site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HADAYDAAN WAXNALA QABAN MA RAG QAARAD KALEJIRUU NOO QORAY ILAAHAY.

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): HADAYDAAN WAXNALA QABAN MA RAG QAARAD KALEJIRUU NOO QORAY ILAAHAY.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaan kadib waxa aan layaabanahy waayaha aduunku sida uu isu badalayo wax badan ayaan qurbaha joogay laakiin maaliba maalinta ka danbaysaa way ka dhib badan tahay wayna igala kharaarayd.

Waxyaabaha aan ad u xiiseeyo waa dhaqankayga laakiin waxaan la yaabanahy sida gabdho bada n ugu tunteen dhaqankii qoyska iyaga oo ladegay rag madow iyo cadaanba leh oo diin kale iyo dhaqan kale huwan oo xanbaarsan,waxa aan layaaboba wax kasii dray ragii soomaaliyeed oo sbab u ah arinkaan inuu dhaco kadib markaan sheekaysanay gabdhahaas waxay ii sheegeen in arinkaas nimanka soo maaliyeed kalifeen kadib markay kaalintoodi ninimo iyo dadnimo kasoo bixi waayeen.

kadib arinkaasi wuxuu isoo xasuusiyay riw aayaii doob qalanjadii gabay.

Quruxdayaanu leenahay qalabkayaanu sidanaa
Hadaydaan waxnala qaban marag qaarad kala jiruu noo qoray ilaahay.

Waxaan kusoo gebagebayn waa ladoogiye yaan ladacaroon. yaasa khaladka wada?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHIIGA

Unrecorded Date
yaa khaladka wada?taas adigaaba ka jawaabay oo watan aad la yaabantahay gabdhaha marin habaabay oo galada la tumanayo, tan labaad gabdhaha ku eedaynayo in Ragga somaliyeed ay ka soobixi waa yeen kaalinta ninimo waxaan arin kaa u daynay hooyadeed kolkay hooyoyinka yiraah dan aabihin waxa uu ahaa wax matare anagana waan qaadanay eedas .tan sedaxaad ruwayadan aad sheegtay waxay ka tarjumaysaa kolkii ay raga somaliyeed u guurtagay dibadaha kolkaasay dumarkii wadanka joogay yiraahdeen war hadaydaan wax nala qaban ma Ragg kharijka jiraa nalooqoray.
QURUXDA IYO QALABKABA WAXAAD U SIDATAAN WAA INAGA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
Haddii aan is aaminaad jirin waxaan u malaynayaa in qof waliba labada lugood waxa ugu dhex jira ee dhibaatada ku haya uu isagu mas'uul kayahay rag iyo dumarba kaad doonto noqo oo!!!
Haddaba yaan la isku khaldamin illeen beer jileec iyo isi sasabasho meesha mataallee.

Hablow dib hannoo aaminina annaguna idin aamini maynno.
Ama gaal guurso ama qof waxan noqo ama godkaaga doofaar iyo dameer hoos dhigo ama isku qabo ilaa qiyaamaha adiga iyo ikhtiyaarkaa, darawali hooy darawali hooy darawali adigaa qof walbow mas'uul iska ah ilaa aad Ilaahay hor timaado.
Ilaa xilli dambe salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SIGALE

Unrecorded Date
WAR ANAGAA WAX ARAGNAY HADANA WAXAY KEENEN GABDHAHEENA IN AY YIRAAH DAAN WIILASHA SOMAALI NINNIMADA KUMA WANAAGSANA, EE WAXAA KA WANAAGSAN MODOWGA IYO CADANKA AJAANIIBTA AH,
WARYAADA QOORO LADHUUQO IYO BAARO LALEEFO HADAAD RAGANIMO U TAQAANAN MAAD ISKA CADAYSAAN.;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra Ahmed

Unrecorded Date
Waa Tan Nabadii Durugteee, horta yaysku keen diray, Qaladka ayaa iska leh?????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aliya

Unrecorded Date
Asalaama Calaykum dhamaantiin,

Sigale waan ka naxay waxaad qortay, walaal dumarka oo dhan ma aha, ee waa intii luntay oo qudha, waxaan odhan lahaa,Allow hanuuni Soomaali raggeeda iyo dumarba,aamiin.Walaalayaal cayda iyo xumaanta aad wadaan maadaysaan. waa iga talo.

To Enough Intelligent:
Walaal maxaad sidaa ugu hadlaysaa, Ilaah miyaadan ka baqayn, waxaa loo baahan yahay inaad ixtiraamto gabdhaha walaalahaa ah oo Soomaaliyeed, waayo gabdhaha oo dhan ma xuma, oo runtii waxaa jira gabdho badan oo diintooda iyo dhaqankooda ku dhaqma, ha ka quusan haddii aad la kulantay mid aan ku qancin waayi maysid mid wanaagsan ee raadi, aflagaadada daa, walaalkay fil Islaam baad tahay ee dhaqankaaga iyo diintaada marna haka tagin, WaBilaahi Tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Unrecorded Date
Asalaama Caleykum

Walaal waxaan layaabay waxaa ninmanku ugu jawaabeen gabadha afxumada iyo masuuldara
gabadhu sheegatay ayey ku dhaqaaqeen,Caaliya
walaalo waxaad tahay qof cajiiba Allaah haku
xafido. Maanta waxaa batay wax la dhoho rag
lamod.

Mahad santihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SIGALE

Unrecorded Date
DHAMAAN WALAALAHAY SOMALI WAAD SALASAMAN TIHIIN;
DAD BADAN AYANAN FAHMIN MOWDUCAN, WAXAA LAGA HADLAYAA GABDHAHA XUN-XUN KALIYA OO RA'YIGA XUN KA QABA DHALINYARADA SOMALIYEED,TAN LABAAD AHMAD WAXAAD NAGU EEDAYNAYSO MAGARANAYSAA?HADII CALIYO AY KU CAJABISAY MAAD WAYDIISID CINWAAN KEEDA INTAAD ANAGA NAGU SOO LAABAN; TAN XIGTA SAHRO WAXAAD OGAATAA IN AANAN NABADI NAGA DHAXMARAYN ANAGA IYO DUMAR GAALO RAAC AH. CALIYO XASUUS NOW WAXAAN LA HADLAYNO WAA INTA XUN KALIYA.
ENOUGH INTELLIGENT WAXAAD ASIIBTAY WARKII AAN ORAN LAHAA BALSE YAY NAAN ILAABIN WAA INTA XUN KALIYA. IS ARAG DAMBE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
lol@@enough

anonymous - anina waxaan dhegeystaa heesta cumar dhuule alla ha u naxariistee ee hadaynaan heshiineyn waa inaan kala harnaa kala howl yaraysanaa. sida enough uu u sheegay qof walba asaa masuul ka ah labadiisa lugood dhexdooda siduu uga dabaalanlahaana yaqaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DADDYCOOL

Unrecorded Date
Hello !!! Somalida waxaan kulatalin lahaa yaan lays wareerin arintan wax laga qabankaro maleh arintana waxay qusaysaa oo qudha dadkajira 16 ilaa 28 umaleen mayo qof 30 gaadhay inuu waqti uhayo waxaas! dhalinyarada somalidu waxay dhexgaleen umadkale oodhaqan kale wata wixiina caadi ayay lanoqdeen haday raacan niman madow ama cad yan khalad looarkin waqtigaa keenay qofkuna waxaa fiican inuu raaco qofkuu kahelo. Anigu kolay taan kahelo aan racaya gabdhaha somaliduna sidaas ayay sameenayaan lamana joojinkaro sababtoo ah anagaaa soodonanay dad aanan aqoon iyo dhaqan!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aliya

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum,

Walaal Ahmad Jazak Allah Khayran, waad ii ducaysay.

Walaal Sigale Ilaah (SWT) baa kaa abaal marin hadaad wanaaga wado mar weliba, marka aflagaadada daa, dhinaca wanaagsan ka eeg oo ku xili dhibaatadaad sheegayso ama aad kala kulantay gabdhaha Soomaaliyeed. Wa bilaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
maxaad sheekadeenii.....nacas
intaad shirisay dumarkii......dabaal
ugu sheegtay shalay galab?
hay sheegan inanyahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
iga hoo shanta farood
feedhkana shukreyso
shishe u qaadoo
babiskana la sheekeeyso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
To: dhammaan akhyaarta aan isku ujeedada nahay,

weli isma bedelin mawqifkaan ka taagnnaa arrintan xiisaha leh.
Hablohow sidaad doontaan yeela annaguna sidoo kale. Imisaannu idin barinay, idin qiimaynnay, idiin sheekaynnay, idin ixtiraannay, idiin gacan furnnaanay, idin barnnay, idiin raaxaynnay, maxaadse noogu bedesheen? Inaad nacaydaan, na haruuftaan, naga dabo gunuunucdaa sidii nirig geela oo dhalatay oo hooyadeed dabo socota, maxaad dhibaato na horbaddeen, haddii aydaan meeshaas ku joojin waxaan keeni doonaa sagaal iyo konton dhacdo oo aad nagu samayseen oo ka kala dhacay Europe, America,Africa, Australia, Asia iyo jasiiradaha Bahaamas.
Fadllan joojiya haddii ay dan idiin tahay.
Waxaan ku soo gebo gebaynayaa in qof waliba isagu mas'uul ka yahay waxa xilka leh ee meesha adag ku jira ee laga qariyey cid walba.
Gabdhahow hanaga sugina guur ee gurigayaga noo dhaafa, beer laxawsi iyo sheekadaasi way dhammaataye.
Inanta layidhaaho Caliya,hadda dhego aan ku dhegeysto hadal dumar malihi.Ilaahay haddii laga baqayo maxaad markii hore u garan weydeen ee aan idin jeclayn?!
Guur haiga filannine gurigeyga ii dhaaf.
Ninka layidhaaho hebel lol sxb waa sidaas,
Maxaad hdeekadeennii nacas intaad shirisay dumarkii dabaal ugu dheegtay shalay galab!
Ilaa xilli dambe, salaama.
Ilaa xilli dambe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guhaad

Unrecorded Date
Asalaama alaykum.

Salaan ka gadaal , ragga gabdhaha xumaantooda wada waxaan oran lahaa , haddii aad aragteen in
xumaani jirto maxaad isugu guubaabin weyseen sidii
wax looga qaban lahaa ??Haddise caay uun aad wadaan maxaa hagaagi?mida kale yaa wajib ka saaran yahay inuu gabdhahaa wax u sheego oo uu baraarujiyo.. waxaan filayaa inay jawaabtu caddahay inaga ayaa waajibkeeda leh.

Marka walaalayaal ,gabdhahaas xun, ama wiilashaas xuni waa walaalahay iyo walaalahaa waa inaan marnma laga quusan sidii wanaga loogu sheegi lahaa
waxaana wax jira ah haddii gabadha reer magaalka ah!la caayooo aanan wax loo sheegin oo aan la dareensiin inay tahay qof muslim ah oo sharaf leh
iney adag tahay si ay u soo laabato, balse waxy ka sii cararaysaa soomaalida oo ah.


Aan samo katalis noqono ,xumaanta uun in lasheegaaa waa wax aan haboonayn!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SIIGALE

Unrecorded Date
Dhamaan inta wanaagsan waad salaaman tihiin,salaan gaar ah waxaa iga mudan; saaxiib (Enough Intelligent) oo carabka ku dhuftay xaqiiqda, maanta lama joogo waqti xumaanta loo qariyo inta xun Xaqa waa uu cad yahay ruux wax xun moog majiro tii ama kii doonayo marna somaali ama muslin marna gaalo ama westren waxaa naga dhaxeeyo dagaal cad oon qarsoodi lahayn. tan labaad waano abuuris ayaa ka horaysay, dhago waano u duleelo ayaa la waaniyaa balse dad halkan isku bahaystay waaba cadaysteen xummantii bayba ku doodayaan,wadda waxii aan kala helno ayaan leenahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
siigale sxb maxaad inta xuna u salaami weydey miyaadan isku xishooneyn? Dadku waa isku wada mid, inta xumaan lagu sheegay iyo inta wanaag sheegtayba?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SALMAN

Unrecorded Date
SALAAMU CALAYKU WARXMATULAAH WAXAAN HADALKAYGA UGU HORMARAYAA SU'AASHII AHAYD IN RAGU SABABEEN KU YAACA AY KU YAACEEN DUMARKA QURBAHA JOOGA NIMANKA AJAANIBTA AH EE GAALDA MARKAAN LEEYAHAY GAALADA MACNIHII WAXAA JIRA KUWO ILAAHAY U BANEEYEY HADAY AHAADAN JAMAYKAN 'INGIRIS IYO AFRIKAAN MUSLIMA WAXAA JIRA KUWA SOOMAALI AH OO ILAAHAY UGA XAARAAMAY SIDUU KUWA GAALDA AH UGA XAARAAMAY WAA KUWEE HADAAN ANIGU ISAGA JAWAABO WAA KAN TAARIGA AH,AAN SOOMIN SALAADIN SAKADA BIXIN HADUU HAYSTO XOOLO XAASKIISA IYO CARUURTIISA DAYACA DARYEELINA NOLOSHIISA CABAYA KHAMRIGA TOBANKA KUN EE SOOMAALIGA AH EE WADANKII MARKA UU SOO HELO IYADOO AY U BAAHAN YIHIIN CARUURTIISII KULA LAABANAYA BUUSHKA INTAAS OODHAN MARKAN EEGAY WAXAAN DHIHI KARAAN IN AYSAN RAGU QAARKIIS QALADKA KU JIRAAN MEESHA DUMARKUNA MIDWALIBA KU TAAHAYSO INAY NINKEEDA KAGA AARSATO QURBAHA IYADOON EEGAYN UBADKA KADHEXEEYA IYADA IYO ISAGA WAXAA MIDAAS KA SII DARAN INAY KA HESHO NINKALE IYADOO LAQABO OO CARUUR LEH WAXMAQALKII OO KATAGAY IYADOO U ARKAYSA INUU KU CANAADAYO WIXII DANTEEDA AH KANA HORJOOGO XORNIMADEEDA KALA DAMAYNTII OO LUNTAY AYAA WAXAA FARAHA KA BAXAY ISXAQDHOWRKII LABADA QOF KA DHEXEEYEY OO AHAA ISMAQALKA WAYNUNA OG NAHAY ISMAQALKU INUU HORSEED U YAHAY WAXKASTOO DUNIDAN KU NOOL HADAAN SOO KOOBO HADALKAYGA INTII HORE TAGTAYE INTA DANBE IYO KUWA DHALANDOONA SIDEE LOO HAGAAJIYAA ?WAANA MIDAAS TAAN KAGA BAXAYO
WAAD MAHADSAN TIHIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SIGALE

Unrecorded Date
Dhamaan inta wanaag san waad salaamantihiin, Ruux xumaaday malaha wax cudur daar ah Ragg ama Dumarba ha ahaadeene, inta xun waan ladagaalamaynaa Rag iyo Dumarba meel walba ooy joogaan.su'aasha HEBEL oo ah maxaad u salaami wayday inta xun dadka waa isku mide? hadii dadka ay iskumid yihiin maxaa adigaba u kala saartay ood u tiri inta xun iyo inta wanaagsan.saaxiib adiga waan ku salaamay'

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
hadaad salaanta igu dartay heshiis baanu nahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SIGALE

Unrecorded Date
Dhamaan inta wanaagsan waan idin salaamay;
Hebal waxaan ku waydiiyay ma waxaad ka mid noqotay inta (XUN)?kolay aniga xumaan kuguma arag balse dadka way is badalaan dad iyo duunyo wax waliba ka filo mar labaad inta aan ogahay waan ku salaamay .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
maya sxb laakiin hadaadba isoo xasuusatay baan ka wadaa.
alow hana xumeyn oo inta xuna yur dheh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TILBURG

Unrecorded Date
daddycool
his name says it all,,,sxb ,ma waxaad ka heshay in dakii doorsoomaan,,,taa inad ku raacdo waakuu talo xumo ood tiraa,,dakey doonaan ha raacaan ileyn inagaa soo doonanee ,

feel sorry for ya bro.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.