site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

waxaan idin waydiinayaa soomaalidu masiaan bay ahaan jirtay

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): waxaan idin waydiinayaa soomaalidu masiaan bay ahaan jirtay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

raage

Unrecorded Date
waxaan walaalayaal idin waydiinayaa soomaalidu ma sidaan bay ahaan jirtay mise qurbahaa ka dhigay walaalayaal qurbuhu wuu nabadalay walaaalayaal aaway dhaqankeenii wanaagsanaa aaway wanaagii iyo sharaftii aan lahay walaalayaal ma badalmanay mise sidaan ahaan jirnay walaalayaal waa wax laga naxo inay soomaalidu sidaan ku noqdeen waana kaxumahay walaalkiin raage oo jooga usA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
raage maxaad aragtay odey oo aadan hore u arag?
miyadse la yaabeyn marka inta nin la dilo naagtii iyo caruurtiisiina la fuulfuulo oo la laayo hadhowna eyda iyo digaagu cunaan oo meedkii xitaa la asturi waayo?
maxaa kale oo kuu hadhsan inaad aragto? ma gabadh yaroo nin modow ama cadaan ah raacday mise wiil daroogo meel ku nuugaya? waxaasi waxba ilama aha aniga hadii kale bal noo sheeg waxa kale ee la yaabka leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luula

Unrecorded Date
Waa runtaa!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

5Farood

Unrecorded Date
hebel

ishaa ka riday, kan haduu hurdo kasoo toosay, aaway dhaqankii somalia? wiil abtigii dilaya ma dhaqan baa !!! dhaqankii somaliya in la aasay maba oga ninkan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamedf

Unrecorded Date
Raagow, haddaad mooday kaligaa inuu gubayo jiilaalku.ama aad gabooyaha madhan gama' la diidayso. Gidgood adoomaha waxaa gaadhay naber wayn. Maxaad aragtay waan kulla qabnaa uurku taalada e'.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
HEBEL tan maxaa ka dhihi lahayd ,adina hal gabay soo tuur DUQA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muna

Unrecorded Date
Hebel,

Say Sahra sheegtey waaye, gabay soo tuur doqa hadii kale fadhi kuu ma yaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
aar ii xira albaabka aan ooyee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr.congo

Unrecorded Date
somaalidu saan waa dhaami jitay laakiin saaxiibayaaloow dadka dhan somalia ma la is kaseenin hada qaxa iyo danta aa is bartay oo qof walba baanaroyo aa ku weynaatay in kastoo la is dhaamo marka waxaan waa laga baxaa ee ha la iska adkaysto.mardhow maanikoobiyada nadii aa dib loo furaayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamedf

Unrecorded Date
To: Sahra iyo Muna

Guubaabadu maxay tahay, ma waxaad rabtaan inay sil-siladdii Guba oo kale meesha ka bilaab mato

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisa

Unrecorded Date
maxamedf walal aad ayaan uga helay midhtaa aa tidhisay halkaa ka wad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OG

Unrecorded Date
faisa iyo maxa,ed def waxaan ahayn sil-siladan ku soo birayaa ee waxaan idin waydiyay raga la garay ee naaguhu may gobyaan
soo daya gobayga aad haysaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Henrik21

Unrecorded Date
TO Raage! bro ha u fiirin wax dhib ah waxa dhacaya meshu "train" kula socdo uraac dhibna majiro bro shaki aa kugalay waxaadan arki jirin lee aragtay lakiin caadi ayay kula noqon, haday ogalayn siday noloshutahay bro orod aad Africa halkaas ayaad dhaqankagi yaalaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xayaad

Unrecorded Date
raage walaal waa runtaa oo maanta dadkii soomaliyeed rag iyo dumarba waa la is badalay oo aniga qudhaydu waan ka xumahay waayo waxaan ahaan jirnay dad dhaqan iyo diin leh laakiin iminka sida lagu socdo si wanaagsan maha oo mardho waxaan ka baqayaaba in lakala garanwaayo soomalidii iyo dadkii kale ee madowga ahaa. walaal waxay u jeedadaydu tahay waa in aan sida isku dhaanaa oo iminka wixi dhacay way dhaceen oo dee sinaba looma soo celin karo. lakiin waa in aan ka faidaysano wakhtiga aynu heysano oo meeshan wax ka qabsana si aan hadhowto dad wax qabsan kara u noqono. raage walaal waa lagual wada qaba fikradaas lakiin su"aashu waxay tahay sida ma laisu dhaamaya mise waa un lagu sii socon doona. jaaw soomaliweyn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muriidi

Unrecorded Date
Hebel ka leexo anaa afarreey watee

War waa la i galay oo la i gaaday
Gumeystaa ii heshiiyoo i gowracaye
Gabannaduu dooxaa gubadka yaalyaale
Dhaqankii gaboobiyo ka tagay gobanimadii
Gun baan noqdoo gaaladaan dawarsadaaye
Gabdhahaygii qurxoonaa gaal cad baa qaba'e
Gogolna laguma bixin iyo gadday ahaan jirtaye
Gabbaati lagama qaadan iyo geel dhalaye
Gamaan faras lagama bixin iyo giniyo lacageede
Rag baa garbaha haysta oo la gaardiya'e
Gob bay ahaayeen markay gayigii joogeene
Galbeedkaa waxaa ku helay gafuurro weyntiiye
Go'aye ciil baa gibilku ii gariiraaye
An iska guhaado illeen anysu geystaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Unrecorded Date
waan soo socdaa ee tixaha halkaas kasii miisa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabyaye

Unrecorded Date
War anaba wanuu ridanaa e bal na egaa tanii wa cashaq lakiinse gabdahanaa iska leh.

Marka horaba anigaa sahwiyay inaadeerowe
Ooduba xigteey leedihiyo ubaxa geedaha e
Abtiyaaladay baa ii eekayd inaan adeecaaye
Ammaantii Ugaadh Cumar lahaa ereg maxaa geeyey
Qaar Hooyaday u eddo tahay oo aada baa jira e
Alahayow afkaygiyo siddeen aadmiga u eeday
Ama darayo Oodweyne way omas badnaayeene
Agaamo haddii loogu shubo maigmanaateene
Abaaraa ku doogoobi laa erayadaydiiye
Alahayow akaygiyo siddeen aadmiga u eeday
Iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye
Wixii ka adkaadaaba waa akhiro kala e
Waa laygu eemaray cishqiga inaan ku ooyaaye
Alahayow afkaygiyo siddeen aadmiga u eeday
Mad-habtaba ma galo ruux haddu aamin gooys yahaye
axdigaad ka boodaa jannada ooda kaa xidhiye
Adigiyo ashahaadaadu ways ku alla seegteene
Haw oonsan aakhiro waxaad urursataa yaale

all the best sii wadaa wan soo noqonaya e

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.