site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Soomaaliyad ma la waayay?

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): Soomaaliyad ma la waayay?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Waxaa wax aad looga naxo ah qaar kamida ragga soomaaliyeed oo aad moodo inay dumarka ajaanibta xiisaynayaan, anigu waxaan ahay arday soomaaliyeed oo waxka barta waddanka India,lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Hydarabaad ee wadankan yimid rag badan oo soomaaliyeed oo guur doon ah raggaaaasi dhamaantood waxay guursadeen Dumar hindi ah,waxayna ka kala yimaadeen maraykanka,yurub iyo carabaha, ragaas qaar kamida oo aan ka waraystay sababta arintan ku kalkaliftay waxay ii sheegeen wax aan i qancin. waayo aniga agtayda in hindida la guursado waxay iiga dagi wayday sababo jira awgood kuwaas oo ay kamid yihiin
1-Dumarkeenii ayaa ku dayacmaya
2-waxaa laisku biimaynayaa meel aan waxa kasoo bixi doona lahubin waa laga yaabaa inay hindiyadu ku qanciso mustaqbalka dhow laakiin kumaa kaa huba khalfiyaadkeedii,soo lagama yaabo inay dadkeedu hiddo ulahaayeen cudurro xun-xun ama dhaqamo xun-xun,
waliba qaabka hindida lagu guursadaa wuxuu shaabahaa qaabka adhiga looga soo iibsado sayladda waxaa laguu keenayaa konton hablood markaasaad tii ku cajabisa ka dooranaysaa!! aniga waxay ila tahay sidaa waxaa lagu dooran karaa qofkaad maalin iyo labo waqtiga isku dhaafinayso laakiin gabadhaad nolosha la wadaagi lahayd ma noqon karto mid caynkaa lagu guri keenay,
ugu dambayn waxaan odhan lahaa war ragoow caruurtiina umeel daya, oo gabdhaha idinla dhashay ee waxay galaan iyo waxay gudaan aad garanaysaan guursada.
Walaalkiin Axmad jaamac
Hydarabad
India

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hinda

Unrecorded Date
Hello Annon:

What goes around comes around. We will wait for our somali men till they are done with this WOMEN.

Hinda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANONXX

Unrecorded Date
ANNON,
QOF KASTA DOOKH BUU LEYEHAY; MARKA RAGGAASI HADDI AY KA HELEEN DUMARKA HINDIDA; THEY ARE FREE TO DO WHATEVER THEY CHOOSE I.E MARRIAGE. IS IT POSSIBLE THAT THESE MEN HAVE A PERCEPTIONS THAT NAAGTA HINDIDA AH WAA RAALIYO? (AFTERALL BURNING WOMEN IS STILL PRACTICED IN INDIA; DESPITE THE GOVERNMENT CLAIM THAT IT IS BANNED). MAYBE THESE MEN LIKE LIGHT SKINNED WOMEN WITH LONG HAIR. I WISH THEM LUCK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suniyaisse

Unrecorded Date
Asalaamu Aleykum
Walaal Ahmed jaamac waad ku mahadsantahay sida wacan ee aad uga fakareeso dhaqanka iyo caafimaadka walaal waxaa yar inta xikmada leh sida adigoo kale oo ka fakaraaya ubadka danme iyo yuu ehel unoqon doonaa.

waxaan kula talinlahaa raga in ay ka fiirsadaan aajaanibta, maxaa yeeley bari kamaalin waxaa loo noqonayaa wadankii hooyo balse waxaa imaandoona caruur kala nooc af kala af ah wadamo kala duwan ah kala diin ah,ee arintaas waa in laga fiirsadaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Unrecorded Date
waad salaamantahay ahmed jaamacow
bacda salaan intii aan odhan lahaa adaa yiri
waxaa igu dhacay waxaan guursaday gabadh carabiyad ah waxaan jooga dalka imaaraadka carabta waxaa igaga baxay kharsh fara badan oo aan igaaga bexeen gabadha soomaaliyeed nasiib daro markii aan wada joognay sanad waxaa dha maeyn ayaanu isfahmi waynay isfahamlaantaas oo katimi xaga dhaqanka iyo cadooyinka sidii baanu ku kala tagnay waxayna ii dhashay wiil afsoomaali mayaqaan wuxuu ku hadlaa af carabi weliba lahjadii hooyadii buu ku hadlaa
taaso keentay inta badan aniga oo shaqo ku maqan isna uu hooyadii la joogo hada waxaan geeyay wadankii soomaaliya waxaana u geeyay hooyaday si uu u barto sfkii hoyo waayo hooyadii may noqon soomaliyad sidaa iyo nabadgelyo waadna mahad santahay ninkii wax ku qaadanayow taasa igu dhacday si live ah markaa gabadhi waa tii soo maaliyeed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed

Unrecorded Date
By Axmed "carab"

Walaal marka hore waad salaamantihiin dhaman..

waxaan ahay ardey oo waxkabarto magalada dalka Ingiriska, rayigeyga oo ah dumarka somaliyeed ee mudo badan xiiseyn jirey ajnabiga marka waa xiligii oo ragu argudan jirey.( Pay back time)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ladan

Unrecorded Date
carab,

what a childish remark!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Unrecorded Date
by ahmed arab
waad salaamantahay ahmed carabow
salaan ka dib walaa waxaan kaa idhi kelmadii
aheyd dumarkii soomaliyeed baa mudo badan xiisaynayey ajnabiga hadana waxaa bilaabmay doorkii raga waxaan ku oran lahaa khalad khalad
lagumo saxo in aad dumar la xilfintaana ma ahaa
waayo dimarku waa niswaan oo daaiman
way ka caqliyartahay raga in kasto dumarka soomaliyeed ay ka caqli badan yihiin raga soomalida ama raga caalamka baynu oran karnaa
markaa walaal raali iga noqo hadii aan kugu khaldamay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Waan idin salaamay .
Live is short.lama dhaxgalo arrimahan oo kale.
Waa guur iyo calaf,marka raali ahaada MARYOOLEY.
Waa maxay ninkan dhahayo dumarku waxay ka caqli badan yihiin ragga.Malaha asiga ayaa beerta ku jira.
CIAO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cumar

Unrecorded Date
waad salaaman tihiin dhamaan.
walaalayaal calafku meeshii uu doono ayuu qofka ka tuuraa marka hala yaabina wiil ama gabar qof ajnebi ah guursadey arintanina inaga keliya inama saamaynayso ee waxay ka dhacdaa aduunka oo dhan,waxaana soo jeedinayaa in guurka lagu qiimeeyo diinta islaamka waayo dadka islaamka ahi iyagaa walaalo ah ehelna isu ah.

nabadgelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hassan

Unrecorded Date
Hassan Copenhegan

Waxa aan marka hore idiinka xaal celinayaa dhamaantiin walaalkeenaa Soomaaliyeed ee inugu sheegay Maryooley Mr CIAO, waayo hadii aynu nahay maryoolay Isna muxuu noqonayaa ,Markaa aniga caydu way ila xuntahay dooduna way ila fiican tahay markaa waxa aan ku boorinayaa mr Ciao inaan fikradaada dhiibato laakiin aanad caytamin,waayo doodu waxa ay ku salaysan tahay dimoqraadiyada.
Marlabaad waxa aan u mahad celinayaa walaalkeena furay doodan taas oo aan rajaynaayo inay halkan ka sii socoto.
Guurka naagaha Ajinabiga koley aniga waxa ay ila tahay inuu guurka asalkiisuba ku salaysan yahay Calaf iyo Nasiib marba ii eebe ku siiyo,Waana kii fanaankii soomaaliyeed ku heesay HOODIYO AYAAN BAA RAG USKU DHAAFAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
Waad salaaman tihiin dhamaan .

Waxaan ku raacsanahay walaalkeen Ahmed jamac sida xaqiiqada jirta ee uu inoogu waramay, waxaa jirta inay adagtahay in lahelo gabar soomalliyeed oo rabta guur, iyo reer xalaal ah sidaa awadeed ayay dhaliyada soomaliyeed ku qasabtay iney naago shisheeye guursadaan, Runtii aniga waxaan jiclay inaan guursado gabar soomaliyeed lakiin waxay kugu xiraayaan sharuudo adag oo aadan kasoo bixi kareynin sida waa inaad tahay (Handsome) leedahay (Lacag faro badan ) ama ba inaad ka dhatay qolo hablo, Maalada aan deganahay ee wadanka Finland(Helsinki) gabdho soomaaliyeed waa buxaan hada lama guurasado sababahaan kor kusoo sheegay awadeed , dhow asxaabteyda ka mid ah waxay guursadeen gabdho cadaan ah ama Finnish ah aniga marabo enaan cadaan guursado lakiin waxaa laga yaabaa inaan hindiya aado siduu Walaalkeen Ahmed Jamac u sheegay weyee waa inaanu gabdhaha hindida guursanaa kol hadaan guursan kareynin gabdhaha soomalida ah ,

P/S: gabdha somaaliyeed waxay jecelyihiin iney guursadaan raga Finnishka ah oo hadda waxaa soo baxay qolo iyo qabo gaalada qamrigana istaaga ka cabo, markey nin soomali arkaan yiraado (What different between you and me, we get the same money and life the same situation )
ugu danbeeyntii raga soomaaliyeed ee guursaday gabdhaha shisheeye waxaa ku qasbay danta ,,,,,,waxanu arrintaani dulsha ka saareynaa gabdha soomaaliyeed ee diidaya iney soomali guursadaan ama ku xujeeynayo waxeysan karin

Asalamu Alaykun Waa
Omar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
Waad salaaman tihiin dhamaan .

Waxaan ku raacsanahay walaalkeen Ahmed jamac sida xaqiiqada jirta ee uu inoogu waramay, waxaa jirta inay adagtahay in lahelo gabar soomalliyeed oo rabta guur, iyo reer xalaal ah sidaa awadeed ayay dhaliyada soomaliyeed ku qasabtay iney naago shisheeye guursadaan, Runtii aniga waxaan jeclahay inaan guursado gabar soomaliyeed,lakiin waxay kugu xiraayaan sharuudo adag oo aadan kasoo bixi kareynin sida waa inaad tahay (Handsome) leedahay (Lacag faro badan ) ama ba inaad ka dhatay qolo hablo, Magalada aan deganahay ee wadanka Finland(Helsinki) gabdho soomaaliyeed waa buxaan hadana lama guurasado sababahaan kor kusoo sheegay awadeed , dhowr asxaabteyda ka mid ah waxay guursadeen gabdho cadaan ah ama Finnish ah aniga marabo inaan cadaan guursado lakiin waxaa laga yaabaa inaan hindiya aado siduu Walaalkeen Ahmed Jamac u sheegay weyee waa inaanu gabdhaha hindida guursanaa kol hadanayn
guursan kareynin gabdhaha soomalida ah ,

P/S: gabdha somaaliyeed waxay jecelyihiin iney guursadaan raga Finnishka ah oo hadda waxaa soo baxay qolo iyo qabo gaalada qamrigana istaaga ka cabo, markey nin soomali arkaan yiraado (What different between you and me, we get the same money and life the same situation )
ugu danbeeyntii raga soomaaliyeed ee guursaday gabdhaha shisheeye waxaa ku qasbay danta ,,,,,,waxanu arrintaani dulsha ka saareynaa gabdha soomaaliyeed ee diidaya iney soomali guursadaan ama ku xujeeynayo waxeysan karin

Asalamu Alaykun Waa
Omar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amal

Unrecorded Date
TO;Omar I'm very VERY sorry in aad afka ku qabato gabdhaha SOMAALIYEED.PLEASE KAFIIR ERAYAASHA AFKAAGA KA SOO BAXAAYA WALLAAL YUUSAN XAALKU QABANININE.Inlaisku soo xadgudbana waa laga roon yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amal

Unrecorded Date
TO;Omar I'm very VERY sorry in aad afka ku qabato gabdhaha SOMAALIYEED.PLEASE KAFIIRSO ERAYAASHA AFKAAGA KA SOO BAXAAYA WALLAAL YUUSAN XAALKU QABANININE.Inlaisku soo xadgudbana waa laga roon yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*****Caleykum

Dhamaantiin waxaan idin dhihi lahaa

calaf lama degoo
lama diidi karo
waa deeq ilaah

Marka gabdhoow wiilashina soomaaliyeed u naxariista oo bal buuga naxariista ufiiriya calaacalka waa maqleysaane

Wiilaloow idinkana wixii xunba xaawaa leh sheekada haka dhiginee bal gabdhihii ha idinka arkaan wanaaga idinka, illeen qof meel uroon ka carari majiree koley aniga amran ahaan marnaba in my life nin ajnabi maguursadeen hadii nin soomaaliyeed aduunka laga waayana guur la aan baan kaxigi lahaa waayo qof aan af fahmaayo anoo u jeedo maxaa mid aanan isku dhaqan eheen qoorta iisurey siduu walaalkeen axmed ee gabadha carabta guursadey uu noosheegey ayagoo isku diin ahaa balse kala dhaqan ahaa ayey heshiin waayeene idinkoo kala diin iyo kala dhaqan ah xageed ku heshiineysaan. tan kale ogaada in jacaylka hore been been ay tahay waxaan maqley maah maah carabi oo dhaheysa

ALXUBU BACDA ZIWAAJ =
Jacaylku waa guurka kadib

inta kahoreeso xiiso lee ahaa sheekada, waxayna iila muuqataa run inkastoonan waaya aragnimo u leheen

tan kale Omar gabadha lacagta iyo qolada kugu xirtey jacayl kuuma aysan heyne raadi mid ku jecel walaalkiis then jawaabteeda fiiri mise ameyba kuu roontahay midda lacag kugu xirtey tan hindida amey midab iyo timo jilicsan o hindi kugu xirtaa hee (kaftan)
Teeda kale naagaha hidiya qiimahoodaa hoos u dhacsan ayaga dhanba xaraash ay ku jiraan so I am sorry in gabdhaheena soomaaliyeed lababardhigo dad la xaraashaayo

byeeeee wiixii aan qaldeyna raali hala noqdo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sayidiin

Unrecorded Date
Marka Asalaamu calaykum dhamaan walaalaha somaliyeed oo meeshan dooda qiimaha leh isku weydaarsanaya, sababta aan sidaa u leeyahayna waxaa weeye waxaan arkay meelo fara badan oo doodda ay ka buuxdo dad wax iskuma-falayaal ah oo 'waxba-kaama-quseeyaane-qor' wax u qoray.

Haddaan fikirkayga liita ku darsado doodan xiisa leh, walaalayaal, horta eedda ka taagan dhibaatadan guurka waa la wada leeyahay rag iyo dumarba, siday doontaba ha ku dhacdee, waxa salka u ahna, anigu waxaan oran lahaa, waa aaminaad la'aan, daacad darro iyo waxyaabo la halmaala. Waxaa loo baahan yahay in dadku marka hore ee la isbarto lagu wada macaamilo qalbi saafi ah oo aan dan si gaar ah cidna u fiirin ee ay wax walba noqdaan wax runta iyo daacadda laga raaco, waayo? Waxaan aas-aaska laga dhisin isma qabsanayaan, taasna waxaa ii xoojineysa fikirka soomaalida ee ah 'NAAG BEEN BAA LAGU SOO XERO GELIYAA BEENSE LAGUMA DHAQO'. Wax walba in xaqiiqda laga raacaa ka wanaagsan haddii ay murre ka kharaartahay. Tan kale, ragga dibedda kasoo guursanaya waxaan oran lahaa naag shisheeye waa naag oo shahwo ahaan waa ku hananeysaa, balse kama helaysid waxaad aad ka haleyso gabadha somaliyeed mustaqbalka fog. Hablaha soomaaliyeedna waxaan oran lahaa, inta aad is leedihiin kani ma ku tuuri doonee, kani makaad rabtaa, ha guumeysoonina ee raggiina kii xun iyo kii wanaagsan labadaba kii Alle kugu soo aadiyo ku qanac hadaad wax dheertahayna u siyaadi waxa ka maqan ilaa inta aad karto. Walaalayaal, hadal badani haan ma buuxshee, aniga waa iga intaa. Asalaamu calaykum.

Mudan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdikarim

Unrecorded Date
Gabdhoow u naxariista wiilasha soomaliyeed.

Koleeba waa leeysku baahanyahay.

Ee haleeysku naxariisto ilaahbaa naxriis lehe.

Waad mahad santihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somebody

Unrecorded Date
Hi everybody!

Aniga boggan bilowgiisa keliya ayaan akhriyey oo inta kale wakhti ayaan u waayey,laakiin haddii gabdhaha somaliyed ay wada ahaan lahaayeen Suban oo kale meelkale ma fiirineen.
See Suban! I love her,you know!

Somebody.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samira

Unrecorded Date
Asslamu Alaykum brothers and sisters.

Waalalayal anna manan akhriyeen intaa daanbee ee
waalalehen qoreen, lakiin qofkaasto uxuu ciyaara dokhiisa.Maarkaa rageena soomaliyeed halayaabina.
Dumaarkeenubaa waay lamiidyihin.intaabaadan waxay
guursadaan raaga aah black/american iyo caraabta.

waad mahadsantihin.
ps. hadan wax khalday iga raliigalliya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAAFAA

Unrecorded Date
AHMED JAAMAC, SALAAN KA DIB, WAX BADAN BAAN RAADINAYEY REER HYDERABAD, BAL KA WARAN MAGAALADII, WAXAN DEGENAAN JIREY HYDERABAD, SANADADII 84-85-86-87, XAAFADA A-C-GUARD.
WAAN JOOGAY DHIBAATOOYINKAA DUMARKA HINDIDA EE LAGA GUURSAN JIREY HYDERABAD, WAXANA U BADNAA BERIGAA RAGA CARABTA DEGENAA, WAXAD MOODAA KHALIIJKA INEY KA DHAADHAC SAN TAHAY HINDIDUDU INEY CILMI LEEYIHIIN OO NAAGTU U SHAQEYNAYSO, WEY JIRAAN RAG MAANTA SIDAA KU FEKERAYA, ANIGU BERIGII HORE AAD IYO AAD BAAN UGA SOO HORJEEDI JIREY GUURKAA DUMARKA HINDIDIDA MAANTA MARKAAD EEGTO DURUUFAHA QURBAHA GAAR AHAAN YURUB, EE KALA HAYSTA RAGA IYO DUMARKII SOOMAALIYEED, WAXAAD MARAR DOOR BIDAYSAA INAAD KELIGAA NOOLAATO AMA QOFKII NAFTIINU IS QABANAYSAAN AAD LA NOOLAATO.
AHMED IYO DHAMAAN DHALINYARADA KALE WAXAN U SHEEAGAYAA ARINTU INAANEY HALKAA JOOGIN EE AYNU RAADINO DAAWADA CUDURKA AH RAGA IYO DUMARKA IS AFGARASHADOODA.
WAA MAXAMED AXMED FAARAX (JAAFAA)
OO DEGEN NORWEY, TRONDHEIM.
jaafaa@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAIL

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM:

WAAD KU MAHADSANTIHIIN,AAD WAXAAN USALAAMAYAA AMRAN.M WAXAAN KU QOSLEY SIDA AAD UGU GARQAADAY LABKA IYO DHEDIGA SOOMAALIYEED.WAXAY ANIGA ILA TAHAY INUU QOFKU FAHMO SABABTA UU U GUURSANAYO IYADOO MUJTAMAC KASTA OO ADUUNKA KU NOOLI SIYAABO KALA DUWAN NOLOSHA U KALA DOORTO.MUHIIMADA U WEYN EE DUNIDA MUSLINKA AHI U GUURSATAA AY KA MID TAHAY UBAD UU ILLAAHAY(S.W/T)UGU DEEQO,XIL CULUSNA AY DIINTU INAGA SAARTAY,HADABA SI AY LABADA RUUXBA NOLOSHA UGU RAAXEYSTAAN,UBADKUNA AYNA UGU DAWAKHIN LABADA DHAQAN EE KALA GEDISAN WAXAY DANTU KU JIRTAA INEY QOF KASTAA KA GUURSADO BULSHADIISA.WAXAAN KU SOO GABA-GABEYNAYAA NINKA U HAYSTA INUU GABDHAHA SOOMAALIYEED WAX YEELAYO MARKUU NAAG AJAANIB AH GUURSADO ADIGAA SAAXIIB KU DHIBAN MARKAAD DOONATAY MISKIINAD HINDIYAD AH AMA AJAANIB AH WALIGAANA OGAAN MESID NOLOSHA AAD GARAB MARTAY XIISAHEEDA IYO MACAANKEEDA ANIGAA KU JIRA OO OG WAXAY GALAAN IYO WAXAY GUDAAN CISI IYO SHARAF AYAAN U RAJANAYAA GABDHAHA SOOMAALIYEED SIDA(SUUBAN, AMRAN, XAASKAYGA AAN AAD U JECLAHAY IYO KUWA KALE EE TIRADA BADAN)ILLAAHOW NOO SIYAADI. AAAAAAMMMMMMMMIIIIIIIINNNNNN

WAAN MURAAQOODEY MARKAAN ARKEY HADALADA QAARKOOD OO MEESHA KU QORAN GEFNA KU AH GABDHAHA DHEEMANKA IYO DAHABKA KA QAALISAN EE SOOMAALIYEED
HALAY DULQAATO HADAAN CID KU GEFEY.
WAA ISMAACIIL
DEGAN LONDON.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*****Caleykum

Dhalinyaro Salaan kadib

Ismail London walaalkiis waad mahadsantahay adiga iyo xaaskaadana waxaan idiin rajeynayaa nolol aayatiin wacan inuu ilaahay idin siiyo AAAAAMMMMMMIIIIIIIINNNNNNNNNNNNN

macsalaama dhamaantiin dhalinyaro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAIL

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM

MUDANE IYO MARWOOYINBA WAAD SALAAMAN TIHIIN:

MAHADSANID WALAASHEY AMRAN ADIGA IYO INTA KULA MIDKA AHBA WAXAAN IDIIN RAJEEYNAYAA INUU RABI IDIINKU DEEQO NOLOSHA UGU MACAAN(HERE AND THE HERE AFRER)AAAAAAMMMMMMMMIIIIIINNNNNN

THA

ISMAIL LONDON

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice

Unrecorded Date
To all my bro's

I strongly believe that somali woman are the best woman on the earth. let me give you one example see your mom? Then tell me what do you think about your mom? her attitude,behavior,etc.
Finaly, Allow ha ii calfin gabadhaan soomaali ahayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAIL

Unrecorded Date
ASLAAMU CALAYKUM:

To Mr Nice;

Waxaad ku duceysatey duco aad u fiican INSH'ALLAH EEBE wuu kaa aqbali waliba ruux fiican.

seya bro,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamed

Unrecorded Date
dhamaanba waxaan ku hanbalyaynayaa sida waanagsan ee rag badan oo soomaaliyeed uga fekeraan dumarkooda, rabi dumarkana haynoo hagaajiyo, maanta xaalku meel werwer badan buu marayaaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Akhiyaarta Salaan kadib

Ismail thanks oo aamiin walaalkiis

Mr. Nice you gave us the best example bro aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay ilaahayna ducadaada meel wanaagsan hakuu mariyo oo hakaa aqbalo

Maxamed Walaalkiis waa runtaa waan kugu raacsanahay dad badan oo isbedeley way jiraan ilaahay ha noo toosiyo wixii naga qaldamey raggeena iyo gabdhaheena soomaaliyeedba

macsalaama dhamaantiiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice

Unrecorded Date
To Amran, ismail, mohamed

Waad mahadsantihiin dhamaantiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

James Alone

Unrecorded Date
James Alone

Ku dhamaan dhaliinyarada.

Waxa ay aniga ila tahay calaf inuu jiro ,lakiin naag shisheeye iyo soomaaliyad layma barbar dhigi karo,oo soomaaliyadaanb dooran lahaa si kastaba ah ahaatee taana igu ogaada.

Haweenkeena waan ku han wayn nahay

James alone
Copenhegan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MTarey

Unrecorded Date
labo todobaad ka hor waxaan boggaan u soo diray maqaal aan kaga qayb qaadanayey waxa uu xambaarsan yahay. waxaa ilaa maanta ii muuqan la meesha uu raad iyo cirib dhigay. waxaan iswaydiinayaa inuu jinni dafay, inaad tayadiisu idin cajabin iyo censureship" meesha ay ka jirto.

mahamud tarey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed jama

Unrecorded Date
Walaal Mah'ed ahmed "jaafaa"
Dhalinyaradii reer hyd way wanaagsan yihiin waxaa
badanaa soomaalidu dagen tahay humayun nagar, masab tank,iyo Ac guard, warbixin khaasa waxaan kuugu soo diri doonaa E-mailkaaga. waxaanse aad uga xumahay ianay aad usii badanayaan dadka meeshii barkaz ee aad ogayd usoo guur doonanaya,markii hore waxay ubadnaayeen khaliijka
odayaalna way ubadnaayeen iminkase dhalinyaro katimaadda maraykanka iyo yurub ayaa ubadan waxa halkan yimaada, waxaan kaa codsanayaa inaad uxog warranto dhalinyarada reer norwey si aanay bohol ugu dhicin.
Walaalkaa
Ahmed jama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shaper

Unrecorded Date
Amaraneey walaal waad iga yaabisay
when you did say that love comes after marriage

How could you marry someone yopu don't love ?


i believe to marry someone you should love so much .

and also marriage without love doesn't last.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum

Dhamaantiin Waad Salaamantihiin

Shaper walaalkiis marka hore salaan marka xigta
I didn't mean that love comes after marriage, but the real love comes after the marraige!!!

ofcourse the person that I want marry should be the chosen one, from all over the men that live on earth, and that choice definitely goes under the rules of "LOve"

marka walaalkiis ugama jeedin in qof aadan jecleen aad guursaneysid dabcan qof aad jeceshahay ayaad guursan however; the more you spend life with that person the more stronger and realistic ur love becomes heee waa i fahantaan u maleenaa macalinka

byeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Safiyo

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi

Walaal Axmad Jaamac Allaha kaa abaalmariyo sida aad ugu fakiraysid mustaqbalka dadka soomaaliyeed waxaana Illaahay kaaga baryayaa inuu ku siiyo mid raaliya ah ilayn waa tuu nabiga scw. xadiis ku lahaa: "aduunyadu waa mataac, mataacda aduunka taalana waxaa ugu fiican marwo wanaagsan".
Walaal kolay aniga naftayda ayaan rajaynayaa inaan hanto Ilaahay idinkii waxaana Illaahay ka rajaynayaa inuu wax iigu daro wiil mu´min ah oo soomaaliyeed, wey adag tahay in qof kale arintiisa wax laga qabto aan ka ahayn TALO. Meeshan aan joogno ee Sweden dumarka soomaalida waxaa guursada raga kale ee ajanabiga inkastoo ay muslimiin yihiin laakiin aniga waan liqi la´ahay wali ruux aan soomaali ahayn, waana ka murugoodaa sidaad adigaba ugu murogooto waxaana rajaynayaa in walaalahayga ku baraarugsan aritaa ay bataan.

Ugu danbayntii waxaan ku soo gababaynayaa hadalkayga walaal ha u nixin gabdhaha soomaaliyeed oo ma dayacmayaan taasna Ilaah ayaa balanqaaday oo Illaahay wuxuu yiri: " dhulka ma saarna wax nool ilaa Ilaahay ayaa balan qaaday irsaaqadeeda" guurkuna walaal wuxuu ka mid yahay irsaaqda uu Alle siiyo adoomadiisa.

Mar kale waxaan Alle kaaga baryayaa RISQIWANAAGSAN Axmad Jaamacow walaal.

Walaashaa Safiyo

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAAFAA

Unrecorded Date
TO: AXMED JAAMAC,
AXMED, AAD IYO AAD BAAD UGU MAHADSAN TAHAY FARIINTAADAADII, WAAXAN IMINKA DEGENAHAY MAGAALADAN TRONDHEIM, WAXAN U SHAQEEYAA HAY'AD U DOODA QAXOOTIGA OO LA YIDHAAHDO "SEIF", WAXAANAN AHAY PROJECT MANAGER.
IMINKA WAXAN U SHAQEYNAYEY 2 SANO.

WAA "JAAFAA"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Santa lucia

Unrecorded Date
santa lucia

gabdhaha somaliyeed ee ku nool waddamada
yurub iyo north america waxaan idiinku boorinayaa in aad guursataan ragga carabta ku nool, maxaa yeelay carabta dumarka aad ayaa looga qadariyaa, ka horna idinka tijaabiya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Andre

Unrecorded Date
Hada ka hor ayaa labagabdhood oo soomaaliya midkood tii kale ku tiri naa fiiri ninkan gaalka ah ee qurxoon kuna dhac. markaaseey tii kale ugu jawaabtey anoo feerayare u jeeda maxaa gaal iigeeyay. feerayare= soomali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aniso C

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum:

Aad baan ugu faraxsanahay ineey jiraan wiilal somaali ah oo u fikiraya saad u fikireeysan iyo xushmuda iyo jaceylka aad noo haysiin wali walaalayaal aad baad ugu mahadsan tahiin. Laakin ogaada yaah ineey jiraan wali gabdho wiilasheena soomlida kaliya raba sida gabdhaheena meesha wax kusoo qoray.

Saafiyo Macaanteey talo fiican ayaad noo soo jeedisay kuwi saasheegtay noqda alaha naga dhigo (aamiin)

Sant lucia walaal mawaxaad sheegeysaa nibanka soomalida oo carabaha jooga masa carabta naftigeeda. Walaal hadaan kuwii carabaha joogay raacno wiilasheeni qurbaha joogay yaa naag u noqoni walaal wiilal fican weey joogan qurbaha kuwaas na ilaaheey hana tusiyo. Walaal waad mahadsantahay lakiin kuwa kuu dhow lagama cararo oo ku kaa fog loo ma cararo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice.

Unrecorded Date
To Aniso:

Maxaan ku siiyaa? Afkaaga jano lagu qabay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CCALIYOW

Unrecorded Date
Hi everybody, Rag iyo Dumarba waxaan idikala soo hadlayaa North America waxaan aqristay dhowr bog
oo ugu horeeyay waxaana aan ka fahmay in raggi soomaaliyeed ay baroor diiq u fadhiyaan waana arrin laga xumaado balse aan idiku booriyo rag waa kii adkeysta, idiku waxaad ka hadlaysaan gabdho raacay finnish ama addon ku nool North america"Nigger" well soomalidu waxay ku maahmaahdaa BUN HADDI LA WAAYO BADDALKIISAA LA HELAA soo iska dul qaata haddii aad waqtigiinii haray u soo qaadateen hana la yaabina RAGGA SOO guursaday haweenka INDIA ama CARABTA nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aniso C

Unrecorded Date
To ccaliyoow:

Walaal waxaad ka dhigeeysaa ineey gabdhaha soomlida oo dhan niban ajnabi ah raaceen. Walaal awaay gabdhaheena diintooda iyo dhaqan kooda haysta ma arkeysid kuwaas kuwa ka had laaya oo faana haya intaas waxaad ka hadleeysan naago gaal raacay walaal kuwaas ka samra oo kuwa oo jooga raadsada gabar fiicana maweyneeysiin.

To Mr nice:
Macaanow waxaad isiin karta kaliya xarfaha raxmada leh ood ku iigu dadaashid. Adna markaaga maxaan kusiiya?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice.

Unrecorded Date
To Aniso C:

Gacalka qar qaryaaba iqabatee maxaan wax ku waydiistaa,just joke,waad mahadsantahay walaashiis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Luula

Unrecorded Date
To ccaliyow:
Dhamaan waan idin salaamey salaan ka dib. ccaliyow aboowe gabdhuhu isku wada mid maahee qaar North America jooga oo waxaa jira nin Soomaaliya mooyee ninkale aan rabin. Tii "Niger" raacdana waxaa laga yaabaa ineysan jaceyl u raacin ee "desperate" ay tahay oo nin soomali ah oo la hadla weydey. Anigu gabdho Soomaali ah oo aan Consult gareeyey ayaa ii sheegey iney nimankii Soomaalida wanaag ka waayeen. marka waxaan filayaa rag iyo dumarba waa la isku wareerey oo qurbaha ayaa na waaley. Xal ma maloo heli karaa arintan ayada ah ee rag iyo dumarba tabanayaan???????
Xalku wuxuu aniga ila yahay in la isu dulqaato oo Soomaalidu garab isku siiso oo ay is guursadaan ayaga keliya. Sababtoo ah marka gabadhu u hiiliso ilmahiida waa markey aabe dhaqan garenaya iyada guursato sidoo kale weeyey raguna. Marka inaga saas ayey arintan ila tahay

Byeeeeeeee
Canada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
to: dhamaantiin salaan,

Ragga soomaaliyeed baa sababa in gabadhu raacdo nin shisheeye, raggoow qaata qaladkiina,haddii kalena daaya eeda, idinkuba waad keensataan shihseeye..... rag...rag

maxay maqaldamayaal iska dhigeen.....
maxaa dumar qalad la saaray....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sureer

Unrecorded Date
Salaama Aliekum
Aqyaarta salaan ka dib runtii fikradaan aha in dumarkii ajanabi ay raaceen iyo in rageeni ay guursadeen dumar kale waa arrin aheyd iney dhacdo amase qorneyd . Qof waliba qaladkiisa ayuu wax ka bartaa .
Qurbaha iyo qaladaadka ka dhacay ayey ka mid tahay ee ha la isku dulqaato
" Sabraaye sadkiisi helaaye...."
wixii calaf ee qoron la waay maayo, ee ilaahey ha laga tuugo in calafka noo wanaajiyo . Aaamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ckariim

Unrecorded Date
salaan diiran kadib waa dhagayste jooga danmark
kadib markii aan aqristay dhaliilo fara badan oo la is waydaar saday waxaan ku qan cay figrada ay soo jee didsay inanta luul o ladhaho oo tilmaantay dhibaa too yin ka keenay in ay dumar iyo ragba ay raa caan aj nabiga .
aniga figradadayda waxaweeye in meel dhexe laisugu imaado mida kale waxaa la arkay hadii inan ka dhacdo qarka in ayba soo noqon waydo qaar kood baa soomalinimada in kiro meesha inanku soo noqosho dhaw yahay byyyyyyyyyyyyyyyyy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR GAAFOW

Unrecorded Date
Aqyaarey asalaam clkm all of you


Arintaan qof walba sidey la eheed buu u sheegey ,aniga waxey ila tahey: waxaan maanta ku noolnahey (bulsho dhaqamo kala duwan ah) marka haddi wiilasha ey ka heleen gabdhaha hindida, ama gabdhihii ey raaceen AXMADEEEEEEEEEY heeee, marka cilad baa jirtee, ee hala daaweeyo ciladaas.

Ciladaas waa is af fahanwaa ka dhax dhashey
wiilashii soomaaliyeed & gabdhihii markii la yimid west, hadaba aan raadino sidii loo heli lahaa daawo, hadaan qaldamey heeee aqyaaarta ha la iga qaleeyaheee. Walakiin idin jecel Mr GAAFOW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Dhamaantiin Salaan Kadib

Mr. Gaafoow malagaa qaleynaayee qoorta aa lagu qabanaa........lol(kidding bro)

Walaalkiis waa runtaa waana kugu raacsanahay iney cilad jirto laakiin waxa aan la yaabanahay

wiil soomaliyeed markuu af garan waayey gabar somaliyeed oo ay isku luuqad isku dhaqan isku sinji iyo isku diin yihiin
sidee buu u af gartey mid shisheey???????

wixii qalad raali iyo nus halaga noqdo bye..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR_RUN_SHEEG

Unrecorded Date
SALAAN DHAMAAN,

GAAFOOW WAA RUNTAA WELIBA INTA AY HABLEHEENU RAADINAYAA RAG RAASHINKA U KARSHA, ILMAHANA U HAYA, CILADADU WEY SII JIRI DOONTAA. HINDIDA AYAANA LAQATAA WAAYO WAA DAD DHAQAN ADAG LEH, OO SIDAYADA DAMEERU DHAAN RAACDAY AAN AHAYN.
WAR BUSHKULEETI GEYGII I SAARA.
NABAD GELYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciir

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum

Marka hore waad salaaman tihiin dhamaantiin. Marka xigta kolay anigu war uma hayo yurub laakiin North America qaas ahan magaalada Toronto wax gabdho ay guursadaan la'a ma arag waayo weekend walba ugu yaraan waxa dhaca 3 ama 4 aroos. Mida kale hadii raguna dumarka ka dacwoodo oo dad qalaad ka guursado, dumarkuna ay ka dacwoodaan raga oo iyana ajinabi guursadaan siday umada soomaalidu u xalinaysaa dhibaatada iyo is afgaradwaaga taagan sanadkan maanta ah? Aniga waxay ila tahay hadii xooga la saaro xaajadan in daawada cudurkan ka dhex dilaacay raga iyo dumarka soomaalida la heli doono.

Amaano allah iyo amaano rasuul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JACAYL

Unrecorded Date
FROM JACAYL

TO DHAMAAN AKHRISYAYAASHA
DADWEYNOOOOOOOW SALAAN HALKAN WAXAYNU OGNAHAY INAYKU DOODAAN DADWEYNAHA SOOMAALIYEED WAANAY WANAAGSANTAHAY DOODU HADABA MIYAANAY WANAAGSANAYN MARKAAD SUAAL KA JAWAABAYSO INAAD KAGA JAWAABTO SUAASHU AFKII AY KU QORNAYD WAAYO WAXAAN HALKAN KA ARKAA INAN SOOMAALIYEED OO SUAAL DADKA SOOMAALIYEED SOO WAYDIIYAY WAXA U JAWAABAY DAD BADAN OO QARKOOD AY UGU JAWAABEE AF SOOMAALI LAAKIIN WAXA LA YAAB LEH SHAQSIYAADKA AFKA KALE KU JAWAABAYA IYAGOO SHEEGANAYA SOOMAALI HADABA WAXAAN DAD WAYNAHA KA CODSAN LAHAA IN SUAALAHA AFSOOMAALIGA KU QORAN AY KAGA JAWAABAAN AF SOOMAALI HADAANAD GARANAYN OOD SOOMAALINA TAHAY AFKAAGIINA AANAD QORI KARAYN HAKA JAWAABIN SUAASHA KU QORAN AF SOOMAALIGA LAAKIIN KA JAWAAB SUAALA AFKA QALAAD KU QORAN WAAYO ADUUNYADA MA JIRTO WAXAYAABAA AYNU KU DHAQANO UMAD KU DHAQANTAA
WAAD MAHADSANTIHIIN
FRMDENMARK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdulhakiim

Unrecorded Date
Asalaama Caleykum Dhamaantiin intiina wax garadka Ah, Rag iyo Dumarba. Aniga oo kunool waqooyiga Ameerika waxaa aaminsanahay inaan guursado Gabar soomaaliyeed. Balse waxaa adag in maanta ay aad udagtahay si lagu helo inan soomaaliyeed oo wanaagsan oo ku nool North Amerika. Shaki kuma jiro iney jiraan Gabdho ilaahey uu ku maneystey akhlaaq iyo xishood labada. Hadana waxaa jirta iney na saameysey habdhaqanka bulshoonka inooga soo horeerey Ameerika. Marka waxaan u sheegi lahaa walaalaheyga Soomaaliyeed (Rag iyo Dumarba) iney ku nooladaan hab nololeedkii Nabi Mohamed PBUH waa hadii ay rabaan iney ku noolaadaan Nolol farxad iyo reynreyn ay ku jirto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR GAAFOW

Unrecorded Date
Asalaam clk dhamaantiin

To Jaceyl

Macalinka weyn maxaan ku siiyaa, oo aan kuugu mahadnaqaa, runta baad ka hadashey. Mahadsanid walaal waxaan u baahanahey adoo kale oo difaacaaya afkeeeeeena hoooyo. Mahadsanid jaceyl.

To Amran

Abaayo macaan runta waaye in aanan is fahmeenin naago shisheeye oo aanan isku dhaqan & isku diin eheyn, laakin sen wax yeeleenaa haddi aan idinka weyno idinka hablaha soomaaliyeed jaceeeeeeeeeel & gacaltooyo macaaan ?

TO DR Runsheege

Abaa runtaa waaye, laakin naagaha moryooleedeena in aan iskiiga sabarno ameeeeeeeeeey noo roontahey bro ?

To Ciir

suaal walaalkiis waxad noo sheegtey inta sitamaankii is guursata, haddaba meeqaa is furta sitimaankiiiiiiiii?

Haddan wax qaldey ha leyga qaleeeeya heee aqyaarta.

MR GAAFOW, Sweden.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleekha salim

Unrecorded Date
Casiisa

runtii marka laga hadlo guurka waxaa sax ah in la guursado nin aad isku dhaqan tahiin oo hadana isku midab tahiin oo isku afna aad tahiin
dadka raacayaan shiishayah waxaan idinka digayaa
ama aan idin leeyahay ha moodin in aad gasheen meeshii aad ku harsan laheeden in ayna aheenin
ee meesha aad ku harsaneysan waa dadkiina.
xaga dumarka dumarka kuma fiicna in ay racaan
nin shiisheeya ah why dumarka waa la bedeli karaa oo diinta iyo dhaqankaba.
nabadey walaaliyaal

hadaan qalad ku haleyna iga raali noqdo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
I really love to write Somali in this message but I don't know how to write. I am suprised when I read through all your conflict between somalian men and women. I am 18 years old. I go to high school and it's my last year of school. I love all my people eventhough I heard a lot of bad stuff but still they are my people. My piont is, if someone in love with other foreign person it is fine I guss because it's there choice. In my own opinion, I never have a boyfreind in my whole live. I had lived this country all most in my whole live but I never act stupid. I am proud of who I am, where I came from and the religion I am belong to. All these are very important te me. I don't think someone could presuade me to something else. I trust my hear. That is what somalis have to do. Don't change your personality and think about the future of your kids and your country. What will be like somalia after 10 more years. Help your people who need help and please don't forget who you are "African" I always say to somali that is meet on the steert "Asalamu calaykum warahmatulaah wabarakatuh" Some people ignore me other receive the greating. Well, all peole are not same, but if we work out togather we can solve our conflicts. I guss it is a time for women president. Everything that had happend was men fault. I hope I will be the first somalian femal president.
Have a wonderfull and peace day!!!
Somlian sister!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmedmire

Unrecorded Date
asaalumucalaykum waraxmatulahi wabarakatuhu;
waxaan u jawaabayaa gabadha la dhaho amaran
walaal aad ayaad u mahadsantahay fikradaada
wanaagsan ee ka dhiibtay guurka haweenka
ajnabiga ah waan kugu raacsanahay fikradaas
in aan la guursan gabdhaha ajnibga ah iyadoo
la heli karo gabdho somaliyeed waa yaab maxaa
lagu jeclaaday gabdhaha ajniibiga ah. Runtii
aniga ilama quruxbadna arintaas. waxii aan
asiibay xag alle ayey ka ahaatay waxaan gafeyna
naftayda iyo shaydaan.


waa mahadsantaihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qurux boob

Unrecorded Date
war ma anaan yaabin...!!
soomaalidu waa dadka addunka ugu cunsurisan baan maqlay...laakiin waan qirayaa..!!
maalin anoo tareen saaran baan arkay gabar aad u qurux badan ..she was german..marka german girls markaad dooneyso inaad lugaha isugu dhufato waxaa laga bilaabaa ..oh german racist..!!and then they say ..no we are not like that..and then they try to proof something....but she ask me where you from and i said from somalia...oh ..ma dadkii caddaanka gaaleyda ugu yeerayey xishood la'aantaa ..macallinka adaa naga daran!!...soo gaabi sheekada naagi waa naag tii ku jeclaata intey ku jeclaato baa la jeclaadaa..loomana kala eexdo..waliba waxaa ugu fiican middaadan luqadeeda fahmeyn kolaad iska qososho..!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Unrecorded Date


By Harar on Monday Jun 28

Walaalayaal aad baad umahadsantihiin,waxay aniga
ila muuqataa guursashada gabadh an soomali ahayn
Gabaldhac iyo Geedo jiidh taasoo aan ooga jeedo
1-waxaad kala haysataan laba dhaqan oo kala dudwan
si kasta ood isu jeceshihiin kugu dulqaadan may-
so waxyaala badan oo gabadha soomaalidu ay kugu dulqaadan lahay ,ama aad iduguaba ugudulqaadan,sida hadii waalidka iyo walaalahaa
oo kuuyimid ama qaeabadaada kaleba tasoo lagama maarmaar ah dahaqanka soomalida iyo xaga diintab
iyo waxayaalo badan aanan halkan kusoo koobi karin,koleey anigu gabadh aan soo maali ahayn haba yaraatee wax dareen ah oo iiqabanayaa majiro,
taasna ilaahaybaan ku mahadinaya(xumaan iyo samaan
ba gabadhaha soomaalieed wax lagu doorsan karaa ma
jiro. iga raali ahaada hadaan hadalka idinku dheerayay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra

Unrecorded Date
Nasra
To Mr Nice
AS/calaykum
Waad ku mahadsantihiin Dhamaan
Mr Nice waan kufarxay in aad tidhi sidaas aniguna
waan kugu raacsanahay waxaanan rajaynayaa In
Illahay isiyo wiil adigookale ah
Somaalida waa dadqudha oo isjecel oo diin iyo
Iimaan lah Ilaahyna wadankeena ha inoo hagaajiyo
walaal waxaan ahay Ardayad waxaanan ku noolahay
wadanka Maraykanka.


Macalsalaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Akhiyaarta dhamaantiin Salaan......

Ahmed Mire waad mahadsantahay walaalkiis
run ahaantiina waxaan dhihi lahaa

gabar soomaaliyeedeey wiil soomaaliyeed wax kuudhaamo maleh wiilaloow idinkana sidoo kale


qofkii la celin waayo maahoo..? hala daayo haka wardoonaane

soo joog ninkii laga waayo soo jiifo aa laga helaa

byee wixii qaladna cafis dhamaantiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein ahmed gerreh

Unrecorded Date
by gerreh on monday 12/7/99


asalaamu calayku dhamaan akhyarta uu fikiraysa dalinta somalieed
to amran
waxan oodanlaha ragasomalieed een wali gursan waxa kacabsiyay haweenka somalieed qarko siba kuwa kunool dalalka heeryurubta kolkay is afdaafan ragooga waxay samaynayan eeah 999 iyo bacdamadu ee debeda losodigayo amran walal ta xalmauhaysa waxankalo racilaha raga waxasaran labo wajib kolkalaego gurka dinteenu waxay bananaysay niinku inu gursankaro gabadh kristan ah
uu rasulkenu (csw)hadis u kuyidhi ninka
qofsomuslimiya wukakhayr badan yahay ninka boqol halad oo geel ah haysto
amran waxad eegta walashada cad ee nartakujirta

waqtiga ii samixiwayay ee figrado kaleh wan qabaa
salamucalaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANISO

Unrecorded Date
ABAYO ANISO MARKA HORE WAATSALAAMANTAHAY MARKA AAN AQRISTAY ERAYADAADA MACAAN AAD SOOQORTAY AADBAAN ULADHACAY LAAKIIN MARKA AAN KAHADLO DUMARKA SOOMAALIDA WAXSIDAA FAAIDO WEYNAYLEEYIHIIN MAJIRAAN SABABTOOAH UMAFIICANA WIILASHA SOOMAALI LAAKIIN MARKA AYARKAAN QOF AJNABI AH WEYUQOSLAANO WAXAY RABAAN AYAAKASAMEYSTAAN MARKA HALAYAABIN WIILASHA SOOMAALIDA EERAADSANAYA AMALASAXIBAYA GABDHAHA AJNABIGA IAM KHASIM FROM DANMARK WAXAANKAASUGAA WAAJAWAB

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*****Caleykum

Hussein Ahmed mahadsanid walaalkiis
marka xigta run ahaantii sida aan u fahmey qoraalkaada waa runtaa oo gabdhaheena kuwo badan ayaa markey soog galeen waddamada westernka qalad kafahmey Numberka 911 aniga run ahaantii si kastoo loo xumeeyo gabar soomaliyeed kulama talin leheen iney wiilsomaliyeed 911 u wacdo sababtoo ah waa wiil walaalkeed ah marna ninkeeda hadii ay is af fahmi waayaan hakala tagaan maxaa xirid iyo 911 u yeerid keeney...?

Tan kale ee aad tiri Nabiga c.s.w. wuu u baneeyey ragga iney guursadaan gabar kristian ah waa runtaa walaalkiis balse dhibta taagan waa hadii aad is af garan waydeen tii somalinimada ku wadaagtey islaamkana kula eheed, dhaqankeedana aad taqaaney sideed isku afgaraneysaan middaan aad meeley u socoto iyo meeley kasocoto aadan aqoonin sideedse ku heshiineysaan hadii guriga ay ayadana si gooni u maamuleyso (dhaqankeda) adna aad si kale u maamuleyso (waa habsomaliyede)

intaas ayaan uga baxay wixii qaladna cafis

byee dhamaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mire

Unrecorded Date
As/calaykum dhamantiin;
Waxan rabaa inaan hal kalmad ah u sheego amran
Walaal wxaad ka hadlaysaa gabdhaha yay yar ee
Hada qarkood ku hanaqadeen wadamada shisheye iska
Daaye waxanu aragnay hooyayin u wacaya ninkodii
police hadana oranaya ninkani waa saxiibkay mana
Rabo inuu ila joogo.
Marka ilahay ha inoo asturo ceebteena la is ma
Dhaamee eebow na cafi waxii aan gafay waa nafta-
Yda iyo shaydhaan waxii aan asibay waxay ka sugn-
Aadeen alle subxanka ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aniso C

Unrecorded Date
TO KHAASIM:

Aboow waa ku salaamay waana mahadsan tahay. Aboow waxaad ka hadasha gabdhaha soomalda oo dhan walaal kuligeen ilaaheey isku mid nagama dhigin mid walban caqli gooni ah ayeey leedahay marka aboow kuligeen ha isku keen simin wiilasha ajnabiga kuwa aad arkeeysid oo rabana nibanka gaalada ah aboow ilaaheey hadeey aqoon lahaayeen diinteenana ku dhaqmi lahaayeen ma umaleeynaao ineey saas fali lahaayeen marka makula quman tahay in eey wiilasheeni naagahaas oo kale ku daydaan kii fakaraaya waxu raadsan lahaa gabar walaashiis ah hadeey gabdhihi xumaadeenah ineey wiilashina naga xumaadeen maa ha anaki wiilasha soomalida kaliya jecleeyn ayaa cidlo ku soo haraya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum

Dhamaantiin Salaan Kadib

Mire waa runtaa walaalkiis gabdhaha yar yar kaliya maahee way jiraan hooyooyin waaweyn oo waxaas ku dhaqmaya laakiin waxaad xisaabta ku dartaa maangaabnimadu yaraan iyo waynaan midna malaha qofku aqligiisa haduusan ku xisaabtameynin ha yaraado ama ha waynaado wax aan wanaagsaneyn ayuu sameyn sida number wicidda iyo ninkeeda iney dhahdo waa saaxiibkey iyo wax lamid ah marka ilaahey dadkeena hanoo toosiyo walaalkiis wax

Aniso salaan kadib sis
runtaa waaye dadkoo dhan mawada xumo mana wanaagsanana in laisku qabo waan kugu raacsanahay taas sis

byee dhamaan wixii qaladna cafis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaltuun Ahmed

Unrecorded Date
Kuligiin Waad salaamantihiin,

Waxaan doonayaa inaan ra'iyagaga ka dhiibto guurka raga ama dumarka soomaliyeed ay ajanabi guursanayaan. Sheekadani waxay aad u soo baxday intii ay soomaalidu wadankoodii hooyo ka soo baxeen oo ay dad qalaad soo dhex degeen. Runtii waa tiiraanyo inuu ninka soomaaliyeed ama gabadha soomaaliyeed ka weeydo soomaali/soomaliyad ay iska helaan deegaanka ay markaa ku nooshahay ,ha noqdo mid carbeed, mid reer galbeed, umada Ilaahay i.w.m. Markaa dantu waxay ku kalifaysaa inuu guursado ama ay guursato qofkii ay markaa is fahmi karaan xag diineyd iyo xag dhaqanba oo ay markaa iska helaan oo uu qofku ku qanacsan yahay.

Makaa waxaan ku soo koobayaa hadalkayga, ragga iyo dumarka soomaaliyeed khalad midkoodna malaha, duruufta deegaanka uu ku nool yahay ayaa qof waliba xukunta, waxa keliya oo muhiim ah inaanay marnaba ilaawin iimaanka ay u qabaan dhaqankooda iyo diintooda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali

Unrecorded Date
alsamu alykum
ma maqsheen samiira gabdhaa soomaliyeed ee abuudabey ajbnabiga raaci jirtay sheekadeedu waxy ku dambeysay in bidoodkii film ka duubeen iyagoo isu daba maray carabtiina jeedal iyo msafuris.
waa digniin tii wax ku qaadanaysa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lamayaqaan

Unrecorded Date
Walaalloyaalow dhamaantiin waan idin salaamay.
Dhabahaan waxaad mooddaa inaydaan fahmin waxa sababay dhibaatada kala boodka habllaha soomalida sheeganaya iyo wiilasha somalida sheeganaya ee weliba guurdoonka ah. Runtii way adagtahay haddaad istidhaaho guurso inaad dhibaato la'aato, waxayse runtu tahay in habllaha somalida hadda looyaqaan dhibaato badanyihiin sida koley aniga iga soo martay markaan guurdoonka ahaa. Tusaale haddaan idinsiiyo waxaan bilaabay in hawada guurku idhaqaajiso 1991, anigoon runtii markaa magaalo joogin, wakhtigii udhaxeeyey muddadaa iyo 1997, habllaha aan isku luuqadda kuhadallo ee aan guur xalaala weydiiyey way kabadnaayeen 25, muddada aan mid walbaba kulumiyeyna waxay ahayd ugu yaraan laba(2) bilood. Iyagoo qaar soddon dhaafay ayey hadda kala jogaan carabta, Paakistan, iyo Ethiopia, kuwo badanna ilaahadda maba ogi meelay ku suganyihiin, Dhallinyaronnimo, aqoon ddiineed iyo mid aduunyana iyo maal midnna iyadoon la igu dhaliileyn; haddaba Alaaha macbuudka ah yaan idinku dhaarshaye wada dhalasho miyaa jirta ileen waxaasaa ragii ila midka ahaa ee weli doobabka ahaa haysata'e?
Fadllan gar eexo hanaqinee daaya dadku ha idinka qadhaabtoe.
WAan kabaxay.
Wajazaakumu - Allaahu khayraan jazaa'an.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.