site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma furaa mise waan dul qaataa?!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): Ma furaa mise waan dul qaataa?!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Haddii lagugu tilmaamayo inaad ninxaas leh tahay,balse xaasku kaa maqanyahay,dhibaatada idin dhextaallaana taagantahay mar walba maxaa lagu daweeyaa?
Haddii aan sii bal ballaadhiyo, maxaa lagu ogaan karaa ruux kuleh waan ku jeclahay, waxaad doonaysana aan samaynayn?!
Maxaase lagu daweeyaa qof wanaagaad utartayba dafirsan adigoo wax walba udiraya,tacliin iyo niyad wenaagnna la bar bartaagan?
Maxaa lagu daweeyaa qof aan ku ixtiraamayn oo haddaad huruddo saqda dhexe kutoosinaya iyadoo taqaanna xilligaad soo jeeddo?
Maxaa lagu daweeyaa ruux lacag hadduu helo intay le'egtahay ee masaariif uu u qaato qof africa joogaa midda ugu badan oo aanu laba usbuuc hayn karin?
Maxaa lagu daweeyaa qof aan lahayn garaad uu wax ku garto adigoo adigu ku dhaliya mooyaane?
Maxaa lagu daweeyaa qof haddii aad wax weydiiso xanaaqaya ama aad danta kala hadasho?
Maxaa lagu daweeyaa qof aan weligii intuu kusoo waco ku odhanayn iska warran inuu lacag iyo dhaqaalo kuu soo waco mooyaane, oo haddana dani
idinka dhaxayso!
Maxaa lagu daweeyaa qof caajisa oo aan tacliin loogu taag helayn?
Maxaa lagu daweeyaa qof markaad lacag uditana ku jecel haddii aad ka yare aamustana muddo go'anna waraaqdiisa ku weydiisanaya?
Su'aalahaas iyo kuwo kale oo badan ayaan muddo laba sannadood kabadan is weydiinayey,waxaan dhallinyarada soomaaliyeed rag iyo dumarba kacodsanayaa inay gacan iga siiyaan.
Waad ku mahadsantihiin taladiinna, arrintanina waa arrin aad umuhiim ah, deg degnna ah, please,yuor idea is very crucial/assential/necessary,please, help....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SU.

Unrecorded Date
asalaamu caleykum walaal ma xaaskaa ga mise
dad kale haddi eey tahay xaas duqaado waxaa la ga yaab ineey sidaas dhan to!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Diinta sheegaysa inaad xaaskaada laba sano ka maqnaato tee waaye?

Islamku ma qabo in laba sano la kala maqnaado - Wax kale iska daaye waagii asxaabta ayagoo dagaal culus ku jira ayaa lagu amri jirey inay xaasaskooda aadaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
To:Anon,
talo xume wax soo baro cilmi laguma weydiin ee talaa lagu weydiiyey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maanofaay

Unrecorded Date
Waxay ila tahay soo kaxee inkasta hakugu qaadato oomeeshaad joogto keen. Sababta aan kuuleeyahayna soo kaxee waxay tahay aniga ayaa ninkayga dhibaato badan ku hayay markaan afrika joogay markii uu ikeenay meesha uuku nool yahay oon arkay nolasha uuku noolyahay waan ugaraabay oodhinacayga ayaan iskaa wax uqabso kabilaabay dhinac walba hanoqotee hadaba aboowe dadku markay kala maqan yihiin isfahankaa yaraada oodhibaatad ayaa badata dadka afarika joogaana lacag moyee waxkale kuma fakiraan ee intaad dulqaadato sookaxee ama ugu tag meesha ay kunooshahay kolba kii kuufudud samee laakiin waxaad ogataa inaan taleefoonka waxba lagu xalin karin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
To: Maanofaay,
abaayo waad mahadsantahay lafihii hore aa magacaaga i xasuusiyey.
Taladaada aad aan igu bogay wixii aad iskaga hor imanjirteen adiga iyo ninkaaga maxaa kamid ahaa ee danta guud ah?
Maaddaama aad tahay qof soo arkay arrintan dhibaatadeeda, waxaan kaa codsanaa inaad ila wadaagtid waayo aragnnimada, please help.
Thank you for your concern on this matter I am getting through.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashiir

Unrecorded Date
waxaan ku iri sxb dadku kala dulqaad badan, hadii aad intaas oo dhan aad u dulqaadatay wax haray ayaaba iska yar marka.markaan maqlo wararka nuucaas ah guurka oo dhanba waan ka didaa, bal maxaa laga faa iidayaa guurka nuucaan ah, shar badanaa.sxb dhib intii kugu filan soo aragtaye yeysan guur la aan kuugu darsamin ee iska samir malaha waqti yar baa haray.labo maalmood ma qabeen hadaan xaaladaada oo kale ku jiri lahaa.

waa noloshaada inta ka hartay rafaad ku dhameysto.
i feel sory for u my friend.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
To: dhammaan walaalaha,
waar talo degdeg ah ayaan u baahanahay, nacallaa idinkuma yaalle, iga toosiya miyeydaan rag ahayn iyo dumar maskax haya?!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
aboow macaane;
marka ugu horeysa waxaan ka xumahey run ahaanbtii dhibaatada ku haysata, marka labaadna waan ogahey in dhariga waxa karka ka keenay kuleylka yahey oo ey dhibaato kuheysato marka aboow macaane waxaan,, ku weydiieyey,,sideed lamaantaada
igu tilaamtey:
- qof aan garaad laheyn,
- caajislow ah
aboow waxaan rajeynaayaa in ayna waxyaaba nolosha lagugu imtaxaanaayo kaa tan badinin ee aad dulqaad iyo samir madaxa saarato, isku day bal adaa maanta iyada xaalka og oo xog ogaal ah e in aad bal u yarehe qaboojiso, ( ha si oran qofka kula hadlaaya waa qof iska hadlaaya guur iyo furniinba waa soo marey marka) nolosha qiimaheedu waa in la isku qalbi furnaado samaan iyo xumaanba

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
Salaam........Allaah!...Rag rag dheh...markii la rabo in wax la kharaareeyo...sida loo kala dhigdhigaayo kaalay arag...

Ka waran haddaad ticket goosatid ood u tagtid xaaskaaga?....

Talada igu fiican een ku siin karo waxa weeyaan adigoo weydiiya markay xayraansantahay(qaylinayso!) bal markay caadada ka qubaysatay...Markaas waxaad baran xilligay soo abaarto bil walba..21 casho (maalmood) kadib...Asbuucaas, iyo asbuuca aysoo haysaba u dulqaado...Amaa labada asbuuc ee kale malaha waa marka aad istiri lacagtaa ka farxisay?...

Walaal, soomaali waxay tiraahdaa "labo kala bariday kala warla!".....

Marka nin raggaa alle kaa dhigaye intaan haddaad u dulqaadan weyday ka waran markay walacdana?....
Ka waran markay dhashana?....
Ka waran markay ilmihu bataanna?
Ka waran markay shidooyin kale yimaadaana?....

Xaaskaaga keenso ama u tag?...
Amaa ruwaayadan ah ma furaa mise waan qabaa isaga bax!....
oo noqo nin wanaagsan!
salaama!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Waar naagtaas kala soconnay, waanad ku mahadsantihiin taladiinna, salaamu caleykum , bage-ku xidhan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.