site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DHALINYARO IYO GAROOB JACEEL HELAY!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Mar. 2000 - August 2000): DHALINYARO IYO GAROOB JACEEL HELAY!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KENADID

Unrecorded Date
SXBYAAL WAAN IDIN SALAAMAY DHAMAANTIIN.


WAXAAN AHAY WIIL SOOMALIYEED OO JIRO 23 SANO, AYNA JECLAATAY GABER GAROOB AH OO HAL GABER LEH.

ANIGA WALIGEY ARINTAAN OO KALE IMA QABSANIN, BAL MAXAAD KUTALINLAHEEDEEN SXBYAAL.

ANIGA MAR-MAR AYAAN WAXAAN IS DHAHAA GAROOB GABAR WADATO WAA BEELO INAY WIIL WADATO AA DARAN."" SIDAY HOREYBA MAAH-MAAHDU SOOMALIYEED AHAYD.

SXBYAAL WAXAN UBAAHANAHAY TALO FIICAN OO ANFACDA ANIGA IYO DADKABA . WAAD MAHADSANTIHIIN.

KENADID I LOVE SOMALI PEOPLE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuucubayda

Unrecorded Date
TO: KANADIID
alle ayaa mahad iska leh.waad salaamantahay marka hore.

waxaad noo sheegtay inay naag garoob ah ku jeceshahay laakiin maad sheegin heerka aad ka taagantahay adigu inaad jeceshahay iyo inkale
arintu si kastaba ha ahaatee waxaad tahay ninkii midida daabka uhayay marka waxaan kugula talin lahaa inaad beenta iska ilaaliso ama aanad lugown gabadha ee aad runta usheegto. gabadh iyo garoob waxay ku kal duwanyihiin maleh waa hadba tii aad ogaato inay ku anfacayso qofka shiqsiyadiisana waxba kuma kordhiso waxna kama dhinto arimaha guurkiisu.

sidaas ayey ila tahay anigee ma ogtahay diblooma abuuro dadkee!

wasalaama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Laad kusii dhufo.

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
TO:
KENADIID.
Salaam..

Waan fahmay arinta aad tala deeda doonayso. Laakiin waxaad moodaa in aadan soo dhamaaystirin sida wax u jiraan.
Sheekadii waxaad kaga baxday garoob ayaa i jeclaatay, Waadna noo sheegtay in aad tahy nin aan age kiisu waaynaayn.
Anigu waxaan qabaa Sida u sheegay Saaxiibkeen ABUCUBEYDA gabadh iyo garoob farqiga u dhexeeyaa in uu yahay wax iska yar, Laakin waxaa meesha ku jirtay in aad sheegto gabadh Age keeda.
Waxaay aniga ila tahay Hadii aay gabadhu tahay mid aad kaaga weeyn oo 30 Aay gaadhay ama aay ka saraayso In aay adagtahay in aad nolosha la qaaybsatid.
Sikasta xaladu ha ahaatee waxaa iyana meesheeku jirta in aay ku xidhantahay heerka aad ka taagantahay iyo inta uu leeg yahay jeceelka aad u haaysid haweenaydaa..

Thanx 2 all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samsam

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum

Walaal aniga taladeydu waa inaad eegtid niyada aad u haysid, matahay mid aad noloshaada la qaybsan kartid, maku cajabisey. waxa haboon in aad is wediisid su'aalo badan inta aadan go'aan gaarin.

Takale ta da'da inta ay doonta ha jirto haddii aad u aragtid in ay tahay boqoradii nolashaada waayo Rasuulkeenii (scw) wuxuu guursadey Khadiija Rabbi raali haka ahaadee iya oo 40 jir ah carmalna ah, isna uu jiro 25 sano, waxeyna ku noolaayeen nolol aad u wanaagsan.

Sidaa awgeed muhim maha da'da iyo in ay gabar tahay iyo in kale.

Rabbi hana cafiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
To: samsam.
Salaam Sis..

Walaashaay Horta waad mahadsantahay Talada fiican ee aad walalakeen siisay, waxaanse rabaa in aan ka idhaahdo hal Arin.

Waa runtaa Oo arintaasi waay jirtay in nebigu(scw) uu ku guursaday Khadiija cimrigaad sheegtay.
Laakiin Maaha Taasi mid loo daliishan karo Nolosha cadi ga ah ee bina adanka. Dumarkiisu Garoob ayaay u badnaayeen ama carmal, Laakiin khadiijo marka laga reebo waay kawada yaraayeen,
Soomaliduna waxaay tidhaahdaa Naagtu hadaya kaa weyntahay 5 sano Neefteedu Hadaanay kudilin oo aad ka bad badid Adaa saayid wada. LoL. Malaha waxay ka wadaan waay kaa tan waayntahay.
Sikastaba xaladu ha ahaadee Labada qof Wanaagoodu iyo wada noolaanshohoodu waxaay ku jirtaa in Gabadhu yartahay. Hadiise Jeceel Extrimly ah meesha soo galo Wa exception. Laakin waxaynu ka hadlnaayn Nolosha cadiga ah ee Loobadna yahay.

Thanx 2 all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khalil

Unrecorded Date
Keenadid:


Sxb nasiib baad leedahay ee qarso. Waxaanse ku weydiiyey mid kale ma heysaana?;-).


"No i have never been CasaNova"
"Me and Remeo Have never been Friend"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samsam Salah

Unrecorded Date
Asalamu caleykum

Walaal mr Faroole waad mahadsantahay,Waxaan anigu aaminsahay in ay fiicantahay in gabadhu kayaraato ninka amaba ku fac noqoto, laakiin xataa haddii ay ka wentahay oo ay leedahayay waxyaalo kale oo ninka cajabiya da'deedu muhim noqonmayso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

asiibe

Unrecorded Date
TO:KEENADIID waad salaaman tahay waxaan kuu sheegayaa in aadan su,aal macna leh keenin meesha waad iska hadashay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
intee lagu arkay nin inta la salaamo kabacdina dagaal lagu bilaabaayo?.
.
.
.
keenadiid salaama calaykum.
war ninyohow doqon baad tahay meeshana talo kuma heesid ee isaga carar.....maya ha socon ee carar baan ku iri.
.
.
.
asiiba warkaa leendo leendo waaye odey tabar u yeel.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aamina marwo

Unrecorded Date
from;aamina
to faroole
adiga faroole ah ayey iga kaa haysaa,hadalkagan ka
helee ka waran wiilyow,ii soo jawaab walaal
aamina

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
to aamina marwo

Soo orodoo ii kaalay, soo orodoo ii kaalay. (Dhamaystirka adaan kaa sugaa yaa) sis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kendid

Unrecorded Date
Waad mahadsantihiin dhamaan dhalinta iyo wax garadka soomaaliyeed ee ra'yigoodu igu biiray intey ayaga la'ahayd. Waadna salaamantihiin dhamaan.


Sxbyaal anigu saan horey usheegayba gabadha waan iska sheekaysanaa, sxb isku fiican ayaan nahay balse horey baa soomali waxay utiri (sir-naag lagama salgaaro) waxaan tan uleeyahay ma'ahan inaan dumarka oodhan aan ujeedo, laakiin maadaama ay qoftaan iga wayntahay ayna jirto 30 sano ayaan waxaan is iri bal dadka dhalintaada ah ee aad isku dada tihiin latasho, waayo waxaan dareemay inaay soomalaidu tahay walaaleyaal jiro.

Kenadid
talo wanaagsan ayaan doonayaaye sxbyaal soo biiriya

igana raali ahaada daaha aan la'daahay jawaabta, waayo waan maqnaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bidixle

Unrecorded Date
saaxiib kanadiidow waxaan ahay nin dumarbadan la soofaqay.waxa qudha ee aan haween kaaga sheegi karaa waa ama garoob ha noqoto ama gunbuur,ma ku jeceshahay, haa haday tahay,guurso, haweena ta ku jecel ayaa laga guursadaa, taasaana reer kuu dhiqi karta,taasaana ,ceeb iyo caraba,kuu qarin, karta, taasaana, nin kaa dhigi karta haadaad awal ahayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

akhyaar

Monday, June 26, 2000 - 11:35 am
to: amino marwo

fro: akhyaar

salaan.

walaal waxaad tahay marwo, marwo micnaheedana waxaa waaye naag laqabo ooreer leh maxaa kubaday hadaladaad kuhadashsay iyo ciyaalsuuqnimadaas.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.