waad ku mahadsantahay saaxiib warbixintan qiimaha leh ee aad noo soo gudbisay, waxaanan kugu raacsanahay in ay jiraan waxyaabo duulkani ay ka dhaxleen hooyooyinkii hore, markaas arintani waxayba noqotay wax la qabatimay, laakiinse aan la isweeydiin faa,iidada ku jirta.
sidaas darteed aniga waxa ay iila muuqataa in loo baahan yahay bal in wax laga bedelo nidaamkaas, waayo hada kumo jirno waqtigaasi sidaas loo dhaqmi jiray maadaama aysan wax faa,iido ahi ku jirin, oo aniga waxaaba ila haboon in dhaqankani lagu daro waxyaabaha la, baabi,iyey kadib markii dib loo xisaabtamay

khadar waxaan soo xasuustay hadal soomaaliyeed oo ah " dumar 1000 nin baa la sheekaysata mid bayna ka raacdaa" waa sax, sababta oo ah waxay noqon kartaa hadii la fasiro gabdhaha 999 nin ayaa ku wareera, markaasi ayaa mid yaaban oo isaga naftiisu kadaalay dhaqankooda isbedbedelaya uu ugu danbeeynta calfadaa, inkasta oo waqtigakan ayba dhacday in la ogaday in uusan noqon doonin kan ugu danbeeya(oo koley waad aragtay baan u malaynayaa boqolaalka kun ee ay ugu yeedhaan single mather ka) oo aad meel walba ku arkayso

hadaba waxaan u sheegi lahaa gabdhaha soomaliyeed in ay ogaadaan in xaaladu sida ay moodayaan ay ka duwan tahay oo dareenkooda ay cabiraan , si furan, taasina dhibaatooyin iyo is afgarasho balaadhan ayeey baajinaysaa, waxaan arkay marar badan in rag ku caan ah psycology khaasatan xiriirka raga iyo dumarku ay sheegeen dhibaatada ugu weyn ee qoysaska soomaliyeed kala haysataa in ay tahay wadahadal la,aan amaba iyada oo aan si daacad ah arimaha loo gorfeeynayn.

waxaan kaloo u sheegayaa in raga soomaliyeed ay khalad ka fahmeen ee badiba ragu ay jecel yihiin haweenka fikrad ahaan furfuran oo awooda in ay soo gudbiyaan waxa ay aaminsan yihiin amaba ay´doonayaan, laakiinse waxaa dhacda khadaroow marka xitaa kuwaasi la helo in ay iyana noqdaan kuwo dhinac u xagliyaya oo waxaa ay caan ku noqdeen in ay keenaan fikrado iyo dhaqamo lidi ku ah qoyska amaba waxaa ay la yimadaan waxaan la qaadi karin dhaqan ahaan,iyo diin ahaanba, sida sinaansho, xuquuq dumarku ay leeyihiin, si ay dumarku dulman yihiin oo kale, kuwaasi inta badan waxa ay ka shidaal qaataan falsafadaha reer galbeedka oo aan inaba meel ka soo gelin diinteena iyo dhaqankeena inta suuban, halkaasi iyadana hubaal qarax badan ayaa ka dhacaya(natiijaduna waa boqolaalka kun ee singe mather ka ah)

eeda dumarka oo keliya maaha, mana aha, hubaál waxaa jira qaar badan oo iyaguna lunsan oo khalad ka fahmay habka loola macaamilo haweenka, kaasi oo isagana aan odhan karno, waxaa uu hab dhaqankaasi kasoo xigtay awoogiis amaba mid ay qaraabo yihiin oo uga sheekeeyey in aan hawen il naxariis leh aan la tusin oo aan loo debcin, markasi labadii qolo oo mid waliba wax ku qafilan yihiin ayaa dagaal fooda isdaraya, mudo gaaban gudahoodna waxaa bilaabmaya astaamaha xiriir fashilmay

yaanan ku dheeraan xiriirka lamaanayaasha, waa arin gaara, ee bal gabdhoow anigu idinku wareeray e, bal yara debciya, oo waqti na siiya

weli waa uu furan yahay talo bixntu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
To:Raas,
Waxaan shaki ka taagnnayn in aarrintani leedahay geeso badan oo ay weheliso wax ogaal shakhsi ahaaneed!
Maaddaama Soomaalidu ahaan jirtay dad dhaqankooda ku adag kahor dhibaatada taabatay qarnnigaaii labaatanaad ee aynnu soo dhaafnnay dabayaaqadiisii,ayaa waxaa hubaal ahaa in qofta dumarka ah ee soomaalida ah ay aad ugu adkayd inay cabbirto doonitaanka nafsad ahaaneed ee iyada ku abuuran,oo waliba ay ahayd waxaan dhacayn in ay dadka lasheekaysato aanay aqoon buuxda ulahayn.
Arrintu sikastaba hanoqotee waxaan shaki ka taagnnayn in arrintaad nasoo dhexdhigtay aanay ahayn wejigaan anigu umaleeyey markaan kajawaabay,kaasoo ahaa cilmi baadhis aad doonaysey inaad ogaato wax yaalo badan oo dumarka Soomaaliyeed kamaqan,kaasoo ah inaanay xataa awood ulahayn inay soo jiitaan ragga qaba.
Balse waxay isu rogtay waayo arrignnimo shakhsiyadeed oo ku salaysay dhibaatooyin ku dhacay qof oo uu kala kulmay qof kale sida
Raas.
Dhab ahaan waxaa la ogsoon yahay in dumarka soomaaliyeed ka dulqaad, xishood iyo kartiba badanyihiin dumarka adduunka 100%,taasina maahan mid indho sarcaad ku timid ee waamid taariikhda ummadda soomaaliyeed xusayso.
Adiga haddaan arrintaada u soo noqdo, garan maayo waxyaalaha aad u xoodaamaynaysey inaad ka hesho habllaha tirada badan ee aad sheegtay;balse waxaan shaki ka taagnnayn inaadan ahayn nin doonaya xalaal uu kaga kaaftoomo xaaraan!!!
Mowduucyada habllaha soomaaliyeed ku taxalluqa waxaa loo kala qaadi karaa dhowr arrimood:
midda ugu horraysa gabadha soomaaliyeed ee dhaladka ah waxaa lagu ogyahay xishood iyo sharaf iyadoon xijaab wadan ay nafteeda iyo jidhkeedaba ka adagtahay,qofta dumarka ah ee midaas samaysayna waa qof mowqif insaaniyadeed,dhaqan iyo diinba leh haween middaa laga helay oo aan kow,laba iyo saddex middnna ahayn soomaali ayey kadhasheen, cidina ma ilaaliso sida dumarka adduunka loo ilaaliyo, bal Ilaahay iyo iyagaa is
ilaaliya!
Midda maanta qurbaha ka dhacday ee uur kutaallada leh waa midda ragga aan habllaha iyagoon qabin guriga gashaday!!!
Waxaa wax lala yaabo ah inaanan fahmin,inkastoon u fiirsaday,waxa dhallinyarada soomaalida sheeganaya u asturi waayeen gabdhahooda,haddii aanay sidaas samayn karinna ay iyagu uga ilaalin waayeen xumaanta ay ku sameeyeen!
Raas, arrintaada waxaan ka dhadhansaday in aad habllo badan muddo isku mowqif ahaydeen dabadeednna aad is qallacdeen,keddibnna aad isku dayday inaad fahan cilmi baadhis doonto ku soaabsan dabeecadda habllaha adigoon adigu fool xumadaada hoose muujin in talo lagu siiyaana way adagtahay; Garanmaayo waxay hadda taasi kuu faa'iidaynaso;waxaana kuu wanaagasan inaad iska deyso.
Anigu waxaan ku soo gabogebaynayaa waar ninyahow isku day in aad ogaato waxyaalo ulajeedooyin faa'iido leh ku gaadhsiinaya intaad dumarka ku meehannaabayso barashadooda dabeecad dhaqan haaneed si aad ula sheekaysato.
Waan kabaxay,ilaa xilli dambe,salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMAL

Unrecorded Date
Aad baan uga helay cinwaankan, balse waxa aan maalin la shee kaystan inan aan asxaab nahay waxay igu tiri walaal jamaalow waan kasoo taa ganahay ninkaan wada soconay sababta oo ah wax walaba aan waydiiyo ok ayuu leeyahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mariah

Unrecorded Date
To:raas.
Aad an uga xumahay in aad dumarka somaliyed
aad is ku mid ka dhigto adigo isticmalayo
(your personal opinion)or waxad qof ama
few of narrow minded kala kulantey.taas
waxaa iga keney qarka mid ah raga hadii ad u
sheegtid your feelings or cabirka inoo u
sheegayo direct to saaxibadii.ma ahan waxan
iska sheegayo ee waa waxaan arkey.Qof kana way
ku xirantahay in uucadkiisa goosta,hadii
relationshipka uu dhamadana move on and get
life,but you know our pple like to talk much
markii layirahdo laba qof oo isjecel ama
sheeko wadaag ayaa kala harey,i think it is a
normal thing to brok up with someone.waxan u
maleyna iney xuntahay in qofna kankale wax
ka sheego ama uu kahadlo familkiise,belse beryahan
life kii ayey ka midnoqotey.
tankale aniga saxiib ayan lahaa welina ka maqarin
my entire feelings,what i wanna do,or how
i am gonna plan my future.Unfortunately we are
no longer together under other circumstenses
jeceylkeene ma ahan karo mid guul ah,i mean.
and i love this person with all my heart,mana
u maleynayo inaan wax xuman ah ka tirsanayo ama
ka sheegayo ee good luck get a betterlife
that you really deserve it.
i wish you all best,and solutions for,,,,.......

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.