site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAR ILLEYN QURUX IYO QARAABO MIDNA LAGUMA GUURSADO DUMAR!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): WAR ILLEYN QURUX IYO QARAABO MIDNA LAGUMA GUURSADO DUMAR!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Waxan ahay arday soomaaliyeed oo wax ka barta waddanka Denmark, Waxan waddankan immid muddo haatan laga joogo 7 sannadood, Waxan waddankan imid anigoo da'deydu ay tahay 22 jir, haddase waxan ahay 29 jir.
To the point, Runtii ma aanan ahayn ragga shabeel naagoodka ah amaba dumarka ay balwaddu u tahay,weligeey qof dumar ah been uma aanan sheegin xataa haddii aan ka helo qof dumar ah waan kala xishoon jirey in aan danteyda u sheegto xishoodka iyo phobia aan dumarka ka qabo awgeed:
Sanadkii la soo dhaafay ee 1999kii markii aan dhameeyey dugsigii ganacsiga aan dhiganayey oo aan shaqo ka helay Communka magaalada aan degganahay ayaan waxan go'aansadey bal inaan guursado qof dumar ah oo wanaagsan, sidaa daraadeed ayaan waxan go'aan ku gaaray inaan bal waddankii tago oo aan bal soo eegto qof i anfacda.
Waxan tagey magaalada muqdisho oon lakulmay waalidkey oo aynan dhawaanahan i arag, kadib markii aan usheegay waalidkey ujeedada aan u imid waxay talo iigu soo jeediyeen in aan ina hebel oo uu adeer labaadkey dhalay guursado, ina hebesha ay waalidkey igula taliyeen inaan guursado waxay ahayd gabar runtii aan weligeyba jeclaa laakiin aanan marnaba ku dhiiran inan wax usheegto,Qofka lama xaqiree waxa ilaahey siiyey qurux iyo qaabdhismeed dumar midka ugu wacan.
Waalidiinteennii ayaa arrinta dhameeyey, meherkii baa muddo yar dabadeed la qabtay,Meherkii kadib aniga waan soo laabtey oo Sponsor baan u xareeyey, Nasiib wanaag saddexbilood kadibba waa la oggolaady oo waa la'ii keenay:-
Bilihii hore waxan ku gudubnay farxad reeynreeyn iyo xiiso, uur beey qaaddey oo ilaahey wiil buu iga siiyey, markii ay wiilkii dhashey waxay qofkii lasoo baxdey dabeecad aan aad ula yaabo, marka hore xanaaq baaba kasoo horeeya,waxay kaloo go'aan ay ku gaartey in ay dhaqaalaha reerka oo dhan aanan wax maamul ah ku yeelan kaligeedna ay maamusho, Dabcan aniga ayaa shaqqeya oo wax ceyr ah ma qaadanno, balse waxay ammar igu siisey sida aan mushaarka usoo qaato inaan iyada u keeno oo ay sidey rabto u maamusho.
Ma ahayn nin balwad leh, sigaarka ma cabin jaadna iskaba daa, waxan layaabay marka waxa xaaskeyga gaarsiiyey aamin la'aanta heerkaas ah mar haddii aanan fataal lacag ku dheel ah ahayn.
Waan weydiiyey waxa helay, caay iyo afxumo beyna iigu jawaabtey, waan ka'aamusey waxana go'aan aan ku gaarey bal iney iyada uun ina maamusho anigana sida aan mushaarka usoo qaato aan farta ka saaro.
waxan muddo sidaa ku soconno, waxay iga dhaarisey shillin dharkii ayaa korkeyga ku uray iydana dahabba kan ka danbeeye ayey isku bedeshaa waana aniga kan shaqeeya oo marnaba xitaa uur debec ama garwaaqsi kama helayo.
Dabcan aniga jaceylka iyada aan u qabo xaas ahaan oo aan waayayo waxa iiga sii kuleyl badan wiilkeyga oo aan dayacayo haddii aan ka gilgisho dhibka ay ina adeertey igu hayso.
Haddii ay ina adeertey lacag jaceyl ka tahay dhibkan waxay ii marsiineyso anigaaba wax walba la jecel balse waxa intaa iisii dheer xanaaqeeda iyo caydeeda tirada badan.
Waxan is tusay inan ku jiro xayaatul kalab anigoo ku shaqeeya lacag aad u badan, waxan ogaadey iney xaaskeygu nolosheyda ay cadaw ku tahay teeda oo qurana ay ka fekereyso, waxana aan is tusay sidan haddii aan cunug labaad uga dhalo in masiibadu intan kasii badnaaneyso.
Sidaa daraaded waxan ahay wiil walaalkiin ah oo talo wax ku ool ah u baahan ee maxan ka yellaa ina adeertey oo aan u guursadey qurux iyo qaraabonimo? anigoo og qaladkan inan sameeyey markii aan gurrsanayey!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamal

Unrecorded Date
hi
sxb calaf aa isku kiin keenay , marka hadii ee sheekadii gadaal kaxumaatay sida aad noo sheegtayba, ama isaga dulqaado ineey is bedesho aa lagayaabaa, ama koleey waa xaaskaagiye sifiican ula hadal wax isaga kiin dhow majiraane, lakin aniga fur maku dheheen, go'aanka adigaa gari kara sxb, qeer aan kuu rajeenaa in arinta Allah kuu fududeeyo.

cafis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muruxsane

Unrecorded Date
sheeko cajiiba ah baadba sheegeysaa...runtii haatan sheekada aan heynaa waa un dhinacaaga kaliya. arin walbana labo dhinac bey leedahay
sidaas darteed talo rasmi ah kuma siin karno anagoo ogeyn inanta dhankeeda iyo waxay tirsaneyso.

haddiise arintu tahay sidaad sheegeyso oo ilaahay kugu ogyahay. waxaan filayaa iney haboon tahay inaad wax ka badasho.


taladuna waxay ku kooban tahay, waxay u baahan tahayna sii oo nacfiga ha ku cariiryin, wixii dheeraad ahna ka jooji. Hadey qayliso iyo hadey ceytantana dan ha u galin. waxaan ku leeyahay waa loo xiraa ayadoo kale oo dagaalna lalama galo, nabadna lagulama joogo ilaa ay dhibku soo karo.
adigu intaa same bal ninkey dhibto hal ogaadee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

geedishaamboow

Unrecorded Date
saaxiibanigaa talo kuu haya wadanka aad joogto naago kale waa joogaan ee naag kale la guurso hadii aad tabar u waydo iyadaa soo dagaysee.
gumaysina ha ku jirin haday rabto inay dhaqanto waa ok hadayna rabina naago waa badan yihiin ok,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jaamac

Unrecorded Date
xuu yahay qofkaani. mugna ardayuu sheegahaa, mugna xamaalatuu sheegahaayaa. yahooy ma akhrisay waxaad qori?


xaa ugu hadlee sidii walax qaabki ka dhumay. ya naagta feeraha ka baji minay qeyla sii wadana ugu naq mug labaad. xay tahay naagaa i xukumeysa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Anon

Walaal runtii markaan akhriyey qoraalkaga waan yara ilmeen gaaray oo xogaa waxaan yara dareemay xajada hada ku haysato iyo sidaad u soo dadaashay oodna u aheyd nin is xukuma oo garanayo mesha uu u jiheeysan yahay.

Hasa ahaatee waxaad ku yara jirtaa hada xaal adag waayo sidaan anigu aamin sanahay "inkastoonan wali guursan" raaxada nolosha aduunya waa adoo qabo gabar fariid ah oo markaad aragtaba qalbiga kuu nuurin, odhan hadal macaan. Hadiise ay gabdhu ayna saas aheen oo xaaladu ay tahay "Qub iyo Qac" markaa waxay ila tahay macaanka guurka iyo lawadaaaga nolosha qofka nocaas oo kala ah inay tahay Liability.

Anagu marka hore kuma lihi dag dag inkastooy Somaalidu tiraahday "Naag xun iyo cishaba waa la dadajiyaaa" hadan waxaan ku yara dhihi lahaa bal xogaa yara fiiri oo ku day inaad waxu waa haweene yara sasabta, tusta waxay islaamku ka qabo labada is qabto iyo siday dhar isugu yihiin oo waxaad bal yara dhagaysatiin cajalada Allaha u Naxariista ee Boqol Soon ee ku saabsan labada is qaba iyo xaqay isku leeyihiin.

Hadiisa aad aragto adigoon dag dagayn in haba yaraatee ayna jirin wax caaqiba ah oo ka soo jeeda gabadh, markaa waa inaad ka tashataa 'xayaatu kalabkaa". Lakiin bil axsaanag ha dag dagin sida qoys lagu dumiyaa way fududahay lakiin sida lagu dhisaa baa adag. Mar walba fiiri wiilkaaga iyo mustaqbalkiisa.

Fadlan ha dag dagin. fadlan ha dag dagin. Fadlan ha dag dagin.

Kusow
Safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
..Salaam....
Qoftan shalay Allaah wuxuu siiyey Qurux, Qaab, iyo Qaylo la'aane...Maanta maxaa keenay arintan?.....

Kabo soo qaad inay u dhacday sheekadu sidaad sheegayso...
...Malaga yaabaa inay Gabadha ina adeertaa ah ay isleedahay "Ina adeerkaa ku naagaysay, maadaama uu lacag haysto haduu kula guursan.. ee lacagta u hay"...

Masa laga yaabaa sidaad markay imaanaysay aad ugu sheekayn jirtay, u ciyaar siin jirtay, inaad adigu hadda ka goosatay?....

I dhagayso...Dhibku gabadha ma aha...ee waa adiga!

Marka hore, xaaskaaga dahabkeeda iwm hakusoo hoosnoqon...
Marka xiga waxaa wanaagsan inaadan xaaskaaga u tusin xoolahaaga inaad kaligaa leedahay...
Middan ah, "dahabka..anigana dharkaa igu uray"...
hmmmmmmmm....xoogaabaad moodaa inay runta ka fogtahay...Laakiinse "dad iyo duurba waxwalba ka filo"...
Labo mid soo gal:

1. Naagtaada inaad furtid sheekadana xirtid....

2. Inaad reerkaaga dhaqatid..aadna mardambe sheekada reerkaaga aadan halkan la imaan....
Haddaad arinta 2.. aad rabtid....sidan samee:

U sheeg xaaskaaga inaad maalin hebla arin ka leedahay (balanso!)...Maalinkaas shaqo ha aadin......Shaqada guriga dhan la qabo maalinkaas...Taleefanka kala bixi..cidna yaysan kusoo booqan.....
Markuu wiilku seexdo u yeer...Fariisi....
"Waxaadna uga bilowdaa sheekada..inaad jeceshahay..bla...bla...Waligaa jeclayd (adoo yar).....Markaas usoo sheegtid sida wanaagsan eed isu qabteen (intii lasoo dhaafay!)...
Inaad dareensantahay inay kugu xadgudbayso...hadday saas kusii socotana arintu ay xumeenayso xiriirkiina (cod degan!)...U sheeg xoolahaaga inay xoolaheeda yihiin..sidoo kalena xoolaheedu kuwaaga oo kale yihiin...Amaa inay tiraahdo paycheck ii keen anaa haynaya...MAYA...
(allaylehe inaan nebcahay reer isku dagaalay lacag iwm?...ceeb caleek!)
.....Haddaad markaad u xog warantid ay ku sii adkaysato sidaad sheegaysid (umalayn maayo)...
Gabadha hadday ku nacday iska fasax, hadday ku rabtana dhaqo reerkaaga...
Fadlan mardambena sheekada reerkaaga halkan ka keenin...saaxiibadaana ha uga sheekayn!....
Saaxiibkaaga runta ah ha noqdo xaaskaaga...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

habon

Unrecorded Date
hi wiilka arintaan soo qorow

labada aad sheegatayba qof laguma guursado waana ka xumahay inaa hada ogaatid ,hakaa saarto ina adeertay iyo habrtay habartay .
ku guurso qofka caqligiisa dabeecadiisa diintiisa iyo siday kuu jeceshahay adna aa u jeceshahay .
ma aqrisan waxaa qoraty ee cinwaankaaba igu filaa.
nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G***

Unrecorded Date
To. Annon

Walaalkiis run ahaantii sheekadaada waa mid "xaada i kicisay" waxaana biloow ilaa dhamaad u aqriyey anoo xiiso uqaba...wax walbaba waxaa ka daran sida fiican ee aad usoo tabisay. Sheekadaadana waa tii uhoreysay ee aan rumaysto inta aan aqrinayey somalinetka! Mahadsanid.

Hadaan usoo laabto arinta familkaada, walaal adiga ookaliya maaha!. Maalin walba dad is qaba ayaa lagu kala dhex jiraa, dadkaasna markii hore iyakaa wanaag & jacayl isku guursaday nasiib darona maanta dhib ayaa kala haysta.

Wax kale iska daaye waxaa laisku qabsadaa albaabka naga riix & riixi mahayo !...bal fiiri waxa daciifka ah ee reer dhan isku qabsanayaan, waxaasna waxaa keenaya baaga muudada badan & is hor fadhiga badan...haduusan ninku shaqo & iskuul lahayn "at least" waa in uu guriga ka baxaa oo maktabada & meel wax laga faaiideeysto tagaa, si uu isaga oo xaaskiisa xiiseeynaya, iyana xiiseeynayso uyimaado.

...Aniga ahaan arintiina waan ka murugaysnahay, waxaan caawa ka jeclaan lahaa in aad is fahantaana ma jiraan, sidaa daraadeed ayaan waxaan kugula talin lahaa in aad ayaamo dulqaadato oo XITAA hadii ay adoo hurda biyo qaboow kugu bil-bisho, ku caaydo, ku xumeeyso. Fiiri dan-na ha u galin (waan ogahay weey adagtahay, laakiin plz)

Arinta hadii ay sii socoto...yaah ! ? murugo ayeey un ku dhamaan oo waxaa imaan in lakala tago.
Aniga ma aamin sani in qabiil, & odayaal hadeey soo galaan ay barako keenayso - intii la idin heshiisiin lahaa heshiiya.

Dhibaatooyinka maanta nahaysta waxaa weeye inta labada qof ay banaanka iska shukaansanayaan waa lawada faraxsan yahay, waa la is jecel yahay, qof walba qofka kale ayuu uturayaa, xalay aan kugu riyooday & markaan ku arko bakeeriyada & saxamada weey iga daataan, wadnahaygii ayaad tahay, isheeydii ayaad tahay iwm. iwm. LAAKIIN maalinta la is mehersado ayaa qof walba kutubkiisi runta ahaa boorka ka jafanayaa oo leeyahay " kutubkeeyga ayaa guriga lagu dhaqayaa" Haye qof walba kutub ayuu la soo baxay kee lagu dhaqmaa ? waa su'aal weeyn una baahan in lagu heshiiyo si wada jir ah meel dhexena la isugu yimaado.

Waxaan idiin rajaynayaa GUUL wiil & caano gabar & caano & isfahan danbe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G***

Unrecorded Date
To. jaamac

Wax lagu kaftamo & wax kale kala baro !.

To. Shabeelnaagood

Saaxiib horta waxaad ku fiicneed psychologist qoraalkada inta danbe,laakiin inta hore uma ekid nin xirfad leh !.

Waxaad tiri "I dhagayso...Dhibku gabadha ma aha...ee waa adiga! " Sidee ku ogaatay ? gabadhii mala kulantay ? inta aadan eeda qofna saarin hubso bal...xukun hakula soo deg-degine !.

Tan kale oo ah " waxaas ookale meesha haku soo qorin" WAAYO ? maxaa fikradiisa ka takooray kumaankumka fikradood ee kale ?

Mid hadaad kawadid gar baan kugi siin taasoo ah " waxa adiga & xaaskiina idin dhex mara cidna hauga sheekeeyn" taasi waa sax oo diintu ma amaanayn nin xaaskiisa ooga sheekeeya dadka kale...laakiin walaalkeen Annon kaarto kale ayuu isticmaalay cid maanta dadkaa ka soo saari karta ma laha oo NET-ka ayuu is ticmaalay -kaaga siidaran si " Anonymous ah". Waxaana laga yaabaa in uu arimo badan wax ka badalay, si aan loogaran isaga, taasna waan ku raacsanahay.

To. Haboon....

Hubsiino halbaa la siistaa...marka walaashiis adoo raali ah ku noqo oo aqri sheekada...Markaas laga yaabee in aad badasho fikradaada.

Mahadsanidiin

G***

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
Walaal G*** waa sidaad u sheegtay..oo waxaa ceeb ah inaad arin ku saabsan adiga iyo xaaskaaga aad dadkale la wadaagto...Amaa arinta anony..Wayba kasii darantahay..oo waxaad sheekadaadii la wadaagaysaa 'lama yaqaan luqun madow' oo dhan...

Salaama...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji

Unrecorded Date
asalaamu calaykum

wiilka qoray

sheekadu way guracan tahay oo waa xaajo ay dumarka og in quruxdooda daraadood loo guursaday ka siman yihiin.

sxb arintaadu maaha mid cusub e waa mid ku dhacday dhalinyaro fara badan. waxyaalaha loo nasbeeyana waxaa ka mid ah.

1- Gabadha quruxda badan rag badan ayaa sida qaalibka ah shukaansada, markaa mar walba waxaa gala han wayni, hadii ay joogto somalia iyo qurbahaba. Markaa waxaa jira dareen qab wayni ah oo ay aamin san tahay in quruxdeedu u kasabtay inay timaado yurub, hadii ay quruxdeedu keentay yurubna ay ku darsan karto maamul qoys. if 2 x2 =4 also 2 + 2 = 4.

2- qodobka labaad gabdhaha aan ilaahay aad uga cabsanin oo ay u dheertay qab ama kibirku aqoon tooduna aanay badnayn waxay dhagaha ka maqlaan in marka qurbaha la yimaado dumarku leeyihiin awood fara badan kadib waxay isku dayaan inay nimankooda ku amarku taagleeyaan taas oo keenta in uu qoyskii islaamka ahaa meesha ku dumo.

Talo:

1- dumar waa u samir ama waa ka samir.
2- gabadhu gaajo ayay ku raagtay intaad qurbaha raaxaysanaysaye iska daa maashu haka soo go'dee. lol
3- mushahaarada markaad soo qaadato waxaad tidhaahdaa aan ka wada tashano si wada jir ah oo sameysta wax loo yaqaano Budgetting.
4 daawo riwaayada Qabyo Walaalkaa 200 doolar walaalkay 10'000 oo keentay furniin iyo burbur qoys.

5- dalxiis gee si ay u dhadhamiso nolosha macaankeeda.

6 noqo romantic oo lacagta ay gabadhu ku qarwayso ugu badal jacayl

7 hadii ay tahay hasshu maan kayga gadaye ma masaar bay liqday xaajadu oo ay wax ay maqlayso la waayo cayda iyo af xumada dayn waydo intaad bidix iyo midig iska eegto mushahaarka jeebka ku shubato saliid, iyo yaanyo, iyo sukor iyo bariis guruga u soo dhig, caano nidona wiilka u soo dhig. inta kale maamulkaaga haku jirto. waa hadii xalkale la wayo....llol kaftanka fadlan raali ka ahow sxb askar ma nihin oo digtoonow kuma jiree....

xaaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Runsheeg

Unrecorded Date
To ninka so qoray sheekadan

waar idhagayso ilaahay kuuma waayin marka adigoo yurub jooga oo weliba shaqaysta ninwaxbartaya caydh qaadan ay naagyari kugumaysanayso ma waalayd
adeer aniga idhagayso saddex naagood ayaan marayaa waxaaana ahay kula fil 29 jir kuwuu quruxda badnaa oo dhan sheekadoodan kafadhiyi wayey markii dambena mid qurux iyo diin leh oo iimankeeda qabta aan kahelay oo kudegey
adaa markii hore jaahilad qalbigu xidhanyahay oo ilaa maalintii dagaalku bilowday xamartagnayd oo naxariis aqoon isku qaaday ee inta goori goortahay oo aanay midkale kugu dhalin iska fur
hadii kale se adigaa walaa kashalaayi
furiinkana waxaa loosoo rogay labadii isgaranwaaya inay kala tagaan
ee bal horta haldalqad ah uun maqashii oo fur bil kadib iyadaa lugahaaga imanaysa markay single mother noqoto oo inbadan cidla kasoo toosto
markaa iska soo cesho iyadoo indho xun oo kutuugaysa hadii kalena Denmarik waa wada naag ee ka xulo saxib

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.