site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Aawey af somaliga

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): Aawey af somaliga
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
somali weyn maxaa dhacay oo qof kasta in uu ku qoro massagekiisa af ingriiska ?hadii aad fiiriso halkaan waxaad is leedahay waa dad isku fa'hmo ingriska,qurbo dad badan ayaa noogu soo horayey wellina illma'hooda afkooda ey ku hadlaayaan,dhaqankooda ey weli wataan,man'han oqoon hadii aad luqad ajnebi ku hadashid.
waxaan dhihila'haay aan ku qorono wada hadalkeeyna af somali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aamus

Unrecorded Date
shib dheh, Eelaay yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Reerwaabari

Unrecorded Date
TO,Anonymous
walaal waxaa jira dhalin yaro uu afsomaliga aan qori karin oo iyagoo yar-yar kasoo tagay Somaliya.
Kuwii yaqaaney somaligana ma rabaan oo waxay kasii
jacel yihiin englishka,waxaad inaan nahay dadka kaliya oo dhaqan kooda sidag-dag ah uga taga,hore
ayaana waxaa u sheegay nin borofaysar ah oo jooga
Ottowa kuna soo qoray joornanka waa dadka kaliya
oo meeshay tagaan laqabsadaan dhaqan.kii shalay
soo galay wuxuu rabaa inuu udhaqmo sida wadankan
looga dhaqmo suu uleeyahay gaar wixii kaa hor
maray ayuu buhol ka dhacayaa,waan naxaa markaan
arko inmo wadanka jooga laba sano kayer hada xashiish iyo qomlo cabaya.xataa ciyaalka kasokow
naagii iyo nimankii waawaynaa ayaa ku halaabay.
waxaa jirta inay gabar walaashay ah ay wadanka ku
soo gashay iyadoo naag way ah oo dhalmo days ah
hada ayka midtahay kuwa waxkasta qaata oo aan kala
ogayn malin iyo habeen.marka walaalo ihaahay subxaana watacaalaa waxba kuma aha inuu hanuuniyo
kuwa dhunsan.
TO,Aamus waxaad meesha kusoo qortay u akhri, garan
maayo waxaad u aflagaday naysid luqaduu meesha kuso qoray,waligood somlida xag qabiil saafi kama
noqo nayaan.Aniigaa kusoo koray eelay iyo raxan
wayn dhexdooda dad maanta kafiican majiro waadadan
qabiil aqoonin.ma'aqaan ilaa iyo hada intaas oo waqtigayga ah waxaan kugu dhumiyey?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum Muslims!

Annonymous,

Walaal, horta aniga waxaan ka mid ahay dadkaas badanaa Ingiriiska isticmaala. Runtii, af-somaliga waan jeclahay...oo waa luuqadaydii. Laakiin, waxaa jira dad halkan jooga oo luuqada af-somaliga aan aqoon.

Adigu bil iyo xoogaa ka hor, waxaan waraaq e-mailka kaga helay yar soomali ah oo aan aqoon af-somali. Way fiicnaan lahayd...hadii dadkaas ay helayaan wax bara luuqada -- xataa, hadii meel kale aysan suurto-gal ahayn, halkan somalinet. Laakiin, sidaad og-tahayba...qof waliba tiisaa ka badan. Wadamadaan Galbeedka waa wax loogu tala galay in qofka ajnebiga ahi uusan tiisa ka badin.

Marka, anigii hadii aanan waqti u hayn aan ku baro -- toos ah...wixii aan ku eedeeyo baaba iska yar. Marka aan meeshaan imaado...waxaan ka qayb-qaadanayaa maqaalo kala duwan...kuwaasoo u baahan xili dheer oo qoraad ah, iwm. Runtiina, af-somaligu wuu ka badan yahay luuqada ingiriiska. Aniga ahaan, Axmed, waxaan jeclahay inaan wixii deg-deg ah ku qoro luuqada ingiriiska...sababtoo ah way ka yar tahay waqtiga qoritaanka taas af-somaliga. Marka xaalado badan baa keenaya!

Sidoo kale, luuqad waa luuqad...qof kasta(mid wax bartey...iyo midaan baraninba way ku hadlaan!) Marka, u malayn-maayo inay jiraan dad is leh *wax baad barateen* ha laydin dhaho aawadeed u is-ticmaala luuqad ajnebi!


Peace, Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamedf

Unrecorded Date
To: Ahmed
Wallaalkii marka hore salaan iga hanti. Mida kale waxaa tidhi luuqada af-soomaaligu wakhti ayay kaa qaadanaysaa qoritaankeedu. Wallaahi waa arin iga yaabisay. Balse waxaad ogaataa inay tahay ta kaliya ee aad kaga haqab bixi karto wax alla wixii aad rabto inaad tidhaahdo. Haddii aadan raadin karin oo ay dhib kugu tahay kalmadaha badhkood. Anaa diyaar kuula ah inaan kaa caawiyee ii sheeg. Mida kale waan ku fahmay inay jiraan dhalin yaro aad u fara badan oo aan qori karin afka soomaaliga. Laakiin su'aashu waxay tahay sideen ugu guubaabin lahayn inay bartaan luuqadooda hooyo.Mar labaad, walaalkii dadkaaga dhinac ka raac, oo haysu dayin inaad sabab ka dhigto waxaan sabab noqon karin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gasi

Unrecorded Date
anigo waxaa la i dhahaa cali waxan jogaa wanaka danmark waxaana igo dhib ah afka somaliga ah qoritaan kiisa in kastoo aan aqaanin wax badan oo ingiriis ah maxaa taloo iisoojodin la haa daan walaalayaal inigo waxaan jiraa 18 sano waxana aqriyay qoraal kiina aad ko qortaan meeshan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ASI

Unrecorded Date
Ani waxaan la yaabay dadka ku qoraya imeelka
qof ay guur u rabaan see qof aadan aqoon oo arkin
oo meel kala kaa jiro u haweeysan kardaa
ani 18 iyo doban baan jiraa hadana guur waan rabaa hadana qof imeel mahaweysdo waxaan dhahaa qof aa u jeedid qaado

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gasi

Unrecorded Date
To: asi
waa aan ko salaamay salaan kadib waxan ko u dhanayaa maxaad ko nacday e mail ka maxaad dhibaato kala ko lantay aan anakona iska dhafnaa waxaa na fahmi wayay magacaada masha ko yaala ma gabar baa ama wiil taasan kowaadiinayaa hakana xomaanin tasaan ko u ranayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAY.Z

Saturday, September 09, 2000 - 09:57 am
TO.ANONYMOUS
MAGACAAN WAA KA HELAY?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.