site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAXAAN SOCDAAL DHEER OO DHEER SAANGURO SAFRO OO SAABAANKAYGU DHABARKA II SURAADO

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Mar. 2000 - August 2000): WAXAAN SOCDAAL DHEER OO DHEER SAANGURO SAFRO OO SAABAANKAYGU DHABARKA II SURAADO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed

Unrecorded Date
Barnaamijkan (The geart hope) la yiraahdo oo goor hore ahaa ayaa waayadan dambe wax uu ku socday xusuus waayo iyo wacdaroba lahaa, tanoo imika lasoo gaaray waqtigii dib loo xusi lahaa, inkastoo iyadu aysan jeclayn barnaamijkan iyo maqalkiisaba imika, hadana fikradii lagu unkay ayay u cawa dhaxdey, ,gaar ahaana magaca uu wato oo ay in badanba lasoo ag joogtay kan ay rajada wayn ka wabtay, iyadoo magacu uu yahay rajadaydaan dhinac taaganahay,.

tanoo xiriirkii rajadeedu kadhkadh soo galay kadib markay dib u oogtay mukur iyo macni dari aan meela sidaa usii jirin, ha ugu darado kii ugu dambeeyay ee ay wacdaraha dhigtay goortii uu odaygu ka soo laabanayay abidjan, iyadoo wixii ay kasoo martay oo xanuun iyo dhib lahaa, oo calool xanuuniyo murugo lahaa, oo cil iyo caraba lahaa hadeerto hal adeeggeedii doontay in ay kaga soo baxdo oo kaga dhabayso qorshahaa magaciissa rajadeeydaan dhinac taaganahay un bay ayadna tidhi,.

waxay hadaba doontay inay u tartanto sidii ay markaa mar un isugu soo taagi lahayd oo ugu guulaysan lahayd inay hananto, inkastoo mudaba lagu murmayay way hanan doontaa iyo maya, oo maxaa guuleed u soo arkay, oo way heli iyo ma helayso ayay dadku isla dhex qaadayeen mar un bay dadkii ka dhex booday oo waxa ay tidhi waan helayaa,.

dad badanoo hadaba waxaa jira lahaa aar may iska joogto, ileen hadhoowto intii ay kasoo martay isaga waa Guuleed e un baa la sheegi doonaa, oo hoogto iyo intee kalee la socotay oo arintan doonayay ayunnbaa la lahaa way ku dhagaroobi doonaan, si hadaba ay malaha ceebtaa iyo cadhadaa isaga sii kala gudho, oo afeef iyo waxay sheegataba ha waydee ay kaga dhigto ayay markii ugu hoarysay isu soo taagtay inay cidhiidhsato sidii ay u hanan lahay, ha hesho ama ha waydee,.

waxay isu sii qaaday hadaba qaar asxaabta ka mid ah, o ay toos ugu tagtay, oo ay u warantay, waxaa hortaba ay tidhi, waan ka helay oo kamabsuuday sida ninkasi uu heerkaa noloshiisii oga gaadhay ilaa iyo maanta, waxay tidhi, horta ninku nin xun ma'aha oo waa nin aad u wanaagsan, waxaanan qabaa ama aan ag joogo ama aan boqolmayl u jiree inuu igu qanci lahaa,.

Arintani hadaba markii ay soo baxady ka dib, waxa ay dadbadani ku tilmaameen inay ahayd , mid ay si fiican oga baaraan dagtay, oo ay kusii bislaysatay arimaheeda mustaqbal ee ku soo foolka leh, halkii hadaba laga eegayay inay horumarkaasi gaadho, ayaa waxa ay u muuqataa imika inay sudhyo gashay oo ay k abixi la' dahay, oo ay weliba isagii u hanqal taagayaso, .

Diblomaasiyadaa hadaba dhinac u gudubka ah ayay ahayd tii uu guuleed iisagu iska ilaalinayay in ay mar un qabsato, hadana tacaba ha sameeyee wuu iska soo xidhxidhay oo kala guray, imika meeluu u socdaa majirto kamase uu quusan rajadii ahayd inuu baladan cago kaga baxsado,.

Hadaladan ayay ahaayeen tii uu dadka ay qusayso arintan gaadhsiiyay, waxa aanu ognahay buu yidhi jidkii loo marayaya qorshihii the great hope ee runta ahaa inuu qar ka hoobtay, oo soo celintiisana aan imika maraba rajo laga qabin, waxaan ku qanacsanahay buu yidhi in aadanaha oo idil inta ay arintani qusayso ay wada qabaan ooy fahameen in xaalku sidaa yahay,.

Iyaduse goortii dad ugu dambaysay waxa ay laheeyd fursadii waa ay timi, waan inaan ku fara adeeygnaa tan oo iyadu ah dariiqii loo mari lahaa mustaqbal fiican oo abda leh, arintan hadaba sida kadis ah taw ugu soo tiri, iaydu ma ay noqonayso mid ay mahdiso waayo uma dhicin sidii ay soo qorhsysatay, hadaba sidii rajadeedu ahayd goortii hore markii ay u soo muuqan wayday, ayay mar keliya is cuncuntay, oo waxa ay tidhi iyadoo caro iyo ciil la hiiftamaysa, .

" waxaan socdaal dheer oo dheer saan guraba, safro oo saabaankaygu dhabarka ii surnaado oon afaysto sidii culimo soon xiratay, oo aan suun la dhugatoobo, imayan dhaxalsiin un imika marka laga reebo irkig dhaygag, amkaag iyo dhaban hays, eeboow guriga aakhiriyo dunida guudkeeda mid un bay galadi ii ahayd inaad i gaysaaye, goodaado dhexe waaa halkaan galabta joogaaye".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geeraarshe

Unrecorded Date
War nin jacbur ku gabyaa la arki jiraye addiguna kadda waxaad noqotay ninkii ugu hooreeyey ee jacbur ku khudbadeeya. Waa gudh stuff laakiin, mar aanan dheelalawsanayn baan u sii kuur geli doonaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaq-u-dirir

Tuesday, August 08, 2000 - 03:47 pm
waxaa yaab badan ninkan dheelalawsan muxuu ahaa mise dadk ameesha soo gala oo dhan baa sidaa u wada dheelalawsan,.

waxaan idiin kula tallin lahaa in aad wax caqli iyo cilmi ka tarjumaya aad keentaan sida walaalka mqaalka sare qoray waa xanquruxle sheeko bilicsan buu inoosoo gudbiyay balse waxaan arkayaa in sidii ay ahayd an looga faa'iidaysan,.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.