site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

GABAR TALO U BAAHAN WAAL I CAAWI, HA ICAAYINE

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): GABAR TALO U BAAHAN WAAL I CAAWI, HA ICAAYINE
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aliya

Unrecorded Date
Dear: Brothers and Sisters

Walaal waxaan USA soo galay 4 sano kahor aniga iyo
reerkayaga, wax yar intaan jogay aniga oo kala baran lacagta sida nickela ama dimeka, ayaan waxaan barta Jerr Springer, Rick and Oprah, aduun
saan ugu jirey ayaan waxaan bilaaba inaan adaado
night clubs, DC live, Walaal waxaan ka guurey reer
kayagii oo waxaan la degan saxiibtay, iyana waa
i eriday waxaan ladegan wiil soomali ah oo iyi
waan ku jeclahay, jacaalkii wuxuu ii keenay inaan
losegareeyo garnimaydii, schoolkii waa drop kagreeye, i feel like a homeless, Please maxaan
sameeyaa reerkaygaii kuma noqonkaro oo waan
kabiqin waxna mahay no were. Waxaan ilaawey waxan
jiraa 22 old

Your's Aliya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
Aliya welcome to America.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
waxaad sameysaa intaad imigrashinka tagto waxaad tidhaah xaga hooseba mareekan baan ka noqdee waraaqaha halaysiiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aaliya

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum,

Walaal Aliya miyaad weyday magac kale oo aad labaxdid, aniga kusoo gala Aliya forumska ee walaal daba dhig magac kale, dadka confuse bay ku noqonayaan magacyada, walaal adigo raali ah badal magaca, wa salaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

furqaan

Unrecorded Date
first of all toobad keen, alle u noqo, kala bax faraxa waxaad kula jirto, meeshaad clubs ka ka aadeyso masaajidka tag, diintaada baro, cajallado islamic ah soo kireyso kuwa jerry springer na gub ALLAHA GUBEE.

Alle haddad u toobad keento wixii dambi ah wuu kaa cafinayaa, salaadana badso, insha alaah waad kheyreysaa hadaad intaas sameyso. waalidkaaga na soo raali gali, oo iney ku cafiyaan ka codso. Ogow ilaahey wuxuu yodhi, "al jannatu taxta aqdaamil u mmahaat", jannadu cagaha hooyada hoostooda ayey ku taalaa, waxaana loola jeedaa, inaad ka duceysato hooyadaa iyo aabahaaba.
salaaaaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

h. yare

Unrecorded Date
aliya waa lagu salamay
aniga ila soo xiriir aniga ayaa kuu hayo
talo fiican isla markaana ah derikaaga oo kuu jooga arlington va wax walibana way kuu
hagaaga yaan tallo iyo tusaalo iyo caawinaad
waad iga heleysaa ii soo dir e mail
afeey@aol.com tolk to you later

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

safia

Unrecorded Date
asalama aleykum

walaal ilahay subxaana watacaalaa wuxuu yiri al hadaaya minal alaah, ilahay u noqo oo reerkaagii aad intaad dambi gasheyna ,ilaahay ayaa kaa saamixi, ee toobo weydiiso
wa bilahay tawfiiq
osafia@hotmail.com
hadaad rabto inaan xaga diinta kaa caawiyo ila soo xirii
waa gabar walshaa ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum

Yaa Aliya!

Waan ka xumahay meesha maanta taalo.

Waxaan ku raacsanahay walaalkey Furqaan iyo walaalshey Safia. Fadlan raac fikradahooda, qaasatan Safiya la xariir, insha'Allah ayada ayaa ku siin doonto waano dhaxal gal ah, oo ku anfici doonta.

Walaal, Allaah barri, usoo noqo wuu kuu dhow yahay. Allaah (swt) wuxuu yiri: "Adoomahaygoo i barya, waan idinka ajiibayaaye, ii hiiliya waan idiin hiilinayaaye"

Haddii aad toosnaatid si niyad ah, Allena swt. wuu ku toosinayaa, kuuna naxariisanayaa.

Dadaal Allahaana usoo noqo, sister Safiana kala xariir amuuraha diinta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bile14

Unrecorded Date
arinaga waxaan ku oran lahay qof walbo qalad waa sameeya ee ka toobadkeen iskuna day in aad mustaqbalkaada dib u dhisto u tag waalidkaa una sheeg in aadan dib danbe u sameyney and aad iskuul aniga sidaas ayaan kuukula talin lahaay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
This story is taboo!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
yeah flight 13 taboo part 2

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To:Aliya

Walaal Aliya horta runtii aad baad ugu mahadsantahay inaad nala wadaagtid, dhibka ku heesto oo aadan qarsan, waayo balaayo hadaad qarsato way ku qarsan.

Waxa kaliya ood yeeli tooba keen Ilaahayna wuu kaa tooba aqbali sida ay walaalaheen shegenba kor ku xusan. Salaada badi ayada ayaa wax walba kaa dhaqaysa, Hooyo Macaan iyo Aabo Macaan u tag, oo jilbaha ka dhunka, sidoo kale walaala. Isku day inaad goosid dhamaan saxiibadaadi xun xunaa ood la saaxibtid dadka ehlu diinka ah ee akhlaaqda wanaagsan.

Ugu danbeentii ogow walaalay inaadan adi kaliya uu san dhibkaa ku haynin oo habla badan iyo wilalbadanba ay meelaha Jeega Dheeryihiin oo aay horay Beerta u Galeen. Lakiin adiga uu ilaahay xaqa ku waafajin, "ayagana Allah wafajiyee" markaa walaalay gacmo furan ku soo noqon. Waxana hubaal ah inay Albaabada oo dhan kuu furmi oo ADuun iyo Akhraba aad guulaysan.

Qalbigagana u sheg in Jerr Springer, Rick, Oprah,2pac iyo shayadhin kala oo la mid ahba aynan waxba aheen oo afar iyo labaatan saax ay radinhayaan Happiness waayo waa Kufaar wasaq ah oo ilaahay uu yiri xataa Xayawaanka way ka liitan. Walaalay mar walba ku dayo dadka fiican

Laxiriir walalaheen ku siyey e-mailkooda si aad rafiiq uga yelatid.

Ilaahay adigana ha ku hanuuniya anaga ha nahanuuniya.

Kusow
Safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
Salaam:.......
...Aliya hadda waxaad maraysaa marxalad wanaagsan (ka wanaagsan midaad ku jirtay!)..Laakiinse waxaa lagaa rabaa inaad wanaaga sidaad u bilowday uu noqdo...
....Waxaa maanta ku horyaal arin culus...laakiinse dabaqabad leh...ee bal sidan isku day...

1. Isku day inaad la hadasho hooyo oo aad ayada ku hormarto...Amase haddii gabar kaa weyn kula dhalatay la hadal una sharax arinta ku haysata!...

2. Hooyo isku boohi, barooro, qayli, cabaad, isbahdil....Ogowna damiirka iska qaad yacnii dulqaado haddii lagu dhaho "maxaan ku iri, maalinkaad i dhagaysanaysay" iwm...

3. Aabe isku day in qof kale sheekada ka dhaadhacsiiyo, adiga marna hala hadlin inta wax hagaagayaan..........

4. Hadday noqoto in hooyo ku tiraahdo imow guriga.....waa inaad jartaa xiriirkaaga hore oo dhan...wiil, gabar, iyo lama yaqaan luqun madow oo dhan....

-------------------------------------------------
Intaas haddaad samaysid qof nool dheh, hadday kugu adagtahay intaas....Aniga waa la iga badiyaa!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

97297718

Unrecorded Date
BY:SAXANSAXO TO:CAALIYA WALAAL ARRINKA AAD SHEEGTAY HADII ALLE KUGU OG YAHAY INUU DHAB YAHAY JAWAABTU WAA SAHAL USOO LAABO,EEBIHII KU ABUURAY AADNA LAKULMI MAALINTA QOFNA WAX KUU TARAYN.WAARIDKAA DIB UGU LAABO KA NA DALAB CAFIS,WAYNA UBADANTAHAY INAY AAD UGU FARXIDOONAA USOO LAABASHADAADA.TEEDA KALE KU DA- DAAL WAXBARASHADA MIDDA ISLAAMIGA AH IYO MIDDA MAADIGA AH.CALAAKULI XAAL CAALIYA,HADII AAD TAH- AY QOF SOO JEEDA RAAC TALOOYINKA AY SOO JEESHEEN WALAALKAY FURQAAN,WALAASHAY SAFIYA. WABILLAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadani

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum:

Cajiib Cajaa'ib OO Cajaba:

Walee waa Aduun.Ma sidan baa inoo dambeysay walaalayaal.

Waxaaan Aad iyo aad ugu faraxsanahay in walaalaheena soomaaliyeed rag iyo dumarba ay diyaar kuula yihiin wixii waano iyo wax qabadba ah. tanina waxay ina tusaysaa in umada soomaaliyeed ay yihiin dad diintooda jecel oo ku qanacsan majority of them. marka walaalo enough is said by my fellow somali bro/sis. hadii ay dhabkaatahay dhibka aad sheeganeysid walaalo ilaahay ha kaaga gar gaaro adiguna waxaa lagu faray in aad la timaadid dadaal insha allah.
wasalaamu calaykum:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aliya

Unrecorded Date
Dear: Bro and Sis


Walaal waan akhriyey taladiinii aad ayaan ugu farxay, Allaah ha idinka abaal mariyo, Walaal
waxaa aniga i helay waa Guryahay dowlada marka
waxaa talo ki bixin lahaa gabar yar oo guri dowlo
lasiiyey maxaa ka danbeyn.lol anyway walaalo taliidi waan raaci insha Allaahu.

PS: We need ppl who can advice us when we did
wrong things, we came this county no one tell
us what is good and bad special in our
community.

To: Aliya

Walaalo waxaad ka halin Magac qofdhan aana meesha
ku dhibaataysan how xaasid your

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aaliya

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum,

Walaal Aliya anigu ma ahi xaasid waxaase la yaab leh inaad isticmaasho magacayga, xal baan u heli doona magaca ee walaal haddii aad run sheegayso oo dhibaato ku haysatana talada walaalahaa raac, ILaah ha ku dhowro, wa bilaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raashid

Unrecorded Date
Talo baxin

Fadalan Taladad Raac aadna u Akhri

Marka hore ogoy inuu aaduunk yahey habeel iyo maalin oo isbedalayo sidaas oo kalane uu isu bedalayo Nolashadada marka ha noqan, hopeless, homeless, talooyinkaan Raac

1) si deg/deg ah ula xirir rerkiinii, hoyadaa, abahaa , walalaha hana baqin una sheeg inaad doneyso inaad dooneyso inand xiriirkisoo ceshato isla markaana qalad sameysay lana labaney oo hadada aad weynatey noqatana qof wax garada ah

2) isku day inaad balado shaqo "full time " si kabto nolalashaada o ogoyna waxey qof yar oo waxaan rajanayaa inaad heli karto shaqo . insha lah

3) Ilaah tala saaro, horana u fegar "think head" postive,iska ilow wixii horey u dhacey , kal baro qaldadkii aad gashey, Learning from experience,

4) ogay inaad tahey gaber yar oo wakhti fican haysto "golden age" ilayhaana kugala xisaaabtimi doono.matka hore u fakir, sida sadad wax u baren laheyd oo aad u anfici laheyd.

NB. waxaad ogaataa iney aad kaagaga aad iyo kuu jecelyihiin , oo aad u xisaneyaan inaad ku meel ku noolaato, ayanan kuu bahantihiin , walal marka Noqa tii dadkeeda, walidkeed wax tartarta inshalah

waxaan u maleynayaa aniga iyo walaahey, safia, towfii iyo walalha kale iney tahey waxii
dheer walaheyga ayaa ku dari dooni.
igala soo hadey dhab ka tahey oo aad dooneyso inaad ku noqoto dadkaagaa , waayo waxaan nahey
urur somaaliyeed oo qabilsan sidaa dadka walidkood ka carey ugu celeynahey dadkood
hadad ka cabsaneye la no xirir


Raashid90@yahoo.com

wa salamu calkeyku

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sam

Unrecorded Date
Talo bixin:
Wallaal Aliya waxaan jeclaan lahaa inaan kuu sheeko qofka bani'aadanka inuu qaltami karo, haseahaatee qof yar ayaa tahay waad dhisi kartaa
nolashaada haddii aad daacad u tahay. Qalatka waa
waayo aragnimo. Haddii aad u baahadid wixii talo
ah igala soo xiriir e-mailkan:dhux91@yahoo.com.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHMED CAYNAB

Unrecorded Date
Asalamu calekum, aaliya;
Walaal, aaliya waxaan aad ugu faraxsanahey sida wanaagsan ee ay walaaladeen muslimka ahi ay kuga la taliyeen taladoodana walaal raac, walaal wixii aanu ku odhan laheynba iyagaa yidhi, laakiin waxaanu sigaara u xusanaa inaad laxidhiidho walaasheen Safiya oo kuula diyaara wixii taloo yin ah oo diini ah. Inteyada kalena waxaanu kuugu ducayneynaa in Eebe jidka wanaagsan kutuso. Waxaanad ogaataa in Ducada waalidku taheyba ta ugu muhiimsan go'aan laqaato.

WAXAAN MARLABAAD U HAMBALYEYNANAA DHAMAANBA WALAALADEENA SOOMAALIDA AH OO RAG IYO DUMARBA LEH OO SIDA WANAAGSAN KUU LATALIYEY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hadiya

Unrecorded Date
to aaliya

walaashiis marka hore waan ka xumahey dhibaatada ku heesata.marka labaad sina way kuugu fiicneed in aad aragtid, dhibaatada qurbaha uu leeyahey.marka hore hadii waano iyo talo lagu siin lahaa maadan yeesheen ee jerry,oprah,night culbka ayaa kaaga fiicnaa mana aadan ogaateen qiimaha uu waalidka leeyahey iyo kafogaashaha dadkaaga foolxumada,iyo dhibka uu leeyahey.tan ku waano qaado waxaan ilaah kaaga baryaaya in aad noqto tii ku camalfasha diinteeda dhoorsatana sharafteeda ....amiin.ilaahna qurbaha shartiisa naga xijaabo qeerkiisana nasoo xijiya .....amiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

manaxdo

Unrecorded Date
Alia

abayo aniga ila soo dag hadaad tahay homeless, caloosha aaba i hurisee see camal adi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salman

Unrecorded Date
bismilaahi raxmaani raxiim

walaal caaliyowaanku salaamay runtii markan bayjkaaga talo doonida ah akhriyey aad ayaan ugu farxay layaabse bay ila noqotay qof soomaali ah oo wiliba gabar ah ayaa danteeda u soo bandhigaysa mushtamaca walaaleheed ah inta badan dadku waxay u maleeyaan in haday sheegtaan dhibta haysta ay ku noqanayso xanjo waligeed ku dhaganaanaysa runtiise anigu waxaan aamin sanahay hadii qofwaliba sidaadaas oo kale wixii ka xumaada oo uu xalinwaayo u soo bandigto walaalihiis in waxbadan oo mushtamaceena ka xun la wanaajin lahaa
aliya aad ayaankuugu hanbalyeynayaa xasuusnaanta aad xasuusatay eebihii ku abuurtay ,maalinta yoomalqiyaame iyo waalidkii ku dhalabay intaba
waxaana ilaahay kaaga baryayaa in wadada toosan kugu hanuunsho amin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel oo aliya u hadlaayo

Unrecorded Date
manaxdo yaa aroosee hadhoowne?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samiiro

Unrecorded Date
Waad salaamantihii walaalayashay muslimiinta aho, waxaana inigu salaamaya salaanta ka dhaxaysa muslimiinta oo dhan tan ugu qiima iyo qaayaha leh.

Salaan kadib ahmen caynab iy safia ayaan ku raacsanahay figradooda, ee eebe ayaan kaaga baryeynaa in ilaahay iska kaacafiyo oo kuu dambi dhaafo, waalidkaana waad in aad utagtid oo ku sheegtid wixii dhacayoodhan waxaana ka cadsataa in ay waaaridkaa kuu dambi dhaafaa. Waalidka in kaartooda waa mid aad iyo aad uxun ee aliya ku dadaal inwalaalahaa kufcafiyaa ayaguba. Waxaan ka cotsanayaa in aad ku dadaashid sidaad ugu dhaqmilaheed diinta iyo dhaqankaaga, oo noqotid gabdihii layaaney oo diintooda iyo dhaqankoo da aan katagey mardambe. Hadaan somaali nahay waxaan kuu rajeynayaa in eebbe kuu dadbi dhaaafo waaridkaana kuu dambi dhaafaan

walaashay ila soo xariir hadaad ubaahan tan qof aad lajeekeysatid waxwalba,waxan kuu ahay diyaar.

E-mail:samiiro@iobox.fi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nadra

Unrecorded Date
Waad salaamantiin dhalinyaro dhamaantiinba.

Walaalo Caliya marka hore iga gudoon salaan.
marka xigta CAliya walaal aad baan ugu farxay
runtii talada aad ka dalbayso walaalahaaga
soomaaliyeed.

Caliya walaalo waxaan anuu kugula talinlaa
maadamoodatay inan soomaaliyeed hadana sii
ah inan muslimada walaalo inaanad halkaagii
kasii wadin dhibtaa ku haysatee aad walaalo
dantaada iyo aayahaaga usoo jeedsato.

Hadii aad ka baqayso reer kiinna Caaliya,
waa runtaayoo kolay wax waa lagu odhanayaa
laakiin walaalaalo wax kasta waxaa laga
raacaa waxii ku anfacayee dantaada ah,
markaa anuu waxaan kuleeyay utag reerkii
oo waxaad tidhaahaa waan soo daalee halay
saamaxo waalidin iyo walaalyaalba.

Isla markaad reerka la heshiisana
hakaa arkaan fir fircooni iyo inaad
mustaqbalkaaga iyo aaytinkaaga usoo
jeedsatay, markaa waxay ilatay inay
iskaba ilaabi doonaan dhibtaad samaysay.

Waxaan intaa kuugu darayaa walaal diinta dhinaceedana usoo laabo iyadaa waxkasta
dadka ka difaacdee.

Caaliya ilaahay waxaan kaaga baryayaa
inuu ilaahay kugu toosiyo jid wanaagsan
sidii uu kuugu duceeyay walaalkeen salmaanba.
Ilaahayna hakaa dhigo tii mustaqlbalkeeda
iyo aayaheeda usoo jeedsata.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nikii dheeraa

Unrecorded Date
to aliya
sariirta hadii aad ku wanaadsantahay aniga ayaa ku qaabilayo cid kale uma baahnid mana u baahnid walwal iyo walbahaar.laakiin malinkii aad sariirta igu hagaajin waydid waa nabadeey.
sidaas iyo ismaqal danbe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nadra

Unrecorded Date
Hadana waa anigiiyoo soolaabatay dhaliyaro,
waxaanan idinleeyay iga gudooma salaan,

MArka xigta salaanta. Waxaan lahadlayaa
NINKA,

Ninkoow ma kula fiicantahay inan walaashaa
ah is garatay inay khalad yihiin waxay ku
jirtay inaad kula soo taliso taladaadaa guracan.

HAday haa kaa tay waxaan ku odhanlaa adiga
laftaadaa halawsane walaal wax wax kuu sheega raadso. Inan walaashaayoo talo kaa dalabtay
lagulama taliyo siliceedee wanaageedaa lagula
taliyaa.

Ninka walal waxay soomaalidu tidhaahaa (kor
biliseed kabo ism dheera) markaa hadaanad wali aduu dhalin hablo amma aanay xataa kula dhaln ka eeg xaga hooyada.

Ninka hadaad waligaa inan la talinayso waan kula
talinyaa haw adeegsan kalmadahan aad soo xulatoo
kalee waxad soo xulataa wax anfacaaya inanta
walaashaa ahee kula tashatay, waayo qofka
kula tashaday waa qof ku saray karaamo.

waad mahadsantiin dhalinyaro
sidaa iyo maalin amma habeen kay idiin tay,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
To: Ninka dheer:
Walaal waad salaamantahay:

Saaxiibow ma fiicna geedka haweenka la yidhaahdo in lagu tiig tiigsado. Saaxiib anoo an hadalka kugubadin Intan yar ayan ku idhi bal iga qabo:

"Maashaa alle dumarku waa ma hurtadeeniiye
Waa midho inoo wada dhashoon cidi kamarmayne
Mida aad qabtiyo Hooyadaa laga mataalaaye
Maxaa caayda mooskaaga taal magane kuu geeyey?
Maskabkii xishoodkiyo maxaasharafta kaamaaydhay?"

To: Nadira: Walaal aad iyo aad ayaan kaaga mahad celin sida sharafta leh ee aad u hadashay:

Thax to all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
To: Aliya :
Walal waan ka xumahay arinta kugu dhacday:
Balse waa iska aduunyo oo waa imtixaan: waxaan kugu la talin lahaa samir iyo toobad in aad kaashatid:

To: Ninka dheer:
Walaal waad salaamantahay:

Saaxiibow ma fiicna geedka haweenka la yidhaahdo in lagu tiig tiigsado. Saaxiib anoo an hadalka kugubadin Intan yar ayan ku idhi bal iga qabo:

"Maashaa alle dumarku waa ma hurtadeeniiye
Waa midho inoo wada dhashoon cidi kamarmayne
Mida aad qabtiyo Hooyadaa laga mataalaaye
Maxaa caayda mooskaaga taal magane kuu geeyey?
Maskabkii xishoodkiyo maxaasharafta kaamaaydhay?"

To: Nadra: Walaal aad iyo aad ayaan kaaga mahad celin sida sharafta leh ee aad u hadashay:

Thanx to all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
To: All Dears:::: I am very sorry for rebeting towice ::::::::::

Thanx:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fardoosa

Unrecorded Date
TO: AALIYA
walaal waxaan umaleenAAYAA ineey hooyada kibirka kaa badisay anigu hooyona ma´haasto aabana mahaasto ila hadana diskotek ma tagin waxaan jiray 14sano markii an hooyaday kasoo tagey ani waxeey ila tahay inaad reerkiina aadid oo aad salaadda tukatit ilaahey aad kacabatit walaahi dadka qaar waxeey umaleenayaan inaan ahay reer baadiye WAAYO ma ahi sida gabadha kale, hadana waxaan jiraa 20 sano MARKII AAN HOOYADAY AAN UTAAGAY WEY YAAB TAY WAAYO ISMEEY DHAHIIN GABADHAADII OO FAYOOW AYAA SOO NOQON insha´ allaah.
wax aan rajeenayaa inaad noqotit gabadh isku fiilan oo sharafteeda dhoorta! i cafi walaal hadii aan wax qalad ah aan sameeyey!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARDOOSA

Unrecorded Date
TO:MRFAROOLE WALAAL NIN BAA TAHAY EE NOOLOW NOLOL RAAXALE WAAN KA HELEY SIDA AAD U LAHADSAHAY NINKA DHEER WAAD MAHAD SAN TAHAY!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
fardoosa waa kaa helay abaay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
To: Fardoosa::

Walashayda jirata wad salamayntahy :

Aad iyo aad ayad ugu mahdsantahy Ducada aad ii ducaaysay iyo Niyada wanagsan ee aad i tustay: Marlabad thanx ::

Adna sidoo kael waxan ku leeyhay Nolo wanagsan oo raxaleh ayaan kuugu duceeyey::

Amaaynu isku fiicnan lahaynba::lol:: Just Joking:

Thanx once again:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nadra

Unrecorded Date
Salaan intii meesha ka soo qayb gashoo dhan
mudanayaal iyo marwooyin iyo waliba dhlintaba.

Intaa kadib hadan usoo noqdo mrfaroole
walaalo faroole aad iyo aad u mahadsantay
sida fiican eed wax ugu sheegtay inankeena
lasoo baxay NINKA.

Wxaan marlabaad kaaga mahadcelinayaa
maskaxdaada aad iyo aadka u shaqaynaysa
una hiilisay dumarka amaantayna.

Sidaynu ognahayba walaalo waa runtaaye
dumarku waa hooyo waa walaal waa afadii
waa habarya waa eedo intaaba kasii dhawoo
hadana waa kuwaad dhalidoonto mustaqbalka
amma aad dhashayba, sidaa awgeed mar hadaad
walaal uu ilaahay ku garansiiyay sharaftooda
iyo cisadooda waa allle mahadii.

Walaal waxaan kaaga tagayaa inan wax
garadaad tahee halkaa kasoo wad waanad
mahadsantay 100%.

To dhalinyarada kale aan inyar idinku
baraarujiyee xasuusta maahmaahdii dhahaysay
"ninka fiican gabadhbaa ka danbaysa" taasi
waxay ina tusinaysaa in hadii aanay dumar
jiri lahayn in anay raguna is indho buuxiyeen.

Macasalaama walaalayaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
To: Nadra...

Waan Ku salaamay sis..

Waxaan aad iyo aad Ugu faraxsanahy sida wacan ee aad U qeexday Wanaaga iyo sharafta aay mudan yihiin Hawenka soomaliyeed..

Waxaan Marlabaad kaaga mahadcelin sida Qiimaha leh ee aad Ii sii say Incouragementiga iyo bogaadinta fiican ee aad ii soo jeedisay..

Waxaana ku leeyahay Thanx for ever ...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jiija

Unrecorded Date
nayaa caaliya beenta is ka dhaaf waan ku fahansan nahay in aad dadka u sheekeyso ayaad rabtaaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M-deeq

Unrecorded Date
TO-ALIYA
Cadey waxxey ni ill atahay intii lagu dhihikaray waa lagu dhay llakiin aniga wexey ila tahay HABARKASTA XAARKEEYDHASHAA XAYOOW TIRAAH
Marka caliya cidiina intaad ku noqota ku dheh waan qaldamee maxaa tale ah koleyba waxba ku ma oran doonaan.
alaha kuu fududeeyo cadey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mahamed

Unrecorded Date
walaalo salaamu caleykum
waxaan ka xumahay inaad hoosta ka noqotay ameerikaan lakiin gor waxaad ka tahay somali
sidaa ogoow walaalo
walaalo wax kasta wey dhacaan.waxaana kula
talinayaa inaad u noqotid walidkaa anad ka baqin
sidaa waana iga ah.
tanbiy@hotmail.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.